(ERGO) – Faadumo Shire Beereed oo 80 jir ah waxaa ay ka mid tahay haweenka xirfadihii ay miyiga ku yaqaanayn ee sida samaynta Kabdaha, Xargaha, iyo Dhiilaha ku shaqaysta, kuwaas oo ay ka soo saarto nolol maalmeedka qoyskeeda danta yar.
Waxaa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in laba sanno ka hor ay bilowday in ay ka ganacsato Farshaxankeeda markii ay ku adkaatay helidda cunnada iyo biyaha kadib 3 bil oo qoyskeeda ay joogeen Xerada Sahan oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.
“Hadda qabada ma tollo oo indhahaa ixumaaday, laakiin kabadaas iyo xargo maryo ah oo kuwa owrta lagu raro ayaan sameeyaa, wixii aan aqoon jiray sida yeesha latidco, kala-rogada, iyo kabada aan hadda kut usayo. Waxaas ayaan ka shaqaysana, ma fariisano oo hunguriga ayaan yeelayn, Suuqa ayaan gayna oo markii ba lagadan maayo oo dadka waa iska lacag laawe, kabadda ayaa ugu fiican oo waxaa laga siiya $30 ilaa $40, waana lacag noo fiican,”ayay Faadumo.
Faadumo samaynta hal kabdaha waxay ku qaadataa seddex todobaad taa oo ah muddo dheer iyadoo reerkeeda oo ka kooban 12 ay u baahan yihiin cunno. Waxa ay sheegtay xargaha iyo agabka kale ee yaryar oo ay samayso ay ku dabarto nolal-maalmeedkeeda..
300 oo neef oo ari ah ayay kuwaysay abaartii miyiga Galinsoor ka jirtay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2017. Farxashanka isha dhaqaalle u noqday qoyskeeda ayay baratay iyada oo 20 jir ah, Waxa ay sheegtay in xubnaha jirkeeda oo dabcay ay ku adagtahay shaqadan balse ay u tahay laga ma maarmaan.
“Xoolahaygii ayaa macaana, tani waxa ay iga tahay hatuugsanin tuugana ha cunin, tuusi ayay iga ilaaliyeen, Dhabarka iyo kilyaha iyo caradii laga shaqayn jiray ayaa baabah ah, maaddaama aan da’ ahay, carruur aan ayeeyo u ahay oo agoon iyo rajo ah ayaan haysta,” ayay tiri Faadumo.
Cooshad yar oo kasmaysan baco iyo baakado ayaa uga dhisan xerada Sahan ee ay ku nooshahay. Qasabad biyaha ka keentay ceelka Galkacyo ayaa biyaha siisa qoysaska xeradan.
Waxaana 20kii liitar ee biyahaas ah looga iibiya laba kun oo shilin ah, waxaana la mid ah xerada Dooxo-Mudug oo aan sidaas uga fagayn. Xerooyinkaan oo ku aas-aasmay abaarihii ayaa la deegaamaystay bilowgii 2016.
Faaduma Shire wax qarash ah uga ma baxaan kabdaha, iyo xargaha, ay samayso oo ah kuwa sida joogtada ah ugu tiirsant ahay, maaddama haraadiga dharka la tolo ay ka soo qaadato goobaha harqaanada ah.
Waxaa la mid Xaawo Cabdi Cabdille oo da’deeda ku sheegtay 78 jir isla markaana farshaxankeeda ku shaqaysta iyadoo samaysa dhiilaha iyo agab ka kale. Tan iyo markii barakaca abaareed ay ku timid xerada Dooxa-Mudug bilowgii 2017, Xaawo waxay ahayd mid ku shaqaysata xirfaddan. Dhaqaalaha ka soo galo xirfadeeda ayay ka biishaa qoys oo ka kooban lix qof. Samaynta dhiilaha ayaa u baahan waqti iyo shaqo badan. Waxaana geedaha laga sameeyo gaarhaan qabada ay subax walba ka soo gurta miyiga Gaalkacyo.
Waxa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in 15 maalinba ay soo saarto dhiil qaadda laba coombo oo caano ah taasi oo suuqa ka joogta $20 doller, qaarkoodna wax ka badan bil ay ku qaataan samayntooda.
“Reer baadiyaan ahay horay baan u aqaannay, Wax aan magaalo ka bartay ma ahan, Magaalo waxba kama naqaan, qarashka aan ka helo waxaa iskaga bixiyaa dayn aan horay u qaatay sidaas ayay i caawiyaan, Illeen waa wax aad taqaan oo marka aad suuqa la’aado wax fiican aad ku soo helays., Sidaas darted baa igu kaliftay horay baan u aqaannay markii aan imid halkanna, “ayay tiri Xaawo.
Xaawo maaddaama farsamadaan aysan si maalin la ah uga helin lacag, waxaa ay subaxa hore soo gurata mamalka oo rubiciisa laga siiyo 30 kun oo shling Soomali ah, lacagtaas ayay ku dabarta waxyaabaha gaarka ee qoyskeedu u bahaan yahay.
Haweenka isku xirfadda yihiin ee xerada kula nool ayay sheegtay in ay iska taageeran dhinaca raashinka oo qoyskii aan dabka shidankarin kan kale ee wax ay haysta uu caawiyo.
Laba tiro oo ari ah oo ay ku dhaqanaysay deegaanka dagaari oo Gaalkacyo ujira 30km ayay abaartu ka dishay, waxaana xerada ay ku nooshahay ay timid 2 sano ka hor.
Dhiilaha, Kabdaha, Xargaha, iyo Rarooyin, ay farsameeyaan haweenkan waxaa iibsada xoolo-dhaqatada Gaarhan kabdaha iyo rarooyinka oo ay owrta saartaan. Halka dhiilaha si joogta ah ay u gataan dadka magaalada ee xoolaha dhaqda iyo reer guuraagaba,.
Xaawo, Faadumo, iyo barakacayaasha kale ee labadan xero ku nool walwalka ugu badan ee haya ayaa ah goorta laga kicin doono halka ay daganyihiin, Maaddaama dadka iskaleh xili walba ay ubaahankaraan
Adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka ayaanan ka jirin xerooyinkan.
Muxyadiin Yuusuf Samatar, gudoomiyaha arimaha bulshada maamulka dagmada Gaalkacyo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xerooyinka Dooxo-Mudug iyo Sahan ay ku noolyihiin 500 oo qoys oo ah dadka abaaraha ka soo barakacay islamarkan 300 oo kamid ah ay dagan yihiin kaamka Dooxo-mudug.