Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Buuhoodle: Dadka tuulada Banyaal oo ka faa’iideysanaya xarun caafimaad oo loo dhisay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 13, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Isbitaal laga furay Ceelwaaq

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhallinyaro is xilqaantay ayaa qaaraan ururin dhaqaale oo ay ka sameeyeen dhinaca baraha bulshada ku xiriirto waxay ku dhiseen xarun caafimaad oo ay yeelatay tuulada Banyaal oo 40 km dhinaca bari ka xigta degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Cawil Xirsi Warsame oo ka mid ah dhallinyaradaas ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in siddeed bilood kaddib ay hadda hawl geliyeen xarun caafimaad oo ka kooban labo qol oo ay yalaan afar sariirood oo bukaanka la jiifin karo. Xarunta oo si rasmi ah loo hawlgeliyey 25-kii bishii hore, ayna ka hawl galaan 4 hawl-wadeen oo isugu jira gabar Umuliso ah iyo 3 kalkaaliyayaal caafimaad.

Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ay iyana bixisay daawadii u horreysay oo lagu daahfuray xarunta taasoo ku filan muddo saddex bilood ah.

Sidoo kale xaruntan waxaa yaalla qaboojiyeyaal loogu talo galay in lagu kaydiyo tallaalka carruurta, kuwaas oo lagu dabeeyo ilayska cad-ceedda oo looga faa’iifdaysto nidaamka soollarka ah.

Deegaanka oo aan lahayn ceel biyood ayaa sidoo kale waxay u qodeen berked ay ugu talo galeen in biyaha roobka loogu qabto.

Cabdifataax Axmed Maxamuud (Cimraan) oo ah masuulka koowaad ee xaruntan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in labadii toddobaad ee xaruntu shaqaynaysay ay adeegyo caafimaad u fidiyeen 250 qof oo isugu jira qeybaha bulshada.

“Bukaannada ugu badan waxaan ka daaweynay caabuqyada neef mareenka, halka haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinayana loo sameeyey daaweyn dhinaca nafaqada ah,” ayuu yiri Cabdifataax.

Adeegyada kale ee ay xarunta bixisay muddadaan waxaa ka mid ah inay lixda cudur ee dilaaga ah ka tallaashay 70 carruur ah markii ugu horreysay, iyadoo haba yaraatee deegaanka wax tallaal ahi aysan ka jirin.

Qaaraan ururuinta ay dhallinyaradu sameeyeen ayaa soo billaabatay bishii 10-aad ee sanadkii hore xiligaas oo deegaanka uu ka dillaacay xanuunka shubanka oo ay u dhinteen 9 qof.

Cawil Xirsi Warsame ayaa sheegay in markuu shubanku ka dilaacay deegaankaas la waayey meel xitaa qof bukaan ah la seexin karo, dadkana geedo hoostood maryo loogu waabay, iyadoo aysan jirin wax daawo iyo takhtar toona, dadka wixii haysta dhaqaalena ay u qaadanayeen goobaha isbitaallada leh.

“Waxaan barta baraha bulshada ee lagu wada xiriiro isugu keenay 70 qof, oo aan ka ururinay 9 kun oo dollar, waxayna nagu qaadatay ururinta lacagtaas 3 bilood, iyadoo bishii Febaraayona aan billownay dhismaha,” ayuu yiri Cawil.

Hawl wadeennada caafimaad ee xarunta ka hawl gelaya ayaa dhallinyartu ka soo kala kaxeeyeen isbitaallo ku kala yaal Widhwidh iyo Buuhoodle, waxayna hadda ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah.

“Waxaan xiriir la sameynay wasaaradda caafimaadka Puntland inay ka bixiso mushaharka shaqalahaas, welina jawaab ayaan ka sugaynaa,” ayuu yiri Cawil.

Isu-duwaha wasaaradda Caafimaadka Puntland ee degmada Buuhoodle Dr. Maxamuud Awle ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in furintaankii goobtaas caafimaad ay geeyeen 20 kartoon oo daawo kala duwan ah, ayna saddexdii biloodba mar geynayaan daawada uu u baahan yahay.

Dadka deegaanka ayaa iyagu dhankooda kaga qayb qaatay dhismaha xaruntan xooggooda, soo gurista dhagaxa iyo dhulka laga dhisay oo ay bixiyeen. Abaaro naafeeyey xoolaha oo noloshoodu ku tiirsanayd oo wakhtigaas jirayna aysan u awoodin inay dhaqaale ku daraan.

Cabdinuur Xirsi Faarax oo ah aabbe 6 carruura ah haysta wuxuu deggan yahay baadiyaha Banyaal, labo goor oo hore ayuu xaaskiisa baabuur ugu qaaday Buuhoodle markii ay foolatay. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in mar uu gaday 6 neef oo ari ah si uu lacagta baabuurka iyo dhakhtarka u bixiyo mar kalana uu iibiyey qori uu lahaa.

“Hadda Khamiistii ayay Islaantu gabadh ku dhashay Banyaal labadii goor ee hore dhibaato ayaa igaga dhacday mar waxaan ibiyey lix neef oo adhi ah, markii danbe waxay ahayd bilowgii abaarta oo xoolo iib malahayn waxaan iibiyey qori Aake ah oo aan lahaa waxaa la iga siistay $700 taas ayaan ugu qaaday Buuhoodle,” Ayuu yiri Cabdinuur.

Wuxuu intaas ku daray in lacagtii baabuurka iyo dhakhtarkii ay ku umushay uu ku maareeyey lacagtaas. Hadda waxaa kaga baxay $50 oo keliya taasoo uu siiyay baabuurkii uu baadiyaha dhow kaga soo qaaday daawada iyo jiifkuba bilaash ayay u ahaayeen.

Meesha ugu dhow waa Buuhoodle oo deegaankaasi u jira 40 km oo waddadeedu tahay bacaad, gaarigana laga dalbo oo sii socod iyo soo socod ay mararka qaarkood ku qaadato 5 saacadood, haddase baahidaasi meesha ka baxday.

Tuuladaan oo 40 sano degaan ahayd ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee ay yeelato xarun caafimaad. Iyagoo dhallinyartii dhismahaan hirgeliyey ay sheegeen inay sii wadayaan dhaqaale ururinta si ay u sii ballaariyaan qeybta bukaan jiifka ah, ayna ku soo daraan shaybaar dhiigga ah.

Previous Post

Qiimaha xoolaha

Next Post

Sool: Dhaqashada lo’da oo ku yaraatay koonfurta gobolka

Related Posts

Rag ku wareejiya Baydhabo khudaar oo maareeyay nolosha qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Rag ku wareejiya Baydhabo khudaar oo maareeyay nolosha qoysaskooda

November 7, 2025
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 6, 2025
Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa

November 5, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen

October 31, 2025
Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida

October 30, 2025
Next Post
Sool: Dhaqashada lo’da oo ku yaraatay koonfurta gobolka

Sool: Dhaqashada lo'da oo ku yaraatay koonfurta gobolka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-NOV-2025

IDAACADDA 09-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-NOV-2025
November 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-NOV-2025
November 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-NOV-2025
November 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-NOV-2025
November 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-NOV-2025
November 5, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo