Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nin dhallinyaro ah oo lugaha ka gubtay oo ay caawimaad la’aan ku haysato xeryaha duleedka Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
March 26, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin dhallinyaro ah oo lugaha ka gubtay oo ay caawimaad la’aan ku haysato xeryaha duleedka Muqdisho

Aadan, 20 jir lugaha ka gubtay. Sawirka qeybo ka mid ah waxaan u qarinnay si aan looga nixin dhaawacyada ka muuqda lugihiisa/Munasar Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aadan Cabdi oo ah 20 jir labada lugood ka wada guban ayuu qoyskiisu ka mid yahay dad hor leh oo saddex toddobaad ka hor u soo barakacay duleedka Muqdisho. Waxay deegaanno kala duwan oo gobolka Shabeellaha hoose ah uga soo barakaceen colaado iyo abaaro. Qoyska Aadan oo ka kooban shan qof waxaa filashada gargaarka cunnada iyo biyaha ah ee ay dadka kale la wadaagaan u dheer inay wiilkooda u helaan daryeel caafimaad, laakiin weli ma jirto cid caawisay.

Dab qabsaday gurigooda oo ku yaallay degmada Kurtunwaarrey ee gobolka Shabeellaha hoose saddex bil ka hor ayaa Aadan ka gubay lugaha oo dhan, laga soo billaabo cajirrada ilaa cirbaha waxaa ka diirmay haragga sare. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu dareemayo xanuun badan iyo damqasho gudaha ah. Lugaha oo aanu fidin karin ayaa meesha ka saaray awooddii uu yeelan lahaa istaagga. Sidaas daraaddeed xambaar ayaa xitaa lagu geeyaa suuliga oo ku dhex yaalla xero kale oo lagu barakacay oo u dhow.

Boogaha cas ee caabuqay waxaa meelaha qaar ka timaada malax sida uu sheegay adeerkiis oo ay wada yimaadeen halkan. Wuxuu sheegay in horjoogeyaasha xeryaha ku soo dhoweeyay ayay ka codsadeen inay ka caawiyaan sidii uu Aadan u heli lahaa daryeelka uu u baahan yahay, iyaguna waxay ka ballan-qaadeen inay hay’adaha iyo maamulka dowladda la xiriiri doonaan. Weli kaalmo ayay raadinayaan, mana helin xitaa hal kaniini oo qallajiye ah.

Tan iyo markii ay yimaadeen deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho waxaa 230 qof oo uu ku jiro Aadan loo oggolaaday inay si kumeel gaar ah u joogaan dhul bannaan oo dhinacyada jiingad looga wareejiyay. Waa meel dusha ka furan oo aanay aqallo ka dhisneyn.

Digir hal waqti laga kariyo xerada ku dheggan ayay dhinacooda ka cunaan. Waxay sheegeen cuntada iyo dadka oo kala badan awgeed inay xilliyada qaar haleeli waayaan, mararkaas oo kale haddii aysan helin qof la wadaaga cunto uu soo qaatay, waxay sugaan xilligaas kiisa kale iyagoo qatan. Hal tubbo oo ku dhex taalla isla xeradaas ayay sidoo kale biyaha ka helaan.

Maamullada degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaalley ayaa noo sheegay in tan iyo horraantii bishan Maarso ay meelahaas gaareen 500 oo qoys. Labadan meel waxaa ku yaalla xeryaha ugu badan ee Muqdisho iyo duleedkeeda. Dadka imaanaya oo u badan beeraley ka soo barakacaya abaarta daba-dheeraatay iyo dagaalka u dhaxeeya ciidanka dowladda federaalka ah iyo Al-Shabaab ayaa ka soo barakacay Kurtunwaarrey, Aw-dheegle iyo tuulooyin hoostaga degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30 km. Qaarkood waxay ku biireen xeryo horay loo deggenaa.

Labo hektar oo beer nooca roobka ku baxa ah ayay ku tiirsaneyd nolosha qoyska Aadan. Hase yeeshee wuxuu sheegay saddexdii sano ee u dambeysay oo aanay abaarta darteed waxba beeran inay ku noolaayeen keydk u yaallay ilaa bartamihii sanadkii hore. Degmadiisa waxay ka mid tahay goobaha ay ciidamadu isku hor fadhiyaan, dhowr jeerna dagaallo ayaa ka dhacay.

Dabku wuxuu gubay dhammaan agabkii guriga u yaallay, waxayna markaas kaddib la noolaayeen dad ay deris ahaayeen, ilaa markii dambe ay cunto helista ciriiri ka sii gashay. Aadan wuxuu sheegay maalmo ka mid ahaa bishii hore ee Febaraayo inay gaajo ku joogeen oo ay waayeen wax ay cunaan. Qoyskiisu wuxuu ka kooban yahay aabbihiis, labo gabdhood oo la dhalatay oo shan jir iyo toddob jir kala ah iyo adeerkiis.

Markii ay go’aansadeen inay Xamar nolol u soo raadsadaan waxaa Kurtunwaarrey ka soo qaaday qoysas dameerro ku guurayay. Waxaa mar kale dhexda ka soo qaaday dad gaari watay oo ka damqaday xaalladda wiilka guban, kuwaas geeyay Afgooye oo ay mar kale gaari kaalmo ah ka soo heleen.

Previous Post

QIIMAHA XOOLAHA

Next Post

Baardheere: Qiimaha khudrada oo hoos u dhac uu ku yimid

Related Posts

Rag ku wareejiya Baydhabo khudaar oo maareeyay nolosha qoysaskooda
Wararkii u Danbeeyay

Rag ku wareejiya Baydhabo khudaar oo maareeyay nolosha qoysaskooda

November 7, 2025
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 6, 2025
Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas horay ugu cayroobay abaarta oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Hargaysa

November 5, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga raray dhul ay daganaayeen

October 31, 2025
Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag ku xoolo-beelay abaarta oo fursad shaqo ka helay warshad xanaanaysa Shinida

October 30, 2025
Next Post
Baardheere: Qiimaha khudrada oo hoos u dhac uu ku yimid

Baardheere: Qiimaha khudrada oo hoos u dhac uu ku yimid

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-NOV-2025

IDAACADDA 07-NOV-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-NOV-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-NOV-2025
November 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-NOV-2025
November 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-NOV-2025
November 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-NOV-2025
November 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-NOV-2025
November 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo