Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home LATEST POSTS

Soomaaliland oo arday u qaybisay buugaagta manhajka dowladda

Radio Ergo by Radio Ergo
February 22, 2019
in LATEST POSTS, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Soomaaliland oo arday u qaybisay buugaagta manhajka dowladda

Children of

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ardey kasta oo dugsiyada hoose/dhexe ee ay dowladu maamusho wax ka barta ayaa helaya buugaag bilaash ah oo manhajka waxbarashada Somaliland ah. Qorshahan oo ay dowladu waddo waxaa kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dugsiyada dowliga ah oo ka hooseysa kuwa gaarka loo leeyahay.

Lix kun oo ardey oo wax ka barta toban dugsi oo ku yaala gobolka Maroodi-jeeh ayaa la siiyay todobaadkii u horeeyay ee qeybintu socoto. Ardey kasta waxaa la siinayaa sideed buug oo uu casharada ka barto.

Buugaagta la bixinayaa waxaa ay ka kooban yihiin xiisada Ingiriisida, Carabiga, Soomaaliga, Xisaabta, Sayniska, Cilmiga Bulshada, Taariikhda iyo barashada Diinta.

Catooshe Maxamed Cige ayaa wuxuu ka mid yahay 1, 200 oo ardey oo qaatay buugta ay wax ka bartaan. Wuxuu fasalka lixaad ka dhigtaa dugsiga Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa.

Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in buugta la siiyay ay kor u qaadayso in uu fursad u helo akhriska guriga. Wuxuu xusay in xog badan oo la xidhiidha casharada uu ka helayo.

“Waxaan haystaa buug igu filan, hadda waxaan fahmayaa dhamaan casharada oo dhan si aan uga jawaabo su’aalaha, sidoo kale waxay naga caawinaysaa inaan si fiican casharadii ula qabsano”ayuu yidhi Catooshe.

Maxamuud Jaamac Amaan maamulaha dusgiga Naasa-hablood ayaa soo dhaweeyay qorshahan kor loogu qaadayo tayada aqoonta lagu dhigo dugsiyada dowliga ah.

“Macalimiintii markii hore waxay u diyaarin jireen casharada, qoraal ayay wakhti badan kaga qaadan jirtay intay sabuurada ku qorayaan, fursada sharaxaad way yarayd, hadda wakhti ku filan ayay helayaan macalinkuna wuxuu helayaa wakhti ku filan oo casharada uu ku sharxo maaddaama ardey kasta buugtii haysto”ayuu yidhi Maxamuud.

Maxamed Daahir Axmed wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa sheegay in ay hindisahan u sameeyeen si kor loogu qaado tayada waxbarashada dugsiyada ay maamulaan.

“Dugsiyadu ma awoodaan inay iibsadaan buugta, wakhti badan ayay ka galayay dhigida casharada, waalidkuna ma haystaan lacag ay ku iibiyaan buugta si waxbarashada loogu dhigo cashuurta”ayuu yidhi Maxamed Daahir.

160,000 oo ardey ayay wasaaradu u qeybinaysaa 1,000 dugsi oo ku yaala dhamaan deegaanada Somaliland.

“Waxaanu diyaarinay in aanu dhameyno dhamaan qeybinta buugta wakhti yar oo kooban sida ugu fudud. Dhamaan dugsiyada dowlada waxay heli doonaan buug ku filan, wasaarada waxaa ka go’an inay ku qaado tayada waxbarashada lagu bixiyo dugsiyada ay maamusho”ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku.

Waa markii u horeysay ee buug loo qeybiyo ardeyda wax ka dhigta dugsiyada dowlada si kor loogu aqoonta ay dhigtaan oo hooseysa awgeed.

Previous Post

DAACADDA MAANTA KHAMIIS 21-FEB-2019

Next Post

1 milyan oo xoolo ah oo cudurro laga tallaaley bartamaha Soomaaliya

Related Posts

Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen

February 9, 2026
Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
Next Post
Reer miyi billaabay in ay dib u dhaqdaan xoolo muddo ka badan labo sano kaddib

1 milyan oo xoolo ah oo cudurro laga tallaaley bartamaha Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09 -FEB-2026

IDAACADDA 09 -FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09 -FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo