Faratol Abshir Jaamac, wuxuu ku dhashay deegaanka Tuulo-barwaaqo oo 20 km Waqooyi ka ka xiga degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo. Wuxuu dhasha sanadkii 1950-kii xilli dabayaaqada Dayr ahayd oo waqtigu Jiilaal soo dhoweynayay. Waa 67 jir waxaa biyo uu cabo ugu dambaysay 61 sano kahor.
Faratol waa darawal ka shaqeysta inta u dhexeysa degmooyinka Baardheere iyo Buulo-xaawo. Waxaa taleefoonka ku wareysatay Waris Maxamed, waxayna marka hore weydiisay xilligi ugu dambeysay ee biyo uu cabo.








