(ERGO) – Haween umulisooyin badax-banaan ah ayaa daryeel caafimaad iyo talo siin si bilaash ah guryaha ugu sameeya dumarka uurka leh ee ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab
Umulisooyinkan oo tiradoodu 30 tahay ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay ka hor tagga in hooyada uurka leh ay wajahdo xaalad halis galin karta iyada dhallaanka. Waxay sheegeen inay ka shaqeynayaan sidii haweenku caafimaad iyo hannaan saxan ugu gaari la haayeen xilliga dhalmada.
Faadumo Siidow oo hor-muud u ah xirfadlayaashan caafimaad ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay la kulmeen haween wajahaya nafaqo darro, cuduro aysan isku ogeyn oo ay ka mid yihiin dhiig-kar, sonkor iyo xaalado kale oo dhiig yari ay ka mid tahay.
Waxay sheegtay in deg deg ay u geeyeen xarumo caafimaad oo ay ka heleen daryeel ay ku soo kabteen. Waxay xustay in sidaas ay ku caawiyeen 200 oo ah haween uur leh, tan iyo bishii Juun ee sanadkan oo ay wadaan howshan.
Warsan Muuse Jaamac oo ku nool xerada Qaxootiga ee Xagardheer waxay ka mid tahay haweenka la caawiyay. Waxay tilmaantay sheegtay inay wajahaysay dhiig yari iyo nafaqo darro, balse ay ogaatay markii la geeyay xarun caafimaad.
Waxay sheegtay inay garab istaag hagar la’aan ah ka heshay midka mid ah umulisooyinka oo guriga iyo goobta caafimaadka ku baxnaanin jirtay muddo shan bil ah, illaa ay si nabad ah uga umushay 28 bishii November ee sanadkan.
“Si fiican ayaa la ii caawiyay, si fiicanna waan u ku dhalay. Aniga oo xanuunadan oo matagaya ayay ii timid, buug bay sii jartay, markaa laga billaabo wa isoo kor meeraysay caawimaad fiican ayaan helay.”
Warsan oo 35 jir ah ayaa xustay inay ogaatay halista ay wajaheysay, markii ay heshay hagid iyo aqoon kororsi.
Waxay sheegtay in umulisadu ay mar walba ugu iman jirtay gurigeeda, maadaama aanay marwalba aadi karin goob caafimaad.
Waxay intaas ku dartay in taageerada ay heshay ka caawisay inay caafimaad iyo bad qab ku dhasho gabadha ugu yar carruurteeda oo siddeed ah.
Warsan ayaa tilmaantay ilimihii kan ka horreeyay oo ay dhashay sanadkii 2023 ay dhibaato ka martay, madaama aysan helin wax talo siin ah.
Waxay sheegtay in isbitaalka ay tagtay iyadoo tabar yaridu gaarsiisay heer ay ku dhowaatay in ilmaha lagu qalo oo ay miyir daboolanto.
Waxay aamin saneyd in goobta caafimaad la tago oo kaliya marka ay dareento xanuun ama ay fool qabato, hadase waxay maanka ku haysaa caqabado looga digay.
“Talooyinka aan dhaxlay waxaa ka mid ah inaan guriga ku dhalin oo aan isbitaal tago. Haddii aan sidaas sameyn waxaa igu imaan kara dhiig bax in ilmaha iyo aniguba u dhimano daryeel la’aan ama naafowno. Intaas oo dhan isbitaalku wuu kaa xallinayaa ayay i dhahday.”
Qoyska Warsan waxay noloshoodu ku tiirsantahay dukaan yar oo ninkeedu ku gado bagaash iyo qudaar. Qaxootiga ayay ku nool yihiin tan iyo sanadkii 2010. Miyiga gobolka Jubbada hoose ayay ka soo barakaceen markii abaar ay uga dhinteen 30 neef oo lo’a iyo 120 ari ah.
Umulisoonka caawiya dumarka uurka leh kuma koobna xaafadaha xeryaha ee waxay gaaraan meelo ka baxsan oo ay deggan yihiin qoysas ay ka fog yihiin xarumaha caafimaadku.
Dadkaas waxaa ka mid ah Xabiibo Axmed Taajir oo ku nool meel 6 km ka baxsan xerada Xagardheer. Waxay leedahay uur sagaal bil ah. Uma fududa inay mar kasta dhakhtar la kulanto, balse waxay xaaladeeda la socod siisaa umuliso ugu timaada guriga marka ay war galiso.
“Canugaan oo hadda aan ku jiro bishiisii sagaaleed waxaan go’aansaday inaan isbitaalka ku dhalo, ilaahayna waa ii aqbali doonaa riyadeyda. Hirig hirig dhan iska ilaali ayay tiri umulisada, haddii gaariga gurmadka deg degga ah kaa soo daahana isoo wac ayay tiri aniga ayaa la hadli doona isbitaalka. Marka hadda waxaan ku kalsoonahay inaan isbitaalka ku dhalo.”
Waxay sheegtay inaysan waligeed ku dhalin isbitaal, balse hadda ay qorsheyneyso inay aaddo bisha January oo ay muddadeedu ku beegantahay. Waxaa halkaas ka soo diiwaan galisay umulisada sida gaarka ah uga war qabta.
Xabiibo oo 38-jir ah ayaa xustay inay aamin saneyd in isbitaalku uu lacag yahay, dhaqaale yarida haysata darteedna aysan qorshaha ugu jirin inay tagto.
Qoyskeeda oo halkan soo degay sanadkii 2010 ayaa ka mid ah qoysas ku nool dhul bannaan oo aysan wali gaarin adeegyada caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.
Hal waqti ayay dabka ku shitaan $30 oo ah gunno lacageed oo ay helaan reerkeedu labadii bilba mar.
“Raashiinka aan soo qaadano bisha dhexdeeda ayuu dhammaadaa, dal iyo dibadna cid nooma jirto. Deyn ayaan raadiyaa. Markii aan deyn soo helana in la gudo ayaa ah rafaad iyo silac. Markii aan deyn wayno oo raashiinku naga go’ana waxaan ku seexanaa gaajo.”
Qoyska Xabiibo oo toban qof ka kooban ayaa abaar iyo colaad uga soo barakacay gobolka Bay oo markii ay joogeen noloshoodu ku tiirsaneyd tacabka beeraha.
Umulisooyinkan ayaa ahaa shaqaale mushaar ka qaata hay’adda maamusha isbitaalka Xagardheer ee IRC. Dhaqaale xumo darteed ayaa shaqada laga joojiyay bishii Agoosto ee sanadkii 2024.
Haweenkan ayaa sheegay inya go’aansadeen in shaqada daryeelka hooyooyinka uurka leh ay sii wadaan. Si koox koox ah iyo si keli keli ahba way u howl galaan, sida ay sheegtay Daahiro Macallin Cabdi oo hormuud u ah.
“Ujeedada aan ka leenahay waxa weeye dadku waa dadkeenii, markii horana waa naloo soo tababarey. Haddii aan helno hay’ad wax nagu siisana waan arkeynaa haddii kalena bulshadeena ayaan usii shaqaynaynaa oo sii caawinaynaa. Waa howl aan ku qanacsanahay oo wax weyn iiga dhigan.”
Daahiro oo leh toban sano oo qibrad ah ayaa tilmaantay in dhammaantood ay yihiin xirfadlayaal ay tababartay hay’adda IRC.
Howsha ayay sheegtay inaysan joojin doonin oo ay sii wadayaan inta ay jirto baahidu. Waxay xustay in haweenku u sheegeen inay jiraan dumar badan oo guryaha ku dhintay xilliga umusha, kuwaas oo aan tirakoob laga hayn islamarkaana aan la ogeyn sababta ay u dhinteen.
Bilaha ay shaqeynayaan ayay sheegtay inay ogaadeen in haweenku aysan badi aqoon u laheyn qaabka la rabo inay iskaga war hayaan marka ay uurka lee yihin.
Baraarug la’aanta ayay tilmaantay inay tahay mid ka mid ah caqabadaha ay la dagaalamayaan, taas oo ay aaminsantahay inay xal u noqon karto yareynta qatarta ay wajahayaan haweenka uurka leh.
“Hooyada waxaan ka waaninaa inaysan guriga ku dhalin xataa iyadoo guriga ku dhali rabta ayaan soo wadnaa oo aan keenaa xarunta caafimaadka. Waxyaabo badan oo wacyi galintu ka mid tahay ayaan siinnaa, bishiina waxaan caawinaa 10-15 haween ah oo uur leh.”
Tallaabadani waa mid ka mid ah howlaha isku tashiga ah ee dadka ku nool xeryaha qaxootigu ay isxilqaan ku qabsanayaan, xilli ay sii yaraanayaan adeegyada hay’aduhu siin jireen qaxootiga oo caafimaadku uu ka mid yahay.










