23 November, 2011 NAIROBI

Dhinaca gobollada Waqooyi Galbeed ee waddanka maysan helin wax roobab ah oo wax tar leh ilaa bishii Oktoobar 2011. Roobabka mahiigaanka ah ee laga cabsi qabo inay keenaan daadad ayaa waxay ka da’ayaan bartamaha iyo koonfurta, inkastoo aysan jirin ilaa hadda wax dhibaato ah oo dadad ah oo ay sameeyaan webiyadda Juba iyo Shabeelle.
Toddobaadkii tegey ee 15 ilaa 21 bishan Nofember, roobab iska caadiya ayaa ka da’ayey bartamaha iyo koonfurta sida Hiiraan, Shabeellaha Hoose, jubbada dhexe iyo hoose, laakiin dhinaca waqooyi ee waddanku wuxuu ahaa mid qalalan siday tibaaxayaan warbixinaha saadaashu.
Heerarka webiyada ayaa sare u kacay waxayse ka hooseeyaan heerkii ay daadadku sababi lahaayeen.
Saadaasha roobabka la filayo toddobaadka soo socda ee 22ka ilaa 28ka Novembar ayaa tilmaamaya in gobollada shabelooyinka iyo jubbooyinka laga filayo roobab mahiigaan ah, iyadoo gobollada waqooyi roobab aan badnayn heli doonaan.
Marka laga soo tago roobabka la la saadaaliyey toddobaadyada soo socda iyo jiritaanka xaaladaha qoyaan ee ciidda ayaa waxaa ka jirta cabsi fatahaad sababi karta daadad oo ka dhacda marinnada webiyada shabeelle iyo Jubba, iyadoo qararka webiga shabeelle oo aad u jilicsani yihiin kuwaasoo keeni karaa inuu webigu sameeyo fatahaad..
Saadaashaan waxaa idin soo gudbisey hay’adda cuntadda iyo beeraha ee FAO mashruuceeda SWALIM










