(ERGO) – In ka badan 5000 oo qoys oo oo roob la’aanta ay galaafatay xoolo ay dhaqanayeen ayaa nolol xumo aad u liidata ku wajahaya duleedka Godinlabe ee gobolka Galgaduud sida uu sheegay maamulka deegaankaas.
Dadkaan ayaa halkaas soo gaaray labadii bil ee ugu danbeeyay. Maxamuud Maxamed Jimcaale oo ka mid ah waxaa isku raacday qoyskiisa oo 9 ah cunno-xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ay ka soo kaban waayeen.
Wuxuu xusay in hal waqti ay karsadaan raashin yar oo aan ku filnayn, taas oo ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin oo magaalada degan. Maalmaha ay ka waayaan waa qataan, taas oo aad u saamaysay carruurtiisa.
“Carruurta marna wax waa loo waayaa marna waa loo helaa. Caruur aan caano-cabayn hilib aan cunayn nafaqo-darro waatan. Ilaahey ayaa ka baryaynaa inuu naga baxsho.”
Maxamuud ayaa qoyskiisa ka soo raray deegaanka Dhisaqa oo hoos taga Godinlabe, markii halkaas ay ku dhaafeen konton arri ah oo uu dhaqan jiray daaq la’aan awgeed. Wuuxuu xusay in uu filayay in uu magalada ka helo shaqooyin xooggsi ah iyo caawin balse labadaba uma suuraabin.
Wuxuu tilmaamay in maalinta dhan uu ku wareego magalada isaga oo raadinaya cid ku caawisa cunno iyo biyo. Waxaa caawiya kaliya dad ay qaraabo yihiin oo qudhooda ay dhaqaale xumo hayso.
“Magaaladu shaqo malahan, xoog waan leeyahay ee meel aan ka shaqeeyo malahan. Guryo la dhiso iyo musqulo la qado midna malahan. Qofkasta waxa uu haysto isaga ayaa la cararaya oo cunno ka dhiganaya waxa uu haysto.”
Maxamuud oo ah 45 jir noloshiisa oo dhan ku soo qaatay xoolo-dhaqashada ayaa sheegay in qoyskiisu ay xilligaan ku jiraan noloshii ugu adkeed ee ay abid mutaan. Wuxuu tilmamay in arrintaas ay ku abuurayso rajo xumo, maaddama xoolihiisii dhamaadeen uusanna haysan wax beddel u noqon kara.
Ninkan in uu cayroobay waxaa u dheer dayn gaaraysa $800 oo raashin xoolaad iyo mid dadba uga qaaday labadii sano ee la soo dhaafay dukaanno ku yaallay deegaankiisa. Wuxuu xusay in dadkaas ay ku cadaadinayaan in uu siiyo lacagtaas asna uusan awoodin.
Nolol-xumada ka sii daraysa ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhamaan dadka soo barakacay ee ku nool duleedka Gudinlabe.
Shaafici Axmed Yaasiin qoyskiisa oo 11 qof ah wuxuu u awooodi la’yahay cunno biyo iyo hoy ku filan. Muddo bil ah oo ay joogaan xerada Bari ee duleedka godonabe waxay ku tiirsan yihiin raashin bisil oo ay ku caawiyaan
Waxay siiyaan raashin bisil oo aan wada deeqin qoyskiisa ballaaran. Maalmaha qaar oo ay ka waayaan waxay carruurtiisu ku joogaan gaajo, taas oo Shaafici ku yeelata welwel xooggan.
“Dadka cuno la’aan iyo biyo la’aan ayaa iska jiro iyo waxbaa iska jiro reer miyi ayay iska ahayeen dadku magalada ayay soo galeen aagga duleedka magalada xoolihii waqti adag ayay galeen dadkii ayaaba xalad ku jiro waxan codsanaa in dadka iyo xoolaha iyo duunyada in nalaka soo gaaro wixii bini aadamnimaa oo naloo awoodo.”
Qoyska shaafici ayaa ka so barakacay deegaanka fadalawayn oo qiyaastii 20 km u jira Godonlabe. Arrintaas ayay u qasbanaadeen, markii daaq xumo darteed ay u dhinteen 30 ka mid ah todobaadtan arri ah oo noloshooodu ku tiirsaneed. Afartan soo hartay ayaa ah caato aan nacfi lahayn.
Wuxuu xusay in maalin kasta hal illaa labo ka mid ah ariga u joogta ay gaajo u dhintaan uusanna hayn baad uu ku badbaadiyo. Wuxuu qiyaasayaa haddii bishaan uusan helin raashin ama roob in uu dhamaan doono, taas oo kaga dhigan sabool nimo uusan aqoon goorta uu ka baxayo maaddama uusan maal kale lahayn.
Wuxuu xusay in hadda carruurtiisa ay gabaad sadaan geed aan ka celin karin qoraxda halka habeenkii ay seexdaan meel banaan inkasta oo dhibaatadaas hoy la’aantu haysato, haddana waxa uu tilmaamay in ay kaga daran tahay cunno la’aantu.
“Waxyaabaha ugu baahida badan ee xilligaan waa qutul-duruuriga. Haddii aan heli lahayn baad iyo biyo hoyga meel waan ka sii gaari karnaa isaga. Intaas ayaan codsanaynaa wixiii noo heli kara in ay nala soo gaaraan.”
Shaafici ayaa sheegay in uusan hayn qaab uu qoyskiisa ku masruufi karo. waxaa isku biirsaday faro-marnaanta dhaqaale iyo isaga oo aan lahayn xirfad uu ku shaqaysto. Waxaa intaas u dheer welwel uu ka qabo sida uu noqon doono mustaqbalkooda.
Xaaladda nolol xumada ah ma saamayn kaliya dadka hadda soo barakacay ee sidoo kale waxay aad u taabatay xitaa dadkii xeryaha horay u sii deganaa oo ay dulsaar ku noqdeen sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo ah xoghaya maamulka Godinlabe.
Wuxuu ka dayriyay sida ay noqon doonto xaalkoodu haddii aysan degdeg u helin caawin.
“Hadda waxaa jiro barakacayaal cusub oo abaarta ka soo barakacay, kana soo barakacay, deegaano kala duwan barakacoodana ku salaysanyahay xoolo la’aan iyo cunno iyo biyo doon. Dadka waxay ku qasbanaadeen in ay barakacaan.”
Roob la’aanta dabadheeraatay ee ka jira deegaanada Galmudug ayaa ah mid ka sii daraysa marba marka ka danbaysa. Dadka barakacay deegaanadooda maahan inta timid Godinlabe ee waxaa jira in ka badan sideed kun oo ka barakacay tuulooyin hoos taga Cadaado iyo Xarardheere sida ay muujinayso warbixin ay soo saartay hay’adda UNHCR.
Warbixintaas waxaa lagu sheegay in xaaladda ka dhalatay roob yarida ay ka sii darayso iyada oo dadka waxa ugu adag ee ay la yihiin cuntada iyo biyaha. Waxaa intaas lagu daray in dadku haysan haysan gargaar taas oo xaaladda ka sii daraysa.









