Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

UNICEF OO MARO-KANEECOOYIN U QEYBISAY QAAR KA MID AH HOOYOOYINKA GOBOLKA BARI

admin by admin
January 15, 2014
in Caafimaadka
0
UNICEF OO MARO-KANEECOOYIN U QEYBISAY QAAR KA MID AH HOOYOOYINKA GOBOLKA BARI
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa Talaadadii ku wareejisay wasaaradda caafimaadka Puntland 70.000 oo mara-kaneeco ah, taasoo loo qaybinayo dadweynaha magaalada Boosaaso. Adeegga ayaa looga hortegi doonaa cudurka Duumada oo sanadihii dambe kusoo noqnoqday gobolka Bari.

Waxaa ka faa`iidaysan doona mara-kaneecada 35.000 oo qoys oo u badan hooyooyin iyo carruur d`doodu ay ka yartahay shan sano, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka oo faahfaahisay habka loo bixin doono adeegga.

“Guri-guri ayaa loo tegi doonaa xaafadaha magaalada iyo meelaha ku dhow.” Ayuu yiri madaxa duumada Puntland, Dr. Cabdikariin Xuseen Xasan oo ka hadlayey kulan ka dhacay jaamacadda culuumta caafimaadka ee Boosaaso.

“Dadka nugulka ah ayaan beegsan doonnaa si ay ka hortag ugu noqoto, khaasatan hooyada uurka leh iyo dhallaanka ka yar shanta sano.” Dr. Cabdikariim ayaa sidaas yiri  “Muhiimaddu waa in la baahi tiro 50% dadka nugulka ah ee u dhow xanuunka duumada.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

15 qof ayaa u dhintay cudurka duumada sanadkii hore ee 2013, marka la eego deegaannada ku dhow magaalada xeebta ah ee Boosaaso. Isla sanadkaas waxaa la diwaan-geliyay 22.000 qof oo cudurka laga daaweeyey, halka dad kale ay ilaa hadda cisbitallada u jiifaan.

Bilihii ugu dambeeyey sanadkii hore ee November iyo December waxaa xanuunka u dhintay saddex ruux, cisbitaallada Boosaaso ayaa la dhigay bishii hore ilaa 100 ruux oo xanuunka qaba, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Cali Cabdullaahi Warsame oo arrintan ka hadlay bishii hore ee ugu dambaysay 2013.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa waaliddiinta Boosaaso ugu baaqday inay carruurta ku hubiyaan inay isticmaaleen mara-kaneecada la bixin doono, waxay ka digeen saraakiisha caafimaadku in la dayaco marada taas oo sahli karta in xanuunku sii kordho.

“Meelaha barakacayaasha iyo danyarta hadda waxaa ka halis badan guryaha magaalada ku yaalla ee leh baraagaha kordhiska ah, sidaas ayaan baaris ku xaqiijinnay.” Ayuu yiri Dr. Cabdikariin Xuseen

Cudurka ayaa si baahsan ugu fiday deegaannada ku dhow Boosaaso, Qandala iyo tuulooyin ku xeeran xeebaha gobolka Bari, isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe ayaa sheegay in gobolka Bari uu sanadihii dambe deris la noqday xanuunka.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM

Previous Post

Gabar 16 jir ah oo la nool Aids oo sheegtay in la takooray

Next Post

UNICEF oo maro-kaneecooyin u qeybisay qaar ka mid ah hooyooyinka gobolka Bari

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
UNICEF oo maro-kaneecooyin u qeybisay qaar ka mid ah hooyooyinka gobolka Bari

UNICEF oo maro-kaneecooyin u qeybisay qaar ka mid ah hooyooyinka gobolka Bari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo