Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Goobaha lagu kariyo cunnada bisil ee magaalada Muqdisho oo soo badanaya

admin by admin
November 2, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Goobaha lagu kariyo cunnada bisil ee magaalada Muqdisho oo soo badanaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGoobaha lagu kariyo cunnooyinka bisil ee ay barakacayaashu ku tiirsan yihiin ayaa muddooyinkii ugu dambeysay u muuqda kuwo soo kordhayay, kadib markii ay soo bateen ha,adaha iyo dadka u istaagay inay caawiyaan dadka dhibaataysan gaar ahaan kuwa ka soo hayaamay abaaraha ku dhuftay gobollada Soomaaliya.

Gudaha magaalada Muqdisho, waxaa ku sugan qoysas barakacayaal ah kuwaasoo ay haystaan duruufo xooggan oo dhanka nolosha ah, waxay ku noolyihiin oo ay degganyihiin aqallo ka samaysan baakado iyo baco kuwaasoo aan awood u lahayn in ay ka celiyaan dhaxanta ay wataan roobabka iyo milicda daran ee qorraxda ,haddaba qoysaskaasi oo magaalada kaga nool kaamam ama xerooyin loo bixiyay magacyo kala duwan ayaa waxay isugu jiraan qoysas iyagu ku dhex barakacay gudaha magaalada Muqdisho,iyo kuwa kale oo ka yimid gobollada kuwaasoo ka soo hayaamay abaaraha ka jira gobollada koonfureed ee dalka.

Inkastoo muddooyinkaan dambe ay jiraan gurmadyo bini,aadamannimo, oo ka imanayay dawlado iyo ururro samafal ah ayaa hadana wali waxaaa jirta dhibaatooyin nololeed oo haysta qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah xerooyinka waxaa ka socda oo ka billowday cunno bisil oo loo qeybinayo barakcayaasha ,taasoo qeyb weyn ka qaadatay baahidooda nololeed ee ay qabeen.

“Waxaan maalintii aadnaa kaam lagu kariyo cunno bisil,halkaasoo aan aniga iyo carrurtaydaba ka helno soor iyo misir” sidaa waxaa Raadiyo ERGO u sheegtay Sacdiya Xasanoow oo ah haweeney ka mid ah qoysas ka soo hayaamay Ceel wareegoow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Sacdiya, ayaa intaasi ku dartay in ay haysato saddex carruur ah oo Aabbihii dhalay ay kala tageen “ma jirto cid gacan iga siisa korriimada carruurteyda wixii aan u helo ayaan siiyaa ayay hadalkeeda sii raacisay Sacdiya oo ka mid ahayd dad safaf dhaadheer ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen cunno bisil.

Goobta lagu qeybinayay raashinkaasi bisil waa goob saxmad badan, badanaa dadka safafka ugu jiray helidda raashiinkana waxay u badnaayeen carruur iyo haween.

mid kamid ah carruurtii ku jirtay safafka loo galayay cunno qaybinta oo uu Raadiyo ERGO weydiiyay halka ay waalidkii aadeen ayaa sheegay in hooyadii ay tahay umul isla mar ahaantaana ay isaga u soo dirtay in uu soo qaado raashiinka.

Cali-nuur waxa uu ka mid yahay ma suuliyiinta mid kamid ah kaamamka lagu kariyo cunnooyinka bisil waxa uu isna Radio Ergo u sheegay in maalintii ay hal galin bixiyaan cunnada bisil isagoona sheegay in jikadaas ay ku nool yihiin oo ay maalin waliba yimaadaan illaa in ka badan 300 oo ruux kuwaasoo u badan carruur iyo haween ka mid ah qoysaska barakcayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada dharkenleey.

Previous Post

Askari barakacayaal ku rasaaseeyay xerada Rajo ee magaalada Muqdisho

Next Post

Qiimo koror ku yimid xoolaha lagu iibiyo seyladda Garowe

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley roob yari iyo bacaad ay saameeyeen oo ku barakacay Shalaanbood

March 9, 2026
Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Warbixin ay baahisay Ergo oo ka caawisay dad barakac ah in ay helaan dhul ay leeyihiin

March 6, 2026
Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Nolol xumo ku dhacday beeralayda Caluula markii ay biyo la’aan uga qalaleen dalagyada

March 4, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

March 2, 2026
Next Post
Qiimo koror ku yimid xoolaha lagu iibiyo seyladda Garowe

Qiimo koror ku yimid xoolaha lagu iibiyo seyladda Garowe

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo