Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro fursad shaqo ka helay Baydhabo oo qoysaskooda ka saaray xaaladda barakaca

Jibril Osman by Jibril Osman
December 10, 2025
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Ibraahim Ciise oo ku foogan shaqadiisa cillad-bixinta Bajaajta/Cabdullahi Shariif/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sagaashan iyo saddex dhalinyaro barakac ah ayaa ku filnaaday maaraynta nolosha qoysaskooda tan iyo bishii sagaalaad ee sanadkan. Waxaa u suuragaliyay shaqooyin cillad bixinta gawaarida, mootooyinka iyo qalabka korontada ah oo ay ka heleen labo geerash oo nin qurbaha ka yimid uu bishii Luulyo ka furay magaalada Baydhabo.

Waxay qaarkood awoodeen in ay qoysaskooda ka saaraan xeryo barakaca oo muddo dheer ay ku jireen. Carruurtooda oo horay aan wax u baran jirin ayay ku dareen iskuullo, iyagoon walwal ka qabin qarashka.

Cali Xasan Nishow oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegay inay galeen isbeddel nololeed oo aysan horay u haysan, markii uu shaqada bilaabay saddexdii Sebteembar. Wuxuu maalinkii ka helaa $7 illaa $8 oo uu joogto ugu dabaro nolol-maalmeedka reerkiisa oo 8 qof ah.

“Noloshayada aad ayay uga fiican tahay marka la barbar dhigo waqtigii hore. Xaaladda qoyskayga waa hagaagtay. Waxaan ahaa qof aan biilka xaafadiisa u heli karin, laakiin hadda qof joogto u shaqaysanaya waa dareemi kartaa. Dhaqaale isbeddel noo keenay oo iigu filan reerka ayaan helay. Waxkastana waa ii fududaadeen.”

Cali ayaa sheegay in fursaddan uu kaga maarmay dad uu wax waydiisan jiray si uu hal mar cunno ugu helo carruurtiisa oo kan ugu weyn uu sagaal jir yahay. Ninkan ayaa xusay in geerashyada magaalada uu ka raadin jiray shaqo, kuwaas oo ugu badnaan bishii uu labo ama saddex mar ka heli jiray.

Wuxuu horraantii Nofeembar qoyskiisa ka saaray xerada barkaca Boodaan, isagoo labo qol oo jiingad ah, jiko iyo musqul uga kireeyay magaalada Baydhabo. Waxaa bishii laga qaadaa $40.

“Markii hore waxaan deganayn meel buush ah oo cariiri nagu ahayd oo xeryaha barakaca dhexdooda ahayd. Qolol bacweyne ah ayaan kiraysanay. Halkaas ayay ciyaalkaygu hadda iigu nool yihiin. Nolol cusub ayaan galnay saddexdii bil ee ugu danbaysay. Dhibaatooyinkii hore waan kaa baxay.”

Cali ayaa sheegay inuu iska bixiyay dayn $70 ah oo dukaamo uu raashin ka qaatay ay ku lahaayeen. Wuxuu bishii hore iskuul iyo dugsi qur’aan geeyay saddex carruurtiisa ah, kuwaas oo uu ka dhiibo $15 isku darkooda.

Wuxuu xusay inuu caawiyo labadiisa waalid oo waayeel danyar ah, keligiisna ku tiirsan. Wuxuu maalinkii siiyaa $2 oo biilkooda ah, maaddaama ay xero barakac degan yihiin oo aan kiro laga qaadin.

Ninkaan ayaa sheegay in muddadii uu shaqaynayay uu kaydsaday $60. Wuxuu rajanayaa inuu sii kordhiyo dhigaalkiisa si uu ugu baxsado markale.

Farsamada baabuurta oo yaraantiisii uu ka bartay geerash uu aabbihiis ka shaqayn jiray ayaa u sahashay inuu shaqadada si fudud ula qabsado. Wuxuu hadda ku faraxsan yahay inuu xaliyay baahiyaha aas-aasiga ah ee qoyskiisa iyo soo kabashada ay galeen.

“Nolol barwaaqo ah ayaan ku jirnaa. Wax dhibaato ah ma qabno wareerkii wuu I daayay hadda. Horay ayaan u aqaanay xirfada makaaniga wax kastana waa qabtaa. Mootooyinka, baabuurta iyo bajaajta dhamaan waa sameeyaa”

Qoyska Cali ayaa sanadkii 2023 dagaalo u dhexeeya ciidanka dowlada iyo shabaab uga soo barakacay deegaanka Goof-gaduud-buurey oo qiyastii 30 km u jira magaalada Baydhabo. Waxaa isla xilligaas roob la’aanta uga nacfi beeshay beer afar hektar ah oo ay ku tiirsanaayeen.

Dhan kale, Ibraahim Ciise Axmed wuxuu qoyskiisa oo 7 qof ah ka saaray hubaanti la’aan cunno oo ku haysatay xerada Ceel-bay. Wuxuu sheegay in $200 illaa $230 oo bishii uu ka qaato geerashka Xasan yare ee magaalada Baydhabo ay u noqotay il-dhaqale.

“Shaqadaan intaan bilaabay nolol qurux badan ayaan ku jirnaa, horraan uma haysan lacagta hadda i soo galaysa. Xaaladda aan ku jirno aad ayaan ugu faraxsanahay. Maalinkii waxaa isoo gala $6, $7 ama $8 hadba sida aan u shaqeeyo, waana isku maaraynaa. Intii aan baaga-muudada ahaa dabka hal mar ayaa la shidi jiray, laakiin hadda saddex waqti ayaan shidanaa.”

Ibraahim ayaa sheegay in ka hor intii uusan shaqadaan helin ay ku jireen xaalad adag. Waxay ku tiirsanaayeen kaalmo ay dariska ah waydiisan jireen iyo shaqooyink xamaal ah oo si naadir ah uu magaalada Baydhabo uga heli jiray.

Hadda wuxuu qoyskiisa bishii u soo dhigaa min 20 kiilo oo bur, bariis, sonkor iyo iidaankooda. Wuxuu sidoo kale toddobaad walba hal fuusto oo biyo ah ugu shubaa saddex dollar.

Ninkaan ayaa xusay in fursadaan ay ku xiriiriyeen dhalinyaro uga horaysay. 11 Ogoosto ayaa loo bilaabay tababar farsamada baabuurta ah oo 3 toddobaad u socday. Baahida uu shaqada u qabay iyo dadaalkiisa ayaa u sahlay inuu muddo yar wax kasta ku fahmo oo mushaarku u billowdo.

Helitaanka shaqadaan ayuu uga tanaasulay tahriib uu markii hore ku fakari jiray, balse faro marnaanta haysa darteed uusan ku dhaqaaqin. Wuxuu ku haminayaa in uu furto ganacsi isaga u gaar ah.

“Waxaan rajaynayaa in lacagta aan ku shaqeeyo aan qayb kaydsado oo meel ku furto marka ay ii badato. Dhibaatadii hore ee aan soo marnay lagama sheekayn karo oo Ilaahay ayaa naga saaray. Walwalkii I hayn jiray dartiis mar ayaan xitaa ku fakaray in aan dalka isaga tago, laakiin hadda nolol tan ka sii qurux badan ayaan rajaynayaa.”

Ibraahim ayaa Nofeember labo carruurtisa ah ku daray dugsi hoose, kuwaas oo bishii uu ka bixiyo $10. Wuxuu tilmaamay in uusan markii hore u awoodin dhaqaalahaas.

Abaaro sannadkii 2022 saameeyay deeganka Bur-god oo katirsan gobolka Bay ayay kaga dhinteen 30 ari ah oo ay xoolo ka lahaayeen, waxaana uga qalalay dalagyo raashin ah oo u saarnaa beertooda oo 2 hektar ahayd.

Fursadaan shaqo ee ay ka faa’iidaysteen raggaan waxaa hindisay Xasan Nuur Cabdullaahi oo ah nin qurbaha ka soo laabtay. Wuxuu sheegay in ujeedkiisu yahay sidii uu uga qayb qaadan lahaa yaraynta shaqo la’aanta qoysaska danyarta ah. Dadkii uu shaqada siiyay ayuu xusay inay isbeddel dhaqaale heleen.

“Qorshahayga wuxuu yahay in dadkan ay ka faa’iidaystaan oo ay shaqo abuur u noqoto, in dadka baaga-muudada ah ay shaqo helaan, anagoo marka hore barayna farsamada ay ku shaqaysan lahaayeen. Arintaan waxay keenaysaa inay qoysaskooda wax ku soo kordhiyaan iyo inay mustaqbalkooda dhistaan, sidaas darteed ayaan dadkaan ku xulanay oo ku siinay fursadaan.”

Xasan ayaa sheegay inuu dhawaan qorshaynayo inuu furo xarun saddexaad oo gawaarida lagu cillad-bixiyo, si dad kale oo danyar ah ay fursad uga helaan.

Previous Post

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

Next Post

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

Related Posts

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

December 12, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo cunno xumo ay ku hayso qaybo ka mid ah Togdheer oo roob la’aan ah

December 9, 2025
Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Cunno xumo haysa qoysas miciin biday xerada Kabaaso

December 8, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku tiirsanaa ka ganacsiga biraha oo wajahaya nolol xumo markii Puntland ay ka mamnuucday

December 6, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas nolol-xumo uga baxay shaqo ay ka heleen shirkad caanaha warshadaysa

December 4, 2025
Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraly ku nool Jubbland oo goostay dalagyo soo kabasho u noqday noloshooda

December 3, 2025
Next Post
Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

Qoysas colaad iyo roob la’aan ku wajahaya qaybo ka mid ah Galgaduud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-DEC-2025

IDAACADDA 12-DEC-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-DEC-2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-DEC-2025
December 12, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 11-DEC-2025
December 11, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-DEC-2025
December 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-DEC-2025
December 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-DEC-2025
December 8, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo