Cudurka jadeecada ayaa lagu soo warramayaa in uu ka jira deegaanka Yadagta oo 120KM dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. Ilaa 51 qof ayaa cudurkan u jiifa guryaha, waxaana socda dadaal lagu daweynaya. Halkan ka dhegeyso warbixinta oo uu soo diray wariyaheena Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali.










