(ERGO) – Maryan Ciise Cosoble oo 70 jir ah waxay la halgamaysaa maaraynta nolosha qoyskeeda oo cunno xumo ku wajahaya xerada Kulmiye oo ku taalla Cadaado, halkaas oo ay ku barakceen 13 bishii Deseember ee sanadkii hore, markii roob la’aan soo laalaabatay iyo saamaysay.
Waxa ay ka mid yihiin ku dhawaad 150 qoys oo ku xoolo beelay roob yarida ka jirta gobollada Galgaduud iyo Doolo, kuwaas maciin biday xeryaha si ay ugu dhawaadaan gargaarka hay’adaha, taakulada dadka deegaanka iyo helidda fursadaha shaqo ee ka jira magaalada.
Qoyska Maryan waxay helaan labadii maalinba mar cunno ay dabka saartaan, taas oo ay ku caawiyaan qoysas uga soo horreeyay xerada. Quudkan oo aan ku filnayn ayay ka dayrisay in uu xal u noqon karo baahida qoyskeeda.
“Dad magaalo dhex gali jiray maanan ahayn ee halkan kaamkan ah yaan nimid. Wax aan ku helnay oo kale lama arkee dadkii magaalada deganaa ayaa wax yar oo naf-ilaalis ah nagu caawiyay, waqtiga habeenkii ah ayaan cambuulo oo masago ah aan karsannaa, wax kale majirto. Iidaan mahaysanno iyada uun baan laq-laqnaa oo naf ka goobnaa.”
Waxay tilmaamtay marka ay wayso taageerada dadka dariskeeda ah in carruurteedu ay ku jiiftaan gaajo. Dhibaatadan ayay sheegtay in ay ugu wacan tahay xaaladda dhaqaale xumo ee roob la’aantu ay galisay, taas ku sababtay in ay cayrtoobaan.
Qoyskeeda oo siddeed ah ayaa soo barakacay, markii ay meesha ka baxeen lix neef oo uga badbaaday saddex bil ka hor 80 ari ah oo ay ku tiirsanaayeen. Danta ayaa ku qasabtay in ay soo galaan hayaan cuno iyo biyo doon ah oo naftooda ay ku badbaadinayaan.
Miyiga tuulada Baalaldheer oo ka tirsan gobolka Doollo ayay ka soo lugeeyeen masaafo 40 km ka hor inta aysan jidka ka helin gaari si bilaash ah ku soo qaaday. Qoyskan waxay sidoo kale ka ardanyihiin dhinaca hoyga iyo biyaha oo aysan ku haysan xerada ay ku jiraan oo adeegyo bulsho aysan ka jirin.
Geed ay dusha ka saarteen coolashado dabeyshu ay joogto u qaaddo ayay hoostiisa gabaad ka dhigtaan, halka dhinaca biyaha ay ku helaan si adag, mararka qaarna ay waayaan.
“Garabkaa lagu soo arooraa biyaha, saddex iyo afar gooraa la iska dabo laabannaa, caadaha yar yar ayaa lagu baryo tagaa iyaga uunbaa naf laga raadinaa. Meesha ugu dhow waa 2 km. Qof walba meesha ay baryo uga soo heli karto ayay caagadaha la aadaa.”
Qoysaska cusub iyo kuwa horay u daganaa xerada Kulmiya ayaa dhib ku qaba magaalada oo ka durusan, taas oo caqabad ku ah in ay si sahlan ku helaan fursadaha shaqo.
Maryan iyo qoyskeeda oo inta badan noloshooda ku qaatay miyiga malahan xirfad ay kaga shaqaystaan magaalada. Waxay gocanaysaa noloshii wacnayd ee ka horraysay roob la’aanta cayrtaysay. Intaas waxay ku dartay induruufta gadaaman in nolol adag galisay.
“Wax manta rejo ah mahayno. Waxaan nahay dad duruufu keentay, wax gacanteenna ku jiraa majiraan. Waa gaajoonnahay xoolo mahaysanno, biyo mahaysanno. Nolol-maalmeedkeenu waa iska hooseeyaa, balse waa wada nool nahay oo dad nagama dhiman. wixii lagu caawin karo in nalagu caawiyaan rabnaa.”
Qoysaska ugu badan maciin-biday magaalada Cadaado labadii bil ee u danbeeyay ayaa ka soo barakacay gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Dacdheer iyo miyiga hoostaga, halkaas oo roob la’aantu ay ku sababtay daaq la’aan iyo kaydadkii biyaha oo qalalay.
Sacdiyo Ciise Aadan waxay cunno ku filan u awoodi la’dahay carruurteeda oo sagaal ah. Waxay ka soo barakaceen miyiga deegaanka Dacdheer ee gobolka Doolllo, markii ay ka dhinteen siddeetan ari ah oo ay ku haystay deegaankaas.
Waxay ka cabanaysa caqabad ka haysta helidda biyaha, cunnada iyo hoyga. Waxay caawinaad cunno waydiisataa qoysas xerada Kulmiye uga soo horreeya iyo dad ay qaraabo yihiin, kuwas oo aysan joogto uga helin cunnada ay quutaan.
“Saaka labo iyo tobankii baan halkaan ka baxay ilaa hadda waxaan raadinayaa wixii beri aan dabka ku shidan lahayn. Dadka dariska ah haddii aan wax ka wayno hadde xoolna noo gami maayaan, mushaarna meel kama qaadano. Waa in aan Ilaahey iska sugano.”
Sacdiyo ah xaamilo karinta carruurteeda ayay sheegtay in ay kali ku tahay, markii bishii Nofeembar ee sanadkii hore ay kalatageen carruurteeda aabbahooda. Qilaafka kala tagga sababay ayay xustay in uu ku soo beegmay xilliga xoolo badan roob la’aanta ay uga dhinteen, taas oo sababtay jahwareer badan.
Waxay tilmaamtay in billowgii imaanshaheeda xerada ay isku dayda shaqo u noqota il-dhaqaale, balse ay ku adkaatay qabashadeeda. Waxay ahayd guridda qoryaha laga keeno miyiga, magaaladana loo suuq geeyo. Tabar yari iyo culayska uurka ayaa ka hor istaagay.
Badbaadada qoyskeeda ayaa ku xiran sida ay u caawiyaan dadka xerada kula nool iyo ehelladeeda oo ay u dan-sheegato. Waxay xustay in maalmaha qaar ay noqdaan 12 biyo la’aan iyo cunno la’aan. Xaaladdan waxaa u dheer hoy xumo ay ka daresay dhibka ay ku hayso.
“Wax hoy ah malihin wuxuu ka samaysan yahay baco calallo lagu kab kabay qoryo, maalintaas qorraxda waad ka harsanaysaa, laakiin roob kaama celin karo, tuugna kaama celin karo oo meeshu waa magaalo waxkastoo saariq ahaa iska socda. Marka xaaladdeenu waxay u baahan tahay jawaab deg deg ah.”
Waxaa jira rag aan badnayn oo masuul ka ah qoysaskooda, kuwaas oo iskudaya in ay helaan fursado shaqo oo nolol-maalmeedka ay ugu soo dhicin karaan qoysaskooda. Waxaa ka mid ah Cali Maxamuud Cali oo ah 67 jir ah.
Qoyskiisa 8 ah ayuu kala soo barakacay nolosha adag ee ka jirta miyiga deegaanka Dhudub ee gobolka Doollo. Wuxuu la yimid xerada Kulmiye lix ari ah oo nacfi lahayn bishii Nofeembar ee sanadkii hor.
Radio ayuu u sheegay in uu ku hungoobay shaqo xoogsi ah oo uu naawilayay in uu ka qabto Cadaado.
Da’diida oo korartay iyo dhaawacyo hore uu u qabay oo ku soo kacay ayaa ka hor istaagay qabashada shaqada dhagax-jabinta oo xoog iyo dadaal badan u baahan.
“Meeshaan buro ayaa ku taalla, halkaanna saddex jeer baa laga qalay, dhagaxana joogta maahayn oo labo maalmood markii la joogaa maalin laheli jiray. $10 aan ka heli jiray. Shaqadii markii ayaa iigu danbaysay, markii aan dhagaxa qaadi waayay. Dhibaatooyinkaas iyo tabar darro ayaa sababtay, nin timihii cadaadeena inaan ahayna waad aragtaa.”
Roob la’aan ka jirtay deegaankiisa muddo ka badan labo sano ayuu ka waayay 94 ari. Wuxuu sheegay in duruufta nolol xumo ay ku riixday in uu soo tiigsado magaalada, maaddama xaaladda ay ka samatabixi karaan aysan ka jirin miyiga.
Cunno xumada, biyo yarida ay u raacday cayrta ayaa xoolo dhaqatada ku qulqulaya magaalada ku qasabtay in ay ka soo salkacaan deegaannadii ay sanadaha badan xoolaha ku dhaqanayeen.










