Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dadka reer Awr-boogays iyo Widh-widh oo helay adeegyo caafimaad

Radio Ergo by Radio Ergo
September 25, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Mashruuc weyn oo caafimaad oo laga daah-furay Dhahar

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hooyada iyo dhalaalka ku nool deegaannada Awr-boogays iyo Widh-widh oo kala tirsan gobollada Sool iyo Togdheer ayaa ka faa’ideysanaya laba isbitaal oo laga hirgaliyey deegaannaad bishi Agoosto iyo bishan.

Labada deegaan ayaanan horay u lahayd xarumaao caafimaad oo lagu daryeelo guud ahaan bukaannada ku nool deegaannadaas. Labada istibaal ayaa waxa dhismahooda isku xilqaamay urur la yiraahdo Kalkaal oo ay hormuud u yihiin shan haween ah oo dhaqaale ka soo aruuriyey bulshada Soonaalida ee dal iyo dibadba ku nool.

Halis caafimaad ayay la kulmi jireen haweenka umuliya iyo carruurta ku nool deegaanada laga furay cusbitaaladan sida ay Raadiyow  Ergo u sheegtay Foosiya Xaaji Dirir Ciise  oo gudoomiye u ah ururka..

“Dhibka ka jira caafimaadka Somaliya intii dowlada burburtay waan ogayn, gaar ahaana tuulooyinka markii aanu nimi 2012 Soomaaliya gaar ahana Sool Sanaag iyo Cayn, dhibaata markaad maqashid. waxaa ka xoog badan markaad aragto.  waxaan aragnay dadkii oo aan daryeel haysan, hooyada fooshu caadi u noqon wayda oo inta gaari la saaro saacada badan la sii wadayo jidka oo xun. Haweenku qaar baa dhiig bax jidka ugu dhiman jiray, carruurtii oo xanuuno fudud oo la dawayn karayo inta guriga lagu hayo ku dhimanayaan,markaasi ayay nagu dhalatay inaan howshan bilawno.  Waxayna ahayd 2016, “ayay tiri Foosiya.

Dhismaha iyo qalabeynta oo ay ku baxday lacag dhan $60,000 ayaa mid kiiba ka kooban yahay afar iyo labaatan qol iyo todoba musqulood,

Cusbitaaladan ayaa laga heli karaa dhamaan adeegyada bukaanku u baahdo iyo qaybo u gaar ah hooyada iyo caruurta.  Muddo sanad ah ayay ku qaadatay in ay dhisaan labadan xarumood. Waxaa xarumahaasi ka howl gala 24 howl-wadeen oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal.

Bulshada ku nool deegaanada Arw-boogays iyo Widh-widh ayaa adeegyo caafimaad u aadi jiray magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe ee gobollada Sool iyo Nugaal  kuwaas oo masaafo gaaraysa 170km ilaa 230 km.

Waxaana laga qaadaa kaadh-ka qofkii awooda laba dollar kii aan awoodina adeegaasi wuxuu ku helaa si bilaash ah. Hooyooyinka loo samaynayo qaliinka dhalmada la xiriira ayaa ah kuwo lacag la’aan ah. waxaana muddo saddex sano ah gacanta ku hayn doona xarumahaasi haweenkan shanta ah ee soo uruuriyay lacagta.

“Isbitaaladan qaybo kala duwan ayay leeyihiin sida meeshii dumarku ku foolanayeen, qolkii ay ku umulayeen, qaybtii ay seexanayeen. Qolkii qaliinka, qolkii dhiiga loogu Shubayay, meel gaar ah oo dumarku seex-daan karo, shaybaar, kompuyutar. Laba gaari oo si ambalaas ahaan noogu shaqaynaya oo qofkii awoodi waayo in uu yimaado soo qaadaya ama guri ha joogo ama goob kale oo caafimaad, laba matoor oo koronto iyo solar isna koronto ahaan noogu shaqeeynaya,” ayay tiri Foosiya.

Hooyooyinka isbitaalka Widh-widh ka faa’iideystay waxaa ka mid Sahra Maxamed oo sheegtay inay heshay adeeg caafimaad oo dhamaystiran oo bilaash ah. Markii hore ayay tilmaamtay inay dhibaato ka mari jirtay xilliga dhalmada.

“Waa markii ugu horaysay ee aan ku umulo isbitaal lacagtiisu bilaash tahay. Waan ku farxay in aan deegaankii aan joogay ku helay adeeg caafimaad. Sagaalkii bilood markaan galay waxaan ku tashanayay inaan aado Laascanood qarashna uma haysan, dad qaraabo ah ayaan ku tashanayay,  miyiga Widh-widh ayaan degennahay, gabar ayaa telefoon iisoo dirtay oo ii sheegtay in isbitaal laga furay sidaasi ayaan ku imid,” ayay tiri Sahra.

Dadka ku nool deegaanada laga furay xarumahan caafimaad ayaa sheegay in marka qof ka xanuunsado lacag ka badan 700 oo dollar  uga bixi jirtay safarrada iyo daawaynta dadka ka bukooda.  Awr-boogays iyo Widh-widh ayaa isu jira masaafo dhan 235km.

Khadra Maxamed Cabdilaahi oo haysta lix carruur  kuna nool deegaanka Awr-boogays ayaa sheegtay in sanad iyo bar uu ka xanuunsanaa mid ka mid ah carruurteeda ayna u awoodi wayday inay u qaaddo goob caafimaad.

“Waan awoodi waayay inaan isbitaal u qaado, arrimo dhaqaale iyo cabsi aan ka baqayay in ilmaha kale dhibaato iga soo gaadho maadaana aan keligay ahay, adeeg caafimaad oo dhamaystiran ayaan ka helay ilmihii waa ladan yahay waana caafimaad qabaa manta,” ayay tiri Khadra.

Casha Cabdiraxmaan Cali, oo xaamilo ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in hadda ay qorashaynayso inay ku umusho isbitaalkan oo la socda xaalkeeda caafimaad. Ilmihii kan ka horreeyay ayay sheegtay in uu ka dhintay kadib marki uu dhalan waayay, balse loo qaaday Laascaanood marki isbitaalka lageeyayna loo sheegay in uu mayd yahay.

“Dhakhtar la’aan aawadeed ilmihii oo muuqda ayuu dhalan waayay. Anoo miyir la’ ayaa gaadhi lagu qaaday xilli habayn ah oo roob da’ayay xitaa gaadhigii waa nala dhici gaadhay. Haddaan dhakhtar joogi lahaa ilmahaasi waa dhalan lahaa. Laascaanood markii la i geeyay waxaan layga soo saaray  ilmo mayd ah,” ayay tiri Casha.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACA 25 – SEPT – 2019

Next Post

Dumar ka macaasha samaynta agabka reer miyiga

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo yari nolol xumo u horseedday beeraleyda Laascaanood

October 7, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas hoy la’aan noqday markii ay guryahooda u gadeen carruur ka tahriibay

October 6, 2025
Next Post
Dumar ka macaasha samaynta agabka reer miyiga

Dumar ka macaasha samaynta agabka reer miyiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-OCT-2025

IDAACADDA 16-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2025
October 12, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo