Wararkii u Danbeeyay Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho
(ERGO) – Wuxuu noqday guri-joog aan wax shaqo qaban tan iyo billowgii sanadkan Xasan Xuseen Noor, kaas oo cunno xumo ay wajahayaan qoyskiisa oo barakac ku ah Gaalkacyo.

Wuxuu ku dabari jiray howl samafal oo si madax-bannaan uu ugu qaban jiray hay’ad gargaar.

Waxaa la mid ah ku dhawaad 100 dhallinyaro, kuwaas oo kala shaqayn jiray dhinaca wacyi-galinta iyo faya-dhowrka hay’ado ay ka mid yihiin CARE, DRC iyo Kuwo kale oo gargaarka gaarsiin jiray kaamamka.

Waxay ka howl-gali jireen xeryaha ay ku nool yihiin iyagoo ku shaqayn jiray mushahar ay si bille ah u heli jireen.

Xasan oo ay ka istaagtay $200 oo ahayd isha dhaqaale ee qoyskiisa wuxuu la daalaadhacaya duruuf nolol xumo oo ka dhalatay xaaladdaas.

Toddobaadkii labo maalin oo ka mid ah ayay helaan cunno 2 waqti ay dabka saartan. Waxaa soo dhicisa xaaskiisa oo shaqo xoogsi ah qabata.

Bishii labaad ee sanadkan ayay ku qasbanaatay in ay ku wareegto gudaha iyo daafaha magaalada si ay u soo aruuriso biraha macdanka ah, kuwaas oo asbuucii labo mar oo ka mid ah ay ka iibsadaan raga biraha tuma.

Waxay ka heshaa lacag aan joogto ahayn oo u dhacaysa $3-5.

Dhaqaalahan oo aan ku filnayn ayaa ku riixay in ay dayn ku kaalmaystaan. Xasan wuxuu gocanayaan shaqadii uu ka helayay mushaharka joogtada ahaa.

“Xaga dab-shidka culay baa ka jiro. $200 ciyaalkayga waa ku filnaa jirtay. Saddexda waqti raashinkooda way ku filnayd. Hadda ma haysano wixii dhan. Rajo ayaa nagu jirta. Hay’ada markay soo laabayo daynta iska mag.”

Wuxuu tilmaamay in muddo Afar sano ah uu qoyskiisu ku tiirsanaa dhaqaalaha ay siinaysay hay’adda DRC oo uu u shaqayanayay.

Wuxuu u qaabilsanaa wacyi-galinta, ilaalinta nadaafadda iyo xog aruurinta la xariirta tacadiyada ka dhaca xeradiisa Samawade 1.

Wuxuu sheegay in uu ahaa adeeg bulsho oo marna uu ka faa’iideysanayay shaqada uu yahay, marna uu ugu shaqaynayay dadkiisa nugul, taas oo hadda meesha ka baxday, markii hay’addu ay fasaxday.

Waxaa lagu war-galiyay in shaqo joojintan ay la xariirto dhaqaale xumo.

Ka hor shaqadan wuxuu ahaa farsamo yaqaan qaabilsanaa dhismaha guryaha, balse fursad tababar oo uu ka helay hay’adda uu u shaqaynayay ayaa siisay in uu si madax-bannaan ugu biiro kooxaha ka howl-galayay xertaha.

Xasan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa dib ugu laabashada xirfaddiisii hore, balse qiimayn uu ku sameeyay uu ogaaday in heliddeedu ay adag tahay xilligan.

“Farsamadii aan ku shaqayn jiray waanba ilaawayba. Macaamiishii aan la shaqaynayey dad kalaa u shaqaynaya. In aan doon doono nambarada aan wacdo mooyee dadkii niman kalaa u shaqeeya. Qof cusub baa magaalada ka noqday.

Hay’ada Ilaahay wax iigu soo dhiibi jiray meelba ma aadin shaqada, shaqadii horana waan iska illaaway oo faryaamo ayaan qandaraas ka qaadanayay. Hadda magaalada iyadaaba iska xiran. Wax laga shaqeeyo malahan.”

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay saamaynta sii wiiqmaysa ee hay’adaha samafalka, kuwaas oo sidoo kale xeradiisa ka bixiya raashin, kaas oo hadda aan joogto ahayn. Wuxuu xusay in mararka qaar la helo, inta badana la waayo. Waa culays kale si guud looga cabanayo.

Duruufaha kale ee haysta Xasan waxaa ka mid ah dayn uu qaadanayay tan bishii Janaayo ee sanadkan oo dadka ku leh ay ku qasbanayaan in uu bixiyo.

Wuxuu sheegay in uusan awoodin lacagtaas oo ah $350 oo raashin uu ku qaatay.

Intaas wuxuu ku daray in sidoo kale lagu leeyahay $120 oo ah lacag ay waxbarashada ku dhiganayeen afar ilmood oo uu dhalay.

Wuxuu xusay in uu ku sii faro adaygayo si aysan waxbarashada iskuulkooda uga harin duruufta haysa awgeed.

Afartan iyo shan xero oo ku yaalla Gaalkacyo ayay ka howl-galayeen dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Xero kasta waxaa ka shaqaynayay 2 qof xirfad u leh iskudubbaridka arrimaha wacy-galinta bulshada, faya-dhowrka iyo qaar kale sida ay inoo sheegeen horjoogayaasha xerayaha.

Xirsi Jaamac Baadi oo ah guddoomiyaha xerada Danwadaag ayaa ka mid ah masuuliyiinta culays soo kordhay ku tilmaamay howlaha samafal ee meesha ka baxaya iyo dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Wuxuu tilmaamay in kaalin wayn ay uga jireen baraarugga bulshada barakaca ah iyo xitaa dhaqaalaha ka soo galayay hay’adaha oo ku dhex-wareegi jiray xeryaha gaar ahaan ganacsiyada ay wax ka iibsanayeen.

Taakuladii gargaar iyo tii wacyi-galin ayuu xusay in ay waayeen dadka xeradiisa iyo kuwa la mid ka ah, taas oo rajadooda nololeed sii adkaysay.

“Dadkaas hoy ma haystaan, caafimaad ma haystaan iyo waxbarasho ma haystaan. Quutul duruurigii cuni lahaayeen ma haystaan. Wax Allaale oo aasaasi ah oo qofka bani’aadamka u baahan yahay bay u baahan yihiin. Raashin hadii nala siiyo waan qaadan lahayd waa na anfacaysaa. Wax aan diidayno ma jirto.”

Sacdiyo Cabdi Axmed oo ah hooyo kaligeed korisa sagaal carruur ah waxay ka soo kaban la’dahay shaqo la’aan ku dhacday. Waxay ahayd xariiriyaha hay’adaha, bulshada iyo maamulka xerada Danwadaag.

Waxay sheegtay in shaqadaasi ay ahayd isha keliya ee dhaqaale ee qoyskeeda ku tiirsana ilaa 2023, isla markaana ay ka dabooli jirtay baahiyaha cunto ee qoyskeeda iyo tan waxbarasho ee carruurteeda.

Waxay ka dayrisay xaaladda qoyskeeda ay ku jireen lixdii bil ee u danbeeyay. 24 ba mar ayay xustay in ay dabka saartaan cunno aan ku filnay. Waxay ka heshaa shaqo xoogsi ah oo aan joogto ahayn.

“Waxaan ku maareeyaa noloshayda inaan shaax kariyo iyo inaan meelo soo xaaqo. Meeshay noloshayda ku jirto ayaan wax ama bariiskayga aan kala soo baxaa, kaamkayaga wax yaala malahan waa xero cayr ah. Aniga oo mar $50 ama $100 isoo dhici jirtay ayaa ugu wacnaa.”

Sacdiyo Waxay Shaaxa ku karisaa gurigeeda iyadoo ka dibna ku wareejisa suuqyada iyo goobaha ganacsiga, Iyadoo koobka shaxaa ay ku iibiso $0.2.

Haweenaydan Waxay xustay in dhowr hay’adood in ay si madax-bannaan ay u la shaqayn jirtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin. Waxay si bille ah ugu heli jirtay lacag cadad ahaan kala duwan.

Waxay ku xirnayd shaqooyinka ay qabato bilaha qaar ayay xustay in ay shaqaysan jirtay $150, taas oo ku filnayd nolol ahaan, balse la’aanteed waxay qoyskeedu galeen xaalado nolol xumo oo isbarkan.

Waxay sheegtay in daymihii ay heli jirtay in hadda ay gabaabi noqdeen sabab la xariirta lacag badan oo lagu yeeshay. $440 ayay ku leeyihiin ganacsato iyo xarumo waxbarasho oo 4 carruur ah u dhigtaan.

“Maalintay iga go’day lacagtaas nolo mugdi ah oo waxaan galay. Dhaqaale daro darteed caruurtayda dugsiga waa ka hareen, Iskuuladiina waa ka hareen.”

Sacdiyo iyo qoyskeeda waxay sanadkii 2018 ka soo barakaceen deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug, markii abaar ay dhaafisay xoolo ay dhaqanayeen oo ahaa ishooda dhaqaale.

Waxay isku martay dhowr xero, balse sadddexdii sano ee u danbeeyay waxay ku nagaatay xerada lagu barakacay ee Danwadaag, halkaas oo ay uga howl-galaysay hay’adaha gargaarka bixiya.

Dadka soo barakacay waa kuwa ugu badan ee saamaynta ay ku yeelatay hoos u dhaca dhaqaale ee ku dhacay hay’ado cunno iyo shaqo abuur siinayay dadka ku jira xeryaha.

The post Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
(ERGO) – Toddobo qof ayaa cudurka shuban-biyoodka ugu dhintay deegaanka Buula Xaaji oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Wuxuu sidoo kale soo ritay tan iyo bartamihii bishii June 235 qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur, sida ay noo sheegeen dhakhaatiir deegaanka u tagay caawinka bukaanada.

Dr. Xasan Xuseen Maxamed, oo ka mid ah dhakhaatiirta si mutadawacnimo ah u caawinaya bukaannada, ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee cudurka loo aaneynayo ay tahay biyaha wasakhaysan ee laga cabbo waraha.

Aadan Bakaal Sheekh waxaa cudurka uga dhintay wiil labo jir ah bilowgii July 2026. Wuxuu xusay inuu halmar ku soo booday shuban aan kala joogisi lahayn, ayna Joogeen dhul baadiye ah oo aan lahayn goob cafimaad iyo daawo midna.

“Wuu shubmay. Shubankii wuu Isbeddelay. Quraan ayaan saarnay.  Cunugii indhihii god ayey galeen. Wax daryeel ah ayaan waynay. Waxaa nala dhahay Buula Haaji ayaa daryeel uu jiraa oo cafimaad la keenay. Aniga iyo gabadhii ii dhashay ayaa soo qaadnay. Gabadhii waa qaadi wayday shubankii ayaa iska socda.”

Aadan ayaa sheegay in wiilkiisa uu u waayay lacag uu gaari ku soo saaro, taas oo dib dhigtay. Wuxu xusay in saddex habeen iyo saddex maalin uu la soo lugaynayay. Markii uu u soo dhawaaday deegaanka Buula Haaji nin ayaa ku caawiyey gaari Dameer.

Wuxuu tilmaamay inay jirka kula soo kulmeen culeyso kale oo safarka ku dheereeyay sida roob mahiigaan ah oo jaray waddooyinka. Arrimahaas ayaa keenay in wiilkooda uusan durba helin gargaar badbaado leh.

“Waxaan u soo qaadi waayey gaadiid la’aan. Meesha Gaadiid ma galo.  Waa cir ka dheer dhul dheer. Marka aan soo dhawaanay ayaan qaadmo ku soo dayey. Tiirabi ayaa qabsatay walaalow cunugayagii aan jeclayn.”

Ninkan ayaa sheegay in wiilkiisa uu naf baxay markii ay geeyeen Buula Haaji oo lix saac uu yeelay goob yar oo si ku meelgaar ah loo dhisay. Dhakhaatiirta ayuu xusay inay u sheegeen inuu u god galay cudurka Shuban biyoodka.

Waxaa xannuunka ku kordhinaya in sababta geeridiisu tahay fuuq bax ku socday maalmo, iyada oo aan la siin wax dawayn iyo baxnaano kale ah midna.

“Dhakhtarka waxaa uu yidhi shubanka ayaa dilay.  Haddii uu daryeel caafimaad helli lahaa waa fiicnaan lahaa ayuu nagu yidhi. Anagana waan soo gaadhi waynay. Mar hore maxaad u keeni waydeen ayuu na waydiiyey. Anagana tamarta ayaan u sheegnay sida aan Buula haaji ku keenay, marka xaalka ayaad sidaa noqday.”

Aadan iyo xaaskiisa ayaa dib ugu laabtay tuuladoodii Qurac-dheer iyada oo uusan wehlin yaraankoodii. Waa danyar dhaqda afar sac iyo toban ari ah oo uga soo haray abaaro deegaanka saameeyay.

Buula Xaaji ma laha isbitaal ama xarun caafimaad oo si rasmi ah u shaqeysa. Xarunta caafimaad ee ugu dhow waxay ku taallaa magaalada Kismaayo oo u jirta qiyaastii 90 km. Qoysaska qaar ayaa awoodin inay iska bixiyaan qarashka gaadiidka.

Dadka deegaanka ayaa iskood isu abaabulay, iyagoo dhisay laba teendho oo ku-meel-gaar ah, kuna diyaariyey afar sariirood si loogu dabiibo bukaannada ugu daran. Waxaa sidoo kale la geeyey daawo kooban oo ay bixisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, hase yeeshee dhamaad ah.

DR Xassan Xusseen Maxamed oo ka mid ah dhakhaatiirta dadka ugu shaqaynaysa sida tabaruca ah ayaa sheegay in uu cudurka uu ku faafayo si xawli ah marka loo eego dadka uu soo ridanayo.

Wuxuu intaas ku daray in daawooyinka iyo sariiraha ay ku jiifanayaan bukaanka ay aad u yaryihiin, taas oo hoos u dhigaysa dedaalkooda. Wuxuu tilmaamay inay awoodooda ka baxsan tahay baahida jirta.

“Anagga waxaan siinaynay dadka Oras iyo daawooyin u badan faleenbooyin oo ku xidhaynay dadka. Dadka waxaa ay ka imaanayaan miyi iyo magaalaba. Cudurka waxaa uu ka dhashay biyha wasakhada ee dadka ay cabayaan.”

Marka laga tago reer guuraaga bukanaadda ugu badan waxay ka imaanayaan xeryaha deegaanka. Faadumo Hilowle. Cumar oo ku nool duleedka deegaanka Buula Haaji ayaa sheegtay inay wiil ay dhashay oo labo sano iyo bar jira uu kaga dhacay Shuban 25 June.

Waxay keentay deegaanka balse waxaa loo sheegay inay xaaladdiisu tahay mid aan waxba looga qaban karin. Faadumo ayaa xustay inay wayday $16 oo ay ku gayso magaalada Kismaayo. Nasiib wanaagsan, waxaa ka ogolaaday inuu si dayn ah ugu qaado mid ka mid ah darawallo ay u dan-sheegatay.

“Cunugga markaan qaadaayey magaalada isagga oo nool ma tagaysaan mise dhaxda ayuu ku dhiman-doona ayaa lahaa sida uu u liitay awgeed. Markii aan magaalada tagay oo isbitaalka geeyey waa la isoo dhaweeyey cunuggan daawo ayuu meesha iiga helay.”

Faadumo ayaa sheegtay in wiilkeeda kowdii bishan July laga saaray Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo isaga oo ay soo hagaagtay xaaladiisa caafimaad ayna dib ugu celisay deegaanka Buula Haaji oo ay ku nool yihiin.

Waxay xustay in daawooyin kala duwan loo siiyey wiilkeeda intii ay kula jirtay Isbitaalka dhakhaatiirtana ay ku bixiyeen dadaal  fiican sidii uu u badbaadi lahaa.

“Markii cunugga ii cafimaaday oo dhiigiisa uu soo noqday shubankiina uu joojiyey oo daawo walba la ii siiyey oo fiicnaaday ayaan soo bixiyey. Dhakhaatiirta waxaa ii sheegeen in cunugay uu aad u liitay oo shuban biyood uu ku dhacay oo xitaa qaybta ilmaha aad u liita la galiyey ayey ii sheegeen.”

Faadumo ayaa sheegtay inay nolol adag ku wajahayaan xeryaha deegaanka oo ay soo galeen Febraayo markii ay roob yari uga dhamaadeen 25 lo’ ah iyo 50 neef oo ari ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd.

Nolasha qoyskeeda oo toban ah ayaa ku tiirsan shaqo muruq maal ah oo aan joogta ahayn oo saygeeda uu qabto. Waxy sheegtay in maalintii uu helo $1.5, mararka qaarna uu wayao.

“Nolosha waa iska xuntahay waddanka shaqo la’aan ayaa ka jirta. Ninkii Shaqayn lahaa wax uu ka shaqeeyo ma lahan. Waddanka shaqo mataalo. Wax yar oo lo’ ah iyo adhiya ayaan lahayn. Lodii waa dhamaatay. Adhigiina wuu dhamaaday.”

Qoysaskan oo horay u wajahayay saamayn taban oo ka dhalatay isbeddelka cimilada markii ay ku cayroobeen roob yari soo laalaabatay ayaa hadda waxaa u raacday xaalad caafimaad daro oo ku kordhisay duruufihii nolosha ee ay la halgamayeen.

The post Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan
(ERGO) – Haween ku noolaa xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo ayaa ku guuleystay in carruurtooda ay u helaan waxbarasho iyo cunto ku filan.

Sidoo kalana ay ka baxaan xeryaha oo ay ku wajahayeen hoy xumo, biyo yari iyo nadaafad darro.

Arintan ayaa u suurta gashay markii ay barteen xirfado gacanta ah oo ay ka helaan dhaqaale joogta ah.

Waa in ka badan lixdan haween ah oo degganaa sagaal xero oo ay ka mid yihiin Mogey Aarow, mubaarak, qaydar cadde iyo idaale hal.

Rag ay qaraabo yihiin oo xeryaha kula noolaa ayaa si bilaash ah u baray sameynta alaaba guryaha iyo xafiisyada ee ay ka mid yihiin sariiraha, kuraasta, miisaska, fadhiyada iyo armaajooyinka.

Waa shaqo raggu ku badan yahay oo aan dumarka looga baran, balse Maryan Maxamed Cali oo nolosha qoyskeeda ka maareyneysa tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan.

Raadiyow Ergo u sheegtay in dheef mooyee aysan dhib ku qabin. Muddo saddex bilood ah ayay ku baratay xirfadan oo ay xustay in maalinkii ay ka hesho dhaqaale gaaraya $8 illaa $9.

Waxay ka shaqeysaa suuqa sariiraha ee magaalada Baydhabo oo lagu farsameeyo agabyada guryaha iyo xafiisyada.

“Shaqada qaabka aan ku bilaabay waxa weyaan dad barakac ah ayaa ibaray xirfadan, ayagaa itusay hay’ad ima barin. Raashiinkeyga ayaan ka soo dhacsadaa oo waan fahmay, marka culeeska wuu iga degey markii aan howshan helay.”

Maryan ayaa tilmaantay inay tahay markii ugu horeysay oo ay shaqo ku hesho aqoon ay baratay. Waxay intaas ku dartay in qoyskeedu uu ka baxay cunno yari ay wajahayeen.

Ma haysan ildhaqaale oo joogta ah, noloshooduna waxay ku tiirsaneyd shaqo dhar-dhaqis ah oo marka ay qabato ay ka heli jirtay ugu badnaan $3.

“Markii horena maalintii ayaan wax karsan jirney, habeenkii iyo subixii qurac la’aan ayaan ahaan jirney. Hadda inta sariirahan iyo miisakan aan bartay nolosheenna wey is raacday. Si allaale sidii aan doonno ayaan wax u sameysanaa.”

Maryan oo 45 jir ah ayaa xustay in xirfadan ay muddo kooban badashay noloshooda.

Xerada Mogey Aarow oo ay ku nooleyd in ka badan lix sano ayay ka guurtay bishii Feberaayo, markii ay awooday inay kireysto labo qol oo leh biyo iyo koronto oo ay ku deggan yihiin $60.

Kaligeed ayay tilmaantay inay koriso lix carruur ah oo lagu furay. Waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka soo toosaan hoy ammaan ah oo ka xajin kara qabowga iyo qoraxda.

Waxay intaas ku dartay in labo carruur ah ay geysay bishii Maarso iskuulka hoose ee Hilaal. Waxay ka dhiibtaa bil kasta $24 oo markii hore aysan awoodin.

Maryan ayaa sanadkii 2019 soo maciin biday xero aysan ka jirin adeegyada asaasiga ah ee nolosha, markii roob yari awgeed ay sii wadi wayday tacabka beer afar hektar ah oo ku taalla Waajid.

Waxay sheegtay in hiigsigeedu yahay inay yeelato hoy iyo ganacsi u gaar ah. Si ay uga dhabeyso waxay sameysatay keyd dhaqaale.

“keyd ayaan dhigtay, waxaan ugu talo galay haddii sariirahan la iga iibsan waayo inaan ku baxsado ayaan ugu talo galey. $150 ayaa meel ii taalo hadda. Rajadeydu waa inaan guri aan leeyahay inaan dhisto, noloshana kor u qaado.”

Qoysaska ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo ayaa inta badan ah kuwo aan haysan ilo dhaqaale oo ku filan maareynta noloshooda.

Waa dad xoolihii iyo beerihii ay ku tiirsanaayeen ku waayay musiibooyin iyo colaado, ayna yartahay aqoontoodu, taas oo badi ka dhigtay kuwo ku nool dabaqadda hoose ee nolosha.

Sacadiyo Bashiir Xasan oo bishii Abriil ka guurtay xerada Iidaale hal, ayaa tilmaantay in saddex sano oo ay degganeyd aysan helin cunto ku filan, biyo iyo hoy wanaagsan.

Xirfad ay ku dhex baratay xerada oo ay ku caawiyeen rag is xilqaamay ayay sheegtay inay u suurta galisay inay degto hoy kiradiisu tahay bishii $90.

Waxay sheegtay inay ku tiirsan tahay dhaqaale ka soo gala sameynta kuraasta, miisaska iyo armaajooyinka oo maalinkii ay ka hesho $10 illaa $12.

“Waxaa jiray deyn la igu lahaa oo aan iska dhiibay. meel $130 ayaa la igaga lahaa waan iska dhiibey, meel $60 oo raashiin aan ku qaatey ayaa la igaga lahaa waan iska bixiyay.”

Sacdiya ayaa xustay inay awooday in waxabarasho ay geyso markii ugu horeysay seddex carruur ah oo bishii ay ka dhiibto $20.

Waxay tilmaantay in markii ay dabartay waxbarashada, cuntada iyo kirada ay ka fakareyso qorsheynta mustaqbalka reerka.

Sida inay helaan guri ay leeyihiin iyo ganacsi ka dhaqaale badan midka ay hadda ka maareyso reerka.

“Laba qol ayaan deganahay qol aniga ah iyo mid carruurta ah. Waxaan rabaa xaafadda inaan ka baxo oo aan dhisto 3 qol illaa afar qol oo aniga aan leeyahay ayaan rajeynayaa.”

Sacdiya ayaa subax kasta u kalahda shaqadeeda oo ay joogto illaa shanta galabnimo.

Inkasta oo ay wehel la tahay daal iyo howl adag oo gacanta ay ka qabato, hadane waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in carruurteeda oo 4 ah ay ka saarto nolol xumada

Qoyska Sacdiya ayaa ka soo barakacay deeganka Awdiinle oo hoos taga magaalada Baydhabo, markii roob yari darteed ay ka rajo dhigtay tacabka beer 3 hiktar ah oo ay leedahay.

Waa arrin naadir in dadka ku nool xeryaha ay dhexdooda la yimaadaan aragtiyo noocaan ah oo isbedel u horseeda.

Maxamed Nuur Aadan oo ah xirfadle farsamada gacanta baray qaar ka mid ah haweenka aan ka soo sheekeynay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in aragtidan ay noqotay mid dhaqso loo arkay natiijadeeda.

Wuxuu sheegay in haddii la heli lahaa maal galin lagu ballaariyo ay ka faa’ideysan karaan haween badan, maadaama ragga is xilqaamay ee uu ka mid yahay aysan hadda haysan qalab iyo waqti ku filan.

Wuxuu intaas ku daray in barashada xirfadan ay muhiim u tahay nolosha danyarta aan dabari karin baahidooda maalin laha ah.

“Sababta aan xirfadan ubarey haweenkan waa inay isku filnaansho ay dareemaan iyo inay noloshooda maareeyaan. waayo waa haween carruurta lagu furey oo dhibaato adag haysatay.

Wuxuu sheegay in markii hore dadka qaar ay la yaabeen haween sameynaya sariiro iyo kuraas, balse hadda ay ogaadeen natiijada wanaagsan ee ka soo baxday.

Labaatan kale oo dumar ah ayuu xusay inay waxbarasho u wadaan si ay ula mid noqdaan kuwa ka horeeyay ee hadda ku shaqeysta xirfaddii la baray.

The post Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
(ERGO) – Cunno xumo iyo waxbarasho la’aan ayaa iskuraacay qoyska Cabdinajiib Xasan Nuur oo ku nool Hargaysa, markii suuq xumo ay ku dhacday biyo uu ku dhaamin jiray gaari-dameer tan iyo bishii Abriil ee sanadkan.

Dadka magaalada ayaa ka maarmay biyihii ay sida joogta ah uga shuban jireen muruq-maalkan. Waxaa u sabab ah biyo galin Soomaaliland ay ka samaysay Intada badan Hargaysa, taas oo galaaftay shaqadiisa.

Xaaladdan waxay saamayn taban ku haysaa boqollaal xoogsato ah oo ka soo shaqo tagi jiray xaafadaha isku-raranta ah. Cabdinajiib ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in uu maarayn la’yahay masruufka qoyskiisa.

Wuxuu maciin biday raashin dayn ah, balse $200 oo ay ku yeesheen labadii bil ee u danbeeyay dukaamo uu macaamiil la ahaa ayaa ka hor istaagay in uu mid hor leh qaato, taas oo xaaladda ku sii xumaysay.

“Markii hore, maaddama aan lahaa macaamiil badan maalintii oo dhan ilaa habeenkii ayaan shaqayn jiray. Laakiin imika laga yaabaa inaan toddobada subaxnimo baxo oo aan iskaga soo noqdo aniga iyo dameerkii oo gaajoonaya, xaafadna aanan u shubin biyo ayaa inta badan dhacda.”

“Cuntadii waxay noqotay in dukaamada laga soo qaado ama laga soo amaahdo. Dukaamadiina waxay yiraahdeen tii hore ayaa la idinku leeyahay wax danbe idin ma siinayno ilaa aad iska bixisaan.”

Wuxuu tilmaamay in uusan ka niyad-jabin shaqo maalmeedkiisa. Wuxuu ka baxaa gurigiisa subaxa hore, isagoo ku dadaalaya helida macaamiil cusub, maaddama kuwii hore ay ku heleen gurayahood biyo galin.

Saddexdii toddobaad ee u danbeeyay ayuu sheegay in uu shaqeeyay $3 oo kaliya. Waa qiimo aad uga yar tii uu markii hore ka heli jiray shaqadiisa, taas oo ahayd lacag u dhaxaysay $30 ilaa $40 maalin walba.

Carruurtiisa oo 6 ah ayuu xusay in dariskiisa ay u soo gurmadaan marka ay wajahaan xaalad nolol xumo oo daran. Waxay ka caawiyaan cunno bisil ama ciiriin ah, taas oo aan joogto ahayn, balse dantu bidday.

Shan ka mid ah carruurtiisa oo waxbarashada gaaray ayaa ka haray iskuulkooda. Saddex ka mid ah billowgii dhaqaale xumada ayaa laga saaray, halka labada kale laga eryay dugsiga horraantii bishan.

Wadarta guud ee lacagta ay ku dhiganayeen waxbarashada ayaa ahayd $32, taas oo uusan awoodin bixinteeda Cabdinajiib sida uu sheegay.

“Horta guriga aan ku jirno waa guri buul ah ama baybay ah. Annaga iska leh wax kiro ah naguma aha. Laakiin dhibaatadu waa waxbarashada carruurta. Labadii dhiganaysay guryaha ayay iska joogaan markii waxba loo waayay.”

“Caqabadka kale ee aan wajahayno waxaa ka mid ah cunto la’aanta, maaddama qofka marka uu soo kaco uusan wax shaqo ah helaynin. Xaaladdaas ayaa ah midda iigu daran ee jirta, carruurna yaryar ayay u badan yihiin oo cunno iyo waxbarasho bay doonayaan. Xaaladdu aad bay u adagtahay.”

Ka hor shaqo la’aanta Cabdinajiib wuxuu tan iyo 2019 ku naaloonayay dhaqaalaha uu ka helayay howsha gaari-dameerkiisa. Dusha sare waxaa ka saaran gaarigan haan 300 liitar oo biyo ah qaadda halkii mar.

Waxaa ku xariirsan tuubo oo biyaha ugu wareejin jiray haamo kale oo qoysaska macaamiil la ah u xirnaa. Shaqadan waxay u ahayd il-dhaqaale. Wuxuu sheegay in aysan qoyskiisu ka maarmi karin adeeggiisa.

Wuxuu ka dayriyay nolosha dameerka jiida gaariga haanta sida, kaas oo u baahan caws ama raashin. Dhaqaale xumada haysa Cabdinajiib ayaa saamayn ku yeelatay xayawaankan.

“Iminka waxaa ugu daran dameerka. Waa noole wuxuu u baahan yahay raashin ama caws uu cuno. Isaga oo aan waxba cunin raritaankiisu waa adkaanaysaa naflay weeyaan. Waxa laga yaabaa cawskiisii in aan la helinba. Marka way adkaanaysaa in la raro.”

Toddobo sano ka hor ayuu barakac ku yimid Hargaysa isaga iyo qoyskiisa, markii abaar ka laysay xoolihiisa ay ka keentay deegaanka Xarshin, waxaana nolol cusub uu ka billabay Hargaysa.

Muquq-maalka ku dhibaatoonaya halganka nolosha waxaa nolol-maalmeed ka sugaya qoysas nugul oo ku nool xaafadaha u gaarka ah dadka soo barakacay iyo danyarta la daalaadhacaya duruufaha haysta.

Waxaa ka mid ah Maxamed Cali Raage oo lagu amray in uu iskaga guuro guri uu kiro ku dagan yahay, markii uu bixin waayay kirada labo bil oo isku xigta, waxaana lagu leeyahay lacag konton doolar ah.

Wuxuu sheegay in cunno xumada ay u dheertahay hubanti la’aanta haysa. Waxay daris la noqdeen guri mugdi ah habeenkii, kaas oo korantada laga jartay labo bil ka hor dhaqaale la’aan darteed.

Wuxuu xusay in uu ka murugaysan yahay maarayn la’aanta carruurtiisa oo 8 ah. Lacag ka badan $20 ayuu joogto ugu soo dhicin jiray 24 saac. Hadda se taas meesha way ka baxday.

“Awal waxaan ka heli jiray dhaqaale fiican oo aan xaafadda ku maareeyo iyo qoyskayagaba. Laakiin hadda xaaladdu way is beddeshay.”

“Kiradii guriga ayaa nalagu leeyahay, imikana sida aan ku heli lahaa waa adag tahay. Dadkiina waxay na leeyihiin nooga baxa guriga, ilaa laydhkiina waa nalaga jaray. Caqabado badan ayaan wajahaynaa.”

Shaqadan waxay il-dhaqaale u ahayd muddo 15 sano ah. Wuxuu sheegay in uusan lahayn xirfad kale oo soo kabasho u noqon karta. Caruurtiisu waxay kaalmo cunno waydiistan dariskooda iyo dad ehelo la ah.

Xaaladdan wuxuu ku jiraa afartii bil ee u danbeeyay. Wuxuu xusay in weli uu sii wadado dadaallada uu ku heli karo macaamiil cusub oo uu biyaha u dhaamiyo, balse rajada uu ka qabo ay sii wiiqmayso.

Toddobaadkiiba mar ayuu xusay in uu helo maqaaxi ama qoys u baahan biyo loo shubo inkasta oo aysan joogto ahayn. Wuxuu gocanayaa noloshiisii ka horraysay xaaladda shaqo la’aan ee soo wajahday.

“Dhibaatada aad iyo aad bay u badan tahay, saddexdeena waqti waan heli jirnay markii hore. Dhaqaale fiicana waan heli jirnay, iminka dhaqaaluhu hoos ayuu u dhacay. Dameerku wuxuu cuno ayuu u baahan yahay iyo helidda biyaha. Dhaqaalihii hoos buu u dhacay.”

Wuxuu tilmaamay in ka hor shaqo yaridan maalintii uu u adeegi jiray celcelis ahaan 15 ilaa 20 qoys oo biyaha uu u shubi jiray, kuwaas oo loo xiray toobooyin ama qasabado ay u xirtay dowladda hoose.

Ninkan qoyskiisa wuxuu ka soo barakacay sanadkii 2013 deegaanka Balli Cabane oo hoostaga Hargaysa, markii ay ka la’deen xoolo qoyskiisu uu lahaa. Kadib abaar soo laalaabatay, taas oo cayrtaysay.

Waxaa jira ceelal iyo qasabado gaar ah oo biyaha ay ka iibsan jireen xoogsatada shaqo xumadu hayso. Waxaa yaraaday dhaqdhaqaaqii biyo doonka ahaa ee ay heli jireen dadka ila biyoodyadaas leh.

Waxaa ka mid ah siciid cabdi jaamac. Waa milkiilaha qasabad biyaha laga iibsado. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shaqo la’aanta ku dhacday biyoolayaasha ay ka dareemeen ganacsigooda.

Waxaa ku xirnaa goobtiisa ganacsi ku dhawaad boqol gaari-dameer. Hadda se inta u timaada waxay ka yaryihiin 10. Wuxuu sheegay in aysan biyaha iibsan karin, balse ay dayn ku qaataan.

“Dakhligii ay ka heli jireen aad iyo aad buu hoos ugu dhacay. Boqolkiiba sagaashan buu hoos u dhacay. Toban baa u haray. Tobanku reer iyo carruur ma dabari karaan iyo dameerkii afkiisa. Dadkaas hoos ha loo eego.”

Wuxuu intaas ku daray in dadka la midka ah ay weli ku tiirsan yihiin booyada biyaha geeya miyiga iyo tuulooyinka, saamayn darana aysan ka soo gaarin biyo galinta lagu sameeyay Hargaysa.

Xoogsato badan ayaa sanadihii u danbeeyay shaqadooda ku waayay isbeddel ku yimid shaqooyinkooda iyo xirfado muddo badan ay ku tiirsanaayeen, kuwaas oo meesha ka baxay.

The post Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
(ERGO) – In ka badan 80 beeraley ah ayaa xaalado adag oo dhanka nolosha ah ku wajahaya deegaanka Xero-dhagaxley ee gobolka Mudug tan iyo bishii April.

Ayax ka cunay dalagyo ay goosasho ku dawaa iyo waraab yari isku raacay ayaa meesha ka saaray tacabkoodii.

Waxay dabooli la’yihiin baahiyahooda aas-aasiga ah, iyadoo daymo loo haysto. Ceelkii ay ka cabi jireen ayaa cilladoobay 4 bil ka hor, mana helin dayac-tir.

Waxay iibsan la’yihiin biyo qaali ah oo laga keeno mid gaar ah oo tuulada u jira qiyaasti 10 km.

Cabdimaciin Axmed Maxamuud ayaa sheegay in Ayaxu ka baabi’iyay yaanyo, basal, karooto, barbarooni, liin, saytuun iyo noocyo kale oo khudaar ah.

Wuxuu xusay in ay ka gashay $1,300 oo inta badan uu amaahday.

“Tacab iska daaye geedihii ayaa qallalay. Ayaxa waa mid geedi ah oo ilmo meesha uga tagay iyo mid dhirta isaga jira oo waxkasta ku dagaya. Baaga-muudo ayaan u noqnonay.”

Deegaanka Xero-dhagaxley oo dhaca bariga fog ee gobolka Mudug dadka ku nool waxay ku tiirsan yihiin wax soo saarka. Caqabadahaan isku biirsaday ayaa saamayn weyn ku yeeshay noloshooda.

Xaaladan ka hor waxay dalagyadooda u iib gayn jireen magaalooyinka Hobyo, Wisil iyo meelo kale.

Cabdimaciin ayaa sheegay in dalagyadii ay dhamaadkii Fabraayo galiyeen beerahooda aysan waxba uga badbaadin.

Dadkaan oo u badan danyar wuxuu sheegay in aysan u sahlanayn fursad kale oo ay noloshooda ku maareeyaan.

Ninkan ayaa tilmaamay in 3 bil ee ugu danbaysay ay ku adkaatay in uu qoyskiisa u helo cunno ku filan.

Hal mar ayay dabka ku shitaan kiilooyin raashin ah oo dayn ay uga soo qaataan dukaamo tuulada ku yaalla oo mararka qaar looga diido.

“Wax badan ayaa isbeddelay nolosha, waa garan kartaa qoyska biyo, cunno, daawo iyo waxbarasho ayuu u baahan yahay. Casho kali ah ayaa la helaa. Maalinba qof ayaa dayn laga soo qaadaa.”

Cabdimaciin ayaa sheegay in beertiisa oo 2 hektar ah uu ka heli jiray bishii ugu yaraan $700. Sanadkii 2023 ayuu ku billaabay $500 oo ahayd dayn uu dib ka guday.

Tacbashada ayuu doortay, markii saamaynta abaarta ay ku dhaafeen labo boqol oo neef oo ari iyo geel isugu jira oo miyig ay ku dhaqanayeen.

Qoyskiis oo 10 qof ah iyo shan neef oo ari ah oo u joogta ayuu u iibin la’yahay biyo halkii fuusto la siiyo $5. Dadka awooda ayuu sheegay in ay hal caag ka soo baryaan maalintii, kaas oo aan ku filnayn.

Waxaa ka waxbarasho beelay labo carruurtiisa ah oo dugsi Qur’aan iyo iskuul hoose deegaanka uga dhiganayay.

Labo kale oo dugsi sare ku jira wuxuu u geeyay walalkiis Gaalkacyo degan oo bishii ka bixiya min $10, maaddaama uusan isagu u awoodin.

Dhanka kale Xaafid Cabdi Siyaad oo dadkaaan ka mid ah ayaa sheegay in nacfi beelka ku dhacay beertiisa oo 1.5 ah ay dhan dhaqaale iyo nololeed ka saamaysay qoyskiisa oo 7 qof ah.

Dalagyo isugu jiray raashin iyo khudaar dhowr nooc ah oo bishii labaad uu abuurtay ayuusan waxba ka faa’iidin.

Waxaa kaga baxday $1,200 oo $800 ay dayn ahayd, taas oo ku sii kordhisay culaysyada haysta.

Xaaladahan isku biirsaday dartood wuxuu qoyskiisa u la’yahay cunno joogto ah iyo baahiyahooda kale ee nolosha.

“Dhaqaalaha xagiisa ayay iga saamaysay oo nolol-maalmeedka reerka ayaa iigu daran. Meeshii aan wax ka helaynay waa joogsatay, baahiyah waa badan yihiin abaarta ayaa biyo la’aan na dhigtay.”

Xaafid ayaa sheegay in qoyskiisa ay ku tiirsan yihiin kaalmo aan joogto ahayn oo marmar ay siiyaan ehelkooda degan Gaalkacyo iyo Hobyo oo ay u dan sheegtaan.

Waxay ugu badnaan ka helaan hal ama labo dollar oo hal mar ay dabka ku shitaan, maaddaama aysan doorasho kale haysan.

Wuxuu tilmaamay in dukaamo deegaanka ku yaalla oo macaamiil uu ka ahaa ay buugiisa xireen, markii ay ku yeeshaan in ka badan $300 oo uusan awoodin bixinteeda.

Waxaa intaas u dheer qarashkii uu beerta galiyay oo dadkii ku lahaa ay ka doonayaan.

Ninkaan ayaa sheegay in tacabka meesha ka baxay uu ahaa isha ugu muhiimsan ee uu qoyskiisa ku maarayn jiray.

Waxay ku tiirsanaayeen in ka badan 8 sano, mana jirto meel kale oo dhaqaale uu ka soo galo. Wuxuu xusay in ay beertiisa isugu darsameen ayax, cayayaan kale iyo biyo la’aanta.

“Wuu tiro badan yahay kama jafi kartid habeen iyo maalin isku si waaye. Biyo yarida darteeda geedo badan ayaa ku dhintay. Daawada cayayaanka iyo abuurna ma haysano.”

Wuxuu tilmaamay in aysan ood iyo silig midna lahayn oo xooluhu ay dhex marayaan, taas oo sababaysa in xitaa haddii uu biyo helo uusan waxba beeran karin illaa si guud loo dayac-tiro.

Wuxu shaqooyin xamaal ah ka raadiyaa meelaha dhagax laga guro. Toddobaadka dhan $3 ayuu ka helaa ama wuu soo waayaa.

Wuxuu xusay in beerta ka xumaatay ay ahayd waxa kali ah ee uu yaqaanay ayna isku maaraynayeen muddo dheer.

Intii ay caqabadan dhaqaale haysay waxaa waxbarashada ka haray saddex carruur ah oo dhiganayay iskuul hoose.

sheegay inuusan afar bil bixin min $10 oo laga qaadi jiray, taas oo isku gaartay $160. Dhamaadkii bishii May ayaa laga soo eryay.

“Bishii markii ay dhamaato oo lacagta keen la I dhaho anna aanan waxba hayn oo hala I sugu aan iri. Dhowr bil markii ay isku gaartay waxna aan keeni waayay waa la soo diray oo guriga ha kuu joogaan ayaa la I dhahay.”

Guddoomiye ku xigeenka iskaashatada beeraleyda Xero-dhagaxley Liibaan Siciid Siyaad ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in wax-soosaarka beeraha oo hoos u dhacay uu ku sababay nolol xumo iyo dhaqaale burbur.

Dadkaan oo horay u ahaa danyar ayuu xusay in ay xaaladu ku adag tahay.

“Waa dareemi kartaa dad muruq-maal ah oo subaxdii beerahooda falan jiray wixii ay ka soo gurtaana suuqa gaysan jiray oo aysan waxba u soo go’in. Dhibaato, burbur iyo barakac ayaa ka dhashay. Masaaariiftii qoysku heli jiray ma jirto hadda, taasna waa dhibaato weyn.”

Beeraleyda deegaanka Xero-dhagaxley waxay wajahayaan xaalado isbiirsaday oo ay ku adag tahay ka soo kabashadoodu.

Culaysyadaan ayaa ku sababay in ay ka niyad jabaan tacabka oo sanooyin badan ay ku soo jireen saldhigna u ahaa noloshooda.

The post Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar
(ERGO) – Boqollaal rag ah oo shaqadoodu ahayd qodidda godadka gaagaaban ee qashinka lagu uruuriyo oo ay maalinle uga heli jireen $5-10 ayaa la’ waxay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Waxaa saameeyay amar uu maamulka gobolka Banaadir ku joojiyay bishii Febraayo in guri kasta uu hortiisa ka sameysto god qashin. Waxaa arrimaha nadaafadda la wareegay shirkado qashinka ka qaada xaafadaha bishii illaa saddex mar.

Maamulka ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid badbaado u ah dadka, maaddaama godadka ay ku dhici karaan waayeelka iyo carruurta, sidoo kalana ay xumeynayaan bilicda iyo nadaafadda magaalada.

Ibraahim Maxamed Fanaay oo ka mid ah ragga uu saameeyay go’aankan, ayaa qoyskiisa 10 qof ah u la wax uu dabka ugu shido, markii amarkan oo uusan muhiim u arkin uu ka dhigay shaqo la’aan.

Wuxuu sheegay in dhaqaale yarida darteed uu ka fursan waayay inuu u dan-sheegto saaxiibadiis ama uu raadiyo dayn ku adag, si reerkiisa uu ugu helo hal waqti oo cunto ah maalinkii.

“Culaysyada na haysta cunno xummada ugu daran. Bariiskii aan dabka saaran lahayn ayaan la’ nahay. Saaka ugu danbaysay cido Alle bari qabo ayaan wax ka cunay aniga.”

“Ilmahana xaaska ayaan ku dhahay dayn u raadi. Cid na biisho malahan. Magaalada wixii aan ka soo helno ayaan ku noolayn, xirfad kale oo aan ku shaqaystana ma lihi.”

Ninkan oo 43 jir ah ayaa xusay in maalin kasta uu magaalada u kallaho isagoo raadinaya shaqo xamaal ah, hasa ahaatee uu dib guriga ugu soo laabto isagoo waxba soo helin.

Waxaa sidoo kale ka waxbarasho beelay Maarso afar carruur ah oo dhiganayay iskuul hoose iyo dhexe, markii uu awoodi waayay inuu bixiyo lacagta oo bishii ah $20.

“Shaqo la’aan ayaan noqonay. Dadkii aan u shaqayn jirnay waxay noo sheegeen in ay naga maarmeen. Bannaanka ayaan ku soo dhacay. Maanta waxbo uma awoodo qoyskayga.”

“Haddii xaalku sidaan sii ahaado meel aan u cararo ma naqaano, gaajo inaan iskugu dul-dhamaano ayay gaari doonta.”

Ninkan ayaa ah danyar ku nool xerada Sahan ee degmada Dayniile. Wuxuu tilmaamay inuusan gadan karin biyaha oo labaatankii liitar la gadayo $0.15 cent.

Waxbarashada, cuntada iyo biyaha oo hadda maareynteedu ku adag tahay ayuu sheegay inuu ka dabari jiray dhaqaale gaaraya $5 illaa $7 oo maalinkii ka soo gali jiray qodista godadka qashinka.

Wuxuu intaas ku daray in lagu leeyahay deyn $150 oo bilaha uu shaqo la’aanta yahay uu reerka ugu soo qaaday raashiin. Waxaa loo diiday inuu mid kale qaato.

Ibraahim ayaa ahaa beeraley soo maciin biday barakacnimada bishiii November 2025, markii uu colaad iyo roob yari tacab la’aan dhigtay uga soo barakacay deegaanka Daafeed ee gobolka Shabeellaha hoose. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer uu leeyahay oo saddex hektar ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sanooyinkan waday qorshayaal is bar-bar socda oo ah dhismaha waddooyin laami ah iyo kuwo la saarayo dhagaxa loo yaqaan marmarka (interlock), taas oo keentay in la mamnuuco in dadku ka sameystaan hareeraha waddooyinka ku beegan guryahooda godad iyo bullaacado u gaar ah.

Tani waa caado ay dadku la qabsadeen oo magaalada ka jirtay tan iyo burburkii 1991. Mashruuca dib u nadaaminta nadaafadda Muqdisho waa mid ay ku baxeyso malaayiin Doollar, balse ma gaarsiisna xerada Sahan ee uu ku nool yahay Ibraahim Dhugure Cabdisalaan oo qorshahan dartiis shaqo la’aan u noqday.

Waa aabbaha 11 carruur ah oo qoyskiisa ay ku adag tahay in hal waqti maalinkii ay dabka shitaan. Kaligiis ayuu reerku ku tiirsanaa, wuxuuna ka maareyn jiray qodista godadka qashinka oo uu ka heli jiray $8 illaa $10.

Waa shaqo uu sheegay inuu ku tiirsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay, wax u badalana ma helin. Wuxuu xusay in kedis uu ku noqday go’aanka maamulka, waligiina uusan waxba ka keydsan, maaddaama dhaqaalaha yar ee soo gali jiray uusan ka badneyn nolol maalmeedka.

“Marna waan helnaa marna waan waynaa. Dad reer miyi ah oo ay daruuf magaalada keentay ayaan nahay. Halkii shaqo oo aan nolosha ku maarayn jirnay waa joogsatay oo guri walbo albaabkiisa interlock ayaa la saaray. Dad xoogsado ayaan ahayn xoogeenii hadda wax waa ku waynay.”

Dhanka kale wuxuu xusay in qoyskiisa ay hoy xumo ku hayso xerada ay soo miciin bideen. Baco ay ka samaysteen buushash ay gabbaadsadan markii ay xerada yimaadeen ayuu tilmaamay in ay noqdeen kuwa dhamaad ah uusana hayn dhaqaale uu bac ugu soo iibiyo.

Arrintan darteed wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay bannaan yaal u yihiin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Waxaa culaysyaddan u dheer waxbarasho la’aan soo wajahday shan ka mid carruurtiisa oo dugsi Qur’aan u dhigan jiray, markii uu awoodi waayay $ 2.5 oo laga rabay.

“Dugsi ayaan geeyay markii aan magaalada imaanay. Haddana waa ka bixiyay markii aan u awoodi waayay lacagtii laga rabay. Saddex gabdhood iyo labo wiil ayaa dugsi Qur’aan ii dhigan jiray.

“Hadda dhamaantood guriga ayay ii joogaan. Waligood iskuul lama gayn haddana waxay waayeen tacliintii diiniga ahayd oo ay haysteen.”

Ibraahim oo 45 Jir ah ayaa sheegay in dhammaan noloshiisa uu ku soo qatay deeganka Tabiid oo hoos taga degmada Afgooye oo uu beeraley ku ahaa.

Sanadkii 2023 ayuu ka soo barakacay, markii beer afar hiktar ah oo uu beeran jiray ay saameeyeen duqaymaha dowllada iyo Shabaab.

Wuxuu deggan yahay xero dhulka ay ku taallo ay leeyihiin dad deegaan ah oo markii ay doonaan ka saari kara, sida horay ugu dhacday qoysas badan oo laga barakiciyay meelihii ay degganaayeen.

Maxamed Abukar Cali oo ah guddoomiyaha iskaashatada muruq-maalkan ayaa sheegay in shaqo la’aanta lagu xallin karo abuurista fursado shaqo, taasina aysan gacantooda ku jirin.

“Saamayn xooggan ayay wajahayan xoogstada. Baagamuudo guri jog ah ayay noqdeen. Wax ay qabtaan ayay la’yihiin.

Maamullada degmooyinka ayaa amray inaan godad laga qodin waddooyinka, meelaha qaarna waxaa la saaray interlocks iyo laami. Sidaas ayay shaqo la’aan ku noqdeen xoogsatadii ku tiirsanaa qodista godadka qashinka.”

Guddomiyaha ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo rag ah ay arriintan saamaysay. Baaqyo ay u direen maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ayuu xusay in aysan ka helin wax jawaab ah.

The post Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
(ERGO) – Axmed Cabdullaahi Bocoreey oo ah 47 jir deggan magaalada Muqdisho ayaa nolosha qoyskiisa isbeddel weyn ku sameeyay.

Dhegeysiga barnaamijka deegaanka ee Raadiyow Ergo ayuu ka dhex helay aragti ganacsi oo u horseeday inuu abuurto ilo cusub oo kordhiyay daqligiisa.

Ninkan ayaa ka ganacsada dhir noocyo kala duwan ah, isagoo adeegsanaya hab hal-abuur leh oo uu ku badbaadinayo deegaanka.

Wuxuu tilmaamay in ganacsigan uu kaafiyay nolosha qoyskiisa iyo ehelkiisa.

Ninkan oo ku guulaystay inuu ballaariyo shaqadiisa, ayaa sheegay in aqoonta uu ka qaatay raadiyaha ay u sahashay inuu badiyo dhaqaalaha qoyskiisa.

Wuxuu markii hore la tacaalayay daboolista baahiyaha asaasiga ah.

Isbeddelkan ayaa Axmed ka caawiyay inuu ka baxo hubanti-la’aan dhanka dakhliga ah, taas oo keentay in toddobaadkii uu ku tashto lacag u dhaxeeya 80 illaa 100 dollar.

“Nolosheenna oo keliya ma ahan asxaabo ayaa jirto. Waalid ayaa jira oo si maalin walba ah u qaato masaariif, mar mar abti ayaa soo boodaayo mar mar eedaa soo boodayso mar walbo waxbaa soo boodaayo.”

Guri labo qol ka kooban ayuu ku deggan yahay bishii 100 dollar oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ninkan ayaa sidoo kale awooday bixinta waxbarashada labo carruurtiisa kamid ah oo dhigta fasalka 11naad ee dugsiga sare. Wuxuu sheegay in bille uu uga bixiyo min 15 dollar.

“Shaqada waxbadan ayay iga kaafisay inaan qof hoos tagin oo  qof wax aan tuugsan, wax keen maanta inaan qof dhihin oo aaniga aan isku filnaado oo  aan shaqeesto bil caksi aniga aan wax bixiyo.”

Ninkan ayaa dakhli iyo nolol cusub ka dhex abuuray miraha la tuuro; wuxuu tagaa goobaha qashinka si uu uga soo dhex xulo miraha khudaarta iyo dhirta ay bulshadu reebtay, kuwaas oo uu dib u abuuro, daryeel weynna galiyo.

waxay hadda u noqdeen il-dhaqaale oo uu si joogto ah u gurto miraheeda.

In kasta oo dadka qaar ay la yaabaan marka ay ku arkaan goobaha qashinka isagoo baaraya, haddana isaga waxaa bidhaamaysa ujeeddo weyn oo ganacsi.

Ma ahan oo kaliya miraha waxa uu raadsado; haraaga cuntada iyo qolofka khudaarta ee dadku daadiyeen ayuu u beddelaa digada nafaqaysa carrada uu ku dhex beerayo dhirta cusub.

“Caleentaas dad baa iskasoo xaaqay waan soo aruusaday caleenta caraa u beddelaa. geedkaan moxoga laleeyahay waxaa laga sameeyaa buraa canbuulaa lagu karsadaa.”

Axmed Cabdullaahi Bocoreey oo gacmaha ku haya beeshin ama weel uu ku abuuray miraha uu soo uruursado/Maxamed Khadar/Ergo

Horumarka iyo dhaqdhaqaaqa xooggan ee ganacsigiisa, Axmed wuxuu guusheeda gabi ahaanba u tiirinayaa talooyinkii uu ka bartay Raadiyow Ergo.

Wuxuu rumeysan yahay in la’aanta codkaas hagayay, ay adkaan lahayd inuu maanta sawirto halka uu ku dambayn lahaa mustaqbalka masruufka qoyskiisa iyo noloshiisaba.

Axmed ayaa tilmaamay in uu kala socdo idaacadaha Muqdisho ee soo daaya Radio Ergo, taas oo u noqotay mid uu ku tixan yahay galab kasta.

Bishii March, 2025 oo Radio Ergo lagu daabacay halgankiisa nololeed ayaa u horseeday inuu helo macaamiil badan, kuwaas oo ka soo dalbada dhirta. Axmed ayaa sheegay in wax-soo saarka shaqadiisa ay hooseysay.

Noloshiisa ayaa isbedeshay markii uu la saaxiibay idaacadda, taas oo siisay fursad ah inuu ganacsigiisa ku soo daro hal abuur maanta ku simay inuu noqdo mid bullaalay oo wax ka beddelay hab nololeedka qoyskiisa.

Tan iyo markaas waxay u noqotay shaqadiisa mid ka duwan intii aan la baahin, Axmed oo si gaar ah u xiiseeya arrimaha deegaanka ayaa sheegay inuu ku tixan yahay cinwaannada la xariira dhireynta deegaanka.

“Barnaamijka deegaanka oo Ergo ayaan ku xiranahay wax badan ayaan ka faa’iiday marwalba cilmiga inaan sii kordhiyo ayaan jeclahay. Shaqadeyda marka meel sare ayaad gaarsiiseen aad ayaan idinkaga mahadcelinaa.”

Ninkan ayaa shaqadan si rasmi ah u xoojiyay bilowgii sannadkan 2026, isaga oo xogihii uu kala baxay baahinta ergo oo uu joogteeyay kaddibna u beddel ficil, wuxuuna ku guuleystay inuu ka miro dhalliyo kana macaasho.

Axmed ayaa xusay in shaqadu aysan aheyn wax laga xishoodo balse ay tahay sharaf mudnaan gaar ah siineysa cidda ku dhiirrata lana aqoon iyo xirfad.

Wuxuu aaminsan yahay in aragti ka maqan ay aheyd xoojinta iibinta dhirta miraha la dheefsado leh, taas u kabtay xirfaddiisa samaynta agab dhirta lagu rido oo uu ka farsameeyo shamiindo, carro gaduud iyo rinji midabo kala jaad ah ka kooban.

Yoolka ugu weyn ee Axmed hadda ma ahan oo kaliya inuu qoyskiisa kaafiyo, balse wuxuu rabaa in xirfaddiisa farshaxanka iyo beerista dhirta uu u adeegsado la-dagaallanka shaqo-la’aanta haysata dhallinyarada.

Wuxuu bilaabay inuu mid-mid u fuliyo qorsheyaal u deggan oo ah inuu aqoontiisa gaarsiiyo bulshada, si loo helo qoysas badan oo isku filan. Illaa iyo hadda.

Wuxuu xirfaddan si bilaash ah ugu tababaray in ka badan 10 dhallinyaro ah, kuwaas oo maanta ku shaqaysta, kuna maareeya nolosha qoysaskooda.

Axmed nolosha maanta uma muuqato sidii hore; wuxuu noqday tusaale nool oo muujinaya sida macluumaadka Raadiyow Ergo uu qofka iyo bulshada uga caawin karo inay qaataan go’aan u sahla inay dhistaan mustaqbalka wanaagsan iyo wacyi.

Ninkan oo wehel ka dhigtay dhegeysiga barnaamijyada maalinlaha ah ee idaacadda, wuxuu ka dhex helay aqoon iyo dhiirrigelin gabi ahaanba beddeshay jihada noloshiisa iyo midda dadka uu gacan qabtay.

The post Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
(Ergo) – Boqollal qoys oo ganacsato yar yar iyo xoola dhaqato is kugu jira ayaa nolol xumo ku wajahaya deegaanka Ari-cadeeye ee gobolka Sool tan iyo billlawgii bishaan.

Waxay colaad qabiil oo ay ku waayeen kaabayaashoodi dhaqaale uga soo barakaceen deegaanka Madax-lagu xoor oo Ari-cadeeye hoostaga.

Waxay sheegen in ay faro marnaan ku yimaadeen si ay waxyeelada dagaalka uga baxsadaan.

Sahra Faaax Cali oo ka mid ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in colaada looga gubay mehrad ay ku iibin jirtay cuntooyin bisil iyo bagaash.

Waxay xustay in ay hadda la’dahay wax ay ku dabarto nolosha 8 carruur oo ay ka masruufi jirtay, kuwaas oo kaligeed ku tiirsan.

Waxay xustay in ay noloshoodu ku soo aruurtay wax ay ka helaan dad ay ehel yihiin oo ay dul-saar ku noqdeen, taas oo aan joogta ahayn.

“Hal mar ayaan dabka shidanaa. Markaas xitaa mararka qaar waa wayna oo qatooyo ayaan ku joogna. baahiyaha aan qabnana aad ayay u badan yihiin, maaddama aan nahay dad faro maran oo aan waxbo awoodin.”

Sahro ayaa sheegtay in $300 oo u dhex yaallay mehrada oo ay markii hore ku billawday $100 oo ay dayn ku soo qaadatay ayay xustay inuusan waxbo uga badbadin oo colaada lagu gubay.

Dhinacyadii dagaalamayay oo wada gubay guriyihi iyo ganacsayadii deegaanka ayay sheegtay in keedina uu ka mid noqday.

Waxay xustay in ay meesha ka baxday $6 Illa $10 oo ay joogta uga heli jirtay ganacsigeeda.

Dhaqaalahan oo ay ku maaraynaysay cuntada, biyaha, waxbarashada iyo baahiyaha kale ee carruurteeda ayay tilmamtay in ay hadda ka faro maran tahay.

Haweeynaydan ayaa xustay in xaaladdan ay u dheertahay helitaanka biyaha oo ay ku dhibban yihiin.

Waxay sheegtay in ay awoodi la’ dahay $1 oo jirgaankii ay iibiyaan ceelal gaar loo leeyahay.

Qubeys iyo dhar-dhaqis ayay sheegtay in aysan tabar u hayn oo ay dirqi ku hesho maalinkii 20 liitar oo ay cabaan ama cuntada ku karsadaan,

Waxaa ka caawiya qoyska ay dul-saarka ku noqdeen oo aan waxbadan ku dhaamin.

Qoyskeeda ayaa ah bannaan yaal aan haysan hoy ka xajin kara qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.

“Hoy fiican ma lihin. Baco aan dayn ku soo qaadanay iyo ullo aan isku gaynay ayaan dhisanay. Waxaan dhiganay oo aan ku seexana sijaayado ay nagu caawiyeen dadka aan dul saarka ku nahaya. Naguma filna.”

“Carruurta ayaan seexina anaga banaanka ayaan seexana habeenkii, maalikiina geedaha hoostooda ayaan harsanaa.”

Sahra ayaa sheegtay in sidoo kale colaada looga gubay guri ka koobna labo qol oo jiingad ah, barsad, musqul iyo jiko ay ku noolaayeen reerkeeda.

Waxay arrintan ku sababaysa in aysan dib ugu noqon karin deegaankoodi haddii uu amni noqda, maaddama aysan wax hanti ah ku lahayn.

Waxay sidoo kale colaada darteed iskaga soo tageen lix neef oo ari oo ay dhaqan jireen.

Waxay sheegtay in qarkood ay irmaan ahaayeen oo ay carruurta u maali jirtay, balse ay soo wadan waysay maaddaama ay xabad dhacaysay darteed aysan awood u lahayn.

Haweeynaydaan oo 41 jir ayaa xustay in ay ku hungowday raadinta shaqooyin dhar dhaqis ah oo ay deeganka ka raadisay.

Arrintaan ayay xustay in ay rajo xumo ku beertay, aysanna u muuqan xal ay ku heli karto wax ay masruufka carruurta ka soo saarato.

Waxay sheegtay inaysan haysan cid garab u noqota xilligan adag. Ilmaheeda aabbahood ayay xustay in afar sano ka hor uu u dhintay cudur aysan aqoonsan.

Dhanka kale haweenaydaan ayaa xustay in xaaladda barakaca ay uga waxbarasho beelen saddex carruur ah oo u dhigan jiray dugsi Qur’aan, kuwaas oo ay bishii ka dhiibi jirtay $30.

Waxay tilmaamtay in aysan hadda u awoodin in ay waxbarasho ku darto, maaddama ay faro maran tahay.

Waxaa walwalka ku sii kordhinaya dayn lagu yeeshay tan iyo markii ay xaaladdan soo wajahday.

“$300 oo dayn ayaa la igu leeyahay. Gaarigii aan ku soo guurnay iyo bacaha aan guriga ka dhiganay ayay is kugu jiraan. Dhibaato ayay igu haysa dayntaas si aan ku bixiyana ma aqaan.”

Colaadaha kadiska ku billawda waxay cayrtoy iyo nolol xumo u horseeda sanadka kasto boqollal qoysas ah oo horray u haystay nolol nagaansho leh.

Waxay miciin bideen barakac aysan xal u helin sidii ay uga soo kaban la’haayeen.

Hinda faarax jamac waxay qoyskeeda oo toddobo qof ka kooban u awoodi la’dahay dhamaan baahiyaha aas-aasiga.

Xerada Ari-cadeeye oo ay soo miciin bideen ayay tilmaamtay in aysan wax kaalmo ah ku helin.

Qoyskeeda ayay horray masruufkooda uga soo saari jirtay dukaan bagaas ah oo ay ku lahayd deeganka Madax-lagu xoor, kaas oo hadda colaada looga gubay.

Waxay xustay in halkaas ay ku waayeen dhaqaale ay ku qiyaastay illaa s$3,000 oo ahaa waxa kali ah oo ay ku tiirsanayeen.

Raashin bisil oo aan joogta ahayn oo ay ku caawiyaan dadkii xerada uga soo horeeyay ayay ku tiirsan yihiin. Xaaladda ay muteen ayay quus ka muujisay.

“Dad badan ayaan nahay wax hal mar dabka la saaray naguma filna. Danta ayaase nagu qasbaysa.”

Hinda ayaa sheegtay in sidoo kale ay ku dhib qabaan helida biyaha. Xerada ay yimaadeen kama jiraan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah,

Dantu waxay ku qasabtay in ay jirgaan dhabarka uga soo qaado ceel u jira 1km oo ay u dan sheegteen.

Waxay xustay in biyihiisu dhanaan yihiin, balse aysan beddel kale heli karin, maaddaama aysan awoodin kuwa macaan oo jirgaankii la iibiyo $1.

Waxay sheegtay in qaaliyowga biyaha ay sabab u tahay colaadda jirta oo aysan dadku inta badan tagi karin ceelka.

“Carruurta wxaa waxbarasho la’aan iga noqday 4 ka mid ah. Hadda wxbarasho la’aanta waxaa ka dhigay waan soo barakacnay wax wax u dhiga waan u waynay. Halka aan joogno waa xeryo iskuullo malahan. Carruurta midkii $8 ayaan ku bixin jiray haddana lacagtaas ma awoodno.”

Waxay xustay in muddo dhawr iyo toban berri ah oo ay joogan xerada ay seexdaan meel banaan habeenkii halka maalintiina ay dulsaar ku yihiin qoys deggan buush aan wada qaadin.

Dadka ku soo barakacay xeryaha ee aadka u badan darteed waxaa adkaatay in ay caawiyaan dadkii horay u deganaa meelaha ay tageen sida uu sheegay Cabdisalaan Abshir Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye xerada Ari-cadeeye.

Wuxuu tilmaamay in dadka soo barakacay oo ay tan iyo billawgii bishaan diwaangaliyeen ay gaarayaan 370 qoys.

Colaaddda ayuu xusay in ay ku soo beegantay xilli dadku ay ka soo kabanayeen saamayntii ka soo gaartay abaarihii daba dheeraaday ee deegaanka ka jiray muddo saddex sano ah, balse ay wajaheen saamayn tii hore ka culus.

“Waxay u baahan yihiin cunno, hoy, waxbarasho iyo caafimaad. Dhamaan baahiyaha aas-aasiga ayaa ka maqan. Dadku waxay qaar barakac ku noqdeen xerada Ari-cadeeye, qaarna dad ayay dul-saar ku noqdeen.”

Colaadaha soo laalabtay ee dalka ka jira ayaa noqday dhibaatada ugu wayn ee sanad kasta nolol xumo u horseeda kumanaan qoys.

Waxaa adkaata in ay ka soo kabtaan nolol xumada ay mutaan maddaama aysan halayn awood ay ku abuurtaan ilo kale oo dhaqale.

The post Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
(ERGO) –  Nolol-xumo aad u liidata ayaa soo foodsaartay boqollaal qoys oo xoolodhaqato ah oo ku nool deegaanka Dajimaale ee gobolka Mudug, markii saddex sano oo roob la’aan ah isku raacday ay sababatay inay nacfi beelaan xoolahooda ayna guraan ceelgacmeedyo ay ku tiirsanaayeen.

Waxaa deegaanka iskaga guuray intii badnayd dadkii deganaa halka ay ku hareen dad lagu qiyaasay in ka badan boqol qoys oo u badan dad nugul oo aan guuri karin. Waxaa ka mid ah Qoyska Busuri Cabdiqaadir Axmed oo toban qof ah ayna ku jiraan dad waayeel ah.

Wuxuu tilmaamay inay ku adag tahay inuu cunno iyo biyo ku filan u helo qoyskiisa. Xaaladdaas ayuu sheegay inay qabsatay markii uu wada dhaafay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen oo ahaa waxa keliya ee ay ku tiirsanaayeen.

“Walaalow dhibaataan ku jirnaa abaar baa na saamaysay biyo ma leh, cunto fiican ma leh, caafimaad ma leh. Duunyada wixii haray abaar baa leeftay waa soo dhamaadeen. Dhibaatada jirta waqti wax lagu cuno iyo kalsooni wax lagu cuno midna ma leh.”

Busuri wuuxu sheegay in hadda qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin raashin min shan kiilo oo burbariis iyo sonkor ah oo ay horraantii bishii June ku caawiyeen qoysas ay qaraabo yihiin oo ku nool kuwaas oo ka war helay xaaladdooda. Si ay u beeqaamiyaan ayuu xusay inay hal waqti karsadaan.

Waxaa intaas u dheer biyo yari. Wuxuu xusay inay iibsan waayeen biyo laga keeno deegaanno ka durugsan oo halkii fuusto la siiyo $6. In ay biyuhu qaali noqdaan ayuu sheegay inay sabab u tahay waddo xumo deegaanka ka jirta oo dhibaato ku ah booyadaha, taas oo ku qasabtay inay qiimaha kordhiyaan ilaa ay gaartay heer la gadan waayay.

Wuxuu xusay in hadda ay ku qasbanaaden dhamaan dadka deegaanka inay dhurtaan ceelasha ku yaalla deegaanka oo 24  saacba soo saara ugu badnaan shan fuusto oo biyo ah taas oo aan wada deeqin. Wuxuu xusay in subaxdii uu galo fayl si uu u helo hal jirgaan, balse mararka qaar uu soo laabto isaga oo gacan maran.

Dhan ka kale wuxuu sheegay in saddex ka mid ah carruurtiisa ay muddo todobaad ah la jiifaan shuban iyo qandho. Wuxuu u sababaynayaa in cudurka ay sababeen biyaha ay isticmaalaan ee ceelka oo aan nadiif ahayn.

“Hadda waxaa ka dilaacday cuduro ah bakteria. Hadda aniga waa iga xanuunsan yihiin shuban baa ku dhacay daawo la’aan iyo nafaqo la’aantaa baa ku dhacday abaartaa iyo dhibaatadaas baa jirta.”

Busuri ayaa sheegay in muddo dhawr jeer ah uu isku dayay in reerkiisa uu u raro magaalada Gaalkacyo oo u jirta 110 km deegaanka uu joogo ee Dajimaale, balse ay u suurageli waysay markii uu waayay qarashka gaariga qaadaya oo ugu yaraan ku kacaya $100, maaddaama qoyskiisu uu badan yahay.

Sidoo kale carruurta iyo dadka waayeelka ah oo hadda tabartoodu hoosayso ayuu sheegay inaysan masaafadaas dheer lug ku mari karin.

Ninkan wuxuu sidoo kale tilmaamay in deegaanka aysan sii joogi karin maaddaama aysan ku haysan cunto ku filan, halka ceelka kaliya ee ay hadda biyaha ka helaanna uu sii biyo yaraynayo marba marka ka danbaysa oo la qiysaasayo in bishan wixii ka danbeeya uu gurayo.

Dhibaatadan waa mid ay ka siman yihiin dhamaan dadka deegaanka ku haray ee ka guuri waayay. Sacdiyo Cabdi Xuseen waxay sheegtay in cunno iyo biyo ku filan ay u la’adahay 10 carruur ah oo agoon ah. waxay xustay inay ku masruufto wax ay ku caawiyaan dadka tuulada oo ay ku dhex wareegto.

Waxay sheegtay in maalmaha qaar ee ay ka wayso ay qatooyo ku joogaan carruurteeda. Waxaa intaas u dheer biyo yarida. Maalinkii waxay soo heshaa ugu badnaan 10 liitar oo aan ku filnayn.

“Baahida ugu daran ee na haysata waa biyo yari. Waxaasna waxa keenayna waa abaarta. Meeshaan aad ayaa loogu daruuufaysan yahay. Cuntada marna waa la helaa marna waa la waayaa laakiin biyaha iyo caafimaadka aad ayaa loogu dhib qabaa. Haddii dadkan la caawinayo waxyaabahaas aad ayaa loogu baahan yahay.”

Sacdiyo waxay sheegtay in saddexdii sano ee la soo dhaafay oo roob yarida soo laalaabanaysay  ay si tartiibtartiib ah kaga marteen labo tiro oo arri ah oo ay dhaqanayeen, kaas oo ahaa waxa kaliya ee ay ku tiirsanayd noloshooda.

Haweenaydan oo 55 jir ah waqtigeeda oo dhanna ku soo qadatay deegaanka ayaa sheegtay in xilligan reerkeeda ay wajahayaan nolol xumaddii ugu darnayd abid.

Dhibaatada ka dhalatay roob yarida ee ay dadka kala siman tahay waxaa u dheer in siddeed bil ka hor uu saygeeda oo reerku ku tiirsanaa uu u geeriyooday cudur aan la aqooonsan. Waxay u sababaysay dhimashadiisa inuusan helin daryeel caafimaad faro marnaantooda dhaqaale darteed.

“Isbitaal ma leh meeshan qofku haddii uu xanuunsado kaniini madax loo liqo ma laga heli karo. Meesha joogno hadda qofkii jirada baabuurna uma kirayn karno baabuurka sadex boqol afar boqol buu ku leeyahay.”

“Farmashi Gaalkacyo noogama sokeeyo magaalooyinka waaweyn haddii aan u guuri lahayn maxaan ku guurnaaba? Xoolodhaqato baan ahayn xoolihiina waa baaba’een.”

Sacdiyo oo hadda kali ku ah maaraynta nolosha carruurteeda ayaa sheegtay inaysan hayn qorshe ay qoyskeeda kaga saari karto xaaladda adag ee ay galeen.

Wxay xustay in cunno xumada ku raagtay darteed ay hadda ilmaheeda ka muuqato dabar darro aad u liidata ayna ka baqayso inay nafaqo darro isku beddesho.

Dhanka kale waxay tilmaamtay in dhawr mar ay isku dayday inay u guurto magaaloyinka waawayn ee gobolka balse ay waysay gaadiid ay ku qaadato ilmaha iyo alaabta. Duruufaha ku gadaaman darteed.

Deegaanka waxaa ka guuray inta badan dadkii deganaa iyaga oo aaday degaano ay biyo ka heli karaan. Balse kuwa ku haray oo ah kuwa danyar ah oo aan guuri karin oo aan tabar ahaan isdhaamin dhanka nolosha.

The post Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
(ERGO) – Xaalad nolol xumo ah ayaa soo wajahday ku dhawaad 150 habeen ah iyo qoysaskooda oo deggan magaalada Doollow ee gobolka Gedo.

Arrintan ayaa timid markii shaqadoodii oo ahayd dhar-dhaqid iyo nadaafadda guryaha ay meesha ka baxeen 6 bil ee la soo dhaafay.

Waxaa isku raacday dhaqaale la’aan ku dhacday qoysaskii ay ku shaqaynayeen iyo haween Itoobiyaan ah oo lacag yar ku qabta shaqooyinkii ay hayeen oo deegaanka ku soo batay.

Shugri Caraale Cabdi oo waxay cunno ku filan u la’dahay carruurteeda oo toddobo ah. Waxay xaaladdan galeen bishii Abriil ee sanadkan.

Qoysas ay shaqo nadaafad ah  maalinle ugu qaban jirtay ayaa u sheegay inay fasax tahay sabab la xiriirta inaysan aqoodin gunadeeda.

Haweeneydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay hadda haystaan culeysyo is-biirsay oo ay ugu horreysa quud u helidda carruurteeda oo keliyeed ku tiirsan.

Waxay ka fursan wayday inay dewersato si hal waqti dabka ugu shiddo.

“Cambuulo shamuureey ayaan saaka sida uu waaga u baryay dabka u saaray ciyaalkeyga. Wax kale oo la siiyo malaha. Hal waqti oo wax la siiyo hadii loo helo caawa sidaas lee ku seexanayaan.

“Dukaankii aan daynta ka qaadanaayay isagana waa la iga joojiyay oo wax kale laguguma daraayo ayaa la i dhahay. Hadda waan iska fadhiistay dhawaanahan banaan ma’aadin, shaqana malaha, sidaa ayaana xaafadda ku joogaa.”

Shugri oo 42 jir ah ayaa sheegay ka seexan waydo habeennada qaar carruurteeda oo gaajaysan, taas oo ku kordhisa fekerka iyo murugada.

Waxay intaas raacisay inay xaaladdooda sii adkaysay in wax gargaar ah aysan ku helin  xerada barakaca Kabaaso ee degmada Doollow oo ay soo miciin biddeen.

Shugri oo shaqooyinka muruq-maalka ku soo jirtay labo sano ayaa sheegtay inay maalinle u heli jirtay lacag u dhaxeeyso saddex ilaa shan doollar, taas oo kaga filnayd cunnada, biyaha iyo waxbarashada carruurteeda.

Waxaa ka istaagay bishii Jannaayo raashin ay ka helaysay hay’adaha samafalka. Waxaa u dheeraa daqligii ka soo gali jiray shaqooyinka xoogsiga balse maanta labadiiba ma hayso.

“Hadda wax dhaq dhaqaaq ah oo qof kuu wacanaayo maleh. Hadda magaaladi aan ka shaqeysaneynay oo dharka ka dhaqeynay Oromo ayaa la wareegtay. Shaqo la’aan ayaan hadda cidda iskala joognaa.”

Marka laga yimaado cunno xumada ay ka dhaxleen iyada carruurteed shaqo la’aanta. Waxaa u wehliya culeys ka haysta dhinaca biyaha markii uu meesha ka baxay dhaqaalihi ka soo gali jiray shaqada oo ay biyaha ka beeqaamin jirtay.

Xerada Kabaaso oo ay ku nooshahay biyuhu waa lacag. Fuustadii waxaa lagu shubtaa 300 birr oo u dhiganta $1.5.

Shugri ayaa sheegtay in markii ay awoodi weyday bixinta lacagta biyaha ay dantu ku qasabtay in carruurteeda ay wabiga jubba oo u jira hal km ay ka doonaan biyo aan nadiif ahayn.

“Hadda gabar tubbo ugu jirto oo walaal ah ayaa u tahay oo aan ku dhahay biyihi lacag ayaa la igu la haaday, lacagtina mahaayo ayaan dhahay ee biyo isii, iyadi ayaan hadda shantoo caag lacag la’aan kaga soo dhaansaday.

“Hadii aan weyno oo tubadiina lacagti nagu badatay wabiga oo wasaq ah ayaan iskaga soo dhaansanaa.”

Haweeneydan iyo carruurteeda ayaa ku sugan xaalad quus ah. Waxay xustay inay u baahan yihiin samata-bixin si ay uga soo kabtaan xaaladda ay ku jiraan oo aysan awoodin inay keligood ka baxaan.

Shugri iyo qoyskeeda ayaa sanadkii 2016 ka soo barakacay abaar ku dhufatay miyiga degmada Diinsoor, halkaas oo ay kaga dhinteen ari 70, xilligaan oo ay ku soo biireen nolosha barakaca.

Haweenka shaqo la’aanta ay soo foodsaartay ayaa ah kuwo ka soo jeeda qoysaska barakaca ku ah xeryaha magaalada Doollow.

Waana kuwo aan laheyn xirfaddo kale oo ay ku shaqeystaan sidoo kalana ay ka istaagtay deeqda hay’adaha samafalka oo noloshooda kabi jiray.

Xaaladdan waxaa haweenkan u raacday hakad ku yimid gargaarkii hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gobolka dhaqaale xumo guud darteed iyo sicir barar ka jira magaalada.

Waxaa la diiday shillin Soomaaliga, taas oo keentay in la isticmaalo birta ee Itoobiya iyo kuwa danabaysan ee taleefannada gacanta.

Shiniyey Maxamed Cabdi waxay dabooli la’ dahaya baahiyaha nolosheed ee carruurteeda oo lix ah. Waxaa ka istgaatay shaqo nadaafad ah bishii Febraayo ee sanadkan.

Waxaa u wehelisay inuu ka go’day isla December 2025 raashin igusu jiray Min 25 kg oo bariis, baasto, bur, 5kg sonkor iyo sadexle saliid ah oo ay bille uga heleysay hay’adaha samafalka.

Waxay wajahayaan cunno xumo, daymo lagu yeeshay iyo carruurteeda oo waxbarashada kaga soo eryay.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in hadda carruurteeda ay ugu soo dawarsato qoysaska nolol ahaan dhaamo oo xerada iyo xaafadaha magaalada.

Shaqo la’aanta kahor waxa aheyd mid ku filan cuntada iyo maaraynta baahiyaha kale ee qoyskeeda.

“Awal hore saddexda doolar labada doolar waan iska heli jirnay, hadda wax aan haysano ma jirto. Ilmihi maanta hadii dabka loo shiddo bari looma shidaayo. Alle ayaa wax nasiiyo maalin waa la heli maalin waa kheyri. Marmar dabkooda lama shido. Ilmihi daris ayaa jiro in kastoo la is dhaamin.”

Shiniyey oo 36 jir ah, waxa ay shaqada nadaafadda ka heli jirtay lacag dhan afar doolar taas oo aheyd mid ay joogto kaga soo qaban jirtay xafadaha ay ku nool yihiin dadka ku jira dabaqada dhexe.

“Dugsigi waan ka reebay wax la’aanta awgeed. Hungurigooda ayaan u weysanahay oo aan haynin marka bil intee ka keenaa, iska jooga ayaan dhahay.”

Waxay sheegtay inaysan wax garab ah ka helin carruurteeda aabbahood oo ay kala tageen. Waxay xustay in xaaladdan hadda ay ku sugan yihiin ay tahay middii ugu adkayd ee soo marta.

Shiniyey iyo qoyskiisa ayaa sanadkii 2011 ku cayroobay abaar dhaafisay tiro ariga ah iyo 20 sac oo ay ku dhaqanayeen miyiga Doolow.

Waxay galeen xeryo ku yaalla deegaanka Soomaalida. Markii ay ku soo adkaatay waxay soo deggeen xerada Kabaaso 2018.

Haweenka qaar ayaa billaabay inay abuurtaan ganacsiyo, markii ay shaqo la’aanta ku dhacday si ay uga helaan quud maalmeedka reerahooda, balse macmiil la’aan ayaa ku dhacday.

Arrintan waxay keentay in lafihii dib u isticmaalaan. Waxaa kamid ah Nasro Axmed Nuur oo ah hooyada afar carruur.

Nasro ayaa waxaa isku biirsaday shaqo nadaafadeed oo ka joogsatay labadii Febraayo ee sanadkan iyo burbur kaga yimid miis yar.

Waxay ku iibinaysay macmacaanka sida nacnac, shukulaato iyo sisin loos ay dubto, kuwaas oo ay ku maalgashatay $200. Lacagtaas waxaa ku taageeray qof ay ehello yihiin.

“Nolol xumo iyo rafaad ayaan kaga noolnahay, miiskiina waan biilanay, taasina waxay dhashay in aan gacmihi is kor saarto.”

Nasro iyo qoyskeeda oo ka mid ahaa danyarta magaalada waxay xerada soo galeen 2020, markii saygeeda oo beeraha deegaanka shaqaale ka ahaa ay shaqo la’aan ka dhigtay fatahaad dhacday.

Shaqooyinka nadaafadda guryaha iyo dhardhaqista oo ah ilaha dhaqaale ee haweenka barakaca ku ah Doolow ayaa hadda ah kuwo Meesha ka soo baxaya iyadoo aysan helin beddel kale.

The post Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.