(ERGO) – Xaalad nolol-xumo oo liidata ayaa soo foodsaartay qoysaska boqollaal haween ah oo barakac ku ah xeryo ku yaalla magaalada Garowe. Arrintaas ayaa qabsatay, markii ay suuq u waayeen biro ay xaadafaha ka aruurin jireen si ay u gataan.
Shirkado ka iibsan jiray oo ku yaallay magaalada, kaddibna dhoofin jiray ayaa xirmay, markii maamulka Putnland uu mamnuucay bishii Sebteembar ee sanadkan ka ganacsiga biraha. Haweenkaan oo ku tiirsanaa ayaa mutay shaqo la’aan samayn ku yeelatay noloshooda.
Caasho Colow Ibraahim oo ka mid ah waxay sheegtay in qoyskeeda oo 6 ah oo ku noolaa waxay ka soo hesho biraha ay galeen nolol xumo ay ka soo kaban la’yihiin.
Saygeeda oo ka shaqayn jiray dhismaha guryaha ayaa asna noqday baagamuuddo. Waaxaa u sabab ah shirkado ka shaqeeya dhismaha guryaha oo la wareegay shaqadii xoogsatada. Xaaladahaas isbiirsaday ayay sheegtay in ay badday in ay dariskeeda dawarsato.
“Haddaan wax weyno dadka muslimka ah ee deriskeenna ah ayaan u galaa si ay xooggaa bariis ah noo siiyaan. Habeenkii waan qadnaa, maalintiina wax ma cunno. Sidii aan xalay ku seexanay ayaan ku soo toosnaa.”
Caasho oo shaqada aruurinta biraha iyo caagadaha ku soo shaqaynaysay muddo labo sano ah ayaa sheegtay in maalintii ay ka helaysay lacag u dhaxaysa $3 illaa $4, taas oo si buuxda ugu filneed nolosha qoyska.
Haweenaydaan si ay uga saarto xaaladdaan qoyskeeda waxay maalin kasta u lugaysaa magaalada oo u jirta 4 km xerada Jiingadaha oo ay degan yihiin iyada oo raadinaysa cid ay u qabato shaqo, balse waxay soo laabataa iyada oo faro-maran.
Sidoo kale Caasho waxay sheegtay in dukaan ku yaallay xerada oo ay ka dayn qaadan jireen uu ka joojiyay in uu siiyo dayn kale markii uu ogaaday xaaladdooda. Sidoo kale wuxuu cadaadis ku saaraa in ay bixiyaan $40 oo horay loogu lahaa aysanna awoodin.
Saamaynta ka soo gaartay shaqo la’aanta Caasho kuma eka nolol xumada ee sidoo kale waxaa waxbarashada laga soo eryay bishii hore saddex ka mid ah carruurteeda oo dhiganayay dugsiga dhexe iyo hoose. waxay bixin waysay $15 oo bille looga rabay.
Qoyska haweenaydaan ayaa ka mid ahaa 7,000 oo qof oo ka soo jeeda gobolada koofure ee dalka oo maamulka Soomaaliland ay si qasab ah uga barakiciyay magaalada Laascaanood markii lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen amaan darro xiligaas ka jirtay.
Waxaa arrintaas uga burburay dukaan yar oo ay xaafadda ku lahayd, kaas oo ay ku iibin jirtay bagaash iyo sharka dumarka.
“Laascaanood wax badan ayaan deganayn illaa hadda alaabteenna meeshaas ayay taalaa. Qori baadkiis ayaa la iigasoo saaray. Nimankeennii habeenimo ayaa lala baxsaday, annagana subixii salaaddii ayaa guruga nala ka soo saaray.”
Caasho waxay sheegtay in tan iyo markii ay soo barakacday ay nolosha qoyskeedu ka sii darayso marba marka ka danbeeya aysanna hayn iyada iyo saygeeda qaab ay ku samata-bixin karaan.
Waxay hadda ku fakarayaan in ay dib ugu laabtaan magaalada Qalaafe ee dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya oo ay abaar darteen uga soo guureen sanadkii 2,000.
Qoysas ay qaraabo yihiin oo halkaas degan ayaa kula talinaya in ay beertaan beer ay ku lahaayeen balse waxay la’yihiin lacagta ay ku guuri lahaayeen.
Shaqo la’aanta soo foodsaartay haweenkan ayaa ku soo aadday iyada oo uu aad u yaraaday gargaarkii ay hay’aduhu siin jireen dadka barakacay taas oo saamaynta sii xoojisay.
Awliyo Cali Buulle oo ka mid ah waxay sheegtay in muddo saddex bil ah aysan shaqayn oo ay guri joog noqotay.
Qoyskeeda oo ku tiirsanaa iyada ayaa sheegtay in ay ku jiraan xaalad nololeed oo liidata mudadaas ay baagamuudada tahay taaas oo ku haysa welwel joogto ah.
“Waxaa iigu daran ilmaha waxaan raashin iyo caano ugu gadi lahaa ma awoodo. Haddii aysan taleefoonkayga labo dollar ku jirin waa nolol xumo. Gaajaa nalasoo deristay, odayaasha haddaan qabsano waxay ku leeyihiin wax mahayo.”
Awliyo ayaa sheegtay in nolol xumada dhanka cuntada ah ay u dheertahay in laga saaray bishii Nofeembar ee sanadkaan dhul ay kiro ku deganeed, markii ay saddex bil isku gaartay $15.
Waxay hadda sulsaar ku noqdeen qoys ay qaraabo yihiin oo iyagu weli degan dhul ay kiradiisa bixiyeen. Waxay siiyeen buush yar oo aan wada qaadin iyada iyo carruuurteeda oo siddeed ah.
Sidoo kale waxay wadaagaan raashin aan badnayn oo ay ku caawiyaan dad qaraabo la ah oo ku nool magalada garoowe.
Maalmaha qaar oo ay ka waayaan ayay shegeen in ay taleefanadooda u dhigtaan dukaamada rahmad ahaan oo ay uga dayn qaatan iyaga oo ka soo qaata markii ay helaan cid ka bixita lacagtaas.
Muddadii ay ka shaqayaysay caagadaha iyo biraha ay iibin jirtay ayay sheegtay in labo waqti ay si buuxda cunno ugu heli jirtay carruurteeda aysanna ka welweli jirin waxay cunayaan, balse dhanka kale waxay sheegtay in ay ku qabtay dhibaato badan biraha aruurintooda oo malinta dhan ay magalada wareegi jirtay iyada oo aan heli jirin wax badan.
“Waxaan ku qabnay iimaankeenna, ilmaheenana bariis ugu karsan jirnay, haddii aan uruurino cidna naga iibsan mayso, waala joojiyay, wax laga shaqeysto ma jiraan guryahaan iska fadhinaa.”
Dhamaan dadka ku nool xeryaha magaalada Garoowe ayaa wajahaya nolol xumo sida uu sheegay Cabdirashiid Gaarane oo ah horjoogaha xeryaha ay dadkaan ku nool yihiin.







