Khadar Cawil Nuur oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Hargeysa, waxaa uu curiyaa maansooyin iyo suugaan noocyo kala duwan ka kooban.
Maaansooyinka uu sameeyey waxaa kamid ah mid nebi ammaan ah oo la yiraahdo Ergo. Weriyaha Raadiyo Ergo ee Hargeysa, Ilyaad Cabdi Cali ayaa la kulmay Khadar oo wax ka weydiiyey hal abuurkiisa, noocyada maansooyinka uu sameeyo iyo sababta uu u alifay maansadan nebi ammaanka ah.






