Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Somaliland oo Lughaya uga dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ay sababtay abaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
January 26, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Abaaro ka jira qaybo ka mid ah Togdheer

Keyd/Geel ruqo ah oo ku sugan deegaanada abaartu ka jirto ee Togdheer/Sidiiq/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Guddiga Ka-hortagga Musiibooyinka ee Somaliland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in xaalad cunto iyo biyo-yari ah oo ay sababtay abaarta ay ka jirto degmada Lughaya iyo deegaannada hoostaga ee gobolka Awdal. Guddiga oo xog-ururin ka sameeyay deegaannadaas oo 12 ah ayaa ogaaday in saddexdii bil ee u dambeysay oo ay xaaladda ka sii dareysay ay barakaceen 2,500 oo qoys oo abaarta ku xoolo beelay. Ku dhowaad labo sano roob kama uusan da’in deegaannadaas.

Dadkan oo qaarkood wata xoolo yar oo u haray ayaa soo beegsanaya tuulooyinka ugu dhow oo ay ku yaallaan ceelal ay biyo ka heli karaan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Feysal Cali Sheekh oo ah guddoomiyaha guddigaas. Wuxuu ka mid ahaa guddi toddobaadkii hore kormeeray deegaannadaas iyo xeryo ay degeen xoolo-dhaqatada soo barakacay, kuwaas oo ku yaalla degmada Lughaya iyo deegaannada hoostaga ee kala ah Gargaara, Cabdi Geeddi iyo Jidhi. Maalin kasta qoysas leh oo xoolo-beelay ayaa ku biiraya xeryahaas.

Guddoomiyaha ayaa ka walaacsan haddii aysan dadku gargaar helin ilaa bisha soo socota inay galaan xaalad bani’aadannimo oo halis ah. Wuxuu xaqiijiyay intii ay xog-ururinta wadeen inay soo arkeen xoolo baqtiyay oo dhabbeyaasha daadsan, guddi ay u saareenna uu weli ku mashquulsan yahay tirakoobkooda si loo ogaado khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay.

Abshir Obsiiye Cigaal ayaa ka mid ah xoolo-dhaqatada ay saameynta daran ku yeelatay abaarta. Wuxuu bishii hore ee Diseember, toddobadiisa carruurta ah iyo xoolaha u haray oo dhan toddobo ari ah iyo afar geel ah ula soo barakacay degmada Lugyaha si uu gargaar u helo, laakiin inta ay xerada joogaan ma helaan wax ka baxsan cunto ay iska soo ururiyaan dadka deegaanka.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inay xaaladdooda sii xumaaneyso. Waxaa xerada uga dhintay 11 ari ahaa oo uu la yimid iyo afar geel ahaa, wuxuuna ka cabsi qabaa inay abaartu sababto carruurtiisana inay gaajada u dhintaan, maaddaama gargaarka ay u awoodaan dadka ay u yimaadeen uusan ku filneyn.

Miyi qiyaastii 15 km Lugyaha u jira oo uu ka soo barakacay ayay dhowrkii bil ee la soo dhaafay abaarta uga dishay 80 ari ahaa iyo toddobo neef oo geel ahaa. Intuu uu xerada joogay wuxuu isku dayay inuu iibsado xoolaha uu wato si uu raashin u helo, laakiin caatannimada ayaa looga iibsan waayay.

Dadku waxay xoolahooda ku hayaan xeryaha, sababtoo ah deegaanku daaq ma laha, cuntada lagu caawiyana kama badna wax ay dadku hal mar cunaan. Aamina Xasan Obsiiye ayaa noo sheegtay in 22-kii bishan ay ku soo toostay shan neef oo uga dhintay xerada lagu barakacay ee Lughaya. “Xoolaha inta ii joogta in ay bisha dambe gaarayaan Ilaah baa og,” ayay tiri iyadoo ka walaacsan tobanka uga haray arigeeda oo muddo saddex cisho ah aanay u helin biyo iyo baad toona.

Hooyadan oo wadata afar carruur ah ayaa sagaalkii Nofeembar ka timid dhul miyi ah oo saddex saacadood ka soo lugeyneysay. Halkaas waxay abaarta uga dishay 80 ari ahaa.

Deegaannada ugu daran ee ay saameynta ku yeelatay abaarta waa kuwa xiga dhanka xeebaha ee gobollada Awdal, Sanaag, Waqooyi-galbeed iyo qaar kale oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Previous Post

Waraysi wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya

Next Post

Barnaamijka codka dhegeystaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

October 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

October 6, 2025
Next Post
Barnaamijka codka dhegeystaha

Barnaamijka codka dhegeystaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2025

IDAACADDA 16-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2025
October 12, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo