Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

Jibril Osman by Jibril Osman
January 23, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

Nuur Mayow Maxamed oo biyo galinta ku jirta xerada dib-u-dajinta loogu sameeyay ka dhaansanaya biyaha qoyskiisa/Axmed Cabdullaahi Jaamac/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Nuur Mayow Maxamed oo qaxooti ku ah xerada Dhadhaab ayaa ka soo kabanaya dayac hoy iyo mid cunno yari oo ay wajahayeen muddo 4 sano ah, markii la siisay bishii Deseembar ee sanadkii hore dhul, agabka hoyga iyo biyo-galin bilaash ah.

Waxay ka mid yihiin 500 oo qoys, kuwaas oo markii ugu horreysay ku helay xerada qaxootiga Ifo 2 xuquuq degganaansho. Qoyska Nuur oo 6 ah waxay ka dhisteen booska la siiyay oo ah 30 mitir aqal ka samaysan bacda roobka iyo ulo la isku xiray gabaad u ah.

UNHCR oo ka taageertay ayaa kaga gollahayd dib-u-dajinta qoysaskan sidii ay u billaabi laahyeen nolol cusub oo u dhaanta tii horay ay ugu noolaayeen. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in uu helay iskufilnaansho ka saartay in uu ku tiirsanaado qoys uu dulsaar ku ahaa.

“Markii halka nala keenay waxaa nala siiyay maacuun, baco, shan-darawooyin, bustayaal iyo jirikaamo. Waxaa kale oo nala siiyay boos aan degno, booskeenii hadda wana dagnay. Intaas dhan halkaa kuma haysan. Hadda booskeena ayaan degganahay ciriiri kuma jirno.”

Wuxuu tilmaamay in dib-u-dajinta loo sameeyay ay la socoto dhinaca haqab-beelka biyaha oo baahi ay u qabeen. Xerada uu dagay waxaa laga hirgaliyay qasabad biyaha siisa dadka la deegaameeyay, kuwaas oo joogto u hela biyahan oo laga soo jiiday ceel-riig ah.

Waxaa meesha ka baxday caqabad biyo yari ee ku haystay duleedka Xerada Dhagaxley, halkaas oo ay ka soo guureen. Ninkan ayaa sheegay in 24 saac mar ay heli jireen biyaha xilligii hore mararka qaarna ay wayn jireen. Hadda se xaaladdaas way ka samatabexeen.

“Tuubada nalo xiray sidii aanu rabno ayaanu uga helnaa biyaha hadda. Biyuhu 4 saac oo subaxnimo ayay noo billowdaan 8 galabnimo ayay go’aan. Intii aan rabo ayaa dhaansanaa haddii caagag haysto xataa boqollaal ayaan dhaansan karaa, Biyuhu ciriiri ayay nooga jireen.”

Nuur wuxuu sidoo kale helay kaar uu ku qaato raashinka taakulada ah ee xeryaha laga bixiyo. Wuxuu labadii bilba mar ku helaa 36-kiilo oo masago ah, 8-kiilo oo misir ah iyo 8 liitar oo saliid ah, taas oo ka caawisay qoyskiisa in hal ama labo waqti ay dabka shitaan maalintii.

Bisha soo socota ee febraayo ayuu markii labaad raashinka qaadan doonaa xarunta raashin bixinta ee cusub ee la dejiyay sida uu tilmaamay.

Wuxuu sheegay in uu ku foogan yahay helidda shaqo xoogsi ah si uu kor ugu qaado nolol-maalmeedka qoyskiisa. Rajadan waxay ku dhalatay, markii uu helay dhul iyo guri uu leeyahay, maaddama markii hore qoyskiisu ay bannaan-yaal ahaayeen.

Arrintantaas waxay ka hor istaagi jirtay in uu shaqo tago isaga oo aan u helin carruurtiisa gabaad. Waxaa hoy u ahaa daydka qoys ay la joogeen, kuwaas oo sidoo kale ka caawin jiray cunnada.

“Dhibka ugu badan wuxuu ahaa ciriiriga hoyga. Meel aan aadno maanan haysan waxaan ahayn dad dulsaar ah. meel uma bixi karin. Annaga iyo caruurta ayay is deyaynay. Guryaha ayaanu isaga rafaad sanayn. Waxaan is dhahnay cid meel noo wadaysa malahan, meeshaana dhibkeeda waa aragnaa. Sidee wax yeeshaan ayaan islahayn.”

Qoyska Nuur wuxuu ka soo qaxay sanadkii 2022 miyiga tuulada Bangeeni-yarey oo hoostagta degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose. Abaar saamaysay deegaankiisa ayaa nacfi tirtay beer saddex hiktar ah, sidoo kalana ka dishay 50 neef oo ari ah oo uu dhaqan jiray.

Ninkan iyo qoysaska kale taageerada dhul iyo mid mid biyo helay waxay ku jiraan isbeddel nololeeed oo muddo ay naawilayeen. Waxay la xuquuq noqdeen dadka kaga soo horreeyay xeryaha qaxootiga.

Khadiijo Maxamed Arbow iyo qoyskeeda 11 ah ayaa ka mid ah dadka ka faa’iideystay dib-u-dajinta loogu sameeyay xerada qaxootiga ee Ifo 2. Dhulka la siiyay ayay ka dhisteen labo aqal oo ay ka galaan qorraxada iyo qabowga.

Booska ay dagtay waxaa ku yaalla musqul horay ay u dhistay hay’adda UNHCR, taas oo ay la wadaagaan labo qoys oo ay deris yihiin. Waxay sheegtay in rajadooda ay soo noolaatay tan iyo markii ay dageen booska la siiyay oo baahi badan ay u qabeen.

“Guri saa’id baan ugu baahnayn. Meel cidlo ah ayaan ku jiray. Hadda aad baan ugu faraxsannahay. Baahiyahaygii kale dhanba waa hilmaamay. in aan dherganahay ayaan u maleeyaa. Hadda Baloogga aan degganahay guri aan leeyahay weeye. Qofkii ii manaanaya halka ayuu iigu iimayaa, wixii la I siinayo na halka ayaa la igu siinayaa”

Tan iyo sanadkii 2021 waxay la nooleed iyada iyo carruurteeda labo qoys oo midba mar ay u hoyan jireen, maaddama ay hoy la’aan ay ahayd. Rajada kaliya ee ay haystay waxay ahayd 60-kiilo oo masago ah iyo 20-liitar oo saliid ah oo labadii bishii mar ay ku heli jirtay kaar qaadashadiisa ay dhib badan u martay.

Waxay sheegtay in cadaadis joogta ah ay kala kulmi jirtay qoysaska ay maciin-bidday, balse duruuftu ay ku qasbaysay in ay u dulqaadato.

“Culays aan lasoo koobi karin ayaa halkaa ku dareemi jiray. Waxaa aflagaado caytin kala kulmi jiray qaxootigii horay deganaa. Waxay i dhihi jireen waxaa na dhibteen maxaa dalkiina idinka keenay. Waxaan dhihi jiray isku meel ayaan ka nimid ee aan isku dulqaado. Waxaa halkaas ku dareemi jiray oo culays ah maahan waxaan sheegi karo waan ku rafaadnay.”

Khadiijo sanadkii 2021 ayay ku biirtay xeryaha qaxootiga Dhadhabaab. Waxay ahayd xoolo-dhaqato beeralay ku nooleed miyiga dagmada Jilib, halkaas oo abaar ku heshay ay ka baabi’say beer 5 hiktar ah, sidoo kalana ciribtirtay lo’ aan badnayn oo ay dhaqanaysay.

Carruurta Khadiijo iyo kuwa qoysaska kale ayaa weli ku helin dhulka la deegaameeyay waxbarasho, hase ahaatee maamulka xerada IFo-2 ayaa sheegay in xarumihii caafimaadka iyo waxbarashada la hirgaliyay, balse aan si rasmi ah loo furin.

Guddoomiyaha xeradan Sahal Saalax Cali ayaa sheegay in bil kaddib la furidoono xarumahan si loogu adeego bulshada dib-u-dajinta loo sameeyay iyo qaar kale oo horay u daganaa xerada Ifo-2 qaybteeda galbeed.

Intaas wuxu ku daray deegaamaynta la qorsheeyay in ay ka faa’iideysamayaam 7,000 oo qoys, kuwaas oo badankood ay ku dayacan yihiin daafaaha xeryaha qaxootiga. Qoysaska lagu billaabay ayuu xusay in ay heleen xero ku habboon noloshooda.

“Meel ay hawadeeda ay furan tahay oo nadiif ah bay yimaadeen. Waa meel nabad ah aad bay ugu fiican tahay meeshan. Waa meel iyaga ay leeyihiin awal xagga way iska daganaayeen xagaas, iskuulkooduna waa diyaar wuu ku yaalla meeshan. Waa meel aad uga fiican meeshii hore.”

Qoyas badan ayaa qorshuhu yahay saddexda bil ee soo socota in ay ku biiraan xerada cusub ee ifo-2 sida uu sheegay, kuwaas oo hadda dulsaar ku ah xeryaha kale.

Previous Post

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

Next Post

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Related Posts

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

January 26, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Roob la’aanta ka sii daraysa oo soo salkicisay kumanaan qoys oo nolol xumo hayso

January 21, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
Next Post
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JAN-2026

IDAACADDA 26-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JAN-2026
January 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JAN-2026
January 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-24-JAN-2026
January 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo