Wararkii u Danbeeyay Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe
(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo wajahday qoysaska afar boqol oo bare oo ku nool Garowe iyo tuulooyinka hoos taga, markii iskuullo ay wax ka dhigi jireen ay qaar xirmeen, kuwana ay dhimeen tirada macalimiinta.

Jaamac Maxamuud Axmed oo ka mid ah wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah uu awoodi la’yahay qoyskiisa oo 9 ah, kaligiisna ku tiirsan.

Ninkaan oo ka mid ahaa barayaasha iskuulka hoose dhexe ee Waaberi ee magaalada Garowe ayaa xusay in uu ka mid noqday macalimiin shaqadooda waayay, dhaqaala yari iskuulka soo wajahday darteed.

Waxaa meesha ka baxday $200 oo ahaa mushaarkiisa bisha. Dhaqaalahaas ayuu ku dabari jiray cunnada, biyaha, kirada iyo waxbarashada carruurtiisa. Wuxuu xusay in baagamuudo-nimada soo wajahday awgeed uu hadda cunno ku filan u awoodi la’yahay reerkiisa.

“Hal mar ayaan dabka shidana maalinkii. Wixii Illahey na siiyo ayaan dabka saarana. Ehel, asxaab ama daris aan caawimaad ka dalbano ayaan ku tiirsanahay. Cunno xumada carruurtayd culays aad u wayn ayay igu haysa.”

Jamaac ayaa sheegay in uu ahaa macalin ardayda u dhiga luuqadda Ingriiska. Dhanka kale baahiyaha kale ee reerkiisu wajahayaan waxaa ka mid ah biyo yari.

Waxay ku tiirsan yihiin jirgaan ama ka yar oo ay ka helaan dadka nolol dhaama dhaqaale ahaan. Wuxuu xusay in uu ka faro maran yahay $0.4 oo ay jirgaankii iibiyaan baraago gaar loo leeyahay.

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa dhamaadkii bishii Ogosto laga soo saaray qol dhagax ah oo ay ku noolaayeen, markii uu awoodi waayay kirada, korontada iyo biyaha oo isku darkooda uu ku bixin jiray $80.

Arrintan waxay ku qasabtay in ka soo guuran xaafada Koowda August oo ay daganayeen uuna reerka geeyo dhul banana oo duleedka magaalad ah. Waxay qoyskiisa halkaasi ka dhisteen cooshad ay ka samaysteen maryo iyo ullo laisku geeyay.

“Kaligay ima saamayn arrintan maclimiin badan oo aan garanaya ayaa shaqo la’aan noqday oo baaga-muudo ah hadda.”

Jaamac oo shaqo la’aan ah muddo 2 bil ah ayaa sheegay in marba marka la danbaysa aya ka sii darayso xaaaladda qoyskiisa. Wuxuu sheegay inmarar badan magaalada ka raadiyay shaqooyin xamaal ah si uu reerka dabka ugu shido hasa ahaate uu ku hungoobay.

Wuxuu ayaa tilmaamay in xaaladdan ay uga waxbarasho beeleen saddex carruur. Wuxuu xusay in uu awoodi waayay $25 oo wax lagu barayay, taasi oo sababtay in laga soo eryo iskuulka.

Ninkaan oo bare ahaa ku dhawaad 10 sano ayaa tilmaamay in uusan waligiisa wax kayd ah samaysan taasi oo uu hadda uu ka shalaynayo.

Iskuullada ay macalimiintooda shaqo la’aanta noqdeen ayaa iskugu jira kuwa gaar loo leeyahay iyo kuwa ay gacanta ku hayeen dowlada Putland iyo hay’ado samafal, kuwaas oo ku yaallay xeryaha lagu barakacay ee Garowe.

Xamdi Cali Axmed oo wax ka dhigaysay muddo 15 sano ah iskuul hoose dhexe oo ku yaallay xerada Shabeelle oo dadkii dagana laga barakiciyay ayaa sheegtay in tan iyo bishii July ay carruurteeda u awoodi la’dahay cunno ku filan.

Haweeynaydan waa barakac xirfada macalinimada ay ahayd waxaa kaliya ee ay masruufkooda ka soo saarta 8 carruur ah oo uu aabbaahood ku dayacay.

“Shaqo la’aanta aad ayay saamayn igu yeelatay. Macalimad ayaan ahaa oo xirafadeeda wixii ay ku hesho ilmaheeda ku maaraysa. Shaqo kale oo aan aqoono ama meel aan shaqo u raadiyo malahan. Cid aan caawimaad ka dalbanayana ma haysto.”

Xamdi waxay sheegtay in tan iyo markii shaqo la’aantu ku dhacaday ay qoyskeedu ku tiirsan yiihiin dayn ay ka qaataan dukaan xaafadooda ku yaalla oo ay horay macaamiil ugu ahaayeen.

Waxay xustay in bishaan uu dhimay raashinkii uu siin jiray isaga oo siiyay min 10 kiilo oo bir bariis iyo sinkor ah.

Wuxuu intaas ku daray in in ay bisha danbe iska bixiyaan $150 oo dayn ah oo lagu leeyahay isaga oo ugu goodiyay in uu ka goosan doono haddii aysan gudin in uu siiyo dayn kale.

Arrintaas ayaa timid markii ay meesha ka baxday lacag $110 oo ahayd oo ay bile mushaar ahaan u qaadan jirtay. Haweeynaydaan ayaa xustay in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan helida biyaha.

Waxay tilmaamtay in adeegsadaan biyo aan ku filnayn oo ay ka soo dawarsadan dadka dariska la ah, maddaama aysan awoodin $0.2 oo ay jirgaankii iibiyaan ceellal riig ah oo gaar loo leeyahay.

Waxay tilmamtay in sidoo kale ay hoy xumo hayso. Wuxuu qoyskeeda ka mid ahaa qoysaskii daganaa xerada Shabeelle ee la barakiciyay.

Waxay tilmamtay in ay ku nool yihiin sandaqad uu dhismiiheedu qabyo yahay wax ay ku dhamaystirtana aysan u hayn, maaddaama ay baagamuudo noqotay.

Waxay xustay in aysan wax musqul ah lahayn oo ay dariskooda ka codsadaan in ay la isticmaalan. Nolol xumada soo wajahday qoyskeeda oo aysan xal u hayn ayay sheegtay in ay walwal kala kulanto.

Burburka ku yimid iskuulka oo wasaaradda waxbarashad Puntland ay gacanta ku haysay ayay tilmaamtay in uu sababay waxbarasho la’aan soo wajahday carruur iyo macalimiin badan oo barakac ah

“Dad barakac ah ayaan nahay awood uma lihin inaan iskuul dhisano. Waxaan codsanayna in iskuul naloo dhiso si shaqadeena u soo labato.”

Carruurta waxbarashada u dhiganayay oo 4 ah waxay ku jireen fasallada lixaad iyo toddobaad. Lacagta ay ku dhiganayay iskuulka ayay xustay in iskudarkeedu ahaa $30.

Dhanka kale Cabdinaasir Yuusuf Xalliye oo ah guddoomiyaha ururka barayaasha gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta ugu wayn ee iskuulladu u xirmayn ay tahay dhaqaale yari jirta.

iskuullada qaar ayuu tilmaamay in macalin yari soo wajahday oo hal macalin lagu qoro in uu ardayda u dhigo labo ama saddex maado, maaddaama aysan dhaqaale u hayan macalimiin badan oo buuxin kara baahidaas.

“Waxaan ognahay in kalmooyinkii hay’adaha calamiga ah meesha ka baxeen oo hadda ma helaan iskuullada tageeradoodii. Waxaan ku talinayna in dowlada Putland ay hoos u eegto daruufaha waxbarashada iyo kuwa macalimiinta. Waxaan soo jeedinayna in wixii kab ah ee macalimiinta la siin karo in la siiyo.”

Guddomiyaha ayaa sheegay in in tan iyo bilowgii sanadkaan ay xirmeen 30 iskuul oo iskugu jiray hoose iyo dhexe, kuwaas oo sababsaday dhaqaale xumada bulshada soo foodsaartay oo uu aaminsan yahay in ay ka dhalatay roob la’aanta iyo colaadaha soo laalaabtay.

The post Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado
(ERGO) – Boqol iyo shan dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoysas iskugu jira danyar iyo barakac ayaa ku filnaaday nolosha reerahooda, markii ay ku shaqo billaabeen xirfado gacanta ah oo bilaash lagu baray.

Billowgii sanadkan Axmed Dable, oo ah nin makaanik ah oo ku nool Cadaado ayaa isku xilqaamay in uu ku baro xirfadda gaadiid samaynta garaash uu ku leeyahay magaalada.

Raggan oo muddo saddex bil uu siinayay qaabka loo cillad-bixiyo gaadiidka ayaa hadda dhammaan ku shaqeeya farsamadaas.

Qaasim Maxamed Cabdi oo ka mid ah ayaa muddo bil ah si joogto ah ugu shaqeeya xirfadda makaanikada, wuxuuna maalinle u helaa ugu yaraan $10.

Wuxuu iskiis ugu shaqeeyaa gaadiidka magaalada, isaga oo ka qaata lacag ka jaban qiimaha garaashyada, taas oo u suuragelisay inuu muddo kooban helo macaamiil badan.

Wuxuu soo kabasho dhaqaale u horseeday qoyskiisa oo 8 qof ah oo kaligiis ku tiirsan.

“Noloshayda hadda waa nolol fiican, Ilaahay baa mahad iska leh. Dabcan, qofka markuu xirfad leeyahay ee uu shaqeeyo iyo markuusan xirfad lahayn way kala duwan yihiin noloshiisa iyo fikirkiisu. Qofku marka uusan shaqaynayn oo uusan xirfad lahayn, caqabado badan ayaa ku imaan kara, hadday tahay noloshiisa.”

Qaasim wuxuu sheegay in shaqadan oo ah tii ugu horraysay ee uu qabto uu ka qaaday dhiiranaan, maaddaama ay wax weyn tartay qoyskiisa. Wuxuu aaminsan yahay in uu sii horumariyo. Wuxuu si joogto ah ugu xiran yahay macallinkiisa, isaga oo mar walba la wadaaga wixii ku adkaada si uu ula xalliyo.

Wuxuu xusay in xirfadda uu bartay ay meesha ka saartay shaqo la’aan uu muddo ku dhib qabay. Wuxuu hadda qorshaynayaa inuu isna sii baro laba wiil oo ka yar, si ay iyaguna ugu shaqaystaan. Wuxuu u arkaa in haddii ay iskaashadaan ay sare u qaadi karaan dakhligooda, illaa heer ay samaysan karaan garaash ay leeyihiin.

Wuxuu sheegay in xirfaddan oo barashadeeda uu ku dhiirrigeliyay wiil ay saaxiibo yihiin uu ka helay faa’iido. Waxa ugu weyn ee mar kasta uu xasuusto ayuu ku sheegay inuu bilaash ku bartay xirfad isbeddel dhaxalsiisay qoyskiisa.

“Qarash markii aanan haysan, anigu waxaan ahaa qof u baahan in wax la siiyo. Marka ma aanan awoodin haddii la yiraahdo intaasoo qarash ah wax lagu baranayo, imaw oo iska bixi. Ma aanan awoodin. Tallaabadii ugu horreysay ee aan qaaday waxay ahayd inaan dadka u shaqeeyo oo aan markii horeba wax u barto.”

Qoyska Qaasim ayaa ka soo barakacay miyiga magaalada Cadaado sanadkii 2025, xilligaas oo daaq la’aan iyo haraad ka dhashay roob-yari darteed ay ku waayeen 50 ari ah oo ahaa halka il ee dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen. Wuxuu sheegay in magaalada oo ay soo miciin bideen ay markii hore kala kulmeen nolol adag.

Wuxuu xusay inay dantu ku qasabtay inay kaalmo weydiistaan qoysas iyaga nolol dhaama oo ay qaraabo yihiin, kuwaas oo aysan joogto wax uga heli jirin. Wuxuu xusay in habeenada qaar ay gaajo ku seexan jireen, taas oo isaga oo curad u ah qoyskiisa welwel ku haysay.

Wuxuu sheegay in hadda uu qoyskiisa ka saaray xero barakac oo ay deganaayeen, isaga oo guri laba qol ah uga kireeyay magaalada. Wuxuu bil kasta ka dhiibaa $30, taas oo ay kaga bexeen biyo-yari iyo hoy-la’aan xerada ku haysatay muddo sanad ah.

Dhammaan qoysaska ay ka soo jeedaan raggan xirfadaha la baray ayaa hadda si isku mid ah u dareemaya soo kabashada dhaqaale. Cabdullaahi Maxamed Ibraahim oo ka mid ah wuxuu xirfadda la baray ku shaqaysanayay ku dhowaad laba bilood.

Wuxuu sheegay in bishii uu tashto ugu yaraan $250, taas oo beddeshay nolosha qoyskiisa oo afar qof ah, labadiisa waalid iyo toddobo carruur ah oo la dhashay oo uu ka masruufo shaqadiisa.

“Adiga nolol fiican iyo horumarka aan hiigsanayay ayaan ka sameeyay shaqadan. Noloshaydii hore iyo tan hadda, haddii aan isbarbar dhigo, midda hadda aan ku jiro waxaan ahay nin xirfad leh, wax bartay, waxna yaqaanna, oo hadda isagu lagu tiirsan yahay. Ilaahay ayaa ku mahadsan.”

Cabdullaahi oo ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee xarunta Dable lagu tababaray wuxuu sheegay in ka hor inta uusan baran xirfaddan uu shaqo raadinayay saddex sano oo xiriir ah balse uusan helin.

Wuxuu aaminsan yahay inay sabab u ahayd xirfad la’aantiisa. Wuxuu sheegay in dhallinyaro badan oo ay isku waqti magaalada soo galeen ay balwad barteen si ay iskaga yareeyaan welwelka iyo nolol-xumada haysatay, balse isagu kama mid noqon da’yartaas.

Ninkaan wuxuu hadda ka shaqeeyaa xaruntii uu tababarka ka qaatay, isaga oo loo doortay kaaliyaha macallinka. Wuxuu maalin kasta tababar siiyaa dhallinyarada cusub ee ku soo biiraya oo ku dhiirigeliyo xirfaddan.

“Dhallinyarada waxaan leeyahay, xirfaddu wax sahlan ma aha. Haddii qofku uu barto, noloshiisa iyo tan qoyskiisaba waa ku dabooli karaa. Qofku inuu meel iska fadhiyo marna kuma talinayo. Qofku waa in uusan isdhiibin oo uu dadaal sameeyaa.”

Cabdullaahi oo ka soo jeeda qoys danyar ah ayaa sheegay in muddo lix bilood ah oo uu shaqaynayo ay reerkooda u tahay noloshii ugu wanaagsanaayd ee ay abid mutaan. Wuxuu sidoo kale waxbarasho ku daray laba bilood ka hor afar walaalihiis ah oo aan weligood duruus qaadan.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale uu qorshaynayo inuu samaysto garaash isaga u gaar ah si uu sare ugu qaado dakhligiisa. Si uu uga dhabeeyo damaciisaas ayuu sheegay in hadda uu bilaabay kayd dhaqaale oo $30 bishii ah. Wuxuu tiigsanayaa inuu gaarsiiyo $2,000.

Dhanka kale, Mahad Dable oo ah ninka dhallinyaradan xirfadaha si bilaash ah u bara ayaa sheegay in ujeeddadiisu tahay in qof walba uu yeesho xirfad uu ku shaqaysan karo, beddelkii uu raadin lahaa shaqo mushaar leh ama uu asaagiis dawarsan lahaa.

Wuxuu xusay in fikraddan ay ku dhalatay sanadkii 2025, xilligaas oo uu arkay dhallinyaro  badan oo ka imanaya miyiga, kuwaas oo doonaya inay caawiyaan reerahooda oo ah xoolo-dhaqato cayroobay, balse aan lahayn xirfad ay ku shaqaysan karaan.

Wuxuu ku tababaraa gawaarida uu farsamaynayo isaga oo siiya casharro buuxa oo ku saaciday inay bilo yar isku filnaadaan.

Inta badan dadka miyiga ka imaanaya ee soo galaya magaalooyinka ayaa wajahaya shaqo la’aan, waxaana ku adkaada inay la qabsadaan magaalooyinka.

Caqabadda ugu weyn ee ay wajahaan waa xirfad la’aanta, balse fursadaha noocan oo kale ah inkasta oo ay naadir yihiin inta hesha haddana waxay u noqdaan fure nololeed.

The post Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
(ERGO) – Cunto yari, hoy xumo iyo dhaqaale darro saameysay ayay wajahayaan boqollaal qoys oo toddobadii bishan dhibane u noqday roob dabeylo watay oo ku dhuftay deegaanka Ceel-gaal oo hoos taga degmada Qandala ee gobolka Bari.

Qoysaskan ayaa ah kuwo ay ku adag tahay in maalinkii ay helaan hal waqti oo cunto ah. Waa musiibo aan laga sii baaraan dagin oo ay ku naf waayeen dad iyo duunyo, isla markaana dumisay bollaal guri.

Waxaa lagu waayay ilihii dhaqaale oo ay ku tiirsanaayeen qoysas danyar ah oo ay ku adag tahay inay ka soo kabtaan saameynta taban ee ay ku reebtay. Cabdimudalib Axmed Maxamed, waa 18 jir ay mustaqbal ka sugayaan siddeed walaalo ah oo ka yar.

Qoyska waxaa u shaqeyn jiray isaga iyo hooyadiis oo geeriyootay, markii uu ku dumay gurigii ay degganaayeen. Wuxuu tilmaamay in hadda aysan laheyn ildhaqaale, ayna ku tiirsan yihiin kaalmo yar oo baahidooda aan dabuuli karin oo uga timaada dadka dariskooda ah.

“Garab la’aan ayaa nagu dhacday. Waxaan hadda isku maareynaa waxay noo keenaan dadka na dhaama ee nagu hareereysan, iyaguna wax badan oo la sheego nooma ay keenin.”

Cabdimudalib ayaa sheegay inay ku nool yihiin aqal cooshad ah oo dantu bidday, markii uu ka dumay hoygoodii oo ka koobnaa labo qol. Wuxuu xusay inaysan hadda heli karin dhaqaale dib loogu dhiso.

Qoyska ayaa ku tiirsanaa goob ganacsi oo lagu gado dhuxusha iyo hilibka cayriin, isaga iyo hooyadiis ayaana wadajir uga shaqeyn jiray. Dhaqaalaha maalinkii ka soo gali jiray oo uu sheegay inuu ahaa $7 illaa $10 ayay ku tiirsaneyd noloshoodu.

Waa da’yar la’ meel uu wax ka billaabo, ayna garabkiisa ka baxday hooyadiis, aabbahiina yahay 85 jir aan shaqeyn karin.

“Awood iyo itaal lama hayo wax Ilaahay keeni doono maahee, waxaa carruurta haya caluul xanuun, waana wax u badan carruurta iyo waayeelka oo magaalada ka jira. Meeshu caafimaad malahan, mana la awoodo in meel kale aan u tagno.”

Cabdimudalib ayaa tilmaamay in dhaqaale la’aan uu uga haray waxbarashada dugsiga dhexe, sanadkii 2023, haddana ay xaaladaas oo kale wajahayaan walaalihiis oo dhigan jiray iskuulka hoose iyo dhexe ee Cumar binu-cabdi casiis ee deegaanka Ceel-gaal, kaas oo ku dumay dabeylaha roobka.

Waa iskuulka kaliya ee deegaanku lahaa, waxaana dhiganayay 300 oo arday. Ma jirto cid ku howlan dhisamahiisa, sida uu sheegay maamulka deegaanka.

Cabdimudalib ayaa sheegay in haddii dib loo dhiso ay wali hor taallo caqabad dhanka dhaqaalaha ah, maadaama aysan awoodin bixinta boqol Doollar oo bishii ay wax ku baran jireen afar walaalihiis ah oo iskuulka dhigan jiray.

Saameynta ka dhalatay roobka dabeylaha watay ma ah mid ku kooban magaalada ee waxay taabatay xoolo dhaqatada iyo dadka ku tiirsanaa xabagta geedka xijigga.

Maxamuud Maxamed Cabdikariim oo ka mid ah dadka ay saameeysay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dabeyshu wax yeeleysay ilihii dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsanaa oo ahaa xoolo iyo xabagta xijigga.

Qoyskiisa oo ku nool miyiga ku dhow deegaanka Ceelgaal ayuu xusay in sidoo kale ay dabeyshu ka dumisay hoygii ay ku noolaayeen.

“Tuuladan wax walba waa qaali oo labolaab ah ayay ka sareeyaan qiimaha ay ka joogaan Boosaaso. Waa tuulo ku taal meel fog oo gaariga ka soo baxa Boosaaso wuxuu jidka ku jiraa labo habeen. Galab hadduu ka soo baxo, habeenka dambe ayuu tagaa.”

Maxamuud ayaa tilmaamay in musiibadan ay uga dhinteen 20 ari ah, sidoo kalana ay dabeyshu ka goysay geedaha xijigga oo xabagtooda uu sheegay inuu ka heli jiray sanadkii ku dhowaad kun Doollar.

Ninkan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa intaas ku daray in dabeyshu ka dumisay guri deegaanka uu ku lahaa oo bishii uu ka qaadan jiray kiro $25 ah.

Maareynta nolosha reerka oo uusan ka warwari jirin ayuu sheegay in hadda ay tahay caqabad uu xalkeedu ku adag yahay. Xaaladan ayuu xusay in qoyskiisa ay dhaxal siisay cunno yari.

“Xoolaha iyo maydiga ayaan ku tiirsaneyn, xoolihiina dee dabeyl iyo abaartaas ayaa ku dhacday. Haddii wax naloo heli karo, miyi iyo magaalada nalooga soo gurman karo waan u baahanahay.”

Maxamuud ayaa tilmaamay in roobka dabeylaha watay da’ayay lix saacadood uu ahaa mid aysan fileyn, xilliga oo jiilaal ah awgeed.

Wuxuu intaas ku daray inaysan soo gaarin digniinaha la xiriira El Nino oo ah roobab dabeyl wata oo saadaashu sheegeyso inay Soomaaliya ka da’ayaan bisha tobnaad ee October illaa dhammaadka sanadkan.

Dhanka kale maamulka deegaanka Ceelgaal ee gobolka Bari ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska dhibaatadu gaartay ay wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah oo ay adag tahay inay ka soo kabtaan.

Shire Cabdullaahi Siciid oo ah guddoomiye ku xigeen ayaa xusay in maamul ahaan aysan hayn waxay ku taageeraan qoysaska dhibban.

Shire ayaa tilmaamay in roobka dabeylaha wata ay ku dhinteen saddex qof,  xoolo gaaraya  saddex boqol, ayna ku ku dumeen 150 guri.

Qiimeyn ay sameeyeen ayuu xusay inay ku ogaadeen in saameyntu ay gaartay saddex boqol iyo konton qoys oo iskugu jira dadka ku nool deegaanka Ceelgaal iyo miyiga ku xeeran, kuwaas oo lumiyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen oo ahaa xoolo, beero  iyo mehrado ganacsi.

“Dadkii hadda waxay noqdeen isku duruuf oo wax badan isma dhaamaan. Dhulka qaar xataa hadda biyo ayaa laga dhaamiyaa oo ma gaarin roobka noo da’ay. Dhibaatooyinka noocaas ah oo awood aan loo hayn ayaa jira.”

Wuxuu intaas ku daray in musiibadan ay ku soo beegantay xilli adag oo aysan xoolo dhaqatadu ka soo kaban abaaro iyo jiilaal nacfi tiray xoolaha.

The post Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
(ERGO) – Qulqulka dadka biyo doonka ah ee subax walba ka jarmaada dagmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa joogto noqday 3 bil ee u danbeeyay, markii ay qalaleen ceelal-gacmeedyadii ay ku tiirsanaayeen. Waxay u lugeeyaan ceel la dhuro oo u jira magaalada 8 km.

Biyaha ceelkan waxay u galaan safaf dhaadheer, waxaana qof kasta filashadiisu ay tahay helidda dhowr liitar oo biyo ah, balse dadka qaar ayaa dib uga soo laabta mararka qaar iyaga oo faro maran, saxmadda ka jirta ceel oo badan awgeed.

Dadka caqabadda biyo helidda la daalaadhacaya waxaa ka mid ah Nuurta Xasan Ibraahim oo ku nool Buurxakaba. Galinka hore ee malintii ayay ku qaadataa in ay hesho 15 liitar oo biyo ah, waxaana ay beeqaamisaa biyahaas oo si adag ay ku hesho.

Waxay sheegtay in maalmaha qaar ay ku soo hungowdo helidda biyaha. Ceelka oo sii biyo yaraynaya ayaa kuwada filnaan waayay dadka u soo aroora. Xaaladdaas ayay xustay in ay la kulanto ugu yaraan seddex mar oo ka mid ah toddobaad walba.

Maalmaha ay soo hesho ayay tilmaamtay in ay dhibaato badan ka marto soo qaaditaanka biyaha. Waxaana taas u wehlisa in dadka awooda ay ka codsato in ceelka ay biyaha uga soo saaraan.

“Aniga dhabarkeyga ayaa ku raadsadaa, meesha markii aan tagana waa ka tuugsadaa haddana waa la soo baxaa intii awooddayda ah, haddana lug ku imaanaa. Hal saac iyo bar ayaa loo soconaa biyahaas. Qof dameer wata ayaa kaa horeeya, mid mooto wata ayaa kaa horeysa. Jirgaankaaga ayaad ku fadhiisanaysaa inta mootaalayda ay shubanayaan.”

Nuurto waxay xooggeeda iyo waqtigeeda oo dhan iskugu gaysay sidii qoyskeeda oo 10 ah ay u haraad tiri lahayd, taas oo saamayn ku yeelatay shaqooyin dhar-dhaqista, nadiifinta xafiisyada iyo isbitaallada iskugu jira oo ay subax walba u kalihi jirtay.

Shaqooyinkan inta badan waxaa la qabtaa subaxa hore, balse Nuurto waxay door-biday in galinka danbe ay aaddo, markaas oo ay ka soo laabato socdaalka biyo doonka ah. Waxay xustay in dadkii ay u shaqayn jirtay ay ka maarmeen daaheeda darteed.

Waxay sheegtay in dadka qaar ay siinayaan raashin dayn ama sadaqo ah, balse aysan marna ka helin biyaha oo ah baahi si guud uga wadajirta Buurxakaba, taas oo ku qasabtay in ay waqtigeeda ugu badan galiso heliddooda.

Waxay ku maaraysaa qoyskeeda kiilooyin boorash ah oo laga soo siiyay billowgii bishan isbitaal ay shaqo nadafadeed ka qaban jirtay ka hor biyo yarida. Maamulka xarunta caafimaad ayay la wadaagtay howsha ku soo korortay iyo cunno xumada haysa.

Maalmaha qaar dad dariskeeda ayaa soo waca iyaga oo ku wargaliya in ay u hayaan shaqo dhar-dhaqis ah oo lacag yar ay ka hesho sida ay sheegtay.

“Haddii la tiraahdo; guri ii dhaq waan u dhaqaa. Haddii aan wax ka helo sida kiilo bariis ah ama $1, lacagtaas ayaan carruurta ugu soo gadnaa caanaha garoor ah. Haddii aan waxba helinna waan iska seexanaynaa. Hadda toddobadii saac ayaa la joogaa xitaa 25 senti ima soo gelin. Maxaan sameeyaa?.”

Carruurteeda ayay sheegtay in ay ka cabanayaan gaajo, iyaduna aysan waxba u qaban karin. Boorashka oo gabaabsi ka sii ah ayay xustay in uusan ku filnayn carruurta haddii ay dabka u saarto, waxaa intaas u dheer iidaan la’aan.

Waxay sidoo kale dhibaato ku qabaan cabidda biyaha ay ka keento ceelka la dhuro, kuwaas oo aan nadiif ahayn. Waxay sheegtay in ay kululayso si ay jeermiska uga disho, kadibna ay qaboojiso iyada oo dhigta meel hoos leh.

Nuurto carruurteeda saddex ka mid ah waxay waxbarashada ka hareen bishii Julay, markii ay bixin waysay lacag ay iskuulka ku dhiganayeen. Waxay markii hore ku bixin jirtay lacag ay dhigaal-sanaysay, kuwaas oo qayb ka ahaa lacag $6 oo ay maalinle uga heli jirtay shaqada nadaafadda.

Dhibaatada biyo yarida ee ka jirta Buurxakaba ayaa si guud u saamaysay dadka ku nool. Waxaa biyo la’aan noqday saddex ceel oo 20,000 oo qoys ay ku tiirsanaayeen, kuwaas soo ku kala nool Buurxakaba iyo 40 deegaan oo hoostaga sida ay sheegtay SOS Children’s Villages oo samaysay xog aruurin.

Maxamed Axmed Maxamed, oo ah Isuduwaha Mashaariicda Caafimaadka iyo Nafaqada hay’addan ayaa sheegay in biyo yarida ay ka dhasheen cudurrada faafa, maaddama dadka ay dantu biday in ay cabbaan biyaha ceelasha la dhuro, kuwaas oo aan nadiif ahayn.

Wuxuu xusay in ay ku howlan yihiin daawaynta dadka cudurro shubanka uu ka mid yahay ay soo riteen, kuwaas oo ay ku hayaan xarumo ay u diyaariyeen.

“Celcelis ahaan bil walba waxaa la daawayn jiray 35, 36 ilaa 40 qof. Laakiin markii la soo gaaray May iyo Juun ilaa Julay dadka waxay gaareen ilaa 100 ka badan. Bilihii danbe aad bay u bateen kiisaska shubanka la dawaynayo, taasi oo saamaynteeda ay lahayd biyaha wasaqda ah ee la isticmaalaayo.”

Wuxuu sheegayin kumanaan qoys ay ka barakaceen biyo yarida iyaga oo u hayamay Baydhabo tan iyo billowgii sanadkan. Kuwa ku haray magaalada iyo deegaannada ku dhow ayuu tilmaamay in ay la nool yihiin duruuf nolol xumo oo liidata.

Dadka ku haray magaalada, isla markaana biyaha ku soo qaada dhabarkooda waa dumar. Waxay iskugu jiraan kuwa ilmahooda ay agoon yihiin iyo qaar lagu furay. Waxay isku kaashadaan koox koox si ay iskaga weshadaan socodka biyo doonka ah.

Duniya Xasan Cabdi oo 45 jir ah caag 20 liitar qaad ah ayay ku xirtay xarig ka samaysan maryo iyo dun la isku tolay. Waxay jirgaanka ka soo laalaadisaa dhabarkeeda, waxaana xarigga ay ku qabataa gacmaha iyo qaybta hore ee wajigeeda.

Waa qaabka kaliya ee ay ku xambaari karto biyaha ay soo hesho. Nidaamkan waa mid ay ka siman yihiin dadka aan haysan gaadiid ay biyaha ku qaataan. Faadumo saddexdii bil ee u danbaysay mid kasta oo ka mid ah waxay socotay ku dhawaad 500 km.

Waa marka la isku daro masaafada ay lugayso maalin kasta oo ah 8 km oo soo socod iyo sii socod ah. Safarkaas ma wada noqon mid ay biyo ku helaysay. Maalmaha qaar dib ayay u soo laabanaysay iyada oo faro maran, aadna u niyad jabsan.

Duniya oo ah hooyada siddeed carruur ah oo kan uu jiro labo sano waxay halgan ugu jirtaa ka samata-baxooda dhuruufaha cunno xumo iyo biyo yari

“Salaadii ayaa baxaa. Hal jirgaan markaad keento kuma noqon kartid meeshaas. Feel ayaa la gala. Hal jirgaan haddaad hesho oo la timaaddo qof kasta galas ayuu ka cabaa. Ciyaalkii haddii dugsiga ay aadaan oo ka soo laabtaan waa laga ilaaliyaa ilaa la nadiifiyo. Jirkana looga nadiifiyaa. Biyo qaraar ah weeye. Lama isticmaalo qof daruuf haysta mooyee.”

Tan iyo markii ay billowday in ay u aroorto ceel-biyoodka ka durugsan magaalada waxaa caqabad ku noqotay shaqo ay ka haysay maqaaxi cunnada lagu kariyo, maaddama inta badan maalintii waqtigeeda ay ku bixiso soo helidda dhowr liitar oo biyo ah.

Waxay shaqadaas ku waysay duruufta haysa darteed. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in habeenkii ay shaqo tagto iyada oo ku wareegta xaafadaha iyo maqaayadaha si ay u hesho shaqo nadaafadeed. Haddii ay hesho waxay xooggeeda ku beddelataa raashin.

Carruurteeda waxay 24 saacba mar dabka loo saaraa raashin aan iidaan lahayn. Waxay sheegtay baahida ay isku dhaafiyaan, maaddama aysan heli karin cunno ku filan. Xaaladdan waxaa u dheer sida ay ku heli lahayd kirada gurga ay ku nooshahay oo labo qol ah.

“Maanta 12 saac maqrabkii ayaa canbuulo loo saaray. Xaafadaha ayaa laga soo qaraabtaa, Guriga aan ku noolnahay waa kiro. Bishiaan ayaa afar ii ah oo aanan bixin. Iga bax ayaa la ileeyahay. Bishii waa $10. Aad ayaa daruuf inoo heysaa.”

Waxay ka cabanaysaa dhabar xanuun la soo darsay tan iyo markii ay billowday in ay u aroorto ceel biyoodka. Waxay sheegtay in aysan seexan inta badan habeenkii, isla markaana aysan weli booqon xarun caafimaad si ay u ogaato caafimaadkeeda.

Nolosha Duniya waxay waxay sawir guud ka bixinaysaa xaaladda qoysaska danyarta iyo barakaca iskugu jira, kuwaas oo ku nool Buurxakaba. Waxay daris la yihiin biyo yari iyo dhaqaale xumo sababtay cuno xumo iyo duruufo hoy la’aan ay ka mid yihiin.

The post In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
(ERGO) – Rooda Xasan Aw Axmed waxay cunno ku filan u la’dahay qoyskeeda toban ah. Waxaa kow bishan ka xirantay meherad ganacsi oo ay ku iibin jirtay khudaar iyo cunnooyin bisil oo waddani ah.

Waxaa meesha ka baxday lacag u dhaxaysa afar ilaa lix doollar oo ay maalinle uga heli jirtay shaqadeeda, taas oo ay ku maaraynaysay baahiyaha aasaasiga ah ee reerka.

Xaaladdan ayay galeen markii waddo bannayn ay hormuud u ahayd Dawladda Hoose ee Hargeysa ay saamaysay ganacsigeeda iyo 69 kale.

Rooda ayaa sheegtay inaan la siin dhul kale. Waxaa u dheer inaysan awoodin inay meel kiraysato.

Haweeneydan oo uu qoysku keligeed ku tiirsanaa weli ka quusan la’ halkii ay ku ganacsanaysay oo ay shaqo ka wadaan gawaarida wax dhisaya iyo shaqaale.

“Wallaahi cagaftii baa naga qaaday. Meheradihii way naga dumeen alaabtii waataas oo way isku dul rasaysan tahay. Dee imika iyo haatanna waadigaa arkaya xaaladdii halkay marayso. Wax taakulayn ah maanaan, waxba noomay ballanqaadin dawladdu.”

Burburka ku yimid ganacsigeeda wuxuu ku soo beegmay xilli qoyskeeda ay horay ula halgamayeen duruufo is-biirsaday.

Rooda ayaa sheegtay in wiilkeeda 26 jir ah kaas oo iyadana oo aan oggayn ka tahriibay uu lix bilood Liibiya ugu yahay magafe. Xaaladdiisa ayay tilmaamtay inay ka sii darayso marba marka ka danbaysa.

Waxaa soo waca kooxaha haysta iyaga oo jirdilaya si ay degdeg ugu bixiso lacag madax-furasho ah oo ay sii dayntiisa ku xireen, taas oo aysan awoodin bixinteeda.

Ehelkeeda ayay xustay inay yihiin danyar aan caawin karin. Waxaa intaas u wehelisa saygeeda oo sariir-yaal ah.

Lix bil ka hor ayay sheegtay inuu ku soo booday cudurka qallalka sida xaqiijisay dhaqtar markii danbe loo geeyay oo baaray.

Rooda ayaa tilmaamtay in xaaladahan oo feker ku hayay ay u raacday in halkii il ee daqli ay waayeen, taas oo ku kordhisay  culeysyadii nolosha ee haystay iyada iyo qoyskeeda.

“Waliba sidaasuu aniga inan yari iga tahriibay, odaygii iga bukaayoo askari buu ahaayoo uu igaga dhacay faalig dee saasay xaaladayadu maraysaa.

Kun Shillin oo lacaga loo hayn maxaad u malayn xaaladiisa. Dee ilaahay uun baa gargaari kara.”

Rooda waxay xustay in dhaqaalaha ay ka heli jireen ganacsigan uu si wanaagsan ugu filnaa daboolidda baahiyaha nolol maalmeedka qoyskeeda.

Hase yeeshee, tan iyo markii ganacsigeedii joogsaday, xaaladooda nololeed ayaa hoos dhacday maaddaama ay dabka ku shidan jireen waxa maalinlaha u soo gala.

Qoyskeeda oo in badan 20 sano barakac ku ahaa magaalada Hargeysa ayay sheegtay inay hadda wajahayaan xaaladdii ugu adkayd.

Filashadeeda ayaa ahayd inay ganacsigan kaga baxdo xerada balse hadda waxay joogtaa quus.

Dhamaan qoysaska ay ganacsiyadooda saamaysay waddo bixinta ayaa ka siman duruufaha dhaqaale ee ka dhashay.

Yusur Muxumed Buuni, oo 94 jir ah ayaa sheegtay in qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof ay noloshoodu ku tiirsanayd maqaaxi yar oo ay shaaha ku karin jireen, balse hadda meesha ka baxday.

Haweeneydan ayaa tilmaamtay inaysan jirin cid kale oo u shaqaysa reerka. Noloshooda ayaa ku tiirsanayd shan doollar oo ay maalinle u helaysay, taas oo ka caawin jirtay daboolidda baahiyaha oo ay cunnadu ugu horreyso, kuwaas oo hadda ku soo wada furmay.

“Ma shaqaysano maqaaxidaa yar baanu ku meermeeraa waanu ka helaynoo maalintii waxaanu ka helaynay intaan aqalka dhan la fujin een la dumin konton kun oo Somaliland Shilling ah oo wuu na deeqayoo wuu nagu filaa. Imikana waa iska joognaa uun Baraka alle. Wax hagaagsan kama helo samir uun baanu ku noolahay wallaahi.”

Yusur ayaa sheegtay inuu u joogto wiil ay dhashay oo dhimir-ka jirran muddo saddex sano ah, kaas oo u baahan daryeel dheeraad ah. Waxay tilmaamtay inay dawooyin iyo wixii kale ee uu u baahdo ay uga gadaysay faa’iida ganacsigeeda balse hadda ay gacan maran tahay.

Waxaa culeyska ku sii kordhinaya jirradiisa iyo masuuliyadda qoyska oo saaran iyada oo da’daas ah.

Wiilkeeda labaad oo dhismaha ka shaqayn jiray ayaa ka kabi jiray nolosha balse hadda wax shaqo ah ma hayo sabab la xiriirta inuu waayay cid hawl u dirsata shaqooyinka magaalada oo yaraaday darteed.

Qoysaska waddo bixintu ay saamaysay ayaa isugu jira kuwo wada waayay meelihii ay ku ganacsanayeen markii ay jidka ka mid noqdeen, halka kuwo kale ay u hareen meelo ciriiri ah oo aan ku filnayn.

Dawladda Hoose ayaa ka gaabsatay bixinta macmuulaad ku saabsan saamaynta ka dhalatay waddo samaynta iyo inay qorsho kale u hayso dadkan.

Cabdirisaaq Cabdillaahi Ismaaciil, oo ah xoghayaha Guddoomiyaha xerada State House, ayaa tilmaamay in arrintay ay keentay saamayn dhaqaale oo muuqata.

Wuxuu sheegay inay dadkii waayeen meel kale oo ay si bilaash ah ugu ganacsan karaan.

“Shaqadii baa istaagtay dadkiina intan yar buu ku noolaayee meesha ka soo baxaysaa. Dhaqaale la’aan badan bay saamaysay waddo furistaasu. Markaa wallaahi dhaqaale darro faro badan bay keentay.”

Cabdirisaaq ayaa xusay in markii la dumiyay ganacsiyadan yaryar, ay qoysaskii ay noloshoodu ku tiirsanayd ay la kulmeen xaalad dhaqaale oo aad u adag.

Wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah qoysaskaasi ay maanta ku adag tahay in ay helaan nolol-maalmeedkooda aasaasiga ah.

“Wallaahi dab imika maba shitaanba. Meheradiina marka laga dumiyay, carruurtiina halkan u taagan tahay, iskuulkii u taagan yahay ee biyihii u taagan yihiin waad garan karaysaa qof meheradiina ka xidhan tay. Baahida iyo dhaqaale la’aanta annaga aad bay noo saamaysaa.”

Burburka ganacsiyada qoysaskan oo deggan xerada State House waxay keentay inay dabooli kari waayaan baahiyahooda lagama maarmaanka ah.

Waxay u baahan yihiin in loo raadiyo xal u fududeeya inay ka soo kabtaan dhaqaale burburka ka dhacay ee saameeyay iyaga iyo nolosha iyo waxbarashada carruurtooda.

The post Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
(ERGO) – Beeraleyda deegaanka Jarran oo hoos taga degmada Afgooye ayaa wax soo saarka beerahoodu uu kordhay, markii in badan oo ka mid ah ay billaabeen in waraabka beeraha ay u adeeg sadaan tamarta cadceedda ku shaqeysa.

Waxay tilmaameen in arrintan ay xoogga saareen, markii ay dhaqaale ahaan ku adkaatay iibinta joogtada ah ee shidaalka oo qiimahiisu kordhay.

Tamarta cadceedda ku shaqeysa ayay xuseen inay lacagta bixiyaan marka koowaad oo ay soo gadanayaan, kadibna ay si bilaash ah ugu waraabsadaan beeraha marka kasta oo ay u baahdaan.

Markii hore waxay adeegsanjireen matoorada shidaalka ku shaqeeya matoorrada, kaas oo ay boqollaal Doollar uga bixi jireen.

Maxamed Nuur Isxaaq oo leh beer afar hektar ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in isticmaalka tamarta cadceedda uu u hor seeday in wax soo saarkiisu kordho in ka badan labo jibbaar, tan iyo markii uu soo gatay bishii Jannaayo ee sanadkan.

Wuxuu tilmaamay in halkii mar oo uu waraabiyo beerta uu ku bixin jiray lacag u dhexeysa $100 illaa $150, halka maanta aysan uga bixin wax lacag ah.

Dhaqaalaha oo ku yaraa darteed ayuu sheegay in dantu ku qasbi jirtay inuusan waraabin dalagyada oo biyo u baahan, taasina ay keeni jirtay in wax soo saarkiisu hoos u dhaco.

Wuxuu xusay in ugu yaraan labo mar uu hadda bishii waraabiyo beertiisa, halka markii hore uu labadii bilba mar waraabin jiray.

Basal, yaanyo, basbaas, ansalaato, kabsar caleen, galley iyo digir oo ah dalagyadii ugu dambeeyay oo u soo go’ay bishii June ayuu sheegay inuu ka helay faa’ido gaareysa $3,000.

Sida uu xusay waa dhaqaale ka badan boqolkiiba labo boqol, markii uu adeegsan jiray matoorka ku shaqeeya shidaalka.

“Markii aan waayo lacag aan ku iibsado shidaalka waxaan ku qasbanaan jiray inaan dib u dhigo waraabka, taas oo saameyn ku yeelan jirtay dalagyada, gaar ahaan xilliyada ay u baahan yihiin biyaha.”

Maxamed ayaa xusay in hadda uusan ka warwarin waraabka beertiisa. Isbedelkaas waxaa u hor seeday Soollar qiimahiisu yahay $4,600. Lacagtaas oo kun ka mid ah lagu lahaa ayuu sheegay inuu iska bixiyay.

Faa’idada uu ka helo dalagyada u soo go’a ayuu tilmaamay inuu ka keydsaday dhaqaale gaaraya $1,700.

Sanooyin dhowr ah oo uu beeraley yahay ayuu sheegay inuusan waligiis keydsan dhaqaale intan la eg, iyadoo uu xusay in waxa soo gali jiray aysan ka badnaan jirin inuu ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo ka kooban siddeed qof.

Sababta wuxuu ku sheegay in wax soo saarkiisu yaraa, ayna badneyd lacagta uga bixi jirtay iibinta shidaalka.

Wuxuu intaas ku daray in mar hore uu billaabi lahaa isticmaalka Soollarka, balse uusan fahamsaneyn muhiimadda uu leeyahay.

Waa go’aan ku dhashay markii ay ku dheeri galiyeen beeraley dariskiisa ah oo uga horreysay adeegsiga tamartan.

“Waxaan go’aansaday in maalgalintaan aan sameeyo, sababta oo ah waxaa ii muuqatay in mustaqbalka iga yareyn doonto qarashaadka faraha badan. Lacagta waxaan ka helay dakhli iga soo galay beeraha oo aan keydsaday.”

Deegaanka Jarran ayay dadkiisu u badan yihiin beeraley ku tiirsan biyaha webiga Shabeelle. Dalagyada u soo go’a ayay u iib geeyaan suuqyada gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Ka faa’ideysiga tamarta cadceedda oo fahamkeedu xoogeysanayo ayaa qeyb ka qaadaneysa in beeraleyda uu ka mid yahay Maxamed Nuur ay sameeyaan kobac dhaqaale oo joogta ah, ayna xoogga saaraan iibsashada abuurka, daawooyinka nafaqada iyo sunta cayayaanka.

“Beertu waxay ii tahay isha kaliya dhaqaale ee aan ku taageero qoyskeyga. Waxaan isku dayaa faa’idada inaan qeyb keydsado markasta, si aan ugu isticmaalo xaaladaha deg degga ah ama horumarinta beerteyda.”

Ninkan ayaa intaas ku daray inuu qorsheynayo inuu soo gato soollar ku kacaya kummanaan Doollar, maadaama uu hadda isticmaalo mid awoodiisu yartahay.

Dhanka kale Maxamed Cabdi Xasan oo muddo 15 sano ah beeraley ah. Wuxuu ka mid yahay dadka ku nool tuulada Jarran ee ka faa’ideysanaya tamarta cadceedda.

Bishii Maarso ee sanadkan ayuu iibsaday Soollar, si meesha uu uga saaro kharashaad badan oo ku baxayay shidaalka.

Wuxuu tilmaamay in shan bil oo uu isticmaalayo qalabkan aysan wax lacag ah uga bixin waraabka, halka markii hore uu xusay in markasta oo uu waraabinayo beerta uu soo gadan jiray shidaal qiimahiisu u dhexeeyo $300 illaa $500.

Maxamed Cabdi ayaa sheegay in qalabka Soolar-ka uu ku soo iibsaday $4,500 oo shan boqol oo ka mid ah ay aheyd deyn uu iska bixiyay bishii May.

“Waxa ugu weyn ee igu dhiirrigeliyay waa kharashka badan ee shidaalka iyo dhibaatada mararka qaar ka dhalan jirtay helitaanka lacagta shidaalka. Sidaas darteed waxaan raadiyay xal joogto ah oo ii sahlaya inaan beerta si wanaagsan u maareeyo. Markii aan billaabay isticmaalka Soollarka waxaan arkay in waraabkii uu fududaaday, qarashkiina uu yaraaday.”

Wuxuu sheegay in hadda uu si joogto ah u waraabsado beerta, isla markaana uusan ka welwelin kororka qiimaha shidaalka ama helitaankiisa.

Dalagyadii u dambeeyay waxay u soo go’een bishii June. Wuxuu ka faa’iday $3,000. Kala bar lacagtaas ayuu sheegay inuu keydsaday.

Maxamed oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa nolosha qoyska ka dabara beerta. Waa deegaan, isagoo waxbarashada carruurta iyo maareynta qoyska ku bixiya bishii lacag dhan $350, sida uu tilmaamay.

Maxamed ayaa sheegay inuu ku jiro waayihiisii ugu wanaagsanaa nolosha iyo dhanka wax soo saarka beerta.

“Hadana lacagtii aan ku iibsan jiray shidaalka waxaan u isticmaalaa horumarinta beerta, waxaan ku iibsadaa, abuur tayo leh, bacrimin, daawooyinka dalagga iyo waxyaabo kale oo kordhiya wax soo saarka.”

Beeraleyda qaar ayaa isla soo gata qalabka Soollarka, halka kuwo kale ay kaligood soo iibsadaan. Waa mid ku xiran qofka iyo awoodiisa dhaqaale.

Guddoomiyaha beeraleyda deegaanka Jarran ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in isticmaalka Soolarku uu sii kordhayo, maadaama beeraleydu ay arkeen faa’iidooyinka uu u leeyahay waraabka iyo yareynta kharashaadka.

Wuxuu xusay in illaa iyo hadda ay isticmaalaan 90 beeraley ah. Waa tiro yar marka la barbar dhigo beeraleyda deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray in lagama maarmaan ay tahay in beeraleydu helaan teegeero dhanka qarashka iyo aqoonta ah, si tiro badan ay uga faa’iideystaan.

“Wax-soo-saarka beeraha waxaa ka muuqda isbeddel wanaagsan. Beeraleydu waxay heleen waraab joogto ah. Waxaa loo baahan yahay maalgelin, tababar iyo taageero loo fidiyo beeraleyda si loo ballaariyo isticmaalka tamarta cadceedda.”

“Waxaan rajeynaynaa in beeraha Soomaaliya ay horumar sameeyaan, beeraleyduna helaan wax-soo-saar badan iyagoo adeegsanaya tamar nadiif ah.”

Cadceeddu waa mid joogta ah oo laga heli karo tamar awood leh oo looga faa’ideysan karo waraabka beeraha, balse waxaaa lagama maarmaan ah in dadku helaan xasilooni amni, maadaama ay ku adag tahay inay la guur guuraan agabkan ama ay dib u iibsadaan haddii ay wax yeelo gaarto.

The post Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
(ERGO) – Xayn daab la’aan haysa beeraha tuulooyin hoostaga dagmada Sheekh ee gobolka Togdheer ayaa ka hor istaagay 150 beeraley ah in sii wataan beero falashada oo ahaa ishooda dhaqaale, markii xayawaano ku hungoobay helidda roobka ay caqabd u noqdeen dalagga beeraha.

Waxay wajahayaan cunno xumo ka sii daraysa tan bishii Juun ee sanadkan, markaas oo ay joojiyeen tacabka beeraha, kaddib qasaare ay u gaysteen daanyeerro, doofaarro iyo xayawaano kale, kuwaas oo cunay dalagyo ay beerteen labo fasal oo is-xigay.

Dhir yaraanta ka jirta deegannadooda Cagaarey, Ximin, Boodhlay ayaa u saamixi wayday in ay beeraha u helaan gaashaan ka difaaca xayawaanka, halka sidoo kale ay iibsan waayeen silig ay ku wareejiyaan sida uu sheegay Axmed Cumar Cige oo ah gudoomiye iskaashato ay leeyihiin.

“Ood uun baa celin karta, lamana samayn karo. Xabad laguma ridi karo, gacan kuma dili kartid oo magaaraysidba. Habeenkii iyo maalintiiba way soo galayaan. Haddii aad sumayso xayawanka iyo bini’aadamka waxwalb way sumoobayaan. Waxay noqotay fursad adag oo aan waxba la beeran karin.”

Beeraleydii ugu danbeeyay ee qasaraha uu gaaaray beerahooda waxaa ka mid ah Maxamed Cismaan Warsame. Duurjoog u badan daanyeer ayaa ka cunay dalag u saarnaa beer 2 hiktar ah, isla markaana iskugu jiray noocyada kala duwan ee khudaarta, galay iyo digir.

Wuxuu tilmaamay in billowgii sanadkan uu joojiyay in uu dalag galiyo beertiisa oo ku taalla cirifka dhul-beereedka deegaanka Cagaarey, halkaas oo uu ku wajahay weerarka xayawaanka oo qasaare gaarsiiyay dalagyo uu ku beertay.

Bishii Abriil ayuu kiraystay dhul ku yaalla bartamaha dhul beereedka si uu u helo meel uu kaga badbaado Daanyeerka iyo duurjoogta kale, balse bishii Juun oo dalaggu gurasho ku dhawaa ayuu la kulmay weerar kale, wuxuuna ku waayay dhamaan mirihii uu beertay.

“Aniga oo dhex jooga ayuu daanyeerku isaga oo malaha 500 oo xabbo ah 3 qayb inta uu iskadhigay ayuu dhinac waxba ka soo galay, dabadeedna circle buu igaliyay. Waan ka niyad jabay, haddana marka duruuftu ku kalifayso waxaad is oranaysaa, haddana wax tabco; Marka waa kuuna taag li’i, kaamana tagi karo.”

Dalagga uu ka cunay xayawaanka ayuu galiyay lacag dhan $800, taas oo qayb ka mid ah uu dayn ku helay, sida kirada dhulka uu beertay oo ahaa $200 iyo abuurka. Waa qasarihii saddexaad ee ka soo gaaray xayawaanka labadii sano ee u danbeeyay, taas oo kaliftay in uu ka quusto beero-falashada.

Beertiisa waxaa ku tiirsanaa qoyskiisa oo 12 ah, kuwaas duruufta nolol xumo ay sababtay in ay labo u qayb samaan. Lix ka mid ah ayuu u geeyay qoys ay ehelo yihiin oo ku nool dagmada Sheekh, markii uu awood u waayay in uu dhamaantood wada quudiyo.

Carruurta la joogta 48 saacba mar ayay helaan cunno ay dabka saartaan. Toban ari ah oo uu dhaqdo ayuu ka lisaa caano uu suuq geeyo. Wuxuu sheegay in labadii maalinba mar uu ka helo $3. Wuxuu ugu iibiyaa kiilooyin raashin ah.

Xoolaha u jooga ayuu sheegay in uu ku quudiyo bal uu kaydiyay, kaas oo ka sii dhamaanaya iyo biyo uu ka helo ceel sii guraya oo beerta uu ku waraabin jiray. Wuxuu ka dayriyay ku tiirsnaanta xoolaha oo roob la’aanta dabadheeraatay ay galaafan karto.

Wuxuu sheegay in muddo 22 sano ah oo beeraley uu ahaa uusan horay u la kulmin qasaare la mid tan ay bideen xayawaanka doogga cuna, kuwaas ku kalifay in uu iskaga tago beertiisa.

“Wixii aan quudan jirnay ama aan ciyaalka wax ka bari jirnay waa nalooga xoog roonaaday. Marka waxaan doorbiday in carruurta aan kala fogeeyo cidihii ehelkooda ahaa midba aan reer u geeyo. Wax la quutaa ma jiraa ee waa iska maqade-ma-dharge.”

Todoobo ka mid ah carruurtiisa waxay ka mid yihiin ku dhawaad 80 carruur ah oo waxbarasho la’aan noqday. Waxaa u sabab ah markii uu xirmay dugsi hoose oo ku yaallay deegaanka Cagaarey bishii Julay. Iskuulka oo lagu dhiganayay lacag ayaa dhaqaale la’aan u xirmay.

Wuxuu ku tiirsanaa dhaqaalaha laga qaadayay qoysaska ay ka soo jeedaan carruurta oo beeraley u badan, kuwaas awoodi waayay in ay helaan qarashka waxbarshada sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Axmed Cumar Cige guddoomiyaha iskaashatada beeralayda.

Dhibaatada xawawaanka uu u gaystay waxaa ugu biirtay kaydadkii biyaha oo guray, kaddib roob yari haysay deegaannadooda labadii sano ee u danbeeyay. Beeralayda qaar malahan ceelal, halka kuwa leh shidaalka oo qaali ah ay ku dhiiran waayeen in ay wax beertaan.

Cabdiraxmaan Abokar Axmed oo beer labo hiktar ah ku leh deegaanka Cagarey tan bishii May beertiisa ma tabcin, markii uu ku qaasaray dalag u badnaa galey, digir iyo masago oo xayawaanku uu ka cunay.

Wuxuu sheegay in qoyskiisa oo afar ah ay la daalaadhacayaan xumo ka dhalatay xaaladdaas, maaddama ay ku tiirsanaayeen raashinka iyo dhaqaalaha laga helo beerta. Wuxuu maciin-biday dad ay helo yihiin, kuwaas oo ku kala nool Sheekh, Burco iyo Barbara.

Marka uu cabto ayuu sheegay in ay taleefoonkiisa gacanta ay ugu soo tuuraan lacag uu ku iibsado kiilooyin raashin. Waa cunno aan joogto ahayn, isla markaana aan ku filnayn haddii ay helaan.

Xaaladdan quusta ah ayuu xusay in aysan hayn awood ay kaga dabaashaan haddii aysan kaalmo ka helin Somaaliland si looga difaaco xayawaanka, beerahana ay u helaan gaashaan.

“Ood la’aan baan ka cabanaynaa iyo xayawaankii oo noocyo badan oo doofaar leh, daanyeer leh oo ugaartii deeradu ka mid tahay, kuwaas oo saraha sidii riyaha u cunaya. Dhul bannaan oo wixii aad kaga oodan lahayd ama uga ilaalsan lahayd aysan jirin oo bannaan ah oo adiga oo xagaas jooga ay xaga kale ka soo galayso (xayawaanka). Howlaheedu way badan yihiin.”

Wuxuu tilmaamay in ay rajaynayaan helidda roob ku filan deegaanka, kaas oo xal u noqon karha dhibaatada ay wajahayaan, maaddama ay meesha ka bixi karto baahida keentay in xayawaanku ay ku soo duulaan dalagga.

Cabdiraxmaan wuxuu iskudayay helidda shaqo xoogsi ah oo nolosha uu ku maareeyo, balse wuu ku hungoobay, maaddama deegaankiisa fursado shaqo aysan ka jirin. Waxaa la mid ah beeraleyda kale, kuwaas oo ku haminaya helidda il-kale oo dhaqaale uu ka soo galo.

Waxay quus ka muujiyay ceelsha biyaha ee sii guraya, kuwaas oo sababay biyo yari. Wuxuu xusay in qoyskiisa hadda ay ku tiirsan yihiin biyo ku jira bac uu dhulka galiyay si uu u kaydsado. Waxaa ugu shubay nin qaraabo ay yihiin oo gaadiidley ah.

Wuxuu ka cabanayaa heerka biyo yarida oo ku qasbi kara in ay ka hayaamaan deegaanka haddii aysan helin roob ku filan.

“Roob yarida ayaa biyo la’aanta keentay. Roobabkii ayaa dhulka ku yaraaday. Ilaahey baa leh cabashada. Laakiin ciddii wax naga caawin karta in ay naga caawiso waan u baahannahay.”

Roob la’aanta dabadheeraatay waxay si guud u saamaysay dadka iyo xayawaanka iskugu jira kuwa la dhaqdo iyo duurjoogta ku nool daaqa, kuwaas oo duruuftu ku qasabtay in ay weeraraan beeraha isla markaana ay beeraleyda ka cunaan dalagyada ay beerteen.

The post Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
(ERGO) – Oon daran ayay wajahayaan kummannaan dad ah oo ku nool deegaanka Tasjiic ee gobolka Bari iyo lix tuulo oo hoos yimaada tan iyo billowgii August, markii ay ka qallashy il-biyood dabiici ah oo ay bilaash ku cabbi jireen muddo dheer.

Waxay iibsan la’yihiin biyo ay booyado $150 uga keenaan magaalada Waaciye oo qiyaastii 40 KM u jirta. Waxaa fuustadii la gadaa $6-$8 oo aysan awoodin.

Arintan ayaa culays ku noqotay dadkan oo xoolo dhaqato roob la’aantu saamaysay iyo danyar u badan.

Saytuun Mahad Maxamed ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 10 qof ah ay ku tiirsan yihiin 20 liitar oo marmar darisku siiyaan. Waxay xustay in ay u adkaysan la’ yihiin xaaladan.

“Biyuhu si xun ayay noo saameeyeen cabitaanka waa dhib, qubays iyo dhar dhaqidna ma jirto. Carruurta meel hoos ah ayaa lagu aruuriyaa oo qorraxda ayaa looga celiyaa. Dhibaato ayaan la kulanay.”

“Abaar ayaa na haysa. Dadka biyo yar dhaansada ayaan ka barinaa hal caag oo nafta lagu celiyo.”

Saytuun ayaa xustay in biyo yaraanta ay u dheertahay cunno xumo. Odaygeeda oo ka shaqayn jiray xijiga ayaa lixdii bil ee u danbaysay shaqo la’aan ah. Waxaa saameeyay go’aan ay Puntland ku amartay in laga baxo buuraha Calmiskaad oo howlgal Daacish ka dhan ah uu ka socdo.

Ujeedku wuxuu ahaa in shacabku ka badbaadaan waxyeelada duqaymaha, balse waxaa meesha ka baxday fursadii gurashada xijiga oo dad badan ay ku tiirsanaayeen. Tuulada ayay joogto uga raadiyaan shaqooyin xoogsi ah oo aysan ka helin.

Waxay sheegtay inay qatooyo ku joogaan carruurteeda oo kan ugu yar 3 jir yahay. Waxay xustay inay caatoobeen gaajaduna diif ku reebtay.

“Dhaqaale darraa jirta. Heerkii aan saddex waqti ama labo wax karsan jirnay waa ka nimid, sababtoo ah waan gacan marannahay. Waxaan gaarnay in aan dadka ka tuugsanno wax aan hal mar cunno. Nolol aad u liidata ayaaan dareemaynaa xilligaan.”

Saytuun oo 48 sano jir ah ayaa sheegtay inaysan xaaladaan oo kale horay ula kulmin. Waxaa qoyskeeda labadii sano ee u danbaysay isku raacay colaadda Calmiskaad, abaar xoolihii dhaafisay, barakac, cuno xumo, biyo yari iyo shaqo la’aan.

Ari 95 ah oo ay dhaqanayeen waxay intii badnayd u le’deen biyo, daaq la’aan iyo cuduro aysan garayn oo isku raacay. Waxaa u joogta 10 neef oo aan wax nacfi ah lahayn, kuwaas oo aysan u awoodin calaf iyo biyo ay ku sii noolaadaan.

Waxay tilmaamay in dukaamo ay daymo ka qaadan jireen ay ka joojiyeen bartamihii bishii sideedaad. Lacagta lagu yeeshay oo gaartay in ka badan $3,000 ayay waydiimo joogto ah kala kulmaysaa, wax kalena looma ogola.

“Waxaan ku daymoobay biyaha iyo raashinka, kurbo weyn ayayna igu haysaa. Awood uma lihi in aan bixiyo waayo dhaqaale ma haysto. Xoolihii iyo xijjigii aan ku tiirsanayn midna ma hayno.”

Saytuun ayaa sheegtay in labo qol oo sanad ka hor ay ku caawiyeen qoys ehelkeeda ah loo qabtay inay ka guuraan dhamaadka September. ma awoodaan kirada guryaha deegaanka oo labada qol ay $50 tahay.

Saddex carruur ah oo u dhiganayay iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan ayaa ka waxbarasho la’ tan iyo bishii June, markii ay bixin wayday isku darka $45 oo laga qaadi jiray. Qoyskeeda waxay 2025 uga soo guureen buuraha Calmiskaad dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Dhanka kale Muumino Shire Nuur oo ka mid ah dadka ay dhibaatadaan saamaysay ayaa sheegtay inay ku adkaatay helitaanka biyo joogta ah tan iyo horraantii bishii August, markaas oo ishii dadka deegaanku ka cabbayeen ay engegtay.

Dhowr liitar oo ay ka hesho dariskeeda ayay beeqaamisaa, maaddaama qoyskeedu ballaaran yahay.

“Oon ayaa ka jira, hal labaatan qaad ayaan u qaybinaa cabitaan iyo cunno hal mar ah mana kala gaarayo. Daruuftaa noogu daran ee aanan ku sii noolaan karin waa taas. Ishii aan cabbi jirnay, markii roob la waayay waa gurtay.”

Muumino ayaa sheegtay inay ka burburtay meherad ay ku iibin jirtay shaah, bur duban iyo bagaash oo ay nolol-maalmeedka uga soo saari jirtay sagaal carruur agoon ah oo keligeed ay korinayso. Wuxuu noqday qayb daymo looga qaatay iyo wax ay reerka ku masruuftay.

Waxaa ka maqan in ka badan $800, halka lagu leeyahay $300. Waxay ku gashay biyaha, arrad-tirka, adeeg ay meherada u soo qaaday iyo waxyaabo kale oo reerku u baahnaa. Dukaamo ay daymo ka qaadan jirtay ayaa buugeeda xiray lacagta oo ku badatay darteed.

Waxay sheegtay in ninkeeda uu sanadkii 2024 u geeriyooday dhiig-karka ay dhaqaatiirtu ku xaqiijisay oo ku sababay in maskaxda dhiig uga furmay. Toddobaad uu koomo ku jiray kadib ayuu ku dhintay isbitaal Hargaysa ku yaalla.

Carruurteedu waxay wajaahayaan cunno xumo badday in 24 saac ay hal mar dabka ku shitaan ugu badnaan hal doollar oo ay ka helaan ehelkooda degan Boosaaso iyo Qardho. Waxaa intaas u dheer waxbarasho la’aan iyo adeeg xumo caafimaad.

Muumino ayaa sheegtay in labo carruurteeda ah ay tan iyo billowgii September ku aragtay shuban iyo matag. Waxay u la’dahay qarash ay daawo ugu gado, deegaankuna ma leh mid bilaash ah. Afar iskuul u dhigan jiray ayaa ka waxbarasho la’, markii ay bxiin waysay $40 bil walba laga qaadi jiray.

Qoyskeeda waxay sanadkii 2020 ka soo guureen miyiga deegaanka Tasjiic, markii abaaro xilligaas jiray ay kaga dhamaadeen 180 ari ah oo noloshooda ku tiirsanayd.

Gobolka Bari oo hodan ku ah kalluumeysiga, fooxa, xoolo iyo ilo bilaash ah oo biyo laga helo, sanooyinkii danbe waxaa saamayay isbeddelka cimilada oo roob yaridu ka mid tahay.

Guddoomiyaha deegaanka Tasjiic Faarax Nuur Cali ayaa sheegay in biyo yaridu saamaysay in ka badan 10 kun oo qof oo isugu jira qaar magaalada degan iyo kuwo ku soo barakacy dagaalka Calmiskaad.

Dadka ku nool ku dhawaad 63 km oo u dhexeeysa deegaanka Tasjiic iyo magaalada Ufeyn ayaa ishaan si bilaash ah uga cabbi jiray, kuwaas oo hadda wajahaya daruufo adag.

“Dadkii dhaqaale xumaa la soo daristay, biyo la’aan iyo macluul ayaa iskugu darsantay. Waxay ku tiirsanaayeen xijiga iyo xoolaha waxaana saameeyay abaaraha iyo dagaallada oo nacfigoodii waa la waayay. Waxaa ugu daran caafimaadka, biyaha iyo cunnada. Dhamaan waxyaabihii aas-aasiga ahaa ayaa ka maqan.”

Wuxuu tilmaamay in Maamulka Puntland iyo hay’adaha samafalka ay gaarsiiyeen xaaladda dadkaan, balse aysan weli wax qabad ka helin. Haddii aan si deg deg ah wax looga baqan wuxuu sheegay in xaaladdu ay sidaan ka sii dari karto.

The post Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
(ERGO) – Biyo yari iyo daruufo kale oo nololeed ayay wajahayaan in ka badan 230 qoysas barakac ah oo ku nool xeryaha Ifiye, Dayax iyo Yamani ee duleedka magaalada Gaalkacyo.

Caqabadahaan waxay haystaan tan iyo bishii June oo ay ka go’een biyo bilaash ah oo ay ka heli jireen hay’ada IMC.

Faadumo Ciise Cadceed oo ka mid ah waxay sheegtay in aysan heli karin qarash ay qoyskeeda oo 6 qof ah ugu iibiso biyaha ceel xerada u dhow oo 20 liitar la gado nus doollar.

Arintaan ayaa ku qasabtay in ay xaafado ka durugsan waydiistaan wax ay cabaan. Waxay si dhib ah uga helaan ugu badnaan 10 liitar ama ka yar, kuwaas oo daal badan ay ka marto raadintooda.

Waxay ku qaadataa labo illaa saddex saac oo lug ah, mana ahan wax ugu filan cunno karin, nadaafad iyo isticmaal kale. Waxay sheegtay in noloshu ku adkaatay tan iyo markii ay kaalamadii biyuhu joogsatay.

“Tuubooyinkii aan muslimka la cabi jirnay waa naga go’een. Markii gargaarkii biyaha aan waynay dhibaato badan ayaa dhacday. Xerada oo dhan waa isku mid qof kan kale dhaama ma jiro. Shilin lagu iibsado waan waynay oo busaarad ayaa jirta.”

Faadumo ayaa sheegtay in qoyskeeda ay biyo yarida u wehliso cunno xumo. Waxay ku tiirsan yihiin ugu badnaan nus kiilo raashin ah oo ay ka helaan qaraabo iyo daris ay u dan sheegtaan.

Maalinkii aysan waxba soo galin waxay xustay in ay carruurteedu gaajo ku joogaan saacado badan.

Haweenaydan ayaa sheegtay in xaaladan adag ay kali ku tahay. Carruurteedu shaqo ma gaarin aabbahoodna horay ayay u kala tageen.

Waxay tilmaamtay in aysan isaga iyo ehelkiisa midna ka helin taageero, taas oo culayska ku sii badisay.

Dukaamo ay macaamiil ka ahayd ayaa joojiyay dayntii ay siin jireen, markii lagu yeeshay in ka badan $400, taas oo lagu xiray in ay bixiso si ay mid kale u qaadado.

Faadumo ayaa xustay inaysan hayn qaab ay carruurteeda uga saarta daruuftan.

“Waa la iska nool yahay mooyaane wax lagu tiirsan yahay ma jiraan oo joogto ah. Qofkii iga roon ayaan xaaladayda u sheegaa, mar wa ka waynaysaa. Aad iyo aad baa loo dhiban yahay saliid iyo khudaar midna lama helayo.”

Faadumo oo horay u qaban jirtay dhar dhaqid iyo nadaafad ayaa sheegtay in ay shaqooyinkaas meesha ka baxeen.

Waxay u sababaysay dadkii loo shaqayn jiray oo dhaqaale xumo ka cabanayaan, taas oo keentay in aysan nadaafada lacag ku bixin.

Waxay tilmaamtay in labo mar oo midkiiba ay ka soo gashay $3 ay shaqaysay tan iyo bishii April.

Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in 100 ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd intii badan ay uga dhinteen daaq la’aan iyo cudurro isku raacay tan iyo dhamaadkii sannadkii hore.

Waxaa u haray 10 neef oo cad, caano iyo iib aan midna u galin. Qoyskeeda waxaa intaas u dheer in uu horraantii bishaan ka buuxsamay suuli ay isla isticmaali jireen 5 qoys oo kale.

Arntaan ayaa ku qasabtay in ay banaanka aadaan, maaddaama aysan doorasho kale haysan.

“Dhibaato dhanka Suuliga ah ayaa jirta oo waa buuxsameen. Qaar ayaa dumay, kuwo kalena lama isticmaali karo, qaarna waana dumeen waana buuxsameen. Waxaan codsanaynaa in wax naloo qabto. Waxaan u baahanay in suuliyada naloo dhiso, in cunno lana siiyo oo biyo naloo keeno.”

Faadumo ayaa sheegtay in musqulaha lagu hagaajiyo $150 illaa $200 oo aysan awoodin. Waxay xustay in ay ka cabsi qabaan in ay cudurro ka qaadaan duurka musqul ahaanta loo isticmaalayo.

Qoyskeedu waxay horraantii sanadkaan ka soo barakaceen miyiga deegaanka Saaxa-qurun ee gobolka Mudug oo ay xoolo dhaqato ku ahaayeen.

Dagaalo qabiil iyo saamaynta abaaraha ayaa ku sababay in ay xerada Ifiye maciinsadaan, balse kama helin beddel fiican.

Roob la’aanta soo noqnoqotay, taageeradii hay’adaha oo yaraatay iyo faro marnaanta dhaqaale ayaa qoysas badan u horseeday xaalado adag oo aysan hayn qaab ay uga samata baxaan.

Dhuux Salaad Cabdi oo qoysaskeedu ay ka mid yihiin ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in illaa 13 June ay wajahayaan oon daran. Waxaa u raacay in ay wayday shaqooyin xoogsi ah oo magaalada Gaalkacyo ay ka qaban jirtay.

Reerkeeda oo 10 qof ka kooban waxaa biyo yarida u wehliya cunno xumo. Waxay tilmaamtay in ay murug badan ku hayaan culaysyada nololeed ee isku biirsaday oo xaalad quus ah galiyay.

“Raashin la’aan ayaa jirta biil ma helno, shaqooyinkii waa waynay. Mar cunno ayaan karin jiray, mar Jaad baan gadi jiray waa iska daayey markay igu go’een, dhar dhaqowgiina fursadiisii ayaa yaraatay oo arki maysid wax howl kuu dirsada dhaqale la’aanta ayaana keentay.”

Dhuux ayaa sheegtay in xaaladda qoyskeedu ay marayso meeshii ugu adkayd shan sano oo ay dagan tahay xerada Dayax.

Carruurteeda oo kan ugu weyn uu 14 sano jiro ay habeenada qaar qatooyo ku seexda intay wayso wax ay u kariso. Waa agoon uusan jirin aabbe u xamaalaya.

Waxay tilmaamtay in ay maalin kasta lugayso ku dhawaad 2 saacadood si ay shaqooyin nadaafad ah ugu soo raadiso magaalad Gaalkacyo oo 8 km u jirta.

Galabkii ayay dib u soo laabataa, iyadoo faro maran ilamaheeduna baahi ku sugayaan, taas oo niyad jab ku noqota.

Dhuux ayaa sheegtay in tan iyo horraantii July ay ka xanuunsan yihiin labo carruurteeda ah. Waxay ku aragtay shuban iyo matag badan, balse ma aysan gayn isbitaal, maaddaama aysan xeradu lahayn aysanna heli karin qarash ay kuwa magaalada ugu qaado.

“Aniga ilamaha waa iga xanuunsan yihiin, dad badan ayaana xeradaan jirran. Musqulihii qaar waa buuxsameen, qaarna dabaysha ayaa dumishay.”

Dhuux ayaa xustay in ay cadaadis kala kulmayso dad ku leh $377 oo dayn ah. Xilliyo kala duwan ayay raashin iyo arrad-tir ku qaadatay.

Waxay sheegtay in ay ugu hanjabayaan in ay xiri doonaan haddii aysan lacagtaas bixin, iyaduna aysan tabar u hayn.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in 200 oo ari ah oo ay ku dhaqanayeen miyiga gobolka Mudug ay saamaynta abaaraha ugu dhamaadeen dhowrkii sano ee u danbaysay.

xeryaha barakaca ee ay soo galeen ayay sheegtay in ay kala kulmeen dhibaatooyin badan.

Qoyska Dhuux waxay sanadkii 2020 ay ka soo barakceen deegaanka Xaafoodle oo qiyastii 70 km u jira Gaalkacyo, markii ay xoolihii dhaafeen.

Dhanka kale Xabiibo Khaliif Maxamed oo kamid ah guddiga saddexdan xero ayaa sheegtay in ay ku adag tahay helida cunnada, adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada biyo yaridu xaalada sii xumaysay.

“Qoladii teerada biyaha bixinaysaynay qandaraaskoodii waa dhamaaday. Waxa ugu daran ee ay ku dhibaatoonayaan waa biyaha iyo musqulaha. Waxaan soo jeedinayaa in wixii loo awoodo lagu caawiyo dadkaan masaakiinta ah.”

Xabiibo ayaa sheegtay in qiyaastii 500 oo carruur ah oo gaaray da’da iskuulka ay daruus la’aan ku yihiin xeryahan, taas saamayn taban ku yeelan karta mustaqbalkooda.

Taageeradii hay’adaha oo yaraatay sanadihii u danbe ayaa sababtay in ay joogsadaan adeegyadii bilaashka ahaa ee ay heli jireen qoysaska barakacay.

Abaaraha iyo dhaqaale xumada wadanka ka jirta ayaa xaalada sii adkeeyay, maaddama aysan dadku is caawin karin.

The post Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo
(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari, hoy la’aan iyo ganacsiyo yaryar oo ay ku tiirsanaayeen oo laga burburay ayaa isku raacday in ka badan 160 qoysas barakac ah oo July qasab looga raray xero Baydhabo ku taalla.

Dadkii dhulka lahaa oo markii hore bixiyay ogolaanshaha ay ku dageen ayaa u sheegay inay si deg-deg ah uga guuraan. Waxay waayeen ilahoodii nolosha, adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada oo ay bilaash ku heli jireen.

Cabdiraxmaan Cali Isxaaq ayaa sheegay in barakicintan ay uga baaba’day sandaqad uu bagaash iyo khudaar ku iibin jiray.

Waxay u ahayd halka meel ee ay ku tiirsanaayeen. Waxaa ku adkaatay helida dhamaaan adeegyada aas-aasiga ah.

“Meel bannaan ayay xaalad adag nagu haysataaa. Daruufo ayaan ku jirnaa. Dab shidkeena aad ayuu u xun yahay. Ciyaalkii jaahwareer ayaa galay.

Wixii aan naftooda ku ilaalinayay ma leh. Horraan 3 waqti waa helaynay, haddase hal mar ayaa adag. Dhibaato iyo murug ayaan ku jirnaa.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ganacsigiisii uu maalinkii ka heli jiray $3 illaa $5 oo ugu filnayd cunnada qoyskiisa oo 9 qof ah.

Wuxuu xusay inay ku jireen nolol wanaagsan, balse hadda uusan waxba u awoodin ilmihiisa.

Dukaanka ka burburay wuxuu ku billaabay $400 oo uu ka aruursaday gargaar lacag ah oo ay siin jirtay hay’ada Islamic Relief, kaas oo 3 sano ka hor go’ay.

Wuxuu tilmaamay in uusan dib u billaabin karin qarash la’aanta haysa darteed. Qiyaastii $300 ayaa ugu jirtay intii aan laga burburin.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in bishii March ee sanadkaan ay meheradiisu gubatay, balse qayb uu ka caynsaday iyo daymo uusan weli gudin uu markale ku howlgaliyay.

Waxaa meesha ka baxay adeegyada biyaha, wxbarashada iyo caafimaadka oo bilaash u ahaa.

Qoyskiisu waxba kama soo qaadan labo qol oo cooshad ah oo ay ku noolaayeen muddo shan sano ah oo ay deganaayeen xerada.

Maacuunkii iyo gogoshii ayaa noqday wax lumay iyo wax jajabay, halka bacihii u dhisnaa oo duugoobay ay qaadasho gali waayeen.

Waxay xamili la’ yihiin dhaxanta iyo qorraxda oo ay dibad-yaal u yihiin. Waxaa intaas u dheer xaalad biyo yari ah oo haysata.

Ninkaan ayaa sheegay in maalinkii ay yaryaraystaan 20 liitar oo ay dadka dhaama ka soo baryaan, maaddaama uusan heli karin $0.25 oo halkii jirigaan laga iibiyo ceel gaar ah.

Qoyskiisa ayaa sanadkii 2022 ka soo barakacay Degmada Berdaale ee gobolka Bay, markii abaar ay ka nacfi tirtay beer 6 hektar ah oo ay ku tiirsanayd.

Qoysaska la barakiciyay ayay xaaladaan ku hogaamisay caqabado hor leh oo aysan xal u hayn. Waxay ka siman yihiin daruufaha isku biirsaday.

Aadan Cabdi Cali oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo 13 July ay qoyskiisa oo 10 qof ah wajahayaan cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ah.

Si culaysyadaan uu u xalliyo wuxuu joogto u raadiyaa shaqooyin xamaal ah, balse wuu ku hungoobay.

Ninkaan ayaa tilmaamay in carruurtiisa oo 2 jir ugu yar yahay ay inta badan gaajo ku seexdaan, taas oo murugo ku abuurta.

Dariska iyo qaraabo ay u dan-sheegtaan ayay marmar ka helaen ugu badnaan hal kiilo ama hal dollar oo ay mar dabka ku shitaan.

“Markii hore saddex waqti waa karsan jirnay haddana markii ayaa dhib ah. Wax aan meeshaan ku haysano iyo meel aan wax ka billowno maleh.

Bishii toddobaad illaa hadda bannaankaas ayaan joognaa. Musqul, gabbaad iyo tubbo midna kuma haysano duurkaan. Xaaladeena aad ayay u cakirin tahay.”

Aadan ayaa xusay in miis yar oo khudaar uu ku iibin jiray uu ka burburay. Waxaa maalinkii ka soo galaysay ugu badnaan shan dollar oo uu u kala qaybin jiray masruufka reerka iyo qayb uu ganacsigiisa dib ugu celiyo.

Ganacsigaas ayuu sheegay inuu ku aas-aasay $150 oo isugu jirtay dayn iyo qayb ay ku caawiyeen ehelkiisa, balse uu dhaafay.

Xilliga barakacinta hal maalin ka hor ayuu u soo adeegay, taas oo rajo uu ka qabay inuu faa’iido badan ka heli doono.

Ninkaan ayaa xusay inay khudaartii xumaatay, markii uu waayay meel uu ku iibiyo ayna qorraxdu ku dhacday. Dadkii uu ka soo qaaday ayaa joogto u soo waydiiya mana uu hayo xal uu ku bixiyo.

“Daymo badan ayaa la iiga leeyahay, xaaladaana kuma bixin karo. In ka badan $200 ayaan ka qabaa, magaaladaana daruufaheedu waa badan yihiin oo shaqooyinkii aan raadiyay waan waayay. Culaysyadan murugo saa’id ah ayay nagu hayaan.”

Aadan oo 44 jir ah ayaa sheegay inaysan jirin meel kale oo dhaqaale uu ka soo galo iyo cid ay taageero ka heleen. Wuxuu xusay in xaaladaan ay ku soo beegantay xilli adag oo gargaarkii hay’adaha uu meesha ka baxay.

Ehelkooda miyiga degan ayuu sheegay inaysan waxba ku caawin karin oo roob yaraantu ka saamaysay oo xoolihii iyo beerihii. Aadan oo xerada Iraroog ku noolaa afartii sano ee u danbaysay ayaa tilmaamay inay ku jiraan markii ay ugu xumayd.

Waxaa ka waxbarasho beelay shan carruurtiisa ah uu iskuul hoose oo bilaash ah uga dhiganay xerada.

Qoyskiisa ayaa 2023 ka soo barakacay Degmada Qansax dheere ee Gobolka Bay.  Dalagii ugu danbeeyay ee uu saaray beertiisa oo 4 hektar ah ayaa biyo la’aan uga qallalay, halka 27 neef oo ari iyo lo’ ah oo xoolo uu ka lahaaana ay u dhinteen cuduro iyo saamaynta abaaraha.

Dhulka qoysaskan laga saaray waxay si bilaash ah ku daganaayeen 7 sano. Guddoomiyaha xerada Iraroog Salmo Xasan Maxamed ayaa sheegay in aan wax digniin ah horay loo siin. Waxaa lau wargaliyay inay deg deg uga baxaan, maaddaama la iibinayo.

“Qoysaska la barakiciyay meel banaan oo aysan waxba ku haysan ayay joogaan. Wax adeeg ah ma helaan, aad ayayna u rafaadsan yihiin. Gargaar Ilaahay ayaa bixiya, balse hay’adaha samafalka.”

“Dowlada Soomaaliya iyo tan Koonfur-galbeed waxaan ka codsanaynaa in gurmad loo sameeyo dadkaan oo noloshooda la badbaadiyo.”

Waxaa meesha ka baxday xarun caafimaadka oo ay ka heli jireen adeegyada dhalmada, tallaalka iyo daawooyin bilaash ah, iyadoo ay waxbarasho la’aan noqdeen in ka badan 300 carruur ah oo isugu jiray kuwo xerada Iraroog deganaa iyo kuwo ka imaan jiray meelo kale, sida ay guddoomiyuhu sheegtay.

Baraagihii ay biyaha ku kaydsan jireen ayay ka yimaadeen. Barakicinta qasabka ah waa dhacdo ku soo lalaabta qoysaska xeryaha ku jira, xaaladan oo deg deg ku dhacda waxay quus u horseedaa dad markii hore wajahaya caqabado nololeed oo waayuhu badeen.

The post Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.