Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaaliland: Haweenka oo dadaal ugu jira inay kuraas ku yeeshaan golaha wakiillada

admin by admin
November 5, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: Shir weynaha haweenka Somaliland oo maanta la qabtay

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haweenka Soomaaliland ayaa dadaal ugu jira sidii ay kuraas uga heli lahaayeen golaha wakiillada oo doorashadood la filayo inay qabsoonto bisha May ee 2021. Golaha wakillada Soomaaliland ayaa 27 bishi Sebteebar ee 2020 laalay xeerka kootada haweenka oo dhigayay in 18 kursi loo xiro haweenka, kuwaasi oo kalidood ay ku tartami lahaayeen.

Nefiso Yuusuf Maxamed oo ah agaasimaha dallad Negaad oo ay ku midaysan ururrada haweenka Soomaaliland ayaa sheegtay in marnaba aysan filayn in golaha wakiillada iyo culimada oo iskaashanaya ay diidi doonaan ansixinta xeerkan. Nafiso ayaa u aragta in haweenka oo ku biira baarlamaanka ay sahalayso hormar laga gaaro arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxabarashada iyo tacadiyada ku dhaca dadka nugul.

“Dhaqanka iyo diintii oo imika ku biirtay oo wadaadii leeyihiin waa xaaraan, dhaqanku wuxuu saameyn ugu leeyahay in haweenku tartamaan, odaygii caaqilka ahaa nin ayuu keenayaa ee dumar keeni mayo. Maanta arrintaasi himilo fiican ayaa noo baxday markaanu go’aankayagii ku adkeysanay oo waxaa jira odayaal noo keenay haween oo noo sheegay inay ku matalayaan golaha wakiillada”.

Haweenka oo u tartama kuraasta golaha wakiillada iyo deegaanka oo inta badan aan ku guulaysan ayaa keentay in la qoro xeerkan oo baarlamaanku sheegay in sababta ay u meelmarin waayeen ay tahay in uusan ku jirin dastuurka Soomaalilnad, taasi oo welwel ku abuurtay haweenka danaynaya inay ku biiraan golayaasha.

Golaha wasiirada Somaliland ayaa ansixiyay xeerka kootada haweenka sanadki 2018-ki. Tirada baarlamaanka Soomaaliland oo ah 163 xubnood waxaa ku jirta hal gabar oo kaliya.

“Waxaa dadaal ugu jirnaa in haweenku helaan kuraas, sababtoo ah xeerarka haweenka ee aan gaynno golaha lama meelmariyo, sababtana waa dumarka oo aan qayb ahayn golaha waayo raggu dareemi maayaan baahiyaha dumarka, shirar ayaan u qabbanay haweenka kuwaasi oo aan ugu sheegnay inay isa soosaaraan”.

Wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ku doodaysa in dastuurka aan lagu cadeyn diidmada kootada haweenka oo waxyaabo badan oo sidan oo kale ah Somaliland horumar ku gaartay ayna fiicantahay in haweenka la siiyo fursad ay bulshada ugu shaqeeyaan.

Wasiir Shukri ayaa xustay in xeerkan hadda la diiday muddo toban sano ah ay ka shaqeynayeen siddii loo ansixin lahaa haseyeeshee laalista lagu sameeyay aanay ahayn mid haweenka hiigsigooda hoos u dhigaya.

“Wax badan oo aanu dastuurku qorinba Somaliland way ku dhaqantay oo ay ku horumartay, marka la eego tanna kuwii ayuunbay la mid tahay, markii dastuurka la qorayay dumar kuma jirin, oo lama soo fariin oo laguma oran dadkii idiin doodi lahaa keena, maanta wax badan oo aanu dastuurku qorin dalku wuu ku shaqeeyay markaa caqabadaha ayay ka mid noqotay”.

Shukri ayaa tusaale u soo qaadatay waxaayabaha dastuurka Soomaaliland aan ku jirin ee haddana lagu dhaqmay ay ka mid yihiin saami qaybsiga kuraasta iyo in xilliga doorashada golaha wakiillada oo shan sano ahayd dib loo dhigay.

Luul Xasan Mataan oo ah, musharax u taagan ka mid noqoshaha golaha wakiillada ayaa sheegtay in tacadiyada loo gaysto haweenka iyo carruurta ee batay ay keentay haweenka oo aan ku jirin baarlamaanka Somaliland.

“kufsigii ayaa batay, tacadigii dumarka iyo carruurta lagu hayay ayaa batay, waxaa laga yaabaa in 20 hablood oo kaliya hadday soo galaan golayaasha wasiirada, wakiillada iyo guurtida in xuquuqdooda heli lahaayeen dhibanayaasha, oo ay wax badan bedeli lahaayeen. Imika nimanku dan iyo muraad kama leh wixii arrimaha bulshada ku saabsan oo dhan, ma jiraan wax xeerar ah oo la soo saaro”.

Luul ayaa xustay inaanay ka tanaasuleyn musharaxnimadeeda si kasta oo loo laalay xeerka kootada haweenka ee baarlamaanka oo ay codka ka raadsanayso dadka si ay wax ugu qabato. Waxaa ay tilmaamtay in haweenka looga baahanyahay inay doortaan cidda dareemaysa baahidooda oo uga dooda goobaha talada dalku ka go’do.

“Kollay annagu haddaanu nahay dumarka aqoonyahannada ah ama musharaxiinta ah intooda badani waxaannu ku tashanay inaanu ragga la baratano oo aan oradno inti aan sosocon karno”.

 

 

 

 

Previous Post

Dhegeyso wareysi ku saabsan cayaayannada gala beeraha iyo sumaha ugu fiican ee lagula dagaallamo

Next Post

Reer miyiga degmada Cadaado oo loo fududeeyay waxbarashada dadka waaweyn

Related Posts

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

February 20, 2026
Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

February 17, 2026
Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

February 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

February 14, 2026
Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Next Post
Boqollaal qoys oo ku xoolo waayay abaaraha oo la siiyay deeq xoolo ah

Reer miyiga degmada Cadaado oo loo fududeeyay waxbarashada dadka waaweyn

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-FEB-2026

IDAACADDA 21-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-FEB-2026
February 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-FEB-2026
February 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-FEB-2026
February 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-FEB-2026
February 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-FEB-2026
February 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo