(ERGO) – Beeraley ku sugan deegaannada Buulo-gaduud iyo Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose ayaa tobankii bishan markii ugu horreysay wax tacbaday muddo labo sano ku dhow. Dadkan oo lagu qiyaasay in ka badan 200 oo qoys ayaa ah dad sabool ah, waxayna ka faa’iideysteen deeq 112 matoor ah, soollar iyo agabka beeraha lagu waraabiyo. Roobka oo ku yaraa deegaannadan iyo abaarta oo marar badan yareysay biyaha webiga ayaa sababay inay dhowr jeer beeraha ka qallalaan qoysaska qaar. Rajadan cusub ayaa suuragelinaysa inay mar kasta wax beeran karaan, halkii ay markii hore la sugi jireen xilli-roobaadyada oo keliya.
Maxamed Ibraahim Aadan oo ah 60 jir beer ku leh deegaanka Goobwayn oo qiyaastii 15 km u jira magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah dadka matoorrada la siiyay. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu matoorku ka caawiyay inuu si joogta ah biyo ugala soo baxo webiga oo u jira 400 mitir, isagoo adeegsanaya tuubooyin xiriirsan oo isugu jira kuwo biyaha soo qaada iyo kuwo firdhiya.
Wuxuu intaa ku daray inay tani ka xallisay ku tiirsanaanta roobka. Dadka deegaankan ayaa wax beerta xilliga gu’ga oo keliya oo sanadihii u dambeeyay ku yaraa deegaankaas. Inta badan kuma tashadaan roobka deyrta oo meelo badan ka da’a dhammaadka sanadka.
Matoorka la siiyay Maxamed waxaa la wadaaga 15 qoys oo kale oo uu sheegay inuu ku caawiyo si ay noloshooda ugu filnaadaan. Inkastoo wali uu ku mashquulsan yahay tacabka iyo waraabka beertiisa, haddana waxaa u beeran yaanyo, bocor iyo qare, wuxuuna rajaynayaa inay tani kordhin doonto wax-soo-saarkiisa, isla markaana ay u suuragelin doonto inuu wada tacbado beertiisa oo 30 hiktar ah, balse uu hadda ka beerto oo keliya 5 hiktar.
Maxamed ayaa masuul ka ah qoys ballaaran oo gaaraya 30 qof, kuwaas oo ay ku jiraan carruur uu awoowe u yahay.
Wasaaradda beeraha iyo waraabka ee Jubaland ayaa dadkan u qaybisay matoorada iyo qalabka kale, sida uu noo sheegay Mahad Muxyadiin oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaraddaas. Wuxuu xusay inay deeqda ka heleen Guddiga Qaxootiga u qaabbilsan Mareykanka (ARC).
Wuxuu tilmaamay inay qoysaska u siiyeen qalabka sida ay u kala baahi badan yihiin. Dadka ayaa isugu jira qaar dhaqaale haysta oo horay u awooday matoor iyo shidaal iyo kuwo mar walba oo abaar iyo qallayl la galo ay noloshooda wajihi jirtay ciriiri, maadaama aanay matooro iibsan karin, waa kuwaas kuwa ay mudnaanta siiyeen.
Yarow Sheekh Cabdi, 56 jir ku nool deegaanka Qaam-qaam oo qiyaastii 13 km u jirta Kismaayo, ayaa matoorka cusub ee la siiyay ku waraabsada beer 15 hiktar ah oo ay ka baxdo khudaar. Waxaa la wadaagaya afar qoys oo kale oo uu ku jiro qoyska walaalkiis oo shan qof ka kooban, kuwaas oo bilo ka hor ka soo noqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Wuxuu rajaynayaa inuu dib u billaabi doono ka ganacsiga khudaarta oo hakad uu ka galay saddex gu’ ka hor. Kismaayo ayuu u iibgayn jiray waxa beertiisa kasoo go’a, laakiin roobabka oo yaraa iyo isaga oo aan matoor haysan ayaa taas meesha ka saartay.
Intii ay beertiisu qallalnayd wuxuu shaqaale ka ahaa beeraha matoorrada leh si uu nolosha qoyskiisa u maareeyo.