(ERGO) – Ku dhowaad labo kun oo qoys ayaa cunno xumo iyo biyo yari ku wajahaya deegaanadda hoos yimaada degmada Caluula, Tooxin, Murcaanyo, Xaabo iyo Bareeda, markii ay saamayn ku yeelatay abaarta ka jirta deegaannada Puntland ee ka dhalatay labadii xili-roobaad ee lasoo dhaafay oo aan la helin.
Arrintaasi waxay ku kalliftay in ay ka barakacaan deegaannadooda. Cudurro iyo waxbarasho la’aan ay wajahayaan carruurta ay qoysaskoodu soo barakeceen. Waa mid kamid ah xaaladaha murugsan ee qoysaskani ay wajahayaan.
Astur Maxamed Xasan oo ah hooyada 9 caruur ah ayaa kamid ah dadka Ku jira xaaladda nolol xumo ee ka dhalatay abaarta iyadoo wajeheysa biyo yari iyo cunno xumo. Waxay ku nooshahay deegaanka Xajiin ee duleedka degmada Murcanyo ee gobolka Bari.
Deegaankaas ayay soo degtay dhamaadkii bishii Nofeember, markii ay dhamaadeen 71 neef ari ah oo ka mid ahaa 100 neef oo ay dhaqanayeen, isla markaana nolosha qoyskeedu ku tiirsanaa.
Labaatan iyo sagaal neef oo u jooga hadda nacfi uma lahan. Nolosha qoyskeeda ayaa hadda ku tiirsan raashin iyo biyo caawimaad ah oo aan joogto ahayn ka soo ay hesho qoysaska ku nool deegaanka ay tagtay.
“Qofkii markaa ku dhaama ayay naftu aadaysaa. Marbaa jirta aad raashinka heli karto oo aada biyo heli karayn iyo mar biyihii aad islaan ka soo barido oo aadan raashinkii heli Karin.”
Xoolaha hadda u haray ma jirto rajo badan oo ay ka leedahay, maaddama halka ay ku noolyihiin aysan lahayn daaq ku filan. Astur ayaa ka mid ah 400 oo qoys oo xoolo-dhaqata ah, kuwaaas oo kas oo barakacay miyiga deegaanka galgala oo qiyaastii 15KM u jira degmada Murcanyo.
Waxay xustay in sababta ay ugu soo dhawaato deegaanka ay tahay in carruurteeda ay u hesho biyo taas oo qayb ka ahayd dhibaatooyinkii ay deegaankii hore uga soo barakaceen.
waxay sheegtay in fuustadii looga iibiyo hadda qiime u dhaxeeya $10 illaa $8 oo aysan awoodin marka loo oggolaado ayey deyn ku qaataan halka marka ay waayaanna ay deriska kasoo qaataan caawimaad kumeel gaar ah.
“Fuustadu waa qaali oo ma awoodno, sidaas oo ay tahay awr baa Murcaanyo looga doonaa, marka subaxdii ay baxaan habeen bay maqnaadaan, habeenka danbe bay soo hoyanayaan. biyihii ugu danbeeyay deyn bay ahaayeen oo markaan helnaan bixinayna ban niri.”
Astur waxay sheegtay in sidoo kale ay welwel ku hayso deyn gaaraysa 500$, taas oo isugu jirta raashin, biyo iyo daawoyin ay soo deyn qaadanayeen bilihii sagaalaad, tobanaad iyo kow iyo tobnaad ee sanadkii tagay taas oo si joogto ah loo waydiiyo.
Qoysaska qaar ee raggu u joogaan ayay xustay in xaabo guris iyo dhagax-jebin ay aadaan. Qoyskeeda oo 11 ah ayay tilmaantay in aysan haysan cid u soo xamaasha, maaddama odaygeedu oo 63 sano jir ah uu dhul yaal u noqday Cudurro ka haleelay uur ku jirta, kuwaas oo saddex sano uu la jiifo.
Carruurteeda ma ku jiro mid wax u barta maaddama aysan u heyn qarash ay waxbarshada uga bixiso. Dugsiga hoose dhexe ee Geesaley ayaa bishii carruurta wax lagu baraa midkiiba $20.
Cabdishakuur Said Mohamed ayaa ka mid ah dadka abaarta ku xoolo-waayay, wuxuu ku noolyahay deegaanka Geesalay oo uu ku soo barakacay. Wuxuu sheegay in qoyskiisa oo 12 ah ay hadda degan-yihiin guri 2 qol ah oo xili-hore uu deegaanka ka dhisatay.
Xoolo gaaray 78 ari ayaa ka la’day, markii uu baad iyo biyo u waayay bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey. Qoyskiisa ayuu sheegay inay marxalad adag ku sugan yihiin, maadaama hadda ay la’ayihiin nolol maalmeedkii.

“Qofkii cunno hal waqti ah helaa manta isagaa dadka ugu roon, deriska iyo ehelkaaga uun in ay ku xaal ogaadaan ayaa lagu jiraa, caagga ama fuustada biyaha wax aan ku cabnaan jirin deegaankaan dadkiisu waa iskumid.”
Cabdishakuur ayaa sheegay in markii uu magaalada ku soo barakacay uu isku-dayay inuu kalluumeysato noqdo si qoyska uu u ugu helo dhaqaale uu ku maareeyo, sidoo kalana isaga bixiyo deyn-gaaraysa $300 oo lagu leeyahay.
Waxa uu xusay in uu ku soo hungoobay, isla markaana kalluumasato uu raacay uu dib u la soo laabtay, markii la waayay kalluunka, sababo la xiriira jariif ba’an oo saamayn ku yeeshay.
Cabdishakuur wuxuu tilmaamay in waagii-hore qiyaastii 10 dollar shaqooyinka badda ee kaluumaysigga qofka shaqaalaha ahi ka heli-jiray, balse taana ay hadda Meesha ka baxday.
Cabdishakuur wuxuu tilmaamey in 5 caruur oo uu dhalay, isla markaana magaalada joogtay uu waxbarashada ka reebay bishii hore ee Deseember, markii uu awoodi waayay inuu lacagta waxbarashada ka bixiyo.
Mid kasta oo ilmaha kamid ah ayuu sheegay in laga rabay $20 oo uusan tabar u heyn. Xoolihii uu myiga ku dhaqayay oo abaari ka dhamaysay iyo kalluumeysi la’aan isla ayuu xusay in nolosha qoyskiisa ay saamaysay, hadana uu la halgamayo sidii uu raashin maalinle ah ugu heli lahaa.
“Dhibaatada kale ee ugu weyn waa waxbarasho la’aan Shan ayaa guriga ii joogta. Markaan waxbarasho kale u waayay anigaa kitaabka u akhriya oo Qur’aanka yuu dhaafin baan is dhahaa.”
Gudoomiyaha gobolka Raascasayr Cismaan Siciid ayaa sheegay in dadka iyo xooluhu ay ku jiraan xaalad daran oo ka dhalatay roob la’aanta. Waxaa intaas raaca in ay qalaleen beeraha qaarna lagu waraabiyo biyo iib ah
Waxaa qalalay ilihii biyaha, taas oo keentay in qoysas badan ay ka hayaamaan deegaannadooda, kuwa kalana ay wajahayaan rajo beel ka dhashay nolosha sii adkaanaysa.










