Dadka ku nool deegaanka la yiraahado Abaay-dhaxan ee deegaanka Jaziira oo magaalada Muqdisho u jirta 17 KM oo ah kalluumaysato, ayaa dalbanaya in loo sameeyo xarun caafimaad oo ay ka helaan adeegga caafimaad ee aasaasiga u nolasha.malaha Isbitaal, MCH iyo farmashi.dadka ku nool deegaanka Abaay-dhaxaan ayaa lagu qiyaasaa 100 qoys.
Haweenka ayaa xilliga dhalmada la kulma dhiig-bax waxaana loo qaadaa magaalada Muqdisho.Nuurto Mayow oo ah hooyo leh 7 carruur ah ayaa tiri markaan foolanayno waxaan aadnaa Muqdisho, aniga dhammaan carruurteyda waxan ku soo dhalay Magaalada Muqdisho mararka qaar waxaa suurto gal ah in aan wayno gaadiid oo ah caqabad aad u daran.
Dadka ku nool deegaankan Abaay-Dhaxan waxay noolashoodu ku tiirsan tahay wax soo saarka badda hantida ay haystaan waa doonyo yar yar oo ay ku kulluumaystaan si ay ula soo baxaan nolal maalmeedka.hadda waxaa u daran ee ay u baahan yihiin waa adeeg caafimaad.
Inta badan hooyooyinka ku nool deegaannada aan la hayn adeegga iyo goobaha caafimaad ayaa u dhinta dhiig-bax iyo xannuuno kale.
Cabduqaadir Maxamed/FO









