Tallaankan oo ay iska kaashadeen hay’adaha WHO, UNICEF iyo wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa socon doona muddo 5 maalmood ah, waxaana la qiyaasayaa in la gaarsiiyo carruur ka badan 700 oo kun.
Agaasimaha wasaaradda caafimaadka DFS ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in virus u eg kan sababa cudurka shabay lagu arkay bulaacado ku yaalla saddexdaas gobol, sidaa daraadeedna loo baahday in markale tallaalka la sameeyo.
Waraysiga agaasimaha wasaaradda caafimaadka DFS Cabdullaahi Xaashi Cali halkan hoose ka dhigayso. Waraysiga waxaa qaaday Maxamed-deeq Cabdi.