Xeer ilaalinta Puntland ayaa sheegtay in xeer dhaqanka oo lagu xalliyo kiisaska kufisa in uu qayb ka yahay korarka tirada dumarka lagu xadguba ee ka dhaca deegaannada Puntland. Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed ayaa weriyaha Ergo Cabdiraxmaan Maxamed uga warramaya arrintan.









