(ERGO) – Biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ayay wajahayan in ka badan 60 qoys oo barakac ku ah xerada Daawad ee duleedka magaalada Taleex ee gobolka Sool. Arrintaan ayaa qabsatay markii ay ka soo guureen xeryo ku yaalla deegaanka Damala-xagare oo ay horay barakac ugu ahaayeen.
Qoysaskan oo sanad ka hor colaad qabiil uga soo barakacay magaalada Cerigaabo ayaa sheegay in ay nolol xumo hor leh kala kulmeen xerada ay soo miciin-bideen. Saynab Axmed Faarax oo ka mid ah waxay qoyskeeda oo 10 qof ah awoodi la’yihiin nolol-maalmeedka.
Waxay sheegtay in maalinkasta ay ku wareegto xaafadaha dadkii horay deegaanka u deganaa iyada oo ka dalbata inay halmar dabka u shidaan. Dadkaas oo intooda badan aan dhaamin ayay tilmaantay in aysan ka helin wax ku filan.
“Maalinkii hal mar ah ayaan dabka shidana, naguma filna markaas wax kale oo aan mar labaad ama mar saddexaad dabka sarano ma heli karno. Danta ayaa nagu qasbeysa oo intaas aan helno ayaan iskaga samirna.”
Saynab ayaa sheegtay inay joogto uga raadiso shaqooyin xamaal ah magaalada Taleex oo 4 km u jirta xerada ay joogan, walow aysan helin illaa iyo hadda. Waxay u sababaysay in magaalada aysan ka jirin fursado shaqo iyadana ay u dheertahay in dadku aysan aqoon.
Waxay sheegtay in socodkaas dheer ay kala soo kulanto daal, sidoo kalana ay qoraxda kulul ku dhib qabto, balse aysan ka harsan karin nolol xumada haysa carruurteed.
Haweeyneydan ayaa tilmaamtay in sidoo kale ay qoyskeeda ku adagtahay helida biyaha. Waxay maalinkii isku celceliyaan hal jirgaan oo ay ka soo dawarsadan ceel riig ah oo gaar loo leeyahay, kaas oo ay u dan-sheegteen.
Waxay xustay in mararka qaar oo loo soo diido ay oon ku joogan, maaddaama aysan doorasho kale laheeyn. Waxay sheegtay in aysan awoodin $0.6 oo hal-kii jirgaan ceelka laga iibiyo. Saynab ayaa tilmaamtay in dhanka kale ay xerada ku haysato hoy la’aan.
“Qol jingad duug ah oo qoraxda iyo qabowga midna naga celin karin ayaan ku noolnahay, sidoo kale waa ciriir oo naguma filna, maaddaama aan meel kale oo aan gabaadsano heli Karin, kirada guriyaha magaaladana aanan awoodi Karin waan iska galna. Illa hadda wax hoy ah manaan helin.”
Haweeneydan ayaa sheegtay in ay waxbarasho la’aan ka noqdeen shan carruur ah oo horay wax uga baran jiray magaalada Cerigaabo, kuwaas oo ay isku darkooda bishii ka dhiibi jirtay $50. Waxay tilmaamtay in ay u dhigan jireen fasalada 2, 4 iyo 5 ee dugsiga hoose iyo dhexe.
Sanad iyo bar ay daruus la’aan ahaayeen ayay xustay in ay sababtay in ay ilaawaan wixii la soo baray. Iskuullada Taleex oo ay tagtay ayaa loo sheegay in qofkiiba laga doonayo $15. Qarashaadkaas oo aysan awoodin darteed waxay xustay in hadda ay ka rajo dhigtay waxbarashadooda.
Waxay xustay in maareynta nolasha qoyskeeda ay kali ku tahay. Carruurteeda aabbahood ayay sheegtay in uu yahay wayeel aan waxba ka qaadan karin duruufaha reerka ku gadaaman.
Haweenaydan culayska reerka ee ay dusha u ridatay waxaa u dheer dayn gaaraysa $700 oo ay ku leeyihiin dukaanno ay saygeeda qaraabo yihiin oo ay raashin ka qadanayen intii ay xerada joogeen.
Saynab ayaa sheegtay in dagaalka dartiis ay iskaga soo tageen mehrad ay ku iibin jirtay bagaash iyo raashin, halkaas oo ay masruufka reerka ka soo saari jirtay. Waxay xustay in ay ku waayeen $430 oo ay ku qiyaastay dhaqaale u dhax yaallay.
Dhamaan qoysaska barakaca ah ayaa ka siman nolol xumada. Canab Ahemd Cali oo ka mid ah ayaa sheegtay in in qoyskeeda oo 9 qof ah ay wajahayaan nolol-xumodii ugu darnayd ee ay abid mutaan.
“Biyo la’aan iyo oon looma adkaysan karo iyagana noogu daran qoys ahaan. Fuustadii waxaa la iibiya lix doollar, ma awoodno. Marmarka qaar qaar dayn ayaan ku qaadana. Marka aan waynana waxaan ku qasbanahay inaan oon ku joogno, dhibaatadaas ayaan biyaha ku qabna.”
Canab ayaa sheegtay in sidoo kale ay hoy xumo wajahayan. Waxay qoyskeeda gabaadsadan sandaqad ay ka dhisteen jiingado duug ah iyo alwaaxyo lagu caawiyay. Waxay xustay inuu ciriiri ku yahay sidoo kalana uusan ka celin karin qoraxda maalinkii.
Haweeyneydan ayaa xustay inay waxbarasho la’aan guriga u joogan afar carruur ah oo horay dugsi Qur’aan uga dhigay jiray Cerigaabo, kuwaas oo ay bishii ka bixin jirtay $20 isku darkooda. Carruurteeda ayay tilmaamtay in ay si joogta ah u waydiiyaan in ay waxbarashada uu sii wado, hasa ahaate aysan u awoodin.
Waxay tilmaamtay in intii ay joogtay xerada loogu yeeshay $300 oo ay raashin iyo biyo ugu qaaday qoyskeeda. Waxay xustay inay maalin ba maalinka ka danbeysa ku sii kordhiso oo ay dayn hor leh qaado, maaddaama aysan xal kale hayn.
Waxay sheegtay in odeygeeda uu baagamuudo yahay uuna ka quustay helida shaqooyin xamaal ah oo uu marar badan raadiyay. Haweeyneydan oo 56 jir ah ayaa xustay in waligeed aysan barakac noqon. Waxay sheegtay inaysan dib ugu noqon karin deegankeedi.
“Nolosheeni hore ayaa midddan nooga fiicnayd. Kuma noqon karno magaaladeeni sababto ah wali xaaladeeda amni ahaan iyo siyaasad ahaan ba la iskuma halleyn karo. Waxaana ku jirna nolol aad u adag oo biyo yari, hoy xumo iyo waxbarasho la’aan leh.”
Canab ayaa sheegtay in duleedka magaalada Taleex oo halka ay ka yimaadeen u jirta masaafo dhan qiyaastii 96 km ay ku soo gaareen socod lug oo qaatay labo cisho. Colaada darteed ayay xustay inay iskaga soo tageen mehrad ay ku iibin jirtay shaah iyo cuntooyin bisil, taas oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Waxaa uga qasaaray dhaqaalahe ay ku qiyaastay $325 oo aysan waxba uga cayman. Colaadaha ku soo lablaabtay deegannada dalka waxay sanad walbo barakac iyo nolol xumo ku riixan boqollaal qoys.
Saleeban Muuse Ducaale oo ah guddoomiyaha xerada Daawad ayaa sheegay in qoysaskaan ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita. Wuxuu xusay inaysan u awoodin inay gargaar siiyaan, maaddaama aysan wax dhaqaale iyo taageero midna haysan.
“Waxay dhibaato kala kulmayaan, dhinaca cuntada, biyaha, sidoo kale ma haystaan hoy fiican, ma awoodan in ay dhistaan, maaddaama ay yihiin dad dhulkoodi ka soo barakacay. Dhanka kale xerada wax xarun caafimaad ah malahan, xarumo waxbarashana kuma yaallan carruurtuna waa ka waxbarasho la’aan dadkaan.”
Nolol xumada ka dhalata barakaca deg deg ah ayaa si joogta ah u saameeysa qoysaska Soomaaliyeed. waxay iskaga soo tagaan ilahooda nolosha ee ay sanadaha ku tiirsanaayeen si ay u helaan nolol amni iyo badbaada leh, taas oo ku sababta hubanti la’ aan nololeed.










