Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

CUDURRO KA DILLAACAY SOOL

Radio Ergo by Radio Ergo
June 11, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXanuunnada Jadeecada, Shuban biyoodka iyo Duumada ayaa soo ritay dad carruur u badan oo ku nool howdka koofureed ee deegaanka Boocame ee gobolka Sool.

Dhakhtar Maxamed Yaasiin Warsame oo madax ka ah xarun yar oo caafimaadka oo ku taal deegaanka Boocame ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in 18 carruur ah oo ku nool tuulooyinka Karingorfod, Fardhidin iyo Boocame uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

Maxamed Yaasiin Warsame wuxuu kaloo sheegay in jadeecada ay sidoo kale ka dillaacday deegaanka oo ay ku nool yihiin carruur aan helin tallaalka cudurrada dilaaga ah ee lixda ah.

Maxamed wuxuu intaa ku daray in cudurka duumada ay aad usoo ridanaysa dadka ku nool tuulooyinkaas oo aan laheyn adeegyo caafimaad oo dhamaystiran.

Warbixinnada gobolka waxay sheegeen in 20 kale oo carruur ah oo 13 ka mid ah ay gabdho yihiin laga helay jadeecada.

Dhammaan carruurta shubanka iyo jadeecada la il daran waxay ka yar yihiin shanta sano. Deegaanku ma leh xarumo caafimaad oo qalabaysan, marka laga reebo xarumo yar yar oo farmishiyayaal ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa deegaanka Boocame ka dhisay guri la qorsheeyay inuu noqdo xarun caafimaad laakiin weli lama qalabayn. Carruurta xanuunsan badidood waxaa loo qaaday goobaha caafimaad oo ku yaal magaalada Garoowe.

Toddobaadkii hore, agaasimaha wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in deegaanno ka tirsan gobolka Mudug lagu arkay kiisas la xariira cudurka jadeecada oo la tuhmayo inay keenaan dad kasoo gudbay dhulka Soomaaliya iyo Itoobiya oo gobolkaas yimid.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/MR/FM

Previous Post

Cadaado: Dad indhoolayaal ah oo cabanaya

Next Post

DHALINYARADU MAXAY KA BARAN KARTAA SYL?

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Jubbaland: Qoysas ka faa’iideysanaya xarumaha caafimaad ee guurguura
Caafimaadka

Jubbaland: Qoysas ka faa’iideysanaya xarumaha caafimaad ee guurguura

July 18, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
Garowe: ku dhawaad 20,000 oo bukaan oo loo qaaday dalka dibaddiisa adeeg la’aan caafimaad awgeed
Caafimaadka

Caafimaad darro iyo dawo la’aan isku biirsaday dadka ku nool Jubbada hoose

June 10, 2025
Next Post
DHALINYARADU MAXAY KA BARAN KARTAA SYL?

DHALINYARADU MAXAY KA BARAN KARTAA SYL?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2025

IDAACADDA 16-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2025
October 12, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo