(ERGO) – Qoysaska in ka badan kontan haween ah oo ku nool magaalada Marka ayaa wajahaya nolol xumo. Arrintan ayaa timid markii shaqadoodii oo ahayd malaasidda guryaha dhoobada iyo digada la sameeyo ay meesha ka baxday shantii bilood ee la soo dhaafay.
Haweenkan oo ay ku jiraan kuwo keligood koriya carruurtooda ayaa shaqo la’aan noqday markii xirfaddoodii laga maarmay. Dadka magaalada ayaa u weecday inay guryahooda ka dhigtaan jiingado iyo saro seeskooda lagu dhiso shamiito.
Ruqiya Cali Faqe waxay awoodi la’dahay inay cunno ku filan u hesho carruurteeda oo agoon ah tan iyo bishii Agoosto ee sannadkan. Haweeneydan ayaa sheegtay inay culeysyada haysta darteed ay ka fursan wayday inay dewersato.
“Habeenkii waan iska seexannaa wax la’aanta daraadeed. Biyo ayaan iska siistaa waan jiifannaa. Cidda aan la joogno cid wax haysta ma aha. Markay dherigooda wax saartaan saxan ayay wax yar oo aan na anfacayn noogu soo shubaan.”
Ruqiya iyo carruurteeda oo sagaal ah ayaa dulsaar ku ah qoys ay qaraabo yihiin oo deggan xaafadda Ceel-bashiirow oo siiyay hal qol. Haweeneydan ayaa tilmaamtay inuu keliya uga roon yahay inay jidadka seexdaan. Waxay intaas ku dartay inuu dulduleelo maaddaama uu duug yahay.
Haweeneydan waxay ku jirtaa halgan balse fursadaha shaqo ee degmada oo kooban ayaa ku sii adkaynaya inay shaqo hesho. Ruqiya ayaa sheegtay inay la nooshahay cudurro uu ka mid yahay macaanka, taas oo keentay inay awoodeedu yaraato.
“Dhaqaalihii aan heli jiray wana waayay. Duruufta guri dad ayayi keentay waa wax la’aanta iyo tabarta iga dhamaatay. Awal shaqo waan haystay, lacag waan haystay, waan caafimaad qabay. Kirada intaas iska bixiyo ayaan wax dhigan jiray.”
Shaqadan oo ay ka baratay yaraanteedii hooyadeed ayaa u aheyd xirfad ka kaafisay inay muddo sannado ah ku soo moodaan, hadda se waxay u muuqataa mid laga sii guurayo.
Waxay toddobaadkiiba saddex mar ka heli jirtay 10 doollar, taas oo ku filnayd nolosha qoyskeeda oo iyada keligeed ku tiirsan. Mana heysato xirfad kale oo u beddeli karta.
“Guryihii dhammaantood ayaa isbeddelay, sar ayaaa la dhisanayaa, baraako ayaa la dhisanayaa. Jiingad ayaa kor iyo hoos laga dhisay maxaa la salaaxi? Ilmahayga oo aan dawo u gadan Karin, dhar u gadan karin welwel weyn ayay igu haysaa.”
Haweeneydan waxay isku dayday inay xaabo ka soo saarto noloshooda balse waxay tilmaamtay inay wadi wayday markii nafteeda ay uga baqday tuugo ay sheegtay inay haweenka ugeystaan tacaddiyo isugu jira jir-dil, dhac iyo Kufsi miyiga laga doono oo magaalada ka baxsan qiyaastii 7 km.
Gudaha magaalada ayay xustay inay ka raadisay shaqo dhar-dhaqid ah hase yeeshee dadkii ayaa noqday kuwo qasaalado soo dhigtay iyo Danyar aan awoodin inay lacag ku bixiyaan.
Culeysada nololeed waxaa u dheer inay waxbarasho la’aan ka noqdeen shan kamid ah carruurteeda oo dhiganayay iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan oo ay bishii wadar ahaan ka bixin jirtay 20 dollar.
Ruqiya ayaa sheegtay inay beeraha deegaanka oo ay u xoogsi tagi lahayd inay saamaysay roob-yari, taas oo horseeday inay Meesha ka baxaan shaqooyinkii laga heli jiray sida falidda, ilaalinta, waraabinta iyo goynta.
Shaqo la’aanta ku dhacday haweenka waxaa qeyb ka ah digada xoolaha oo isha koowaad u ahaa guryaha malaaska ah oo adkaatay markii abaar soo laalaabatay ay laysay lo’ badan, halka qoysaska qaar ay u guureen deeggaano kale, si ay xoolahooda ugu helaan daaq ku filan.
Kaltuumo Cali Axmed ayaa maarayn la’ nolosha carruurteeda oo toddobo ah tan iyo bishii Agoosto ee 2025 markii ay waysay cid ay shaqo u qabato.
Waxay ku nooshahay deyrka guri ku yaalla xaafadda Abasiibka ee magaalada Marka oo ay danyar u badan yihiin. Haweeneydan ayaa tilmaamtay in caruurteeda ay habeenada qaar qatooyo ku seexdaan dhaqaale la’aan soo food-saartay awgeed.
Kaltuumo ayaa sheegtay in seygeeda uu yahay bukaan qaba cudurka macaanka, kaas oo aan shaqeyn karin.
Waxaa kale oo u dheer inaysan u heyn cunnooyin ku habboon madaama uu sokor qabo, sidoo Kalena aysan laheyn awood ay isbitaal ku geyso.
“Ilmaha wax ay cunaan ma heystaan. Aabahood sariir-yaal waaye, daawo la’aan ayaa heyso wax daawo aan ugu gado ma u heli kari. Dariska wax malaga helayo maalin walba, biyihii lacag waaye, cuntada maalin kasta cidaha maalooga soo qaadi karaa?.”
Haweeneydan ayaa heli jirtay 15 doollar labo ilaa saddex mar isbuucii, taasoo ay ku dabooli jirtay baahiyaha aasaasiga ah. Waxay sidoo kale 20 doollar bille uga bixin jirtay kirada labo qol oo cariish ah oo ay deganaayeen.
Xaafada qoyskan ay ku noolyihiin ayaa sidoo kale ah meel furin ah halkaas oo mararka qaar ay ka dhacaan dagaallo u dhexeeya dowlada iyo Alshabaab.
Haweenka ay shaqadan laf dhabarta u aheyd ayaa ka siman inaysan heysan xirfad kale oo u beddesha iyo shaqo la’aan baahsan oo ka jirta deegaankooda.
Farxiyo Axmed Maxamed iyo qoyskeeda oo ka kooban 9 qof waxay duruufuhu ku qasbeen inay ku biiraan xerada barakaca Ceel-fareey ee Magaalada Marka bishii September.
Haweeneydan ayaa sheegtay in cunto bisil ay ku caawiyaan dadka xerada ku nool. Waxaa u joogta hooyadeed oo qabta dhiig-kar isla markaana ay u gadi Karin dawooyinka ay u baahan tahay.
Buulka ay ku hoydaan oo ka sameysan cowshado ayay la qabsan la’yihiin iyada iyo qoyskeeda qabowga habeenkii iyo cadceedda kulul ee maalintii maaddaama weligood xero barakac aysan galin.
“Dad kaamka dagan ayaa noo soo qaaraama oo wax na siiya,hadda dadkii way iska duruufay-sanyihiin annaga camal ayay noqdeen duruuftaas ayaa nawada heysata.”
Farxiyo ayaa sheegtay in seygeeda ay goor hore kala tageen ayna ku keli tahay korinta ubadkeeda iyo xanaaneyta hooyadeeda oo waayeel ah. Waxay sheegtay inay maalin walba shaqo raadiso balse aysan riyadaasi u romoowin.
Farxiyo ayaa tilmaamtay in shaqadeedii malaasidda ay ka heli jirtay 12 ilaa 15 doolar toddobaadkiiba taasi oo hadda meesha ka baxday. Waxay sheegtay bilooyin ka hor inay iyada iyo ubadkeeda ay ku noolaayeen nolol wanaagsan balse maanta ay wajahayaan hubanti la’aan.
Qoysaskan oo ay il dhaqaale u ahayd digada iyo dhoobada la isku daro ee guryaha qeybta hoose lagu dhiso ayaa ka soo kaban la’ saamaynta ay ku yeelatay shaqo la’aantan ku dhacday.










