Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Abuur isbeddel dhanka nolosha ah u horseeday qoysas abaarta ku soo ceeyrtoobay oo ku nool xeryaha magaalada Afmadow

admin by admin
August 3, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Ganacsato cabasho ka muujiyay baaritaano ay kala kulmaan jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdisalaan Cumar Cabdi oo ah mulkiilaha beer saddex hiktar ah wuxuu ku faraxsanyahay inuu gaarey isku filnaasho dhanka nolosha ah. Dhamaadkii bishii June ee sanadkan ayuu goostay 27 kiish oo ah dalagii ugu horreyay ee uu beertay, kuwaasi oo ka koobnaa digir, galay iyo yaanyo. Afar iyo toban kiish oo miraha ayuu suuqa geeyay, halka inta soo hartay uu reerkiisa u dhigay si ay dabka ugu shitaan. Miraha uu iibiyay ayuu ka helay sagaal milyan iyo siddeed boqol oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $370.

Ninkan oo ah aabbaha lix carruur ah ayaa tilmaamay in saddex ka mid ah carruurtiisa uu markii ugu horreysay ka soo diiwaan geliyay iskuulka hoose/dhexe ee Afmadow bishii Luuliyo. Wuxuu sheegay inuu ka bixiyay $15 oo ah lacagta diiwaan gelinta oo uu haddana u diyaarinaayo inay waxbarashada billaabaan bisha siddeedaad.

Wuxuu sidoo kale iska bixiyay $150 oo uu qoyskiisa dayn ahaan ugu soo qaaday raashin intii aysan beerta u soo go’in.

“Wax la tilmaami karo ayaa iska beddelay [nolosheeyda]. Ilmihii waxbarashadooda, biilkii reerka iyo raashinkii intaa un baa la raadinayey, beerta waa iga kaafisay,” ayuu yiri.

Cabdisalaan wuxuu ka mid yahay 300 qoys oo soo barakacay, kuwaasi oo uu maamulka Afmadow ku caawiyay dhul ay beertaan. Wuxuu xusay in dad ay isla soo barakaceen oo horay beeraleey u ahaa ay tusiyeen qaabka beerta loo abuuro.

Wuxuu beertiisa dallagga saaray bishii Maarso ee sanadkan, xilligaa uu deegaanka helay roobkii gu’ga. Miraha uu beerta ku abuuray ayuu ku soo iibsaday $50 oo qeyb ka ahayd lacag $70 ah oo ay siisay hay’adda Jubba Foundation dhammaadkii bishii Febraayo.

“Hadii aad maqasho waxaa ma garanaayo, baahideeda ayaan ku qabanin. Haddii ay ilmo ku fadhiyaan oo arrinta ay kugu adag tahay, wax walba waad qaban kartaa,” ayuu yiri.

Cabdisalan oo ku nool xerada barakaca Abaqbanbow ee Afmadow ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa ay liidatay ka hor inta aysan u soo go’in dalagga. Wuxuu xusay in raashin gaargaar ah oo aan joogto ahayn oo ay Hay’adda WFP u soo marin jirtay guddiga barakaca iyo qaxootiga Jubbaland ay noloshooda ku tiirsanayd.

Ninkan oo ka soo barakacay abaar ku heshay baadiyaha Afmadow ayaa xusay in 40 neef oo lo’ ah ay dhaafeen. Wuxuu tilmaamay inuu soo barakacay sanad ka hor.

“Markaan imaanaynay dad xoolo dhaqanaayey, xoolihiina dhaafeen ayaan ahayn. Sidii markaa aan ku sugnayn waxbaa iska beddelay. Duruufo adag waa la soo maray – inaad waqti na wax hesho, waqti na wayso ayaa dhici jirtay,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Mukhtaar Maxamed oo beertiisa ay tahay siddeed hiktar ayaa sidoo kale ka soo saaray raashin gaaraya 40 kiish oo isugu jira digir, galay iyo hadhuudh. Waxaa kale oo beerta uga soo go’ay 100 xabo oo qare ah iyo 12 Caag oo yaanyo ah.

Ninkan ayaa sheegay inuu ka helay dalagga u soo go’ay dhaqaale gaaraaya 15 milyan oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $577. Wuxuu xusay in qoyskiisa uu meel u dhigay 25 kiish oo galay, digir iyo hadhuud isugu jira.

Dalagyadii ugu horeyey ayuu soo goostay bishii June kala barkeeda.

“Sida korontooda oo kale waan ku dhibanayn, hadda waxaa dhacday inaan korontadii gashanno oo aan bishii iska bixinno. Cafimaadka oo kale oo aad u baahan tahay in aad Kismaayo u aado oo dhakhtar weyn la kulanto, hadda waan awoodnaa. Waxyaabihii loo baahna oo markii hore dhaqaalo la’aanta noo diiday ayay si fiican nooga kabtay,” ayuu yiri.

Cabdirahmaan oo ah aabbaha siddeed carruur ah ayaa sheegay in lix ka mid ah uu iskuulka ka soo diiwaan galiyay. Labo ayaa loo ogolaadey inay si bilaash ah iskuulka ku bartaan.

Ninkan oo ku nool xerada Abaqbanbow ayaa sheegay in nolosha qoyskiisa uu ka maareeyn jiray dhismaha guryaha oo uu ka soo qaban jiray magaalada. Maalintii ayuu sheegay in uu ka soo helli jiray 100,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $3.8. Shaqada dhismaha ayuu xusay inay ahayd mid aan joogto ahayn.

“Waqtiyada qaar waxaa dhici jirtay in aanan saddexda waqti waxba karsan oo ayna suurta galinba. Aad iyo aad ayay nolosha isku beddeshay, dad ayaa hadda noo soo martiyo oo aan raashin u sameeynaa,” ayuu yiri.

Cabdirahmaan iyo qoyskiisa waxay ka soo barakaceen baadiyaha deegaanka Bilis qooqaani oo Afmadow u jirta 30km. Wuxuu xusay in 60 neef oo ari ah iyo 120 lo’ ah oo uu xoolo ka haystay ay abaarta dhaafisay sanadkii 2021.

Maxamed Khaliif Xassan oo ah ku xigeenka isu-duwaha xafiiska wasaaradda beeraha ee degmada Afmadow ayaa sheegay in maamulka degmada iyo xafiiska beeraha ay iska kaashadeen dhul beereedka la siiyay qoysaskan. Wuxuu xusay in ujeedkooda ahaa in dadka soo barakacay ay ka maarmaan gargaarka hay’adaha samafalka oo ay wax soo saartaan.

Qoysaska ay dhulka siiyeen ayuu tilmaamay in lagu soo xulay baahidooda. Dadka ay sida gaarga ah u beegsanayeen ayuu sheegay inay ahayeen kuwa qoysaska ballaaran leh, haweenka haysta carruurta agoonta ah iyo dadka baahiyaha gaarga ah qabo.

 

Previous Post

Baydhabo: Dad soo barakacay oo noloshooda ku filnaaday ganacsi ay ku furteen gunno gargaar ah kaddib

Next Post

Jigjiga: Muruq-maal il-dhaqaale u helay qoysaskooda markii ay ka howl-galeen warshad qalliinka xoolaha ka shaqaysa

Related Posts

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta

March 25, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari

March 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab

March 19, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan

March 12, 2026
Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Nolol xumo ka dhalatay qoysas laga jaray biyo bilaash ay oo ku heli jireen

March 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhaqashada Shinida oo fursad dhaqaale u noqotay qoysaska haween ku nool Baydhabo

March 10, 2026
Next Post
Galmudug: kumanaan qoys oo ku oon-baxay warbiyoodyo laga hirgaliyay deegaanadooda

Jigjiga: Muruq-maal il-dhaqaale u helay qoysaskooda markii ay ka howl-galeen warshad qalliinka xoolaha ka shaqaysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAR-2026

IDAACADDA 25-MAR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAR-2026
March 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAR-2026
March 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAR-2026
March 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAR-2026
March 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAR-2026
March 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo