Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Jibril Osman by Jibril Osman
January 26, 2026
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

Xuseen ibraahim Aadan oo quus ka muujiya xaalada ay galeen afartiis qoys/Cabdullahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ayay wajahayan boqollaal qoys oo beeroley iyo xoolo- dhaqato iskugu jira, kuwaas oo bishii Deseember ee sanadkii hore barakac ku yimid xeryo ku yaalla Baydhabo.

Waxay deegaannadoodii uga soo tageen roob yari nacfi tirtay. Bishaaro Cali Yarow oo ka mid ah ayaa sheegtay in qoyskeeda oo 9 ah ay xaalad liidato ku wajahayan xerada Raama-cadey.

Waxay maalinta dhan dawarsadaan dadka ku nool magaalada oo 2 km u jirta si ay u helaan wax ay hal waqti cunaan. Maalmaha qaar oo aysan soo helin ayay sheegtay in qatooyo ku joogan.

Waxay xustay inay ku suganyihiin xaaladdii ugu darneed ee ay abid mutaan carruurteeda oo kaligeed ku tiirsan.

“Qofkiiba qaado raashin ah oo aan ku filnayn ayaa la siiya. Wax noo maqan malahan Illahey mooye. Horran carruurteyda saddexda waqti ayaa dabka loo shidi jira oo caanaha xoolaha iyo xoolaha laftooda ayaan iibsan jirnay. Dad wax heli kara ayaan ahayn.”

Bishaaro ayaa sheegtay in ay ku hungowday raadinta shaqooyin xoogsi ah. Waxay u sababeysay magaalada oo ay ku cusub tahay oo aysan cidna ka aqoon. Ilmahaheeda aabbahood ayay xustay in uu yahay wayel aan kaalin ka qaadan karin maaraynta nolosha reerka.

Waxaa tilmamtay in cunno xumada ay u dheer-tahay biyo yari. Waxay maalinkii ku tiirsanyihiin hal jirgaan oo ay hadba reer waydiistaan dadka xerada ugu soo horeeyay. Waxay awoodi la’dahay shan kun oo shillin-Soomaali ah oo ay iibiyaan jirgaanka ceelal riig ah oo gaar loo leeyahay oo xerada ku dhaw.

Dhanka kale waxaa xerada ku haysato hoy la’aan. Waxay sheegtay in ay gabaadsadan buush ay ka sameeysteen maryo iyo ulo, kaas oo aan ka celin karin qabowga iyo qoraxda maalinkii.

Haweeyneydan ayaa xustay in xerada aysan ka helin nolol toodi hore dhaanta ayna tahay markii ugu horeysay oo ay barakac noqdaan 24 sano oo ay xoolo-dhaqato iyo beeroley ku ahaayeen deeganka Oflow oo Baydhabo hoos taga.

“Dameerihii aan dhansan jirnay xitaa wax waa noo gali wayeen oo gaajo ayay nooga faristeen. Beerti sidoo kale ayay nooga qasaareen waxyaabihii aan beeranay. Sidii ayaan ku soo barakacnay. Wax beddel ah ma helin weli dhibaatadii ayaa na haysa.”

Bishaaro ayaa sheegtay in xaaladan ay uga waxbarasho beelen afar carruur ah oo u dhigan jiran dugsi Qur’aan, kuwaas oo ay bishii ka dhiibi jirtay $8 isku darkooda. Xerada ay yimaadeen ayay xustay in aysan ka jirin adeegyada aasasiga ah sida waxbarashada.

Waxay sheegtay in aysan awoodin $5 oo halkii qof wax lagu baro iskuullada magaalada Baydhabo. Waxay arrintan ku keentay In ay ka welwesho mustaqbalka waxbarasho ee carruurteeda.

Waxaa tilmamtay in joogto loo soo waydiiyo $150 oo ah dayn lagu yeeshay intii ay deegankoodi joogeen, taas oo ay raashin iyo arad-tir ugu soo qaaday carruurteeda. Xilligan ayay xustay in aysan awoodin bixinteeda, maaddaama ay la daala-dhaceyso masruuufka reerka oo ay kali ku tahay.

Qoyska Bishaaro ayaa roob yari labo xilli ka jirtay deegankooda ku waayay 36 neef oo ari iyo lo’ iskugu jiray. Waxay sidoo kale ka quusteen beer saddex hiktar oo ay tacban jireen.

Waxay sheegtay in markii ugu danbaysay ay biyo yari uga qasaareen dallagyo iskugu jira khudaar iyo raashin oo ay galiyeen bishii sagaalaad. $270 oo ay bixisay abuurkii, falidii iyo warabkii ayay xustay in aysan waxbo uga soo laaban.

Qoysaskan iyo kuwa la midka ah xeryaha ay yimaadeen kama aysan helin beddel wanaagsan.

Xuseen ibraahim Aadan oo ah aabbaha afar qoys oo 21 ah waxaa ku adag helida cunno hal mar ah maalinkii. Wuxuu sheegay in ay habeenkii cunaan rashin bisil oo ay ka helaan dadka nolol dhaama, kaas oo aan ku filneyn reerkiisa oo badan, balse ay dantu dhaafin wayday.

Wuxuu sheegay in carruurtiisa oo yar yar ay sidoo kale haysan hoy. Waxay daganyihiin dhul banaan, halkaas oo ay ku haystaan dhibaatooyin kala duwan.

“Maro kaneeco ay ka hoos galaan kaneecada ma haysano. Dhulka ayaan seexina cayayanada habeenkii socdo sida dhiqaha ayaa cuna. Wax fiican oo ay cunaana ma helan wax aan soo dawarsano ayay ku noolyihiin. Haddii la waayana waa laiska seexiya. Illahey ayaan beddel ka baryayna.”

Xuseen ayaa sheegayin carruurtiisa ay gaajada iyo gabaad la’aanta u dheer-tahay qandho daran oo ku soo laalabatay. Xerada Doolow 1 oo ay soo gareen ayuu sheegay in aysan lahayn wax xarun caafimaad ah, sidoo kalana uusan u awoodin inuu dawooyin qandho jabin ah uga soo qaado isbitaallada gaarka loo leeyahay.

Noolasha barakaca oo ku cusub iyo xaalada adag ee xerada ku haysata ayuu quus ka muujiyay. Shaqooyin xamaal ah oo uu marar kala duwan ka raadiyay magaalada ayuu xusay in uu ku hungoobay.

Wax la’aanta haysa waxaa u dheer in joogto loo soo waydiyo dayn uu bishii Oktoobar ku beeray beer afar hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

“$130 oo ah dayn aan beerteyda ku tacbay ayaa laigu leeyahay. Tacabkii waa iga qasaray haddana wax aan dayntaas ku bixiyo ma heli karo. Dadkii igu laha mar walbo waa i soo waydiiyaan. Murug badan ayay igu haysa wax aan iskaga bixiyana ma heli karo.”

Xuseen ayaa sheegay in dallagyo iskugu jiray yanyo, qaro, bacoor, digir iyo galey oo bishii hore u soo go’ laha uusan waxbo ka faa’idin. Waxaa isku raacay cayayaan iyo biyo yari uu tabar u waayay.

Dhanka kale waxay isaga iyo carruurtiisa wali ka soo kabsan la’yihiin daal iyo diif badan oo ay kala soo kulmeen safar lug ah oo ku qaatay labo maalin iyo habeenadooda oo ay ku yimaadeen duleedka Baydhabo oo tuulada Buula-nuurka oo ay ka soo tagen u jirta qiyaastii 60 km.

Wuxuu sheegay in magaalada ay soo gaareen iyagoo faro maran, maaddaama aysan lahayn gadiid ay ku soo qaatan aqal soomaali ay ku noolayeen iyo agabkii u dhax yaallay.

Reerka Xuseen waxay sidoo kale roob yarida ku waayeen 37 ari ah oo ay dhaqan jireen. Waxay uga la’deen bad iyo biyo yari.

Qoysaskan ayay danta ku riixday in ay soo maciin bidaan xeryaha barakaca oo aysan nolol dhanta ka helin, maaddaama ay so foodsaartay xaalad Ceyrtow ah oo ay doorasho kale waayeen.

Cabdiqaadir macalin cabdinuur oo ah guddoomiyaha xerada raama-cadey ayaa sheegay in qoysaska cusub ee yimid xerada ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita. Wuxuu sheegay in ay soo dul dageen dadkii xerada horray u joogay oo wax badan dhaamin waxna ku caawin karin.

“ Agabyada guriga loo adeegsado sida digsiyada ma haystaan. Waxaa arkaysa shan qoys oo hal digsi wax ku wada karsanaya. Cafimaad iyo waxbarasho la’aana waa u dheeryihiin. Dhibaatooyin badan ayaa haysta.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in bishii December kaliya ay diiwangaliyeen ku dhawaad 400 qoys oo roob yarida ka jirtay deegaannada ku dhow magaalada Baydhabo ay sameeysay.

Roob yarida daba dheeratay ee ka dhalatay isbeddelka cimillada ayaa qoysas badan galisay rajo beel. Xoolaha iyo beeraha oo ahaa ishooda dhaqaale ee ugu muhiimsan ayaa meesha ka baxay, taas oo u horseeda hubanti la’aan nololeed.

Previous Post

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bari: Roob la’aanta ka sii daraysa oo soo salkicisay kumanaan qoys oo nolol xumo hayso

January 21, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JAN-2026

IDAACADDA 26-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JAN-2026
January 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JAN-2026
January 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-24-JAN-2026
January 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo