(ERGO) – Ibraahim Saciid Axmed wuxuu ku filnaaday maaraynta nolosha qoyskiisa oo 7 qof ah. Waxaa u sahlay dhaqaale fiican oo uu ka helo khudaar kala duwan oo uu subax kasta ku wareejiyo tobanka xaafad ee magaalada Baydhabo, isaga oo adeegsanaya mooto saddex lug leh oo dusha sare ka furan.
Wuxuu ka mid yahay ku dhawaad boqol dhallinyaro ah oo isugu jira barakac iyo danyar oo habkan ku baraaray. Shaqadan ayaa u noqotay il dhaqaale oo joogto ah oo dabooshay baahiyaha qoysaskooda oo horay nolosha ula daalaadhacayay.
Ibraahim oo ganacsigan billaabay bishii Luulyo ayaa sheegay inuu si maalinle ah uga helo lacag u dhaxaysa afar ilaa shan doolar oo faa’iido ah, taas oo reerkiisa ka saartay nolol xumo ay muddo ku jireen. Wuxuu qoyskiisa ka saaray bishii siddeed xerada Mubaarak.
“Dhalinyarada mooto bajajta saddexda lug leh oo qudaarta ku wareejisa ayaan ahay, markii hore ma haysan. Xaafadaha ayaan qudaar geeyaa barbarooniga, basasha, basbaaska, mooska, cansalaatada iyo koostada. Qudaar ayu nooc wixiiba qudaar ah oo dadka ay ku dhaqdaan ayaan wareejiyaa. Hadda noloshii tii hore iyo hadda ayey Mashaa Allaah tahay.”
Ninkan ayaa sheegay inay markii hore noloshoodu ku tiirsanayd kaalmo ay deriska waydiistaan. Wuxuu xusay inay ku adkayd inay hal xilli ay dabka shitaan balse hadda waxay helaan cunno ku filan.
Waxaa u dheeraa hoy xumo. Waxaa gabaad u ahaa buul aan ka celin karin qorraxda iyo dabaysha. Hase-yeeshee hadda waxay shaqadan u suurag-alisay inay ka baxaan nolosha barakaca. Wuxuu sheegay inay xaafada Wadajir ka kiraysteen laba qol oo jiingad ah bishiina uu ka dhiibo $20.
Bilaabista ganacsiga ayuu tilmaamay inay kula taliyeen rag ay saaxiibo yihiin oo ay wada shaqeeyaan hadda. Waxaa $150 oo dayn ah ugu maalgeliyay nin ay qaraabo yihiin oo uu u dan sheegtay. Waxaa u suura galay inuu kala bar iska gudo.
Mootada uu ku shaqaysto ayuu sheegay inay maalintii ugu kiraysan tahay hal doolar, lacagtaas ayuu tilmaamay inuusan wax culeys ah ku qabin. Ibraahim oo 40 sano jir ah ayaa xusay inay shaqadan ka xoraysay murugo ka haysatay biilka reerka.
“Waxaan dareemi jirey welwel dadbka oo aan saddex wakhti aan la shideyn iyo shaqo la’aan iyo wax barasho la’aan wax badan ayaan dareemi jirey. Sidii hore iyo hadda is beddel muuqda ayaa jira. Lacag boqol doollar ah ayaan keyd ka dhigtey. Alxamdu lilah sidii hore hadda ayaa laga fiican yahay.”
Ibraahim waxaa maaraynta nolosha waxaa u dheer inuu markii ugu horraysay waxbarashada ku daray bishii Oktoobar laba ka mid ah carruurtiisa oo horay guri joog u ahaa. Wuxuu bishii ka dhiibaa isku darka $10.
Qoyska Ibraahim ayaa 2022 ka soo barakacay deeganka Awdiinle oo Baydhabo u jira 30km, markii ay roob-yari soo laalaabatay ay nacfi tirtay beer saddex hektar ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd. Sanado ay ku jireen hubanti la’aan kaddib waxaa waxaa u rumowday riyadoodii ahayd inay ka baxaan nolosha barakacnimada.
Dhamaan ragga ganacsiyadan samaystay ayaa ka siman faa’iidada dhaxal-siisay is-beddelka dhaqaale ee maanta ay ku naaloonayaan. Arrintan oo intooda badan ay iskaga daysadeen ayaa ku dhalatay markii ay ku adkaatay inay magaalada ka helaan shaqooyin ay nolosha qoysaskooda ku maareyaan, balse dhiirrasho kaddib waxay ka maarmeen inay cid shaqo u dabo fariistaan.
Maxamed Isxaaq Maxamed wuxuu ka mid yahay ragga qudaarta ku wareejiya xaafadaha magaalada. Wuxuu joogto uga soo dhacsadaa nolol maalmeedka qoyskiisa oo shan ah oo markii hore uu sheegay inay ku adkeyd dab shidashada. Khudaar wuxuu qiimo jaban uga soo iibsadaa beeraha ku yaalla duleedka magaalada, isaga oo ka hela faa’iido fiican.
Ninkan ayaa sheegay in markii hore uu saarnaa welwel ka haystay sidii uu cunno ugu heli lahaa reerka, maaddaama uu shaqo la’aan ahaa balse hadda uu nafsiyan u deggan yahay.
“Hadda waxaan noqday qof Ilaah aaminsan shaqadiisa aaminsan. Wax alaale wixii daruuri ah oo aan u baahanay aan helo. Awal waxba mahayn hadda qoyskeyga saddexda wakhti intaan meel u saarey ayaan guri kiradiisa bixinayaa.”
Maxamed ayaa sheegay in tan iyo markii uu shaqadan billaabay ay meesha ka baxday nolol xumo uu qoyskiisu ku wajahayay xerada Idaale ee duleedka magaalada Baydhabo oo mudo shan sano ah ay ku noolaayeen.
Wuxuu sheegay in ganacsigan uu kaga nastay dhismaha guryaha oo uu dhib badan ka mari jiray dhaqaale ku filanna uusan ka heli jirin. Shaqada dhismaha oo magaalada ku yar iyo isaga oo aan dadka kala aqoon darteed ayuu xusay in todobaadkii ugu badnaan labo maalin uu shaqayn jiray isaga oo heli $3-4.
Maxamed ayaa sheegay inuu qudaarta ku maalgaliyay $200 oo ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin oo uu ka codsaday markii uu hal abuurkan helay. Wuxuu sheegay in uu kula taliyay nin ay xerada wada deggan yihiin oo kaga horreeyay iibinta qudaarta.
Ninkan ayaa sheegay inuu billaabay kayd lacageed oo hadda u maraya toddobaatan doollar, taas oo uu sheegey inuu ugu talo galay inuu ku maareeyo baahiyaha degdegga ah ee soo baxa sida caafimaadka.
Mootada u sahashay inuu maalintii isku maro xaafadaha magaalada ayuu sheegay inay bishii ugu kiraysan tahay $45, taas oo uu sheegey in uu awoodo inuu bixiyo maaddaama uu helo daqli fiican.
Qoyska ninkan ayaa 2019 ka soo barakacay deegaanka Goof-gaduud-buuray. oo Baydhabo u jirta 30 km, xilligaas oo abaar jirtay dalagyo u saarnaa beer afar hektar ah ay uga qasaareen. Waxay ka fursan waayeen inay soo maciin biddaan xeryaha oo aysan ka helin noloshii u sawirnayd.
Sacdiyo Salad Xasan waxay macmiil joogto ah u tahay ragan qudaarta ku wareejiya xaafadaha magaalada. Waxay sheegtay in markii hore ay suuqa ka soo gadan jirtey, balse hadda gurigeeda loogu keeno qiimo yar, taas oo siisay fursad ah inay u baaqato lacagtii baabuur raaca oo bishii ay ku sheegtay lixdan doollar.
“Dhalinyarada oo adeegan qudaarta ah noo keenaya anaga waxay noo tahay fursad ayagana fursad ayey u tahay sidaas oo kale marka aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay dhalinyarada iney hore usii wadaan howshan.”
Sacdiyo ayaa intaas ku dartay raggaan xalliyeen baahi taagnayd. Waxay tilmaamtay marka laga tago qarashka u baaqday inay sidoo kale ka maarantay waqtii ay ku bixin jirtay adeeg doonashada oo iyada oo wadata hawsheeda lagu soo simo.
Ganacsiga qudaarta wareegta oo ku cusub Baydhabo ayaa bilay nolosha qoysas xaalad quus ah, walaaca ay qabaan dhallinyadan ayaa ah inay hoos u dhacdo faa’iidada ay helaan maaddaama ay ku soo biirayaan ganacsato fursad ka dhex arkay, kuwaas oo booska ka saari kara.









