Tirada hablaha ku biiraya jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa kordheysa, sida ay sheegeen maamulka Jaamacaddaas.
Cabadalla Axmed Maxamed Sancad, oo ah madaxa diwaan galinta jaamacadda ayaa sheegay in sanad walba ay kororto tirada gabdhaha jaamacadda iska diwaan gelinaya, “Sanadkii 2011-2012 tirada hablaha waxay ahaayeen 64, 2012-2013 waxaa is diiwaan galiyay 151, sanadka 2013-2014 waxaa is diiwaan galiyay 205, guud ahaanna waxaa hadda dhigta jaamacadda 522 hablood,” ayuu yiri.
Cabdalla ayaa sheegay in jaamacaddu ay gabdhaha u qoondeeyaan waqti gaar ah, sida waqtiyada ay fursadda u hayaan inay wax bartaan oo ay howlaha guriga iska soo dhammeeyaan, isla markaana ay ka rawaxaan jaamacadda xilli fiican oo ay gurigooda gaari karaan, si ay uga nabad galaan tacaddi lagula kaco, taasna ay ka mid tahay waxyaabaha ku dhiirri geliyay hablaha inay kusoo biiraan jaamacadda.
Wuxuu tilmaamay in sidoo kale kororka tirada hablaha ay sabab u tahay waaliddiinta oo fahmay inay gabdhahooda wax baraan iyo gabdhaha oo hela fursado shaqo, in ka badan inta ay ragga helaan.
“Hay`adda socdaalka ee IOM oo jaamacadda gacan siisa, ayaa sanadkii hore shaqo-abuur u sameysay 15ka arday ee kaalimaha sare galay, waxaana ku jiray toddoba hablood, taasina waxay ku dhiirri gelineysaa gabdhaha kale inay ku daydaan asaaggood,” ayuu yiri Cabdalla.
Xaliimo Saalax Xasan oo ah hooyo dhigata kuliyadda horumarinta bulshada iyo hoggaaminta, sidoo kalena ay jaamcadda la dhigtaan saddex hablood oo ay dhashay, ayaa Ergo u sheegtay in wax baridda gabdhaha ay tahay mid muhiim u ah bulshada.
“Maanta gabdhaha waa tiirka bulshada, inta burburka uu dalka ku jiray waxaa lagu baxsaday waa gabdhaha, waxaa jira gabdho dugsiyada sare ka baxay oo guryaha iska jooga, una halqan taagaya inay tahriibaan, marka waxaan ku dhiirri gelinayaa hooyooyinka ila midka ah inay gabdhahooda kusoo biiriyaan jaamacadda, si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha berri,” ayay tiri Xaliimo.
Xaliimo ayaa sheegtay inay ayada iyo gabdhaheeda shaqeeyaan qayb ka mid ah maalintii, sidoo kalena shaqada guriga ay u degsadeen jadwal u gaar ah, oo aysan waxbarashadu saameyn ku yeelan.
Fadxi Cabdiraxmaan Maxamuud oo ah wiil dhigta qaybta cilmiga kumbiyuutarka, sanadkii 4aadna maraya, ayaa sheegay in fasalka uu dhigto ay u badan yihiin gabdho, ayna kaga horreeyaan wiilasha dhanka aqoonta.
“Inta badan fasalladaan soo maray, waxaa u badnaa gabdho, dhanka tayada waa hablo aad u firfircoon, wayna nagaga horreeyaan ayaan dhihi karaa, mararka qaar waxaan fahmi weyno ayagaan kula noqonnaa oo aan weydiinnaa,” ayuu yiri Fadxi.
Cabdikariim Olol/FM









