Maxamuud Qalinle Liibaan waa ranjiile ku nool magaalada Hargeysa, wuxuu xirfaddaas ku shaqeysanayay 45-kii sano ee u dambeeyay.
1969-kii ayaa isagoo kasoo guuray miyiga ayuu soo galay magaalada Hargeysa oo uu gabadh ku jeclaaday isagoo tukaan haya, jaceylka gabadhaasi uu u qaaday ayuu ka sameeyay suugaan geeraar ah oo uu ugu sheeganayo dareenkiisa.
Weriyaha Ergo magaalada Hargeysa Ilyaas Cabdi Cali ayuu uga waramay qisadaasi jaceylku siday ugu dhacday.






