Maamulaha cisbitaalka guud ee magaalada Garoowe Dr Cabdisamad Axmed Jaamac ayaa sheegay in Bishii September ee la soo dhaafay ay cisbitaalka Garoowe ku dhaleen haween gaaraya 124 oo 30 ka mid ah dhaleen carruur mayd ah taasoo uu sheegay inay tahay tiro aad u badan.
Wuxuu intaa ku daray in arrintan loo aanaynayo hooyooyinka oo xilliga uurka ay yihiin aan helin daryeel caafimaad oo qaarkoodna ay tagaan goobaha caafimaadka marka u qabto xanuun daran balse aan hubin caafimaadkooda guud iyo kan ilamaha midna, waxaa kaloo kaloo jira in wacyigalintu ku yartay dumarka.
Dr Cabdisamad ayaa sheegay in inta badan haweenka dhala carruurta maydka ah ay yihiin haweenka barakacayaasha, kuwaa reer miyiga ah iyo dumarka ku nool tuulooyinka fog fog ee aan lahayn xarumo caafimaad inkasto ay jiraan kuwa ka yimaada magaalooyinka waaweyn.
Dr Cabdisamad ayaa Radio Ergo u sheegay in ilamaha qaarkood ay ku meydaan caloosha hooyada, taasoo loo baahan yahay in lala socdo oo wax laga qabto islamarkaasba, waxaa hadda cisbitaalka Garoowe lagu kordhiyey qaybta daryeelka hooyada uurka leh iyo dhallaanka oo bilaasha ah si dumarka loogu fududeeyo adeegga caafimaad ay u baahan yihiin.
Baxsan Axmed oo ah madaxa urur ka sheqeeya arrimaha cafimaadka oo la yiraahdo Badbaado, ayaa haweenka ku dhiirigalinayasa inay tagaan goobaha MCH-yada oo leh adeeg bilaasha ah oo loogu talagalay in lagula socdo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, waana lama huraan in la yareeyo ilama ku dhalayana meydka lana ogaado sababaha keenaya Ayey tiri.








