(ERGO) – In ka badan saddex boqol oo qoys oo barakac ahaa shantii sano ee la soo dhaafay ayaa ka soo kabtay dhibaatooyin nololeed oo ay wajahayeen, markii horraantii bishii Semteembar ee sanadkii tagay ay dib ugu laabteen deegaanka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud oo ay horay u deganaayeen.
Arrintaaas ayaa timid ka dib heshiis laga gaaray colaad u dhaxaysay labo qabiil oo sababtay in dadkan ay ka cararaan deegaanka. Faaduma Caabi Axmed oo ka mid ah ayaa sheegtay in qoyskeeda oo lix qof ah ay u bilaabatay nolol wanaagsan.
Waxay dib u yagleeshay maqaaxi cuntada lagu iibiyo oo ay ku lahayd deegaanka oo horay colaadda uga xirantay. Waxay xustay in maalintii ay ka hesho shan illaa todobo dollaar oo faa’iiddo ah, taas oo u suuragelisay in muddo yar ay kaga soo kabato saamayntii gaartay.
“Nolasha qoyskayga waa ku filan tahay carruurtayda ku haystaa, iskuul iyo dugsiga Qur’aanba waa ii dhigtaan. Markii aan deegankayga ka barakacay oo xeradda galay hal waqti baa igu adkaa, hadase saddexda waqti waan shidanaa Alxamdullilaah.”
Qoyska Faadumo ayaa barakac ku ahaa xero ku taalla magaalada Dhuusamareeb tan iyo sanadkii 2022 xilligaas oo dagaalku ka qarxay deegaanka. Waxay sheegtay in halkaas ay ku haysatay xaalad nololeed oo aad u liidata.
Waxay hal waqti u karin jirtay raashin ay ka soo dawarsato dadka magaalada ku nool oo aan ku filnayn. Waxay dhibaatada ugu daran wajaheen sanadkii la soo dhaafay markaas oo uu istaagay gargaar ay ha’ado ka heli jireen bilaha qaar.
Saamaynta dagaalka waxaa u dheeraa daaq la’aan sababtay in ay ka la’daan 30 ari ah oo ay dhaqanayeen balse ay deeegaanka uga tageen markii colaaddu qabsatay. Xaaladaas isbiirsaday ayay sheegtay in ay badeen nolol xummo aysan muddan weligood.
“Xeryaha Dhuusamareeb baan u barakacay, markaan tagnay waan ku noolaan waynay, saddex sano baan joognay xeryaha, nolasheenu qatar bay gashay barakacnimadii waan ku wareernay, baahi iyo daruuf baa lala soo daristay.”
Faadumo oo kalligeed korisa carruurteeda oo lagu furay ayaa sheegtay in hadda ay qorshaynayso in ay dayactir ku samaynayso guri jiingad ah oo ay deegaanka ku lahayd, kaas oo lagu dumiyay colaadda. Waxay u uruurinaysaa $250 oo ay ku qiimaysay inay ku baxayso.
Waxay sheegtay in ay si dhaqso ah uga soo kabatay dhibaataddii colaadda maaddaama ganacsigeeda uu hadda u furan yahay labada dhinacba. Waxay qorshaynaysaa in ganacsigeeeda ay sii balaariso iyada oo sidoo kale isku diyaarinaysa siday dhaqaalaheeda ku badbaadin lahayd haddii colaaddu soo laabato.
Waxay qibrad buuxda u leedahay arrintaas, maaddama dagaalkii hore uu ka burburay dukaan iyo maqaaxi ay ku qasaartay lacag ay ku qiyaasayso illaa $6,000. Waxaa laga gubay dhamaan badeecaddii u taallay ka dib markii dagaalku si kadis ah u dhacay.
Deegaankaan oo ah mid isku xira tuulooyin badan ayaa ah mid ku fiican ganacsiga. Tan iyo markii nabadda laga gaaray xiisadda qabiilada waxaa soo laabatay dhamaan dadkii deegaanka horay u daganaa si ay u sii wataan noloshoodii hore.
Farxiyo Xasan Cartan waxay ka mid tahay dadka bedelay noloshooda muddada kooban ee deegaanku nabadda yahay. Waxay dib u furatay bishii diseembar dukaan ay ku iibiso dharka dumarka oo ay horay u lahayd balse ka xirmay colaadda darteed. Waxay ku bilowday $500 oo ay ku caawisay gabar ay qaraabo yihiin.
Haweenaydaan oo barakac ku ahayd muddo shan sano ah deegaanka Olol ee gobolka Galgaduud ayaa sheegtay in hadda ay qoyskeedu ka baxeen nolol xumo aad u liidatay oo ay mudadaaas wajahayeen.
Waxay si buuxda ugu filnaatay masruufka carruurteeda oo 7 ah maaddama ay malintii ka hesho dukaanka ugu yaraan $5.
“Ganacsigaygii baan markale hirgaliyay. Markan Xananbuure waa fiican yahay nabad baana ka jirto, mid kasii dheeri ahna waa rajaynaynaa.”
Farxiyo ayaa sheegtay in mudadii ay barakaca ahaayeen ay haysteen cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan. Waxay gabaadsan jireen geed aan ka dabaali karin qoraxda iyo dabaysha oo ay abaaruhu caleenta ka rideen.
Waxay hal waqti oo aan joogto ahayn u karin jirtay carruurteeda wax ay ku caawiyaan dadka deegaanka Olol horay u taganaa oo ay u dan sheegan jirtay.
Dukaankii ay horay deegaan ka ugu lahayd aya sheegtay in aysan waxba kaga cayman oo xilli habeen ah ay ka biliqaysteen dad hab maleeshiyaad ah u abaabulan oo aysan garanayn. Waxay tilmaantay inay ku waysay dhaqaale ay ku qiyaasayso illaa $500.
Sidoo kale waxaa laga burburiyay guri labo qol ah oo ay deganaayeen iyo agabkii yaallay. Waxay xustay in hadda ay dagan yihiin qol jiingad ah oo ay bishii ka dhiibto $20 halka dukaankana laga qaado kiro dhan $25.
In kasta oo qasaarooyin badan soo gaareen haddana waxay xustay in ay farxad ku dareemayso dib ugu soo laabashada deegaankeeda oo ay muddo ku taamaysay. Waxay aaminsan tahay in haddii ay nabad haysato ay dib u tacban karto wax kasta oo dhibaatadu ka galaafatay.
Farxiyo oo kaliged korsata caruurteeda oo iskugu jira agoon iyo kuwa lagu furay ayaa sheegtay in ay ka soo kabatay welwel joogto ah oo ay ku haysay xaaladda ay ku sugan yihiin carruurteeda. waxay sidoo kale iskuul ku yaalla deeganaka dib ugu celisay saddex ka mid ah oo horay ay u istaagtay waxbarashadooda.
“Hadda ka hor carruurteyda waxay ahaayeen ilma aan waxbaran oo asaagood ka haray oo barakac ku jiro, balse maanta Alxamdullilaah waxbarashadii waa ku jiraan, Rabbi ayaa naga soo celiyay nolashii hore.”
Farxiyo ayaa sheegtay in dhamaan nolosha qoyskeeda ay xilligaan ku soo laabatay sidii hore ee ay ahayd collaada ka hor muddo ka yar labo bilood. Waxay sheegtay in ay si wada jir ah wax uga gataan macaamiisheedii hore oo ay xiriir la samaysay.
Dhamaan dadka deegaanka ayaa mahdiyay nabadayna keentay in qabiiladu ay heshiyaan oo ay gar wadeen ka ahaayeen dhallinyaro aqoon-yahanno ah, cullimo iyo odayal dhaqan.
Waxaa lagu heshiiyay in sharciga la keeno qof kasta oo carqaladeeya nabadda bulshada iyo in mag laga kala qaato dadkii horay loo dilay, daaqsinkana nabad lagu wadaago, sida uu sheegay Xasan Cali Dhagacaleen oo ka mid ah dhallinyarada u ololeeyay nabadaynta deegaanka.
Wuxuu xusay in ay dadka u sameeyaan wacyi gelin ay ku bararujinayaan muhiimadda ay u leedahay nabaddu iyo dhibaatada colaadda oo laga maarmi karo. ninkaan oo qudhiisa dhibane ka ah dagaaladii dhacay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in colaadda xal laga gaaray.
“Waxaana ka mid ahay dhalinyaradda u taagan nabadda iyo sidii deeganka hormar u gaari lahaa, waxaan ka codsanayaa walaalaha Muslim-ka ah dadkii colaaddii deeganka wax kasoo gaareen inay dhibka la qaybsadaan oo garab is-taagaan ayaan kula dar-daarmayaa.”
Iyada oo sanooyinkii danbe ay aad u soo kordhayeen colaadaha u dhexeeya qabiilada wada-dega gobolka Galgaduud ayaa nabadaynta ka dhacday deegaankaan waxay tusaale u tahay in la xalin karo colaadaha kale deegaannada Soomaalida.










