Maxamed Saylici, waa nin uu asalkiisu Hindi yahay, laakiin ku nool Hargeysa. Saylici waa dhowr iyo sideetan jir, isaga oo 13 jir ah ayuu yimid Soomaaliya, xilligaas wuxuu la socday aabihiis oo ahaa ganacsade, ku macaashi jiray doonyaha isaga gudba Yemen iyo Berbera.
Wixii xilligaas ka dambeeyay Saylici wuxuu ku noolaa Soomaaliya, wuxuuna ahaa kalluumeysato iyo badmaax, labo sano ka hor ayuu ka fariistay xirfaddaas. Ninkaan waxaa markiisii hore laoran jiray Arnav Kamal. Weriyaha Ergo ee magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali ayaa kala sheekeystay Saylici, taariikhdii hore ee Berbera iyo sidii ay dadka ajaanibta ah ku yimaadeen magaaladaas.






