Inta la xaqiijiyey shan carruura ah ayaa shuban biyood,nafaqo darro iyo macaluul ugu geeriyootay toddobaadkii tagay tuulooyin dhawr ah oo ka tirsan degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo.
Degmada Buur-dhuubo iyo deegaannada hoos taga ayaa muddo lix bilood ah go,doon ahaa,mana jirto wax gar-gaar caafimaad ah oo soo gaaray,hay’adaha samafalka waxay sheegeen in ammaanka awgi aysan tagi Karin degmada Buur-dhuubo iyo tuulooyinka hoos taga,sida uu Ergo u sheegay Xaaji Ladane Ismaaciil oo ah Gudoomiyaha Gudiga Caafimaadka degmada Buur-dhuubo.
Wuxuu sheegay in kormeer ay ku tageen tuulooyinka kala ah,Muuri,Qeydo iyo Huufey ay ku ogaadeen in 5 carruur ah oo da,adoodu ka hooseyso 7 sano ay u dhinteen shuban biyood,nafaqo darro iyo macluul, kuwa kalana ay la jiifaan gudaha magaalada iyo tuulooyinka kadib lix bilood oo aysan helin wax dawo ah.
Waxaa jira dawooyin ay iibiyaan ganacsatada balse dadku ma awoodaan inay ka taan taasna waxay sii adkaysay xaaladda caafimaad ee dadka barakacay.gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobollada ay sida aad ka ah u saamyeen colaadaha iyo abaaraha isbiirsday ee ka jira Soomaaliya.
Axmed Saalixi/FO









