(ERGO) – Kumannaan qoys oo ku nool toddobo tuulo oo dhanka waqooyi ka xiga degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa wajahaya cunno xumo, biyo yari, koronto la’aan, isgaarsiinta oo ciriiri ku ah iyo go’doon sababay in aysan isku gudbi karin.
Wabiga Shabeelle oo dhinac kasta uga soo fatahay bartamaha bishii hore, welina ku sii fidaya ayay xaaladan ka dhalatay.
Gudoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in fatahaaddu saameysay guryihii ay degganaayeen in ka badan 13 kun oo qoys, ganacsiyadii iyo beerihii ay ku tiirsanayeen.
Dadka ay saameysay waxaa ka mid ah Yuusuf Maxamad Cali oo deegaanka Mansuur ku lahaa beer iyo dukaan lagu gado raashiin iyo bagaash.
Wuxuu tilmaamay in saddex qol oo reerku u daganaa ay biyuhu dhex fadhiyaan. Meel aan ka fogeyn guriga oo taag ah ayuu xusay in habeenkii ay seexdaan bannaanka, maalinkiina geedaha harsadaan.
Yuusuf ayaa tilmaamay in qoyskiisa ay ku tiirsan yihiin intii ugu danbaysay, galey keyd u aheyd oo uu xusay in hadda ay ka dambeyso 10 kiilo oo keliya.
“Nolosheena waxay noqotay mar hel marna waa, hadba si ayaan isku maaraynaa. Wixii horay aan fuustooyinka ugu aruursanay ayaan hadda dib u isticmaalaynaa wayna naga sii dhamaanayaan oo waa meeshii ugu danbaysay. Ganacsigaygiina wuu baab’ay wax kale oo aan ku tiirsanahayna ma lahan.”
Yuusuf ayaa tilmaamay in bishii September uu ka xirmay dukaan uu maalinkii ka heli jiray dhaqaale gaaraya $10-$15.
Raashiinkii uu gadayay ayuu xusay in dadku ay deyn uga qaateen, markii ay biyuhu go’doomiyeen. lacag gaareysa $900 ayuu sheegay inay ka maqantahay, taas oo aysan dadku awoodin in xilligan adag ay u soo celiyeen.
Wuxuu sheegay in magaalada Mahaday oo 18 km u jirta aysan jirin gawaari ama doomo aadi kara, fatahaadda darteed, taas ayuu xusay inay baabi’isay rajo kasta oo uu ku sii socon lahaa ganacsigiisa oo 20 sano uu ku tiirsanaa.
“Culayso badan ayaan wajahaynaa biyo ayaa nagu hareeraysan magaalada meel looga baxo iyo meel laga soo galo ma lahan waxan ku jirnaa go’doon. Aniga fatahaada wax badan ayay iga saamaysay. Ganacsigaygii wuu xirmay oo wax lagu gado ma leh iyo meel adeeg looga keeno.”
Qoyskiisa oo 16 qof ah waxaa sidoo kale il-dhaqaale u ahaa beer uu leeyahay oo webiga saaran, balse biyaha ayaa ku fatahay xilli uu filayay in bil kadib uu gurto qudaar iyo raashin u saarnaa.
Wuxuu tilmaamay inuu galiyay qarash $250 ah, kaas oo uu qorsheynayay inuu iska bixiyo markuu gato dalagyadaas oo rajada uu hadda ka qabo ay yartahay.
Ninkaan oo weligiis ku noolaa tuulada Mansuur ayaa tilmaamay inay horay fatahaad ula kulmi jireen, balse sanadkan ay ugu daran tahay.
“Fatahaad ayaa dalagyadii, wixii aan tacbanaynay iyo wixii aan isticmaalaynay oo dhan naga jartay.. Aniga waxaa iga qasaaaray beer afar hektar ah oo ay iigu abuurnaayeen khudaar, galey, sisin iyo waxyaabo kale.”
Yuusuf ayaa xusay in ceelashii ay ka cabbi jireen ay fatahadu dumisay. Waxay isticmaalaan biyaha fatahaadda oo wasaq ah. Wuxuu intaas ku daray in isbitaalkii deegaanka oo ay ka heli jireen adeegyo bilaasha ah aysan wax shaqo ah ka socon oo biyuhu gudaha u galeen.
Qofkii ka xanuunsada ayuu sheegay inaysan u heli karin meel ay marsiiyaan si ay u gaarsiiyaan isbitaallada Mahaday iyo Jowhar oo 18, illaa 20 km u jira. Waxay xaaladaan la qabaa in ka badan 500 oo qoys oo kula nool tuulada Mansuur.
Wuxuu xusay in iskuulka deegaanka oo shan carruur ah ay bilaash ugu dhiganayeen ay biyuhu galeen oo aysan waxbarasho ka socon. Iskuulka oo hoose iyo dhexe ah ayay afar sano ka hor dadka deegaanku isxilqaan ku dhisteen.
Xadiga biyaha Wabiga Shabeelle ayaa kordhay, markii roobka deyrta uu ka da’ay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dayac-tir la’aanta goobihii uu horay uga fatahay oo furan ayaa arrinta ka dhigtay mid soo noq-noqoto.
Maryan Nuur Cali waxay qoyskeeda oo 11 qof ah tan iyo horraantii Sabteembar ku nool yihiin bannaanka deegaanka Obaale, markii fatahaadu ka saamaysay gurigii ay degganaayeen iyo beer ay ku tiirsanaayeen. Waxay sheegtay inaysan waxba u badbaadin oo hadda ay faro-maran yihiin.
Haweenaydan ayaa xustay in illaa markii ay xaaladaan galeen ay ku adkaatay maaraynta nolosha qoyska. Waxay ku tiirsan yihiin kaalmo yar oo marmar ay ka helaan ehelkooda oo degan Muqdisho.
“Saamaynta ugu weyn ee aan hadda wajahayno waa cunto xumo waayo wax la cuno xitaa ma haysano. Dalagii wuu naga qasaaray wax kalena nooma yaallaan nolol xumo weyn ayaa na haysa. Beerihii waxaa galay fatahaada wax nooga soo go’ayna ma jiraan.”
Maryan ayaa tilmaamtay in digir, galey, sisin iyo qare ay bishii sideedaad saartay beerteeda oo saddex hektar iyo bar ah fatahaadu ka baabi’isay. Waxaa kaga baxday $300 oo deyn ahayd, taas oo ay ka murugsan tahay qaabkii ay ku bixin lahayd.
Haweenaydan ayaa xustay in carruurteeda oo kan ugu weyn 12 jir yahay ay la qabsan la’yihiin gaajada waqtiga dheer oo ay u wehliso kaneeco, qabowga habeenkii iyo qorraxda maalinkii oo uusan ka xajin karin aqal cooshad ah oo ay dhisteen.
Waxay intaas ku dartay in saddex carruur ah ay qandho, calool xanuun iyo shuban ku aragtay illaa 15 October, kuwaas oo aysan wali isbitaal geyn, maaddaama kii deegaanku uu fatahaadda ku xirmay, gaadiid ay ku qaadana aysan heli karin.
“Culaysyo badan ayaan wajahaynaa, guryihii iyo musqulihii waa dumeen. Saamayntu waa weyn tahay meesha aan degnay waa meel aan nolosha lagu maarayn karin.”
Maryan waxaa xaaladan u dheer waxbarasho la’aanta afar carruur ah oo u kala dhiganayay fasallada labaad, shanaad iyo lixaad. Carruurteeda ayaa ka mid ahku dhawaad100 arday oo dhiganayay iskuulka deegaanka Obaale, balse hadda ah dersi la’aan.
Ahmed Ibraahim oo ah guddoomiyaha tuulada Buulo-ahmed Cigoow ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaadu ay go’doon wada galisay deegaannada Mansuur, Eji, Diinlaawe, Kulmis, Obaale iyo Shiile bari.
Wuxuu tilmaamay in ay cunnoyinku gabaabsi yihiin, biyo nadiif ah aan la heli karin sidoo kalena ay meesha ka baxeen adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Axmed ayaa sheegay in maamullada deegaannadaan ay iskudayeen in ay jawaano ku xiraan meelaha ay biyuhu ka soo baxayaan, balse ay awoodi waayeen, maaddaama ay xoog ku socdaan, aysanna wax taageero ah helin.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale aytuulooyinkaan koronta la’aan yihiin, markii la waayay wado shidaalka loo soo mariyo. Dad yar oo soollaro haysta ayaa telefoonnada afar kun oo shilin ku dabeeya, kuwaas oo mararka qaar dabka laga waayo.
Fatahaadaha soo noqnoqday ayaa sababay dhaqaale burbur iyo inuu yaraado wax soo saarka beeraha. Wali xal waara looma halin caqabadan oo u muuqata mid aysan maareyn karin dadka dhibanaha u ah.










