(ERGO) – Ku dhawaad boqol qoys oo xoola dhaqato hore ah ayaa cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan ku wajahaya xerada Naaso-hablood ee duleedka magaalada Hargeysa.
Waxay yimaadeen bilowgii bishii Oktoobar, markii geel iyo ari ay miyiga deegaannadaBoocley, Dararweyneiyo miyiga ku dhaw ku dhaqanayeen ay roob la’aan isxigtay uga dhamaadeen.
Xamda Axmed Xasan oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in qoyskeeda oo toddobo ah, kaligeedna ku tiirsan aysan u awoodin cunno hal mar oo ay cunnaan maalinkii.
Waxay ku noolyihiin kalmo ay waydistaan dad ehelkood ah oo ku nool magaalada Hargeysa. Marka ay ka waayan waxay ku qasbanaata in carruurteeda oo kan ugu yar uu 2 Jir yahay ay qatooyo ku seexiso.
“Waxaa dhacda inaan mararka qaar wayo biyiihi iyo dhuxushii lagu karin lahaa markaan raashinkii helo. Waxaan waayo lacagtii aan ku iibsan laheeyn, Waxaan nahay dad barakacay oo ay noolashu ku adagtahay.”
Xamda ayaa sheegtay in si ay qoyskeeda dabka ugu shido ay shaqooyin nadaafad ah ka raadisay magaalada Hargeysa oo xerada ay ku nolyihiin u jirta toddobo km, balse aysan ka helin.
Haweeyneydan ayaa tilmaamtay in sidoo kale ay dhibaato ku qabaan helida biyaha. Waxay xustay in maalinkii ay isku celceliyaan hal jirgaan oo dadka deeganku ku caawiyaan. Waxaysan heli karin $0.20 oo ay 20 liitar iibiyaan baraago gaar loo leeyahay oo xerada u dhaw.
Dhanka kale waxay xustay in ay haysa hoy xumo. Waxay qoyskeeda oo badan ku noolyihiin qol cooshad ah oo xilligaan oo robabka dayrtu da’yaan aan ka celin karin qabowga iyo dhibicda.
“Baco iyo maryo aan isku gaynay ayaan daganahay. Halkaas baa hoy noo ah oo aan iska gabaadsana, maaddama aan Hargeysa guri ku laheeyn, sidoo kalana aanan awoodin inaan kiro iska bixino. Cooshadahas aan dhisanay ayaa guri noo ah.”
Xamda ayaa sheegtay in barakacaan ay uga waxbarasho beelen afar carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deeganka Boocley oo ay ka yimaadeen. Waxay sheegtay in isku darkooda ay ka bixin jiray $8 bishii.
Iskuullada Hargeysa oo ay tagtay ayaa loo sheegay in qofkiiba laga doonayo $5, balse kharaashkaas ayay aysan awoodi karin. Waxay tilmaamtay in daruus la’aanta carruurteedu ay walwal badan ku hayso.
Xamda iyo carruurteeda waxay wali ka soo kabsan la’yihiin daal iyo diif badan oo ay kala soo kulmeen safar lug ah oo ku qaatay labo maalin iyo habeenadooda oo ay ku yimaadeen duleedka Hargeysa oo tuulada Boocley u jirta 60 km.
Waxay xustay in maareynta noolasha qoyskeeda ay kali ku tahay. Ilmaheeda aabbahood ayay sheegtay in uu dhimirka ka jiranyahay muddo dheer oo reerka uusan waxbo ku soo kordhin. Waxaysan sidoo kale u awoodin daawada iyo daryeelka uu u baahan yahay.
Noolasha barakaca oo ku cusub iyo xaalada adag ee xerada ku haysata ayay quus ka muujisay. Xamda ayaa sheegtay in roob yarida labo xilli oo isxigtay ka jirtay deegaankoodii ay ku waayeen 106 neef oo iskugu jiray geel, ari cad iyo ido, kuwaas oo noolashoodu ku tiirsanayd.
Roob la’aan dhowrkii sano ee ugu danbaysay ka jirtay deegaanno Soomaaliland ka tirsan ayaa caytow u horseeday qoysas badan oo ah reer guuraa ay noloshoodu ku tiirsnayd dhaqashada noocyada kala duwan ee xoolaha. Waxay ka siman yihiin nolol xumada aysan hayn xalkii ay uga bixi lahayeen.
Caasha Nuur Cali oo ka mid ah dadka ka soo barakacay tuulada Dhararweyne oo hoos tagta magaalada Hargeysa. Waxay tilmamtay in qoyskeeda oo 12 qof ah ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Ma heli karaan cunno ku filan, biyo iyo adeegayda kale ee nolosha aas-aasiga ah u ah.
“Xilligaa aan ku hadlayo wali waxbo ma cunin carruurtayda oo wax aan karsano ma haysanno, mana heli karno. Xaaladaas ayaan ku suganahay. Illaahey ayaa naga dulqaadi karo.”
Caasho ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay qoyskeeda u xamaasho, maaddama ay la ildaran tahay cudurka kansarka oo dhaqaatiirtu ku sheegeen 7 bil ka hor. Ma awoodo in ay daawooyinkiisa iibsato, meesha ay yimaadeena kama jirto wax xarun caafimaad ah.
Waxay xustay in xarun gaar loo leeyahay oo ay dhowr jeer dawooyin xanuun baabi’iye ah ka soo qaadatay looga yeeshay deyn $100 ah. Waxaa loo sheegay in midaasi ay bixiso si deyn kale loogu qoro, taas oo aysan heli karin.
“Wax xarun caafimaad xerada malahan. Isbitaal aan u tagi jiray shalay ayaa laiga soo eryay oo waxaa la ii sheegay inaan lacagtii hore bixiyo, haddii kalana aan u tagin mar danbe. Qanjirkii uu cudurka iga dhacayna xanuun badan ayuu igu haya. xaaladuna waa igu adagtahay.”
Xilligan oo ay robaabkii dayrta bilowdeen ayay tilmaamtay in samaaynta arrintan ay ku sii badatay. Waxay xustay in habeenkii aysan ka seexan karin uurta ka soo kaceysa meelaha ay dadku adeegsadan.
“Meeshaan nadaafad darro aad u xun ayaa ka jirta. Dadka jirran maahe qofka caafimaadka qabo ayaa xitaa halis ku jira. Meel meeshan noo dhanta ayaan Illahey ka baryeeyna.”
Qoyska Caasho oo ka soo barakacay deegaanka Dararweyne oo 12 km u jira magaalada Hargeysa ayaa jilaalka ku dheeraaday oo jiray saddex xilli roobaad ku waayay 400 oo ari ah.
Waxay sheegtay in ay waayeen xal ay ku badbaadsadan, maaddama ay roob yarida si la mid ah uga jirtay miyiga ku dhaw deegankooda, sidoo kalana xoolahu ay ahaayeen wayd aan socod dheer gali Karin.
Qoysaskan oo ay danta ku riixday in ay soo maciin bidaan xeryaha barakaca oo aysan nolol dhanta ka helin ayaa rajo xumo ka mujiyay sidii ay xaaladan uga samata bixi lahaayeen, maaddama ay ku suganyihiin xaalad ceyrtow ah.
Maxamed Ibraahim Axmed oo ah guddoomiyaha xerada Naaso-hablood ayaa sheegay in qoysaskaan ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita. Wuxuu xusay inaysan u awoodin inay gargaar siiyaan, maaddaama aysan wax dhaqaale iyo taageero midna haysan.
“Wax walbo oo noolasha aasasi u ah dadkaan ma heli karaan. Xaaladoodu waa ka sii daraysa haddii aynaan wax gargaar ah helin.”
Gudoomiyaha ayaa sheegay in bishii Oktoobar kali ay diiwangaliyeen ku dhawaad 100 qoys oo roob yarida ka jirtay deegaannada ku dhow magaalada Hargeysa ay sameeysay. Wuxuu xusay in xaalada dadkaan ay la wadaageen dowlada, basle aysan wali wax jawaab ah ka helin.
Xeryaha barakaca kama jiraan adeegyo dabooli kara baahiyada dadkaan, taas oo sababtay in ay galaan xaalad ka daran tii ay ka yimaadeen.










