KU SAABSAN RAADIYO ERGO

Raadiyow Ergo wuxuu maalin walba u baahiyaa bulshada ku hadasha afka Soomaaliga ee ku nool gobolka Geeska Afrika warar sugan oo bani’aadamnimo iyo macluumaad dhammaantood ku baxaya afka Soomaaliga. Macluumaadkaas wuxuu isugu jiraa kuwo ay soo ururiyaan weriyeyaal deegaannadooda kas oo warrama iyo barnaamij soo-saareyaasha Raadiyow Ergo.

Ujeeddadeennu waa inaan cod siinno bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, abuurnana hab wanaagsan oo ay ula xiriiraan hay’adaha caalamiga ah ee arrimaha bani’aadamnimo ee doonaya inay iyaga caawiyaan. Waxaan dhegeysteyaasha u gudbinnaa xog iyo macluumaad muhiim u ah noloshooda si ay go’aanno xog-ogaalnimo leh uga gaaraan arrimaha noloshooda quseeya.

Macluumaadka uu Raadiyow Ergo baahiyo wuxuu la xiriiraa caafimaad, waxbarasho, waxooti, barakac, magangelyo iyo ilaalin, beeraha iyo arrimaha xoolaha. Waxaan sidoo kale tabinnaa warar la xiriira arrimaha dumarka, dhallinyarada iyo shaqo la’aanta, ilaalinta deegaanka, dhaqanka iyo dowlad-wanaagga.

Raadiyow Ergo wuxuu leeyahay lambar gaaban (2012) oo dhageysteyaasha jooga Soomaaliya u sahla inay ku soo duubaan codadka ay kaga hadlayaan xaaladaha deegaannadooda iyo caqabadaha ku gadaaman oo ku jiraan cudurrada dillaaca, ceelasha ka jaba, iyo inay su’aalo waydiiyaan khabiirrada caafimaadka, beeraha iyo xoolaha.

Codadkooda waxaan ku darnaa tabinteenna maalinlaha ah iyo barnaamijyada toddobaadleyaasha ah ee aan uga hadalno arrimaha caafimaadka dadka, xoolaha, beeraha, deegaanka, madaddaalada iyo haweenka. Sidoo kale waxaan leennahay qeyb qaabilsan inay la socoto mowduucyada ay dadku ka hadlaan. Waxaan turjunnaa codadkooda si aan ugu gudbinno hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada. Lambarkan oo bilaash ah wuxuu Raadiyow Ergo ugu talagalay dadka miyigi jooga ee aan haysan qaab kale oo ay warbaahinta ula soo xiriiraan si codkooda uu meel dheer u gaaro.

Waxaan ururrada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha gargaarka kala shaqeynaa horumarinta hab waxtar leh oo farriimo iyo barnaamijyo lagu gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed. Sidaas oo ay tahay, Raadiyow Ergo wuu madax-bannaan yahay tifaftir ahaan.

Raadiyow Ergo wuxuu 2025 billaabay baahin subaxa hore ah oo barbar socoto idaacaddii galabnimo, si ay u gaarto dhegaysteyaal badan labo xilli oo kala duwan. Dhegeysteyaasha waxay maalin walba ka maqlaan Raadiyow Ergo mowjadaha gaaban ee 11,875 kHz 6.30 subaxnimo mowjadaha gaaban iyo 21,595 kHz oo 3 galabtii ah.

Hadafkeenna koowaad waa mawjadda gaaban, maaddaama aysan jirin idaacad maxalli ah oo warar iyo macluumaad gaarsiin karta dhegeysteyaasha ballaaran ee jooga miyiga fog. Sidaas darteed mowjadda gaaban waa habka keliya ee macluumaadka lagu gaarsiin karo dhammaan dadweynaha Soomaalida, iskuna xiri kara gobollada kala duwan. Barnaamijyada Raadiyow Ergo maalin walba waxaa kaloo laga sii daayaa tiro 26 idaacado maxalli ah oo aan wada-shaqeyn leennahay.

Ereyga “Ergo” wuxuu macno iyo qiimo weyn ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo afka Soomaaliga. Wuxuu xambaarsan yahay macnaha aasaaska dhexdhexaadinta ama

ergeynta taas oo ay dan ugu jirto dadweynaha u baahan, iyo waxaa sidoo kale loo celin karaa macno ahaan oo ay noqon kartaa kuwa u kaca inay xalliyaan iska-hor-imaadyada.

Raadiyow Ergo waxaa maamula hay’adda aan faa’iido doonka aheyn ee International Media Support (IMS) oo fadhigeedu uu yahay Copenhagen, Denmark. Xilligaan Raadiyow Ergo waxaa si ballaaran u maalgeliya hay’adda horumarinta Sweden – Swedish Development Agency (SIDA) iyo hay’adda horumarinta Denmark – Danish Development Agency, (DANIDA).

Noo soo dir wixii talo, tusaale, farriin iyo su’aalba ah, adigoo noogu soo hagaajinaya: info@radioergo.org.