(ERGO) – Dhibaato nolol xumo oo ka dhalatay kala tagga waalidkeeda ayaa ku riixay Laki Cabdiraxmaan Maxamed oo 23 jir ah korinta 8 carruur ah oo curad ay u tahay, kuwaas oo ku nool Hargaysa.
Noloshooda waxay ku maaraysaa shaqada nadaafadda oo ay u qabato qoysaska magaalada, taas oo ay billowday bishii saddexaad ee sanadkan.
Kaalintan ay ku samatabixinayso nolosha walaalaheed wuxuu billowday, markii dhaqaale la’aan ay uga hartay fasalka labaad ee dugsiga sare.
Waxaa la mid ah in ka badan 20 gabdhood oo ka taageera qoysaskooda dhinaca cunnada, kuwaas oo ku guuldaraystay in ay sii wataan waxbarashada.
Waxay ku dhiiradeen qabashada shaqooyin kala duwan oo dhaqaalaha ka soo gala uusan soo dhaafin cunnada ay dabka saartaan iyo kirada guryahooda.
Laki mushaharka ay ka hesho shaqadeeda oo bishii ah $110 ayay kala qoondaysaa. $45 ka mid ah waxay ku bixisaa kirada guriga ay deggan yihiin labo qol ah iyo biyaha ay isticmaalaan,
Waxay sheegtay in qaybta soo hartay ay ku dabbarto cunnada iyo arrad-tirka carruurta gaar ahaan dharka ay xirtaan.
“Waxaa igu kallifay in aan qoyskayga caawiyo. Waan ku eegan waayay dhibaatadii ay ku jireen. Ugu horayntii waxaan ku bilaabay xaafad aan konton ka qaadan jiray haddana waxaan helay mid kale oo lixdan aan ka qaato.’’
Laki oo si joogta ah u shaqaysa maalin kasta oo ka mid ah toddobaadkii ayaa tilmaamtay in xilliyada qaar ay quutaan cunno aan iidaan lahayn marka mushaharka uu ku filnaan waayo, balse ay dadaal ku bixiso in aysan gaajo ku seexan carruurta.
Waxay jeclaan lahayd in ay hesho shaqo ka dhaqaale badan midda ay hayso si baahiyaha qoyskeeda ay dheeli-tirto, hase ahaate waxay xustay in iskuday kasta oo ay ku raadiso shuruud looga dhigo shahaado, taas oo aysan heli karin xilligan.
Waxay sharaxaysaa culaysyada ay kala kulanto shaqada nadaafadda oo maalintii 10 saac oo ka mid ah qay qabato.
‘’Caqabadaha ugu weyn ee aan kala kulmo waxaa ka mid ah in aan ahay qofka kalli ah ee wax laga sugayo oo xaafadu ay ku tiirsan tahay. In aan u soo shaqaynayo dad aanan garayn, waligayna aanan arak. In aaan mararka qaar tago shaqada aniga oo xanuunsanaya oo aan ka baaqan karin si aan u garab istaago hooyada iyo walaalahay.’’
Waxay sheegtay Laki in culayskan shaqo iyo masuuliyadda reerkeeda ay dusha saaratay, markii bishii Febraayo ee sanadkan ay isfureen labadeeda waalid. Xaaladdaas oo baylah ka dhigtay carruurta la dhashay iyo hooyadeed oo guri-joog ah.
Dhibaatadan qoyskeedu dhexda ka galay wuxuu sababay in ay wayso $15 oo ay ku dhigan jirtay iskuulka sare ee Gacan-libaax. Aabbeheed oo dabbari jiray lacagtaas iyo tan nolol-maalmeedka qoyskeeda ayay sheegtay in uu ka goostay biilkii uu siin jiray.
Intaas waxay ku dartay in ay ku rajo waynayd dhamaynta dugsiga sare si ay ugu biirto kulliyadda injineerinka oo ay jeceshahay in ay ku taqasusto. Inkastoo aysan duruuftu u saamixin, haddana kama aysan rajo dhigin.
Nimco Cali Xassan waxay iskuulka ka hartay bishii sagaalaad ee 2024. Gabadhaan oo 17 jir ah waxay lix bil, kaddib shaqo ka billowday Meherad weyn oo ganacsi oo magaalada Hargaysa ku taalla.
Waxay sheegtay in lacag $140 oo bishii ay ka qaadato ay ku maarayso cunnada iyo waxbarashada afar walaalaheed. Ujeedkeeda ugu weyn ayaa ah in dhaqaale la’aantii ay waxbarashada uga hartay aysan ku dhicin kuwa ka yar yar.
“Awood la’aan ayaa waxbarashada iga reebtay iyo wax lagu sii wado in la heli waayay. Markii fasalka tooddobaad aan ka baxayay oo sideedaad galayay ayaan ka tagay. Haddii aan awoodo waa ku noqon doonaa, laakiin maadi iyo diini dhexda ayaan uga haray.’’
Nimco oo ah qofka kalli ah ee qoyskooda u shaqaysa ayaa sheegtay in aabbaheed uu geeriyooday, iyadoo yar, hooyadeedna ay agoonimo ku soo korisay.
Waxay xustay in markii hore ay hooyadood ku biili jirtay lacag yar oo ay ka heli jirtay miis yar oo ay dhigan jirtay waddada dhinaceeda, kaas oo ay saaran jirtay khudaar, balse uu ka baaba’ay ganacsigaasi.
Inkastoo aysan wada dabooli karin baahiyaha reerka sida ay sheegtay, haddana waxay tilmaamtay in qaybta ay dabarto ay qoyska caawisay.
‘’Maaraynta qoyskayga waxay iiga dhigan tahay wax aad u weyn. Ma wada buuxin haddana wax ayaan ku taraa. Sanadkaan aan joogo waad arkaysaa waxkasta waa qaali, haddana waxaan awoodo ayaan isku gaarsiiyaa. Wax walba aniga ayay i sugayaan meeshii banaan waa in aan buuxiyaa. Bar waan daboolay inta dhimanna Allah ayaa daboolaya.’’
Nimco ayaa sheegtay in helitaanka shaqadaan ay ku bixisay $20. Dhowr meel oo ay tagtay, markii damiin lagu xiray waxay ku qasbanaatay in ay raadiso haween lacag ku qaata si ay qofka shaqo u geeyaan, kuwaas oo ku xariiriyay dadka leh ganacsiga ay ka shaqayso.
Dhallinyarada waxbarashada ka haray waxay joogto uga cawdaan shaqo la’aanta iyo daruufo nololeed ee ku gadaaman mustaqbalkooda iyo tan reerahooda.
Shukri Maxamed oo markii ay dugsiga dhexe ka baxday awoodi waysay in ay u gudubta kan sare ayaa sheegtay in dantu ay ku riixday in ay farmashiye ka qabato shaqo nadaafadeed.
Afarta aruurnimo ilaa tobanka habeenimo ayay shaqaysaa maaalin kasta. Boqol dollar oo ka soo gasha waxay kala gaari la’dahay baahiyaha qoyskooda oo 7 qof ah.
Shukri ayaa sheegtay in ay degan yihiin guri ay leeyihiin oo magaalada ka durugsan, taas oo sababtay in ay helitaanka biyaha dhibaato kala kulmaan.
‘’Biyuhu waa shayga ugu adag oo aan helno, waxaan deganahay magaalada bannaankeeda. Malahan toobooyin, booyadana waa in aan saddex cishe ka hor ka dalbataa. Wax lacag ka sugis ah ama deyn bixin ahna maba lahan.”
“Haddaan ka amaahan lahayn maba kuu keenayaan bisha ama asbuuca danbe. Markaan helo shan fuusto ayaan shubaa, maaddama wax kasta loo isticmaalaya sida nadaafada iyo cunnada.’’
Waxaa qoyskeeda lagu leeyahay $1,200 oo ku gashay labo qol oo jiingad ah iyo musqul ay bilowgii sanadkaan ka dhisteen dhul ay horay u lahaayeen.
Waxay sheegtay in mulkiilaha dukaan qalabka dhismaha lagu iibiyo uu joogto u waydiisto lacagtiisa, maaddama ay markii hore u sheegeen in ay si yar yar u bixin doonaan walina aysan bilaabin.
Haweenka waxay markasta laf-dhabar u yihiin nolosha qoysaskooda. Waxay qabtaan shaqooyin culus oo qaarkood ay kula kulmaan caqabado waa weyn, balse ay ugu dulqaataan daruufaha dhaqaale ee ku gadaaman qoysaskooda awgeed.