Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dad cudurka Jadeecada ugu dhintay deegaanno hoostaga gobolka Sool

admin by admin
November 30, 2017
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
1
Cudurka jadeecada oo saameeyay ilaa 300 oo qof oo ku nool degmada Caynabo iyo deegaanno ka tirsan

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Lix qof ayaa u dhimatay cudurka Jadeecada oo muddo laba todobaad laga joogo ka dilaacay degmada Boocame iyo 15 tuulo oo hoos yimaada oo kawada tirsan gobolka Sool. Cudurka ayaa sidoo kale ku dhacay dadka reer miyiga ah.

Dr. Maxamed Yaasiin Warsame (Xayte) oo ka hawlgala xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay kuna taalla degmada Boocame, ayaa Radio Ergo u sheegay in 6 qof oo u dhimatay cudurka saddex kamid ah ay ku nafwaayeen gudaha xarruntiisa xilli ay u socotay daawayn.

“Dadka jiifa hadda waxay gaadhayaan 50 qof ilaa Karin-karfood wuu ka jiraa cudurku. Dadku aad bay u xanuunsan yihiin kuwa baadiyaha jooga oo cidi u tegin iyaguna imaan karin ha u sii darnaadeene”, Ayuu yiri Dr. Xayte.

Saddex kamid ah dadka dhintay waxay ka yaryihiin shan sano, da’daas oo ah tan inta badan lagu beegsado tallaalka cudurada dilaaga ah. Sida ay sheegayaan masuuliyiinta degmadu dadka dhintay waxaa ku jira gabar 6 sano jir ah iyo wiil jira 10 sano.

Saleebaan Maxamed Mire oo ah aabe qoyskiisu ka kooban yahay 8 qof waxaa laba todobaad gudahood cudurka jadeecada uga dhintay laba gabdhood oo mid 6 jir tahay, midna 2 jir tahay. Wuxuu deganyahay miyiga tuulada Fardhidin oo ilaa 45 KM u jirta Boocame. Mid kamid ah gabdhaha ka dhintay ayuu usoo qaaday  Boocame oo ah meesha ugu dhow ee uu xarrun caafimaad ka heli karo. 8 maalmood kahor ayuu iibiyay awrkii keli ahaa ee uu raran jiray oo laga siiyay lacag dhan $350. Lacagtaas ayuuna isbitaalka ku geeyey gabadhiisa balse laba maalmood markay ku jirtay ayay geeriyootay.

“Labada gabdhood isbuuc ayay kala danbeeyeen markii lagu arkay. Wax gurmad ah maanu helin mid markiiba naftu waa ka boodey midna dhakhtarka ayaanu ula soo cararnay iyaduna waa geeriyootay waxaan u sababaynayaa gurmad la’aan caafimaad oo midi miyiga ayayba ku dhimatay tan kale intaan kharash u diyaarinayey ayay 4 maalmood igu qaadatay inaan dhakhtarka keeno. Marka xilli xaaladeedu xun tahay oo aan wax badan loo qaban karin ayaan keenay dhakhtarka”, ayuu yiri.

Saleebaan wuxuu intaas ku daray inay jiraan qoysas badan oo deeganka la degan oo carruurtu ka xanuunsantahay, aysanse awood u lahayn inay u qaadaan goob takhtar.

“Intaas carruur dhimanaysa deegaanka waa ku aragnaa, annigu doraad laba ilmood ayaan wax ka aasay, inay jadecadaas u dhinteen ayaan u malaynayaa miyiga Karin-gorfood”, ayuu yiri Saleebaan.

Gudoomiyaha golaha deegaanka Boocame Xayle Xasan Shire ayaa Ergo u sheegay in dadku lasoo xiriirayaan, iyagoo gurmad ka raba, balse uusan haynin wax awood ah oo uu ugu gurmado.

“Dadka teleefonno ayey intaas soo dirayaan, waxaan u qaylinay maamulka Puntland laba todobaad ka hor, wali wax gurmad ah kama hayno”, ayuu yiri Xayle.

Dhanka kale dadka jadeecadu hayso oo u badan reer guuraa ayaan marna si wacan uga faa’iidaysan tallaalada xilliyada qaar la bixiyo maadaama aan hore loo gaadhin deegaanada baadiyaha ah.

“Dadku baadiyaha ayay joogaan, dadkaasi tallaal ma helaan inta badan waayo lamaba gaadho badankooda, tan kale Booocame waxay xukuntaa 15 tuulo iyo kaamam 20 gaadhaya deegaannada intaas le’eg waxaa ka hawlgala 2 MCH oo keliya marka laga tago xarun gaar loo leeyahay oo Boocame ku taalla”. Sidaas waxaa Ergo u sheegay guddoomiyaha degmada Boocame Xayle Xasan Shire.

Dr. Xayte oo ka hawlgala xarrun caafimaad oo ku taalla degmada Boocame ayaa Ergo u sheegay in adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan aanay ku wada filayn dadka deegaanka ee dhibaatadu hayso loona baahan yahay in dadka loogu tago meelaha ay joogaan.

“Annaga xarun baanu nahay wixii noo yimaada waa daaweynaa. Daawooyin waa haynaa, meesheena waa xarun gaar loo leeyahay oo daawada waan ka iibinaa laakiin dadku ma wada iibsan karaan wixii aan iibsan karin dayn baan ku siinaa, laakiin qaar aan nasooba gaadhi karin baa jira waxaa loo baahan yahay gurmad deg-deg ah dadkaasi loo fidiyo”, ayuu yiri.

Khadar Cawl Ismaaciil

Buuhoodle.

Previous Post

Cudurka jadeecada oo 6 carruur ah ku dilay Boocame oo gobolka Sool ah

Next Post

Dhegeyso Barnamaijka Gobaad

Related Posts

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

In ka badan 120,000 oo qof oo biyo yari sababtay cunno xumo ku wajahaya Xagardheer

February 20, 2026
Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraaga Sanaag oo wajahaya cudurro uga dhacay xoolaha iyo cunno xumo

February 17, 2026
Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad burbur dhaqaale iyo nolol xumo galisay qoysas ku laabtay Sabiid iyo Caanoole

February 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan labo sano jirsatay oo ku qasabtay qoysas hor leh in ay ku barakacaan Garowe

February 14, 2026
Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere
Cunto-Yaraanta

Buundo la’aan nolosha ku adkaysay qoysaska muruq-maalka Baardheere

February 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Gobaad

Dhegeyso Barnamaijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-FEB-2026

IDAACADDA 20-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-FEB-2026
February 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-FEB-2026
February 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-FEB-2026
February 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-FEB-2026
February 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-FEB-2026
February 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo