Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sool: Dhaqashada lo’da oo ku yaraatay koonfurta gobolka

Radio Ergo by Radio Ergo
September 13, 2018
in Arrimaha Bulshada, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Sool: Dhaqashada lo’da oo ku yaraatay koonfurta gobolka

Photo| keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhaqashada lo’du ayaa ka nabaad guurtay koonfurta gobolka Sool oo ay dhaqashadeedu caan ku ahayd, taasoo ay keentay roobabkii degaankaas ka da’ayay oo yaraaday 7-dii sano ee la soo dhaafay ayna ka dhalatay xaaluf ku yimid cawskii dooxooyinka ka baxayey oo lo’du daaqi jirtay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay khabiir deegaanka oo lagu magacaabo Maxamed Suleymaan Cali.

Wuxuu madax ka yahay urur ka shaqeeya arrimaha deegaanka kana dhisan gobolka Sool oo lagu magacaabo deegaanka Cagaarshe, wuxuu sheegay in deegaankaasi markii hore ahaa dhul dooxooyin ah oo biyaha kaydsada, kaddibna caws wanaagsan bixiya, laakiin xilliyadii roobabka oo ay wax iska baddeleen ay taas meesha ka saartay.

“Roobabka dhulku waxay ahaayeen labo xilli, hadda labadii sano mar ayaa roob da’aa weliba xilliga Dayrta, waana isbedel cimilo oo aan horay loogu arag deegaanka,” ayuu yiri Maxamed.

Dadka lo’da dhaqda ee deegaankaas ayaa sheegaya in lo’du ka nacfi badan tahay xoolaha kale, siiba dhinaca caanaha iyo subagga, ayna tahay sababta dadka dhaqanayay ay muhiim ugu ahayd.

Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac oo ka mid ah  dadka  deggan Qorilay wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu ahaa lo’lay lahaana 120 sac sanadkii 2014 laakiin hadda ay uga hartay 2 neef, intii kalena ay u dhamaatay calaf la’aan markii uu xaaluf ku dhacay deegaanka.

“Keligay ma ahan, qoysaska deegaanku aad ayay lo’da u dhaqan jireen, degaankuna wuxuu ahaa dhul dooxooyin ah oo caws iyo biyo leh lo’duna aad ugu dhaqanto, hadda haddaad wareegto neef lo’ ah ma arkaysid, horayna meel kasta waad ku arkaysay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cawska dooxooyinkaasi caanka ku ahaayeen ee hadda la waayay waxaa ka mid ahaa gargarada, birraha, gelmista iyo duurka, dhulka cawsku ka bixi jirayna wuxuu noqday banaan.

“Arigii aan lahaa weli 96 neef ayaa ka haray, oo xoolaha kale geedaha sare ayay daaqaan, lo’duse cawska iyo caleenta qalashay ee dhulka taal ayay ku noolayd,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay abaartii 2017-kii in dad badani lo’dii ula hayaameen dhinaca bariga, ayna kaga soo dhamaatay iyagana, isaguse uusan hayaamin sababo uu ku sheegay qarashka gaadiidka lagu hayamayo oo badnaa oo uusan haysan waqtigaas.

Dadka lo’da dhaqda ayaa sidoo kale roobabka yaraaday ka sokow, waxay sheegayaan in degaanmaynta oo ku badatay dhulkaas ay iyana qayb ka tahay xaalufka dhulka ku yimid.

Abaaraha ka sokow, dadka deegaankaasi waxay sheegeen in deegaamayntu ay ku badatay dooxooyinkii, saddexdii sano ee la soo dhaafay oo keliya deegaanka Qoriley waxaa laga dhisay 8 tuulo iyo berkadahoodii biyaha.

Dooxoyinka hadda bannaanka isu baddeley ama degsiimooyinka laga dhigtay waxaa ka mid ah ah Caana-xadhigle, Dhoon iyo Damal-lagub.

Lo’da oo ka adkaysi yar xoolaha kale sida geela iyo adhiga, maalin ka badan biyaha kama qadi karto sidoo kale laba maalin ka badan daaq la’aan ma ahaan karto waxayna wajahaysaa xaalad adag waxaana ku adag inay sii noolaato.

Dr. Jaamac Axmed Ducaale oo ah dakhtar xoolaad wuxuu sheegay in roobabkii oo yaraaday iyo deegaanka oo xaalufay inay sabab u tahay dhammaadka lo’da.

“Neefka lo’da ahi biyaha maalin ugu badnaan laba maalin ayuu ka qadi karaa, markay gaajooto muddo todobaad ah ayay ku fadhiisanaysaa oo waa nugul, maaha sida geela iyo adhiga  oo kale oo iyagu 8 maalmood ka badan ma qadi karto,” ayuu yiri Dr. Jamac.

Wuxuu intaas ku daray in lo’du ay u baahan tahay ugu horayn inay ku dhaqanto dhul cimiladiisu kululayn oo siman banaan ah oo buura ahayn dhirna leh.

Deegaannada lo’ dhaqashada caanka ku ahaa ee koonfurta gobolka Sool waxaa ka mid ahaa Qorilay, Karin-dabayl-weyn iyo Kala-baydh. Deegaannadaan ayaa markii hore helista biyaha iyo cawsku ku badnayd haddase xaalufay.

Jaamac Maxamed Aadan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada lo’da dhaqan jiray, intuu xasuusan yahay waxaa qoyskoodu dhaqan jiray lo’da  wuxuuna abaartii deegaankaasi ka dhacday sanadkii 2016 dabayaaqadiisii ku waayay 55 neef oo lo’ aha.

“Hadda waxba iima harin, noloshaydana lo’day ku tiirsanayd oo caanaha iyo subagga ayaan iib geysan jiray,” ayuu yiri Jaamac

Inkastoo xilligii gu’ga ee ina dhaafay uu roob wanaagsan helay Soomaaliya haddana lo’du weli waa mid degaanada waqooyi bari ee Soomaaliya meelihii lagu dhaqan jiray ka nabaad-guurtay siday sheegayso warbixin ay 4-tii bishaan Septmeb soo saartay hay’adda la socoshada haqab-beelka cuntada ee FSNAU.

Previous Post

Buuhoodle: Dadka tuulada Banyaal oo ka faa’iideysanaya xarun caafimaad oo loo dhisay

Next Post

Barnaamijka Dalan-dool

Related Posts

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

October 17, 2025
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

October 17, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Next Post
blank

Barnaamijka Dalan-dool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-OCT-2025

IDAACADDA 17-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-OCT-2025
October 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo