(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ayay wajahayaan 263 qoys oo 21 bishii hore si qasab ah looga saaray xerada Weel-eyle ee duleedka magaalada Baydhabo. Dadkii lahaa dhulka oo markii hore bixiyay ogolaanshaha ay ku dageen ayaa u sheegay inay si deg-deg ah uga guuraan.
Dadkan ayaa hadda dul-saar ku ah qoysas degan xeryaha Boola-toosi iyo Toos-weyne ee magaalada Baydhabo. Waxay barakicinta ku waayeen ganacsiyo yaryar oo ay ku tiirsanaayeen, adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarasho bilaash oo ay haysteen.
Nuur xasan Maxamed oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegay in qoyskiisa oo 8 qof ah ay ku dul nool yihiin reer ay qarabo yihiin oo deggan xerada Toos-weyne, halkaas oo ay ku wajahayan cuno xumo.
“Haddaan cashada helno quraacda ma heli karno. Intaas waxaa nagu caawiya dadka aan dul-saarta ku nahay oo na siiyo koonbooyin raashin ah. qoyskeyga waa badanyahay, intaas naguma filna, laakiin doorasho kale malihin. Waa iska dhibanahay.”
Nuur ayaa sheegay in laga burburiyay sandaqad yar oo uu ku iibin jiray bagaash iyo qudaar. Wuxuu si joogta ah maalinkii uga heli jiray $5-$6 oo kaga filnayd baahiyaha aasaasiga ah ee qoyskiisa.
Ninkan ayaa tilmaamay inuusan awoodin inuu ganacsigiisa dib u bilaabo qarash la’aanta haysa darteed. Wuxuu tilmaamay inuusan sidoo kale awoodin dukaamada magaalada oo konton dollar la kireeyo, taas oo rajo beel galisay.
Wuxuu markii hore ku bilaabay $100 oo uu sannad ka arrurinayay gargaarka ay 2024 ka heli jireen hay’adda World vision. Wuxuu sheegay in hadda markii laga burburinayay dhaqaalaha u dhax-yaallay uu gaarayay $500. Wuxuu quus ka muujiyay xaalada ay galeen.
“Waxaan ku lahaa daba-kaayo dadka xerada dagan ayaana macaamiil ii ahaa. Wixii aan ka helo ayaan ku maareyn jiray baahiyaha carruurteyda, sida cunno maalmeedka, noolasheenuna waa ficnayd. Haddase noolasha waa nagu adag tahay.”
Dhanka kale, Nuur ayaa sheegay inay haysato biyo yari iyo hoy xumo. Waxay maalinkii ku tiirsanyihin hal jirgaan oo ay ku caawiyaan qoyska ay soo maciin bideen. Wuxuu xusay inuu ka faro-maranyahay $0.15 oo halkii jirgaan looga gado ceel riig ah oo gaar loo leeyahay oo xerada ku dhaw.
Waxaa meesha ka baxay biyo bilaash ahaa oo ay qoyskiisa ku haysteen xerada Weel-eyle. Waxaa xerada ugu dhax-taallay barkad ay biyo joogta ah ugu shubeysay hay’ada NRC, taas oo ay hirgalisay labo sanno ka hor.
Qoyska Nuur ayaa dibaad-yaal ka noqday labo qol oo cooshad ah oo ugu yaallay xerada. Waxay hadda la’yihiin meel ay gabaadsadan.
“Meesha aan nimid hoy rasmi ah kuma heysanno. Dadka aan u imaanay malahan hoy fiican oo na wada qaadi karo. Waxay ku jiraan hal qol. Qarkeena waaweyn banaanka ayaan gogol dhigana. Nolol xun oo adag ayaan galnay.”
Qoyskiisa ayaa 2022 ka soo barakacay magaalada Diinsoor ee gobolka Bay, markii abaar xilligaasi jirtay ay uga la’deen 100 ari oo ay dhaqanayeen. Waxaa sidoo kale biyo-yari uga qalallay dalagyo u badnaa digir, masago iyo galey oo u saarna beer 3 hiktar ahayd.
Qoysaska la barakiciyay oo qaarkood ay naafo yihiin waxay xaaladan ku hoggaamisay dhibaato hor leh oo aysan xalkeeda hayn. Yuusuf Xuseen Bashiir oo aragga la’ ayaa sheegay in biyo yarida ay tahay waxaa ugu daran ee reerkiisa heysta.
Wuxuu xusay inuusan awoodi karin 3 kun oo Shilin Soomaali ah oo halkii jirgaan laga gado. Ceel bilaash ah oo u jira 3 km ayuu sheegay in aysan lahayn gaadiid ay uga soo qaataan.
“Hadda inta aan dulsaarta noqonay hal jirgaan oo ay xaaskeyga safar dheer u gasho ayaan cabna, kaas oo aan waxbo ka galin baahiyaha biyo ee qoyska sidoo kalana aan nagu filneyn.”
Yuusuf ayaa sheegay in laga burburiyay meherad ay bagaash ku iibin jirtay xaaskiisa oo ahayd halka meel ee qoysku masruuf ka heli jiray. Qaar ka mid ah alaabtii dukaanka oo ay dhabarka ku soo qaateen ayuu sheegay inay hadda ku wareejiso xaafadaha. Maalmaha qaar ayuu tilmaamay in hal doollar u gadmo oo ay dabka ku shitaan, markii aysan waxba u gadmina gaajo ayay ku joogaan.
Ninkan ayaa sheegay in carruurtiisa oo 6 ah kan ugu yarna uu hal sano jir yahay ay la qabsan la’yihiin gaajada mudada dheer ah. Waxaa walwal ku haysa deyn uu adeeg ugu soo qaaday meheradiisa bilawgii bishii hore oo uu garan la’yahay qaab uu ku bixiyo.
“Shan boqol oo deyn ah ayaa la igu leeyahay oo dabakaayada aan ugu soo adeegay. Waxaa hadda iga raba qofkii aan bagaashka ka soo qaatay. Mar kasta telefon ayuu ii soo diraa. Wuxuu i leeyahay lacagtii ii keen. Waxay igu heysa arrintaas walwal badan.”
Yuusuf ayaa sheegay in xeradii ay deganaayeen ay ku haysteen xarun caafimaad oo ay joogto uga heli jireen tallaalka carruurta, dawooyin, buskudka nafaqaysan iyo qayb haweenka u gaar ah, kuwaas oo dhamaantooda aysan hadda heli karin. Xerada Boola-toosi oo ay hadda qoys ay ehel yihiin ku dul noolyihiin ayuu xusay in aysan ka jirin wax adeegyo bilaash ah.
Waxaa sidoo kale waxbarasho la’aan ka noqday labo carruur ah oo si bilaash ah wax uga baran jiray iskuul hoose oo xerada ku yaallay, kaas oo ay dadka xerada u maalgalisay hay’adda Save the Children.
Qoyskiisa ayaa 2023 ka soo barakacay deeganka Ufurow oo Baydhabo u jira 45km. Nolosha deegaankoodii ayaa ku adkaatay, markii roob la’aan ka jirtay saddex xilli ay nacfi-tirtay beer ay ku tiirsanayeen oo 4 hektar ahayd.
Dhulka laga soo raray qoysaskaan waxay si bilaash ah ku daganaayeen 4 sano. Guddoomiyaha xerada weel-eyle Cabdullaahi Aadan Jibaar ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadkan xerada laga saaray iyadoo aan la siin wax digniin hore ah. Wuxuu xusay in dadkii lahaa ay u sheegeen inay dhulkooda iibsanayaan.
Wuxuu tilmaamay in gabi-ahaanba la burburiyay guriyihii ay daganaayeen, goobihii ay ku ganacsanayeen, iskuul ay carruurta wax uga baranayeen iyo xarun caafimaad oo xerada ku taallay.
“Dad naafo ah ayaa jira oo aan awoodin inay gataan biyaha. Gargaar bini’ aadnimo iyo dhul ay dagaan oo aan laga rareyn ayay u bahanyihiin.”
Qoysaska soo barakacay ayaa intooda badan waxay degaan dhul bannaan oo gaar loo leeyahay. Waxay arrintaas u nugleysa barakicin deg-deg ah. Waxaa wali meesha ka maqan nidaam dib u dajin ah oo dadka u horseeda inay helaan deegaan rasmi ah oo ay ku nagaan karaan.










