Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hanjabaadihii Kenya oo keenay welwelka barakac ku yimaada kumannaan qoys

admin by admin
November 3, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Hanjabaadihii Kenya oo keenay welwelka barakac ku yimaada kumannaan qoys
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDhowaan ayaa dowladda Kenya ku hanjabtay inay dhinaca cirka ka weerari doonto magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, waxayna ugu baaqday inay dadka rayidka ah ka fogaadaan magaalooyinkaas.

Xaaladahaan iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaan dadka ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala geddisan, weriyaheenna Maxamed Axmed Ilkacse oo socod ku tegey maalintii shalay ahayd goobaha xuduudka Soomaaliya iyo Kenya wuxuu ku soo arkay boqollaal dad ah oo dadkoodii ay soo kala firxadeen.

Dadka uu Dhoobley ku arkay ayaa waxay u sheegayaan in ay jiraan dhibaatooyin badan oo is biirsaday oo ku qasbay inay guryahoodii ka cararaan, qaar waxay sheegayaan in abaarhihii xilliyadii la soo dhaafay ku dhuftay deegaannada koonfureed ee wadanka ay ku caydhtoobeen, qaar kalena waxay sheegayaan inay cabsi ay ka qabaan in duqayn loo gaysanayo magaalooyinkooda ay uga soo hayaameen guryahoodii.

Degmada Dhoobley ayuu ku soo arkay dad dhowr ah oo ku sugan kuwaasoo u badan dad xoog leh kase yimid dadkii maatada ahaa, waxayna sheegayaan in dadkoodii ay la xiriireen aysan awoodin inay ka baxaan magaalooyinka hadda dawladda Kenya sheegtay inay bartilmaameedsanayso, ma jiraan wax gaadiid ah oo wakhtigaan magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Baardheere uga soo baxa dhinaca xuduudka Kenya. waxa keliya ee dadku ay soo raacaan waa gaari dameerro kuwaasoo iyana masaafo dheer aan socon karin, dhibka ugu badanna waa iyagoon haysan gaadiid ay raacaan dadku siday sheegyaan.

Qof Radio Ergo kala hadlay magaaladda Kismaayo kana gaabsadaymagaciisa ayaa sheegay in dad u badan beeralaydii deganayd Gosha ay bilaabeen inay ka guuraan magaaladda iyagoo aadaya dhinaca waqooyiga magaladda, waxaa kaloo jirta ayuu yiri cabsi mase jirto meel ay u qaadaan iyo waxa dhici doona, dhinaca ciidamadda ka soo gudbay xuduudaha ayuu sheegay inaysan cabsi hadda dadka maamula Kismayo ay ka qabaan in lagu soo galo guddaha magaaladda.

Waxayna dadka qarkood xaqiijinayaan inaysan badanaa hanjabaadda Kenya uga baxayn guryahooda ee duruufaha kale ee ay keeneen dagaallada daba dheeraaday sida faqriga, shaqo la’aanta iyo niyad jab ka haysta hannaan siyaasadeed oo ka hana qaada deegaannadooda, waana waxa keliya ee ku qasbaya kumanaanka qof inay hamiga ku hayaan inay ka barakacaan guryahooda.

Haddii waqtigaan duqaymo loo gaysto magaalooyinka waaweyn ayaa waxaa imaan kara barakac baahsan iyadoo magaalooyinka xuduudka ay ka jiraan waqtigaan xaalad nololeed oo aad u adag. Dr. Caydiid oo ah dhakhtarka cisbitaalka guud degmada Dhoobley ayaa xaqiijiyey in hadda uu ka dillaacay deegaanka Dhoobley cudurka Daacuun Caloolaha, waxaana hadda dadka la tacaalaya dhakhaatiir Soomaaliyeed oo si iskood ah oo samafal ah isu xilqaamay, kana kala yimid wadanka dibadiisa, waxaana hadda nolosha dadka Dhoobley ku haya dhibaato cunto yaraan ba’an oo jirta, waxayna dadku kuu sheegayaan inay mar mar u doontaan cuntooyin ciidamada kala geddisan ee ku sugan deegaanka, waxaa istaagay oo kale ganacsigii dhinaca Kismaayo waxba ugama yimaadaan oo roobabka iyo dagaallada ayaa hakiyey, dhinaca Kenyana waxaa xiray waddooyinkii ka imaan jirey roobab mahiigaan ah.

Dhakhtar Caydiid wuxuu sheegay inay wadaan hab ay dadka ku karantiilaan, si ay u xakameeyaan faafitaanka cudurka, dhakhtarka ayaa sheegay in dagalladii Dhoobley ay dumiyeen cisbtaalka qayb yarina hadda ka shaqayso, agabka uu haysto cisbitaalkuna uusan awood u lahayn inuu wax ka qabto dhibaatadda cudurka daacuunka oo dad badani u jiifaan, waxaa kale oo jira iyana dhaawacyo ay sababeen dagaalladii dhowanahan ka dhacayey agagaarka Dhoobley oo iyana wakhitigaan lagu daaweynayo cisbitaalka.

Weriyaheenna ayaa sheegay inay jiraan hay’ado aan badnayn oo ka shaqeeya Dhoobley, dadka degaankuse waxay tilmaamayaan inaysan jirin wax muuqda oo ay u qabteen dadkaasi.

Dhinaca xeryaha qaxootiga ayuu isaguna weriyaheenna Farxaan Lafoole sheegayaa in dagallada iyo arrimaha ammaanku samaayn xun ku yeesheen xeryaha qaxootiga dadkiina beerka dhulka ku hayaan, waxaana is taagay gebi ahaanba goobihii waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsigii badi ku xirnaa magaalada Kismaayo.

Xafiiska isku dubaridka arrimaha bani’aadannimo ee OCHA ayaa isaguna sheegaya in cooladaha sii socda iyo roobabku hakinayaan sidii loo gargaari lahaa kumanaan qof oo ku nool koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ay cayrteeyeen abaarihii, qaramada midoobay ayaa 20kii July ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka taagan tahay macaluul ba’ani kadib markii abaar darani wadanka ku dhufatay.

Waxayna Qaramada Midoobey sheegtay inay dar dar gelinayso sidii dadku ay tabcan lahaayeen beeraha si kor loogu qaado cuntada la heli karo, waxaase hubaaL ah in hawlgalka ciidan ee Kenya saamayn ku yeelan doono.

Previous Post

Dhibaatooyinka uu sababo guurka xilliga hore ah ee gabdhaha

Next Post

Wareysi ku saabsan dhibaatada ciidamada dowladda Soomaaliya ay u gaystaan dadka ku jira xeryaha barakaca.

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

March 2, 2026
Next Post
Wareysi ku saabsan dhibaatada ciidamada dowladda Soomaaliya ay u gaystaan dadka ku jira xeryaha barakaca.

Wareysi ku saabsan dhibaatada ciidamada dowladda Soomaaliya ay u gaystaan dadka ku jira xeryaha barakaca.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo