(ERGO) – In ka badan 400 oo ah carruur ka soo jeeda qoysas barakac iyo danyar iskugu jira ayaa waxbarasho la’aan ku wajahaya magaalada Baydhabo tan iyo bishii 11aa ee 2025. Arrintan ayaa ka dhalatay markii uu gabi ahaanba gubtay iskuulka hoose iyo dhexe ee Elej oo ay ardaydan wax ka baran jireen.
Ibraahim Maxamed Nuur oo ay carruurtiisu shan sano wax u baranayeen ayaa ka mid ah waalidiinta ay hadda waxbarasho la’aanta ka noqdeen ilmahooda. Wuxuu sheegay in afar carruur ah oo u kala dhiganayay fasallada 4, 6 iyo 7 ay hadda daruus la’aan guriga u joogaan.
Wuxuu xusay inuusan u awoodin $10 oo qofkiiba wax lagu baro iskuullada gaar loo leeyahay ee magaalada. Ninkan oo barakac ku ah xerada Iraroog ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu la daala-dhacayo masruufka kale ee qoyskiisa uusana xal u hayn arrintan oo ku noqotay caqabad culus.
“Carruurteyda si wanaagsan ayey wax u baranayeen. Waxbarasho la’aantooda hadda murugo ayay igu haysa. Ma awoodo inaan geeyo iskuullada lacagta ah, maaddaama aan u hayn lacagta laga rabo. Arrintan waxay igu noqotay mid walaac badan igu abuurtay oo aan waxbo ka qaban kari.”
Wuxuu naawilayay in ay tacliinta heer wanaagsan ka garaan maaddaana isaga uusan horey wax u soo baran, balse ay taasi hadda u muuqato mid meesha ka baxday. Carruurtiisa ayuu tilmaamay inay si joogta ah u waydiiyaan inuu waxbarashada uu sii wado.
Dhanka kale waxaa waxbarashada la’aanta carrurta u dheer cunno xumo. Waxay qoyskiisa oo 10 qof ka kooban ku tiirsanyihiin kaalmo ay ka helaan dadka dariska kula ah xerada oo nolol ahaan dhaama.
“Cuntada helideeda culays weyn ayaa naga haysto. Waxaan nahay dad aan waxbo haysan oo xitaa hal mar ah maalinkii dabka shidan karin. Qureecda ayaa lagu gaara illaa qureecda kale. Anigu waxan ahayn qof aan shaqeyn oo baagamuuddo iska ah. Shaqooyin waan raadiyay lakiin ma helin.”
Ibraahim ayaa sheegay in bishii sagaalaad ee sanadkii hore uu waayay shaqo falida beeraha ah oo uu maalinkii ka heli jiray $4 illaa $5 celcelis ahaan. Roob la’aan sababtay in ay qalalan beerihi uu ka shaqeeyn jaray oo ku yaalla duleedka magaalada ayaa galaaftay shaqadiisi.
Wuxuu sheegay in sidoo kale qoyskiisa ay ku adagtahay helida biyaha. 6 kun oo Shillin Soomaali ah oo halkii jirgaan laga iibiyo ceel riig gaar loo leeyahay oo xerada u jira 3 km oo socod ah ayuusan awoodin. Waxay ku tiirsanyihiin hal 20-litar oo ay xaaskiisa dhabarka uga soo qaado ceelka oo ay dadka leh u dan-sheegteen.
Dhanka kale waxay xerada ku wajahayaan hoy la’aan. Wuxuu sheegay in qoyskiisa oo badan ay ku noolyihiin buul u nugul qorraxda iyo qabowga, sidoo kalana aan ku filneyn. Qoyska Ibraahim ayaa sanadkii 2018 ka soo barakacay deegaanka Doy-gaab oo hoostaga magaalada Baydhabo, markii roob la’aan jirtay ay nacfi tirtay beer saddex hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.
Iskuulkan oo ay gacanta ku hayeen Wasaarada Waxbarashada maamulka Koonfur-galbeed iyo hay’adda Save The Childreen ayaa la hirgaliyay sanadkii 2016. Carruurta wax ka dhigan jiray ayaana u badnaa kuwo ka soo jeeda qoysas uu dhaqaalahoodu hooseeyo.
Xabiibo Xuseen Xasan oo waalidiinta ka mid ah waxaa guriga u jooga saddex carruur ah oo tacliin la’aan ka noqday. Sidoo kalana aysan u hayn xal ay waxbarashada ugu sii wado.
“Carruurta waxbarasho la’aan ayay iga yihiin, anigana waxbo uma awoodo. Waxaa la iska rabaa kharashka iskuulka, dharka, bugaagtii iyo qallimadi ay wax ku dhigan lahaayeen wx lacag ahna uma hayo. Waxbarasho bilaash ah ayay ii haysteen si fiican ayayna wax igu baranayeen. Xaaladooda hadda murug ayay igu haysa.”
Xabiibo ayaa sheegtay in carruurteeda ay u dhigan jireen fasallada sadexaad iyo afaraad ee dugsiga hoose. Waxay tilmamtay in sidoo kale ay meesha ka baxday quudin bilaash ah oo ay carruurteeda iskuulka ka heli jireen.
Waxay ka walwal la’ayd qadada iyo quracda saddex carruur ah oo wax u baran jiray. Waxay tilmaamtay in sidoo kale ay si bilaash ah ku heli jireen agabyada waxbarasho ee ay u baahan yihiin sida bugaagta, qallimada iyo dharka iskuulka lagu dhigto.
Haweeneydan oo keligeed u xoogsatada qoyskeeda ayaa xustay inay ku tiirsanyihiin $1 illa $2 oo ay toddobaadkii mar ama labo ka soo hesho shaqooyin nadaafad ah oo ay magaalada u raadiso maalin walbo. Lacagtaas ayay sheegtay in ay hal mar ah dabka ku shitaan reerkeed oo 7 qof ah.
Carruurteeda oo kan ugu weyn uu 12 jir yahay ayay xustay inaysan u adkaysan karin qatooyada waqtiga dheer, balse aysan doorasho kale laheeyn. Dayn $70 oo ay u gashay si ay dabka ugu shido ayay sheegtay inay walwal kala kulmeyso.
“Lacagta la igu leeyahay waxay igu gashay raashin iyo dhar aan carruurta u soo qaaday marar kala duwan. Dayntaas walwal badan ayay igu haysa mana awoodo inaan iska bixiyo. Illahey ayaa xal keeni doonna.”
Xabiibo ayaa sheegtay in afar sano oo ay degan tahay xerada Iraroog aysan waligeed helin kaalmo ka badan waxbarashada bilaashka ah ee ay carruurtu u haysteen. Ilmaheeda aabbahood ayay tilmamtay inuu yahay wayeel aan nolosha qoyska waxbo ku soo kordhin karin.
Qoyska xabiibo ayaa Sanadkii 2021 ka soo barakacay deegaanka Eel-dhuun oo Baydhabo u jira qiyaastii 60km, markii ay roob yarida darteed ay ka quusteen beer 2 hiktar oo ay tacban jireen.
Sahra Aadan Cabdi oo ah maamulaha iskuulka Elej ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in gabi ahaan ay dabka ku basbeelen lix qol oo jingad ah oo uu iskuulka ka koobana. Waxay xustay in dabku uu markii hore ka billowday xero barakac oo iskuulka ku dhow, balse uu si degdeg ah ugu fiday dhismaha.
Waxay sheegtay in maamul ahaan aysan u hayn dhaqaale ay dib ugu dayactiraan, balse ay muhiim tahay, maaddaama ay boqollal arday wax ka dhiganayeen.
“Dadka meeshan wax ku baranayay waa dad danyar ah xitaa kabo iyo dhar uma iibin karaan carruurtooda, dabkana xilli aan lagu tashaneyn ayuu na gaaray oo aan wax laga qaban Karin. Hadda wax qorshe ah ma jiro, kaliya wasaaradda iyo ha’adda ayan caawimaad ka sugeynaa”
Waalidinta barakaca ah oo intooda badan aan horray wax u soo baran ayaa dadaal ugu jira sidii ay waxbarasho uga heli lahaayeen caaruurtooda, wallow aysan taasi u suuragali dhaqaale xumo awgeed.










