(ERGO) – Qoyska Furqaan Axmed Maxamed oo 8 ah waxay tan iyo bishii May cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahayan xerada Eyle ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
Waxay ka mid yihiin ku dhawaad 500 oo qoys oo dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kooxda Al-shabaab uga soo barakacay deegannada Sabiid iyo Canoole. Xaaladaan ayaa ku riixday in ay iskaga soo tagaan ilahoodi dhaqaale.
Furqaan ayaa sheegtay in qoyskeeda uu ku tiirsanyahay raashin bisil oo hal mar ay maalinkii ka helaan dadkii uga soo hooreyay xerada oo ay yimaadeen bartamihii bishii shanaad.
“Waa dareemi karta qof dad kor fuul ku ah oo aan gurigooda joogin sidaad rabto kama heli kartid, markan deegankeenii joognay shalay waxaan ahayn dad dhamaan shaqaysanaya oo saddexda waqti heli kara.”
Haweenaydan ayaa sheegtay in carrurteeda oo kan ugu yar u labo sano jir yahay ay la qabsan la’yihiin noolasha barakaca iyo gaajada ay waqti dheer ku joogaan, maaddama ay deegankoodi ku heli jireen cunno joogta ah iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.
Xaaladan waxaa u dheer hoy xumo bidday in ay dad badan la dagan hool korka ka dadan dhinacyadana ka banana, taas oo nugleysay xilligan xagaaga ah dabeysha iyo qabowga habeenkii.
Qoyskeeda ma heli karaan gogol, waxayna dhulka dhigtaan darin lagu caawiyay oo an ku filneyn, balse ay dantu ku qasbeyso in ay wada ciriirsadan. Waxay sheegtay in ay awoodi la’yihiin biyaha oo halkii jirgan deeganka la iibiyo 4 kun oo shilin Soomaali ah.
Waxay ku nool yihiin 20 liitar oo maalinkii ay dadka is kugu dardaran. Furqaan ayaa tilmamtay in aysan deeqin, balse aysan doorasho kale haysan. Waxay quus ka muujisey xaalada ay ku sugan yihii.
“Habeenkii roob baa nagu da’o, maalinkiina qoraxdaa na haysa. Meel lagu kala nasanayo malahan, hoy la’aan biyo la’aan iyo musqul la’aan noolashaas baan ku nool nahay. Deegaankeena markaan joognay nolol fiican iyo hoygeena ayaan haysanay.”
Furqaan ayaa sheegtay in barakaca uu qoyskeeda ka sameeyay dhinac kasta oo noolasha ah. Waxay xustay in ay waxbarasho la’aan ka noqdeen saddex carruur ah oo u dhigan jiray fasallada afaraad iyo sideed ee dugsiga dhexe. Kuwaas oo isku darkooda ay bishii ka bixin jirta $30.
Qoyskeeda waxay caqab kala kulmeen sidii ay ku soo gaari lahaayeen degmada Afgooye. Bundooyinkii oo burbursan ayay sheegtay in aysan gadiidku mari karin, taas oo ku qasabtay in ay saddex berri ku jireen wadad u dhexaysa degmada iyo deegaankii ay ka yimaadeen oo 45 km isku jira. Ugu danbayntii ayay sheegtay in dadka muxsiniin ah ay carruurta la qaadeen oo ku caawiyeen in ay ka soo gudbaan.
“labada dhinac ayay ka go’day buundada, taas ayaa sababtay in la mari wayo lug unbaa lagu soo mari kara lugtana waa dhibaato oo laguma soo mari karo in laguu soo miciino maahe.”
Furqaan oo 38 jir ah ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horaysay oo ay deegaankeeda ka barakacdo. Odaygeeda oo wayeel xustay in uusan xoog iyo xoolo midna ku caawin karin reerka. Waxay sheegtay in ay isaga soo tageen iyagoo aan waxba ka soo qaadan meherad yar oo raashin iyo bagaash ay ku iibin jirtay oo nolosha qoyskeedu ku tiirsanayd.
Alaab ay ku qiyaastay $700 qoyays ayay sheegtay in ay u dhex taallay, taas oo ay waysay gaadiid ay ku soo qaadato, maaddama ay naftooda kala soo baxsadeen dagaalka.
Qoyska Nafiso Aadan Cabdiraxmaan oo 10 qof ah waxay la daalaa dhacayaan daruufo nololeed oo barakacaan uu u horseeday. Waxay sheegtay in markii ay xerada yimaadeen aysan helin wax kaalmo ah, taas oo ku qasabtay in ay dawarsato si carruurteeda ay hal mar cunno ugu hesho 24 saac.
Waxaa isku biirsaday xaalada barakaca iyo in maareynta ilmaha ay kali ku tahay oo ninkeedii uu geeriyooday saddex sano ka hor. Nafiso ayaa xustay in aysan helin ehel caawiya iyadan aysan waxba hayn.
“Xaalada waa nagu cakiran tahay, sababta aan deegaankeena uga soo tagnay dagaal baa ka dhacay oo wa la is duqeeynayay, sidaas ayaan nafteena iyo ilmaha ku soo badbadsanay.”
Nafiso oo qoyskeedu ay xerada Eyle yimaadeen dhamaadkii May ayaa sheegtay in ay ka soo barakaceen deeganka caanoole oo hoos taga degmada Afgooye, markii ay dhowr jeer ku soo lalaabteen daallada dowlada iyo shabaab.
Cunno xumada waxaa qoyskeeda u raacday hoy la’aan. Waxay carruurta ku haysaa hal qol oo cooshad ah oo kartoomada, maryaha iyo geedaha ay ku dhistay ay siiyeen dadkii ay meesha ugu yimaadeen.
Haweenadyaan ayaa sheegtay in uusan qaadin carruruteeda oo badan, taas oo ku qasabtay in ay kuwa yar yar habeenkii seexiso inta kalena ay bannaanka joogaan, maalinkiina ay geedaha harsadaan.
Waxaa culeys ku ah helida biyo ku filan. Halkii jirgan oo la gado 4 kun oo shillin soomaali ah ayay sheegtay in aysan awoodin Karin, taas oo ku qasabtay in ay dadka xerada maalinki weydistan hal jirgan oo aan wax badan ka tarin bahidooda.
Waxay ku hungowday filashadeedii ahayd in ay xerada ka heli doonto noolal ka duwan tii ay ka timid, balse rajadaas ayaa hadda uu muuqata mid aan surtagalin.
“Busto ayaan dhulka u dhigaa oo joodari xitaa ma haysto, middaas ayaa murug igu hayso oo noolashaas ayaan ku jirna illahey mid dhaanta ayaan weaydisanaynaa.”
Haweenadyaan ayaa xustay in deeganka Caanoole ay ku ahayd beeraley ku filan noolasha qoyskeeda.Beer afar hiktar oo ay ugu beernayeen dallagyo isku jira masago, galey iyo Digir oo ay beertay bishii Maarso ayay sheegtay in ay iskaga soo tagtay isagoon wali goosasho gaarin.
$200 oo ka galay abuurka sidoo kalana ahayd keydkeedi ugu danbeyay ee ay haysata ayay tilmamtay in ay ka faro marantahay.
Axmed Cali Cabdi oo ah gudoomiyaha xerada Eyle ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska colaada ka soo barakacay ay ku sugan yihiin xaalado nololeed oo aad u liita. Wuxuu tilmaamay in aysan u awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan, maaddaama aysan dhaqaale u heli karin.
Ninkaan ayaa xusay in ay sameeyeen guddi u dhaxgala dadka deegaanka oo raashin iyo agabyo yaryar uga soo aruuriyay si ay ugu sii noolaadaan. Wuxuu tilmaamay in waxyaabahaasi aysan waxba ka tari karin bahida dadkaan oo badan darteed.
“Haddii aan maalinkii u soo helno wax hal mar ku filan waan siina haddi kalana gaajo ayay ku joogan. Xaaladooda waa adag tahay biyo iyo baad toona ma heli karaan dadkaan cariiri ayuuna ku jiraa.”
Gudoomiyaha ayaa sheegay in saddexdii bil ee ugu danbeyay ay diiwangaliyeen in ka badan500 oo qoys oo ka soo barakacay dagaallada ka jira deegannada sabiid iyo caanoole ee gobolka Shabellaha hoose.
Boqollaal qoys oo danyar xoolo dhaqato iyo beeraley iskugu jira ayaa bilihii u danbeeyay ka barakacay deegaannada uu ka socdo dagaalka u dhexeeya ciidanka dowlada iyo shabaab, taas waxay dhalisay xaalado binu aadanimo oo daran.