Barakacayaasha iyo Qaxootiga Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye
(ERGO) – Biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ayay 300 oo qoys tan iyo bishii Ogosto ee sanadkaan ku wajahayaan xerada Sooglow ee magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qoysaskaan oo xoola dhaqato iyo beeralay iskugu jira ayaa roob yari saamaysay dallagyadii ay beerteen iyo xoolahoodi uga soo barakacay deegaannada Basra, Alifow iyo Baqdaad.

Dadkan oo ay ku adag tahay in hal waqti ay dabka shitaan maalinkii ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inaysan haysan shaqooyin ay ku dabaraan noloshooda.

Xerada ay soo maciin bideen malahan adeegyada bulshada sida waxbarashada, biyaha iyo caafimaadka.

Xamdi Muxudiin Cali oo ka mid ah ayaa sheegtay in iyada, haweeynay wayeel ah oo ay ehel yihiin iyo 10 carruur ah oo uu abbbahood ku dayacay aysan gaajo ka bixin tan iyo barakacooda.

Waxay xustay In maalinkii ay mar dabka ku shitaan waxay ay dadka ka soo helaan carruurteeda oo magaalada u dawarsi taga.

“$1 ama $2 wixii ay carruurta ku soo helaan dawarsiga ayaan dabka ku shidanaa. Hal mar ka badan nooma goyso waxaa aan ka helno dadka Islaamka ah ku soo caawiyaan. Halkaas mar ayaan u kariya qoyska, inta kalana gaajo ayaan ku joogna.”

Xamdi ayaa sheegtay in ay wayday shaqooyin dhar-dhaqis ah oo ay magaalada ka raadisay marar kala duwan si ay nolosha qoyskeeeda u maarayso.

Waxay xustay in uusan jirin qof kale oo uu qoyskeeda u shaqeeya. Carruurteeda ayay sheegtay in midka ugu wayn uu 12 jir yahay, uusanna ku jirin mid shaqooyinka dhagax jabinta ah qaban kara.

Waxay xustay in ay rajo xumo ku beertay darxumada ay kala kulmeen xeryaha magaalada Afgooye oo iyada iyo qoyskeedaa ay ku soo gaareen gaari dameer ay ku caawiyeen dad ay u dan sheegteen.

Safarkaas ayay tilmamtay in uu ku qaatay toddobo habeen iyo malmahooda.

Xamdi oo 51 jir ah ayaa xustay in xaaladan ay u dheertahay helitaanka biyaha oo ay ku dhibban yihiin. Ceel riig ah oo gaar loo leeyahay oo biyihiisa bilaash looga dhigay dadka soo barakacay,

kaas oo u jira 5 km ayay tilmaamtay in maalinkii ay jirgaan dhabarka uga soo qaado. Waxay ka faro maran tahay $0.25 oo labatanle qaadkii ay iibiyaan ceelasha riiga ah ee xerada u dhaw.

Qubeys iyo dhar-dhaqis ayay sheegtay inaysan tabar u hayn oo ay maalinkii jirgaankaasi u tashiishaan cabida iyo karinta cunnada.

Qoyskeeda ayaa ah bannaan yaal aan haysan hoy ka xijin karaan qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.

“Habeenkii dhaxan ayaan ka seexan Karin, maalinkiina qoraxda. buushashka aan gabadsano habeeenkii waa ullo iyo juwaano dhamaad ah oo laisku geeyay waxbo ma celin karaan.”

“Anaga guriyaheeni iyo wixii aan haysan dhan waa iskaga soo tagnay, maaddama aan haynin meel aan ku qaadno. Sidoo kale musqul ma haysano oo meelaha banana ayaan isticmaalna.”

Xamdi ayaa sheegtay in barakaca ay uga waxbarasho beeleen lix ka mid ah carruurteeda oo horray dugsi Qur’aan ay bishii ka dhiibi jirtay $6 isku darkooda uga dhigan jiray deegaanka Basra oo ay ka yimaadeen.

Waxay xustay in aysan hadda qaadan wax daruus ah, maaddaama aysan u awoodin $18 oo qofkiiba ay wax ku baaran iskuullada magaalada Afgooye. Noloshii ay filaysay in ay ka helaan magaalada ayay xustay in ay ku hungoobeen.

Qoyska Xamdi oo xoola dhaqato ahaa ayaa barakaca ku qasbanaaday, markii biyo yari, daaq la’aan iyo cudurro aysan aqoon oo ay tabar u waayeen ay uga la’deen 50 neef oo ari iyo lo’ iskugu jiray.

Xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed ayaa sanooyin badan oo is xiga dhibane u ah musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay isbedelka cimilada.

Arintaasi waxay sababtay in sanad kasta ay xeryaha lagu barakacay ku soo biiraan kummanaan qoys oo faro maran, sidoo kalana aan laheyn aqoon iyo xirfado ay uga shaqeystaan.

Cajaba Maxamed Taakooy oo 39 jir ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in nolosheeda oo dhan ay ku qaadatay miyiga, waligeedna ay jeclayd in ay ku sii nagaato, balse ay barakaca ku qasbanaadeen.

Cajaba Maxamed Taakooy oo sheegtay in carruurteeda yaryar aysan u heli karin dhamaan baahiyahooda aas-aasiga ah

Beer saddex hiktar ah oo ay ku leeyihiin deegaanka Alifow waxaa saameysay biyo la’aan. Waxay xustay inay tahay markii ugu horeysay oo ay barakacdo.

Wax la’aanta haysa darteed waxay tilmamtay in qoyskeeda oo 11 ah ay ku tiirsan yihiin cunto bisil oo ay ka helaan dadkii xerada uga soo horeeyay.

“Caawintaas maahan wax nagu filan oo intii ka go’do reerkiisa ayuu qofka ku soo dhiibaya, laakiin inaan qatooyo ku joogno ayay noo dhanta inta aan dadka ka helno. Qoys dhan oo aan iyaga waxbo heli karin, barakacna ah, waa dareemi karta xaaladda ay ku sugan yihiin.”

Cajabo ayaa sheegtay in sidoo kale raadinta shaqooyinka xogsiga ah uu ku hungoobay ilmaheeda aabbahood oo ay sheegtay in subax walbo uu magaalada u kallaho uuna habeenkii soo laabto isago faro maran.

Waxay sheegtay in aysan wax khibrad hore ah u lahayn xaaladda barakaca, ayna carruurteeda la qabsan la’yihiin durufaha ka jira xerada oo aan lahayn dhammaan adeegyada aasaasiga ah.

“Qofka haddii hoygiisa uu joogo oo ay wax la’aan ku dhacdo waxaa laga yaaba in uu iskaga qanacsanaado sidaas, laakiin magaalo ayaan nimid hadda meel aan wax bilawno ma naqaano. Illahey ayaan qeyr ka sugayna uun.”

Cajaabo ayaa sheegtay in 5 bil ka hor ay ugu danbaysay in ay wax beertaan qoyskeeda, markaas oo ay biyo yari awgeed uga dhinteen dallagyo iskugu jira yaanyo, basbaas, ansalaato, kabsar- caleen, masago iyo Galey.  $380 oo ka gashay abuurkii iyo falidii ayay xustay in aysan waxbo uga soo laaban, taas oo quus ku beertay.

Haweeynaydan ayaa tilmamtay in sidoo kale dhamaadkii bishii July ay ka idlaadeen masago iyo galay ay carruurta dabka u saaran jirtay, taasi oo ku riixday in ay barakac miciin bidaan.

Waxay xustay in aysan hayn wax qorshe ah oo ay uga samata-bixi karaan xaaladda soo wajahday.

Guddoomiyaha xerada Sooglow ayaa Raadiywo Ergo u sheegtay in dadka xerada soo gaaray oo 300 oo qoys ay xaaladoodu aad u liidato, ayna u badan yihiin carruur, haween iyo dad da’a ah.

The post Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
(ERGO) – Danyar soo barakacay oo laga saaray xeryo ku yaalla magaalada Kismaayo ayaa nolol xumo ku wajahaya dhul ka fog magaalada oo loo wareejiyay bishii April ee sannadkan.

Waa saddex boqol oo qoys oo maamulka Jubbaland uu dajiyay dhul bannaan oo laga siiyay deegaanka Halgan.

Waxay xuseen inay waayeen shaqooyin xoogsi ah oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd oo ay ka qaban jireen magaalada Kismaayo oo ay ka soo fogaadeen masaafo 25 km ah.

Qoys kasta ayaa la siiyay dhul uu mulkiyadiisa leeyahay oo cabbirkiisu yahay 600 mitir oo isku wareeg ah, balse caqabadda ay wajahayaan ayaa ah cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo.

Faadumo Xassan Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in carruurteeda oo siddeed ah ay la’dahay shaqo ay ka maarayso.

Waxay horey noloshooda uga soo-saari jirtay shaqo dhar dhaqis ah oo aysan qaban afar bilood oo halkan ay deggan tahay.

Waxay sheegtay in deegaanka ay joogto uu kulmiyay qoysas danyar ah oo uusan laheyn meel loo shaqo tago.

Haddii ay u baahato Kismaayo, waa lagama maarmaan inay hesho $8 oo ay ku raacdo gaari ay ku tagto, ugana soo noqoto.”

“Waa qarash ka badan dakhliga maalintii ay ka heli laheyd dhar dhaqaalka oo ahaa saddex Doollar.

Xaaladaas ayay xustay inay ku riixday in nolosha qoyska ay ku maareyso shaxaad iyo kaalmo ay weydiisato dariska oo wixii ay awoodaan ku caawiya.

“Meeshaan dayn wax ku siinaya malaha. Kismaayo dadkii aan naqaanay waxaa ku dhahaayaan qof guuray oo fogaaday waxba ma siinkaro oo iskuma halayn karo. Hal waqti haddaan hellno waqti labaad lama hellaayo cunno.”

“Ninkii ama gabartii xamaali aadi lahaa gawaarida ayaa qaali noqotay. Shidaalkii ayaa qaali noqday ayay leeyihiin gawaaridu.”

Faadumo ayaa tilmaamtay in adeegga kaliya ee ay heleen uu yahay waxbarasho bilaash ah.  Iskuul hoose iyo dhexe ah ayaa waxaa u dhigta shan carruur ah.

Hoy xumadu, waa caqabad kale oo ay xal u la’dahay. Dhaqaale yarida ayaa sabab u noqotay inay dhisan waydo dhulkii la siiyay.

Waxay sheegtay in dabeysha xagaaga ee xilligan dhaceysa ay ka dumisay bartamihii Agoosto aqal cooshad ah oo markii hore nuglaa, waxay intaas ku dartay in helitaanka musquluhu ay ciriiri yihiin.

Boqollaalka qoys ee halkan la dejiyay ayaa wadaaga 70 musqulood. Halkan ayay sheegtay inaan qasab lagu keenin oo ogolaanshaheeda ay ku timid, waloow ay xustay inaysan ku baraarugsaneyn caqabadaha ay hadda wajaheyso,

Hase ahaatee waxay ku fooggan tahay sidii ay uga bixi laheyd xerada Mareeray ee magaalada Kismaayo oo ay degganeyd 14 sano.

“Dhulka aanu daganayn anigu manaan lahayn. danta ayaa nagu qasbeysay inaan halkan degno, sababtoo ah dhulkan anagaa iska leh, cid nagu dhibaateyneysa iyo cid nagu qash qashaadeysa malahan.”

Qoyska faadumo ayaa sannadkii 2011 ka soo barakacay deegaanka Buulamareer ee gobolka Jubbada dhexe. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer 10 hektar ah oo abaar darteed ay sii tacban waayeen.

Dhanka kale Maxamed Wali Dayib oo qoyskiisu ka kooban yahay 12 qof waxay dantu ku qasabtay inuu ka fogaado reerkiisa si uu ugu soo shaqeeyo.

Lacagta gaari-raaca oo uusan bixin karin maalin kasta ayaa ku riixday in magaalada Kismaayo uu sii joogo, si qoysku ay dabka ugu shitaan $4 oo maalinkii uu ka helo dajinta rarka gaadiidka.

“Maalintii anaga marka ugu badato waxaa wax la kariyaa hal waqti oo kaliya oo halkaas waqti raashinka loo yara badiyo. Ilmo yar oo nafaqo la’aan ah waaa jiraan.”

“Waxyaabaha ugu horeeya ee aad wajahaysid waxaa weeye in aad shaqo raadisid. Shaqo haddii aad wayso waa in aad dayn raadisid. Waxaa laga yaaba dayntii inuu kuu diido qofkii aad u doonato.”

Maxamed oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa dul-saar ku ah qoys ku nool magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo gala xamaalka uusan u qeyb samin gaari raac iyo biilka reerka, maalin kastana uusan awoodin inuu lug ku soo gaaro magaalada, ugana noqdo, masaafada oo fog darteed.

Maalmaha qaar oo aysan shaqo jirin ayuu booqdaa qoyska oo uu xusay in cunno yarida ay u dheertahay hoy la’aan ka dhalatay dabeysha xagaaga oo ka dumisay guri uga dhisnaa dhulka la siiyay oo ah 600 oo mitir oo isku wareeg ah.

“Dhibaatada Jirta waxaa ka mida dabaysha. Guriga waa wax aan tabar laheyn. Aniga hal qol oo jiingado kakab ah aan ku dhajiyey ayaa ii dhisan. Habeenkii iyo maalintii marka dabaysha jirto wuu sanqadhayaa lama seexan karo.”

Maxamed ayaa sheegay in xaaladaas ay u dheer tahay biyo yari. Deegaanku malahan ceel biyood. Dadku waxay biyaha ka doontaan webiga Jubba oo u jira masaafo dhan saddex kiloomitir.

Qoysaska aan awoodin inay soo dhaansadaan ayaa ku qasban inay iibsadaan biyo lagu keeno gaari dameero oo fuustadii uu qiimaheedu yahay $0.5 senti.

“Culeys badan ayaa ka jira biyaha. Masaafadu waa dheertahay, qarash uma hayno aan ku shubano, mar haddaan shubano, mar kale ma awoodno inaan gadano.”

“Mar islaanta ayaa dusha soo saarata, mar qolyo aan daris nahay ayaan baryaa oo aan dhahnaa gaari gacan isii aan biyo ku soo qaato.”

Qoyska Maxamed ayaa degganaa xerada Tawakal 2 ee magaalada Kismaayo oo ay ku noolaayeen 12 sanno.

Colaad iyo abaar ayay uga soo barakaceen gobolka Jubbada dhexe oo ay ku dhaqanayeen ari 75 neef ah iyo 60 lo’ ah oo ka la’day.

Adeegyada waxbaarshada iyo cafimaadka ayaa ah waxa kaliya ee danyartan ay ka heli karaan deegaanka lagu asaasay ee Halgan.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in wajiga koowaad ee mashruuca ay fuliyeen, kaas oo dadku ay ku heleen waxbarasho hoose iyo dhexe ah, dhul ay leeyihiin oo wixii ay rabaan ay ka dhisan karaan iyo xarun caafimaad oo ah MCH oo adeegyadeedu bilaash yihiin.

Maxamed Cumar Xassan oo ah madaxa xafiiska dib u dejinta hay’adda dadka soo barakacay ee Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan qorshe dhaqan galaya sanadkan oo danyartan looga taageerayo.

Wuxuu xusay in ay heli doonaan xoolo ay dhaqdaan, xirfadda kalluumeysiga, tan beeraha iyo agabkii ay ku shaqaysan lahaayeen.

“Wixii ka shaqaysanaya badda in loo abuuro shaqooyin kalluumaysi oo la siiyo doonyo iyo agabka kale u baahan yihiin. Wasaaradda Beeraha oo kale in ay beero siiso ayaa qorshaysan.”

Maxamed ayaa sheegay in Jubbaland ay bilowday 2024 barnaamijka xalka waara oo ah in dadka soo barakacay lagu deegaameeyo.

Wuxuu xusay in dowladdu diyaarisay dhul gaaraya 5km oo loogu talagalay in la dejiyo dadka ku barakacay gudaha deegaanada Jubbaland.

The post Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
(ERGO) – Jamaal xasan Maxamed wuxuu qoyskiisa oo toban ah u awoodi la’ yahay cunno ku filan tan bishii Luulyo. Wuxuu ka mid ah yahay boqollaal rag ah oo iyaga iyo reerahooda ay wajahayaan dhaqaale xumo markii shaqadoodii laga hor istaagay.

Ninkan ayaa sheegay inay Kooxda Shabaab diideen shaqadiisa oo ahayd gurida ciidda guryaha lagu dhiso, taas oo uu ka dooni jiray bannaanka magaalada una ahayd isha nololeed. Wuxuu tilmaamay inay shaqo la’aan ku dhacday dhan kasta ka saamaysay qoyskiisa.

Shabaab ayaa lacago dheerad ah ku soo rogay mulkiilayaasha gawaarida ciidda qaada, kuwaas oo awoodi waayay bixinteeda. Arrintaas darteed, ayay sheegeen in looga mamnuucay shaqadooii xoogsiga ee ay ka dhacsan jireen biilka carruurtooda.

Jamaal wuxuu ka mid yahay dadka barakac ah ee ka shaqayn jiray qodista ciidda dhismaha, taas oo laga qodi jiray boholo ku yaalla duleedka Baydhabo, kadibna lagu qaadi jiray gawaarida iska-rogaha ah si loogu iib-geeyo magaalada.

Ninkan ayaa sheegay in shaqo la’aantu ay sababtay in qoyskiisu ay wajahaan cunto yari daran. Wuxuu tilmaamay in ay kaalmo yar ka helaan dad ay u dan-sheegtaan, taas oo uu xusay inaysan ku filnayd qoyskiisa oo ballaaran.

“Xaaladeenna nololeed waa mid aad u adag, markii hore shaqo ayaan haysanay. Ciiddii hadda dad duurka ku jira ayaa diiday. Markii hore biilka meel ayuu noo saarnaa hadda marka guri joog ayaan noqonay. Dhibaato weyn ayaa haysa.”

Jamaal wuxuu intaas ku daray in shaqadiisii maalinlaha ahayd uu ka heli jiray $7 ilaa $10 oo joogta ah taas oo ugu filnayd saddex waqti oo cunto ah. Wuxuu ahaa qofka kaliya ee reerka u dhaqdhaqaaqi jiray, waxaana hadda meesha ka baxay dakhligii uu qoysku ku tiirsanaa.

Qoyska jamaal waxaa dhibaatooyinka ay la halgamayaan ka mid ah biyo yari. Waxaa ku adag inay iibsadaan 20-ka litar oo lagu shubto $0.25 xerada Deg-umur oo ay deggan yihiin. Sida uu sheegay, isaga iyo xaaskiisa ayaa ceel-gacmeed gaar loo leeyahay oo loo socdo hal saac ah ka soo barya hal labaatanle oo aan ku filnayn reerkiisa.

Ninkan oo 50 jir ah ayaa sheegay inay ku soo furmeen culeysyo isbiirsaday, kuwaas oo uu maarayn la’ yahay. Wuxuu tilmaamay inaysan xaaladdan oo kale horey u soo maray isla markaana ay ku soo beegantay xilli uusan u sii diyaar garoobin.

Waxaa culeyska ku haya quud u helidda carruurtiisa oo uu xusay inay la qabsan la’ yihiin dabkooda oo dansan iyo inaysan helin raashin deeqa.

“Markii hore seddex jeer ayaan wax karsan jirney laakiin hadda hal mar ayaan wax karsanaa. Halka wakhti ayaaba sida lagu helo dhib ah. Halka wakhti waxan ku helnaa magaalada ayaan aadaa walaal dadka ayaa baryaa.”

Jamaal ayaa sheegay in seddex ka mid ah carruurtiisa laga soo eryey iskuul iyo dugsi Qur’aan bishan, markii uu awoodi waayay $30 oo uu bishii ka dhiibayay, hadda waa guri joog aan wax duruus ah qaadan. Tani waxay ku keentay rajo beel mustaqbalkooda ah.

Qoyska jamaal ayaa 2022 ka soo barakacay Degmada Berdaale ee Gobolka Bay. Waxay ka soo tageen beer 5 hiktar ah, markii ay nacfi tirtay roob yari uu sheegay inay deegaanka ka jirtay dhawr xilli oo isku xigay.

Ragga carrada ka xamaalan jiray ayaa wajahaya saamayn isku mid ah. Nuuradiin Macalin Aadan wuxuu sheegay inuu maarayn la’ yahay nolosha qoyskiisa oo sideed ah. Ninkan ayaa ka fursan waayay inuu dhex wareego xaafadaha magaalada isaga dadka waydiisanaya kaalmo.

Marka uu soo waayo ayuu sheegay inay deriska habeennada qaar ay ka helaan raashin bisil oo ay isugu soo daraan. Waxaa u dheer baahiyaha kale ee qoyska oo ku soo wada furmay.

“Biyaha waxaan ku heli jirney marka aan lacagtay joornaatiga ah soo qaato. $0.25 ayaan ku dhaansan jirney. Hadda marka in deriska loo tago oo albaabada aan garaacno oo jirgaankoo biyo ah ama 10 litar aan weydiisano. Hadda jirgaanka ayaaba noo genbiyay oo aan haysan.”

Nuuradiin ayaa sheegay muddo afar sano ah inay nolosha qoyskiisa ku tiirsanayd dhaqaalaha uu ka heli jiray ciid qodista oo u dhaxeeyay 7 ilaa 10 doollar, balse hadda uu faro maran yahay. Wuxuu tilmaamay inuusan wax kayd ah horey meel u dhigan, taas oo saamaynta ku xoojisay.

Wuxuu intaas ku daray inuusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqeeyo. Subax walba wuxuu u baxa raadinta shaqo xamaal ah, balse ma helo. Wuxuu sheegay inay isaga iyo qoyskiisa ay hadda ku sugan yihiin xaalad quus ah.

Wuxuu xusay inay sidoo kale culays ku heyso deyn $35 ah, oo looga kala leeyahay dugsi Qur’aanka iyo iskuul isku gaartay labo bilood. Wuxuu sheegay in dukaan uu raashin ka amaahanayay looga diiday markii loo sheegya in buugiisii la xiray.

Ninkan oo barakac ku ah xerada Doygaab oo mudo laba sano ah ayaa weli leh rajo ah inuu shaqadiisii dib ugu laabto balse ma hubo goor ay noqon iyadoo culeyska dhaqaale ee haysta ay uu sii kordhayo marba marka ka danbaysa.

“Hadda welwelka i hayo – xaafada iyo nolosheenna – ayaan aad uga fikirayaa. Middeeda kale Ilaah shaqo ha noo bixiyo. Waxaa hadda dhibaato nagu haysa inta aan shaqada ka harney deyn badan ayaan galney. Carruurta noloshooda ayaa qiiqiil naga-shay.”

Nuuradiin ayaa sheegay inay hayso sidoo kale hoy xumo markii dabayl xooggan ka dumisey buush ay gabbaadsan jireen. Hadda waxay bannaan-yaal u yihiin dhaxanta iyo fallaaraha cadceedda.

Ninkan ayaa xusay in mulkiilayaasha gawaarida ay isku dayeen inay si dhuumalaysi ah ku shaqeeyaan, hasa ahaate ay ku guul-daraysteen, markii ay Shabaab afduubteen saddex gawaari. Arrintaas waxay sababtay in kuwii kale ay u cabsadaan naftooda iyo hantidooda.

Qoyska Nuuradiin waxay sanadkii 2024 ka soo barakaceen deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga Baydhabo, markii jilaal ba’an uu nacfi tirtay beer Afar hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Cabdinaasir Cabdi Cali oo ka mid ah guddi ay gaadiidlaydan ku midaysan yihiin ayaa Raadiyow Ergo u sheegey in arrintan saameyn weyn ku yeelatey qoysaskooda, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan helin beddel kale oo ay noloshooda ka maareeyaan.

“Runtii caqabado waa weyn ayaan xilligan na haysata lacago xaqdhaaf ah oo nagula soo rogey taas oo is keeni weydey. Marka hadda xitaa waxaa jira gaadiid oo u xiran Alshabaab oo lacagooyinkaas iyo waxyaabahaas dartood loo haysto.”

Cabdinaasir ayaa xusay in qoysas badan oo noloshooda ka maareyn jirey qodista carrada iyo rarkeeda ay wajahayaan hubanti la’aan. Wuxuu tilmaamay gaari kasta lagu waajibiyay bishii 200 doollaar, taas oo aysan awoodin. Wuxuu codsaday si degdeg ah loo xalliyo cabashadooda.

Qoysaska soo barakacay oo aan lahayn ilo kale oo dhaqaale oo sugan, waxay had iyo jeer u nugul yihiin saamaynta ka dhalata shaqo la’aanta, taas oo u horseeda khalkhal ku yimaada hab-nololeedkooda.

The post Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
(ERGO) – In ka badan labo boqol oo qoys oo ka soo barakacay miyiga gobolka Mudug markii roob la’aan ay ka laysay xoolo ay dhaqanayeen ayaa nolol xumo aad u liidata ku wajahaya xeryo ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo ay ku biireen labadii bil ee la soo dhaafay.

Fardowso Nuur Maxamed oo ka mid ah waxay sheegtay inay cunno, biyo iyo hoy u la’dahay carruurteeda oo lix ah tan iyo bishii Abriil oo ay soo gaartay xerada Xoriyo.

Waxay tilmaantay in ay ku tiirsan yihiin wax ay ku caawiyaan dadkii xerada sii deganaa oo aan iyaguna wax wayn dhaamin.

Maalmaha qaar oo ay wayso wax taageero ah ayay sheegtay in ay ku qasbanaadaan in ay qatooyo ku joogaaan.

Waxay tilmaantay in xerada ay yimaadeen iyaga oo gacan maran aysanna ka aqoon magaalada dad  ay caawinaad ka dalbadaan.

“Cuntada mar waan helnaa, marna waan weynaa. Xalay carruurtayda casho uma karin, mana hayo wax aan siiyo. Gaajo ayay la ooyayaan, aniguna wax aan u qabto ma awoodo. Shaqo ma lihi, mana jiro aabbe u shaqeeya oo noloshooda ka kafaala qaada.”

“Waxa keliya ee aan sameeyo waa inaan guri-guri u wareego anigoo baryaya si aan u helo wax ay carruurtaydu cunaan.”

Fardawso oo kaligeed korisa carruurta oo lagu furay aanan lagu daryeelin ayaa sheegtay in xaaladda ilmaheeda ay ka sii darayso marba marka ka dnbaysa.

Waxay xustay in ay qarka u saaran yihiin nafaqo darro maaddaama aysan inta badan helin cunno ku filan oo nafaqo leh.

Waxay tilmaantay in ay isku dayday in magaalada ay dayn uga raadiso caano iyo khudaar ay siiso balse ganacsatadu ay u diidaan in ay daynsiiyaan maaddaama aysan aqoon u lahayn.

Sidoo kale waxay sheegaty in xerada ay ka jirto qandho aysan aqoon iyo hargan daran kuwaas oo dhamaan ilmaha kaga dhacay una sii nugleeyay xaaladda.

Waxay sheegtay in qandhada haysa carruurteeda ay uga shakisay malaariyo ka dhalatay keeno xerada ka jirta, balse aysan hayn dhaqaaale ay ku gayso goob caafimaad.

Waxay intaas ku dartay in ay wajahayaan hoy la’aan oo iyada iyo carruurteeda ay seexdaan buush yar oo aan wada qaadin kana samaysan calalo iyo qoryo aan dhaxan iyo qorrax toonna celin karin.

“Hoygeenna waa buush aan amni lahayn. Tuugo ayaa xerada timaad qofkii wax xadaya gadaal ayuu ka daloolin karaa buushka wuuna soo geli karaa.

Sidaas darteed habeenkii oo dhan waan soo jeednaa annagoo ka baqayna in nala soo dhaco ama carruurta nala waxyeelleeyo.”

Fardawso ayaa sheegtay in qoyskeeda uu ka soo barakacay miyiga deegaanka Saaxaqurun ee gobolka mudug markii 50 ari ah oo ay dhaqanayeen ahaana waxa kaliya ee ay ku tiirsaneed noloshooda uu ku dhaafay daaq la’aan ka dhalatay roob yari jirtay saddex sano.

Waxay tilmaamay in si ay uga saarto xaaladda adag carruurteeda ay maalinta oo dhan ku wareegto magaalada iyada oo raadinaysa cid ay u qabato shaqooyin nadaafad ah.

Waxay inta badan soo laabataa iyada oo aan waxba helin. Waxay u sababaysay in dadku aysan u lahayn aqoon, si sahlana aysan ku siinayn shaqada.

Haweenaydaan oo ah 43 saddex jir nolosheeda oo dhan ku soo qaadatay xoolodhaqasho ayaa sheegtay in xilligaan ay reerkeedu wajahayaan nolol xumaddii ugu darnayd ee ay abid mutaan.

waxay intaas raacisay in ay filaysay markii ay xerada imaanaysay in ay heli doonto gargaar balse illaa iyo wadda aysan helin.

Xoolodhaqatada ku nool gobolka Mudug ayaa intooda badan ka siman nolol xumada ka dhalatay roob yarida soo laalaabatay oo meesha ka saartay xoolihii ay dhqanayeen.

Waxay ku qasbanaadeen in ay ku biiraan xeryaha halkaas oo ay ku haystaan dhibaatooyin isbiirsaday.

Xaawo Aadan Diirshe oo ka mid ah waxay sheegtay in muddo labo bil ah oo ay joogto xerada Xoriyo ay carruurteeda u la’adahay cunno iyo hoy ku filan.

Waxay xustay in markii ugu horraysay nolosheeda ay caawinaad waysiisato dadka magaalada deggan kuwaas oo aan si joogto ah wax u siin.

Waxay tilmaantay in ilmaheeda oo ka  ugu yar jiro afar sano ay mararka qaar qatooyo ku joogaan habeen iyo maalin.

Waxay intaas ku dartay in korinta ilmaha ay kali ku noqotay markii saddex sano ka hor uu aabahii reerku u geeriyooday cudur aysan aqoon.

Dhanka kale waxay intaas ku dartay in dhibaato xooggan ay ku qabaan helidda biyaha. Sababta ayaa ah in hal tubbo oo xerada oo dhan laga cabayay ay go’an tahay muddo bil iyo bar ah markii dadka xerada deggan ay bixin waayeen lacagta biyaha.

“Biyaha ayaan dayn badan ku leenahay. Tan iyo markii aan soo degnay, lacagtii biyaha waa la bixin waayay, waxaana maalin walba nagu cadaadiya xafiiska biyaha.”

“Mar waa la jaraa, marna waa la xiraa. Dhowr maalmood ayaan biyaha isticmaali la’nahay, dayntuna way badan tahay, mana hayno awood aan ku bixino.”

Xaawo ayaa sheegtay in markii ay imanaysay xerada ay filaysay in ay heli doonto nolol dhaanta tii ay ku jireen, balse ay ku hungowday damacaas.

Haweenaydaan oo ah 39 jir ayaa sheegtay in sidoo kale aysan lahayn xirfad ay magaalada uga shaqaysan karto si ay xaaladda adag uga saarto carruurteeda.

Waxay sheegtay in nolol xumada ay u dheertay dhibaato ay ku qabto daymo ay labaddii sano ee la soo dhaafay ku yeesheen dukaammo ku yalala magalada Gaakacyo oo ay raashin ka amaahan jirtay.

Waxay xustay in horraantii sanadkaan ay ka joojiyeen dayn cusub in ay qaadato maalin kasta ay soo waydiiyaan ayna ugu hanjabaan in ay xirayaan haddii aysan dhaqso u bixin.

“Daymo badan ayaa la igu leeyahay. Waxaan raashin amaah uga qaadan jiray ganacsatada, waxaana hadda la igu leeyahay $280 iyo $50.

Ganacsatadii ayaa iga dalbaday inaan daynta bixiyo, balse lacag ma hayo. Waxay ii sheegtay inaanan raashin kale qaadan karin ilaa aan dayntii hore bixiyo.

Dayntu culays weyn ayay igu haysaa, mana awoodo inaan raashin kale amaah ku soo qaato.”

Qoyska Xaawo ayaa ka soo barakacay miyiga magaalaada Gaalkacyo markii ay daaq la’aan darteed ku dhaafeen 70 ari ah oo ay dhaqanayeen. Xaladdaas ayaana badday in ay galaan nolol adag oo aysan weligood mudan.

Xaaladdaas ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhamaan daka barakacay oo ku kala biiray xeryaha Sahan, Mudud iyo Dooxo sida ay sheegtay Xamdi Siciid Yuusuf oo ka mid ah maamulka xeryaha.

Waxay xustay in saddexdii bil ee ugu danbeeyay ay diiwan geliyeen 254 qoys oo barakc cusub ah welina ay imanayaan.

Waxay xustay in dadka yimid ay dulsaar ku noqdeen kuwii horay u daganaa ayna dhamaantood isla galeen duruuf isku mid ah.

Waxay ka dayrisay sida ay noqon karato xaaladda dadkaan haddii aysan si degdeg ah u helin gargaar.

Roob la’aanta ku soo noqnotay gobolada dhexe ee Soomaliya ayaa sabab u noqday in kumanaan qoys ay galaan duruufo nololeed oo adag, markii ay xoolaha oo ahaa ishooda dhaqaale ay ka dhamaadeen.

The post Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
(ERGO) – Dhallinyaro badan oo ka soo jeeda qoysas soo barakacay iyo danyar deegaan ah ayaa si maalinle ah ugu kalluumeysi taga xeebaha magaalada Muqdisho.

Ma haystaan doonyo, shabaag weyn iyo agabyo kale oo ka caawiya inay helaan kalluun badan. Waxay adeeg sadaan fiilooyin afka hore looga xiray bir qaloocan iyo shabaag yar.

Shaqo la’aanta ayaa ku riixday in nolol maalmeedka ay ka raadiyaan kalluumeysiga oo aysan u haysan agab ku habboon iyo qibrad ku filan, balse dadaalkoodu wuxuu suurta galiyay in qoysaskooda ay ka saaraan cunno yari, ayna iska bixiyaan waxbarashada.

Dhallinyaradaas waxaa ka mid ah Shuceyb Axmed Xuseen oo 34 jir ah. wuxuu sheegay in maalin kasta uu ka lugeeyo xerada uu deggan yahay ee Saacid oo ku taalla degmada Dayniile, si uu kalluun uga soo dabto xeebta Geelaq ee degmada Xamarweyne.

Wuxuu xusay in shaqadan uu bishii ka helo dhaqaale u dhexeeya $100 illaa $150, kaas oo uu tilmaamay inuu wax ka badalay nolosha qoyskiisa, walaalihiis iyo waalidkiis oo kaligiis ku tiirsan.

“Ugu yaraan laba jeer maalintii ayaan wax cunaa, haddii aysan saddex jeer noqon. Markii hore nin baaga muundo ayaan ahaa, wax badan aan hayn oo oo marna wax hela, marna waaya.  Hadda xaaladdaydu way isbeddeshay. Labo qoys ayaan ka billaa shaqadan.”

Wuxuu ku shaqeystaa agab ka kooban fiilo afka hore bir qalloocan looga xiray oo uu ku gatay $28 oo uu ku caawiyay nin ay qaraabo yihiin.

Kama tago goobta, isagoo hadba kalluunka ugu dhaca dabinka u soo saara bannaanka, xarigga ayuu biyaha dib ugu celiyaa, si mid kale uu u jillaabto.

Waa howl uu ka doortay gaari gacan uu ku shaqeyn jiray, kaas oo sheegay in dhaqaalaha ka soo gali jiray oo aan ka badneyn $2 maalinkii uu ugu filnaan waayay in hal waqti ay dabka ku shitaan maalinkii.

Hadda ayuu xusay inay helaan cunto ku filan, waloow uu sheegay in shaqadu ay tahay mid dhib badan oo uu ka shaqeeyo aroortii illaa gabal dhaca.

Wuxuu intaas ku daray in xeebta oo ka fog uu labo saac u sii lugeeyo, intaas oo kalana ay ku qaadato soo noqoshadu.

Waxaa jira gaadiid u kala goosha oo lagu raaco $1, balse waxaa isaga ka hor taagan dhaqaale yari, maadaama lacagta soo gasha aysan u qeyb samin biilka iyo gaari raaca.

Noocyada kalluunka ee uu soo jillaabto ayuu u iib geeyaa suuqyada Muqdisho, iyadoo wixii u gadmi waaya uu sheegay in qoysku ay karsadaan.

“Badda mar wax badan ayaa laga helaa oo way fiican tahay. Marna xagaa ayaa jira oo dabeyl ayay leedahay, markaas wax fiican lagama helo. Intaan xagaaga aheyn waxaan ka helaa kalluun fiican oo nolol maalmeedka aan ku maareeyo.”

Shuceyb ayaa ah aabbaha saddex carruur ah oo sidoo kale dabara nolosha lix carruur ah oo la dhashay iyo labadiisa waalid.

Wuxuu tilmaamay in carruurtiisu aysan waxbarasho gaarin, balse uu walaashii bishii ka dhiibo $8 oo ay ku dhigato iskuul hoose. Xerada Saacid ee degmada Dayniile ayay soo degeen bishii June ee sannadkii 2024.

Waxay ka soo barakaceen miyiga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo ay ku wajaheen colaad iyo abaar ay ku waayeen boqol neef oo ah geel, ari iyo lo’ ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Shuceyb ayaa xusay in hankiisu yahay sidii uu qoyska uga saari lahaa nolosha hubanti la’aanta ah. is bedelkaas ayuu doonayaa inuu ka dhalliyo kalluumeysiga oo yoolkiisu yahay inuu u helo qalab kor u qaada wax soo saarkiisa.

Xeebaha gobolka Banaadir ee Gubadley, Geeleq, Kaaraan iyo Jasiira oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayay inta badan ka kalluumeystaan dhallinyaradan.

Xuseen Maxamed Yuusuf oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xeebahan ay ku door bideen inay yihiin kuwo magaalada dhexdeeda ah oo aan fogeyn oo leh qarar kalluunku dugsodo.

Xuseen, waa 19 jir curad u ah qoys danyar ah oo ku nool degmada Gubadley ee magaalada Muqdisho.

Dhaqaalaha ka soo gala kalluumeysiga oo maalinkii ah $10 ayuu tilmaamay in soddon Doollar uu bishii iskaga bixiyo waxbarashada, inta kalana uu ku caawiyo qoyska.

Wuxuu sheegay in duruufaha nololeed ee qoysku wajahayay ay ku qasabtay in shaqadan uu billaabo, si uu u garab istaago aabbihiis oo ku shaqeeya bishii dhaqaale aan dabooli karin baahida reerka oo ah $170 oo ka soo gasha Hoteel uu waardiye ka yahay.

Xuseen ayaa ah arday habeenkii dhigta waxbarashada aan nidaamiga ahayn (Non-formal education), maadaama uu shaqeeyo maalinkii.

“Habeenkii waxaan bartaa English-ka. acagta aan maalintii shaqada ka helo, qayb ayaan private-ka is kaga bixiyaa, qaybna family-ga ayaan siiyaa. Familigayga waa danyar, sidaas darteed ayaan badda uga shaqa billaabay si aan u maareeyo nolosha.”

Shaqada kalluumeysiga ayuu billaabay bishii April ee sanadkii hore.

Waxaa ku dhiiri galiyay dhallinyaro saaxibadiis ah oo uga horeeyay, kuwaas oo ka caawiyay inuu barto habka loo kalluumeysto.

Wuxuu adeegsadaa shabaag yar oo uu badda ku tuurto. Ma yaqaan si loogu dabaasho biyaha uu maalin kasta qarka u fadhiyo ama uu gudaha u galo illaa xaddi aan liqi karin.

Wuxuu sheegay inuu aad uga baqo qatarta badda oo uusan aqoon xeelad looga badbaado.

“Mararka qaar hirka oo kacsan ayaan isku dayaa inaan kalluun kala soo baxo badda, anigana dabaal ma aqaan. Inaan badda isku tuuro waan ka cabsanayaa, kalluun bandanna wuu ii muuqdaa.

“Haddaan dabaal aqoon lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kalluumeysatada waa weyn ee wax badan kala soo baxa badda.”

Xuseen ayaa xusay in dakhliga soo gala uu ka keydsaday dhaqaale gaaraya $70 oo ugu talo galay inuu ku dabaro culeysyada soo kordha, maadaama qoysku badan yahay oo uu ka kooban yahay 11 qof.

Wuxuu intaas ku daray in shaqadan ay tahay tii ugu horeysay oo uu ka shaqeeyo, uuna ka helay dhiiri galin, maaddama uu markii hore ahaa qof waalidkiis culeys ku ah oo aan is dabari karin, halka maanta uu yahay qof tiisa ku filan oo waalidkiis iyo walaalihiis caawinaya.

Dhallinyaradan ayaa tiro ahaan gaaraya in ka badan boqol qof, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Maxamed Cabdiweli Muuse oo ka tirsan iskaashato kalluunka ka ganacsada oo dhallinyaradan ka qaata waxay soo saaraan badda.

Wuxuu xusay in dhallinyaradan ay ka go’an tahay inay badalaan noloshooda, balse ay wajahayaan caqabado agab la’aan ah, taas oo ay u baahan yihiin in laga taageero si ay u kor dhiyaan wax soo saarkooda.

“Mudnaan ayaan siinaa dhallinyarada, sababtoo ah iyagoo aan laheyn xirfad badeed ayay ku dhiiradeen inay badda wax ka soo saartaan. Waxaan ka taxadarnaa inay la kulmaan suuq la’aan oo ay waayaan cid ka gadata kalluunka ay la soo baxaan.

“Waxaan ka iibsanaa kalluun kasta oo ay soo qabtaan. Halkii kiilo waxaan ka siinaa $1-$1.5, iyadoo ay ku xiran tahay nooca kalluunka iyo tayada.”

Dhallinyaro badan oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa wajahaya shaqo la’aan. Waa tiro yar inta heshay shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda ama ay iskaga bixiyaan waxbarashada.

The post Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
(ERGO) – Beeraley ku howlanaa goosashada dalagyo ay beerteen bilihii Maarso iyo Abriil ayaa colaad qabiil uga barakacay deegaanada Weelgaduude, Yaaqle iyo Daawudow oo hoostaga magaalada Baydhabo.

Xeryo aysan ku haysan hoy, cunto iyo biyo ayay dantu ku qasabtay inay maciin bidaan. Beerihii ay filayeen inay uga soo kabtaan xilliyo adag oo aysan waxba tacban ayaa noqday kuwo lagu fasaxay xoolo.

Qaar kale oo xaaladaas ka badbaaday ayaysan dadku ka faa’ideysan karin, colaadda qabiilka oo wali taagan deegaannadooda awgeed.

Maamulka xeryaha Faanoole iyo Afar-waab dhoobey ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay soo gaareen 180 qoys oo hadda ku sugan xaalad hubanti la’aan ah.

Aadan Ibraahim Nuur oo ku barakacay xerada Faanoole ee duleedka Baydhabo ayaa sheegay inaysan haysan waxay dabka ku shitaan.

Waxa kaliya ee ay heli karaan ayaa ah raashiin bisil oo aan baahi tiri karin oo ay u keenaan dadka xerada kula nool.

“Waxan carruurta aan siiyo ayaa iigu daran, inta dagaalka uusan dhicin nolosheenna way fiicneyd. Markii degaalka uu dhacay gaajo ayaan daris noqonay aniga iyo carruurta dhamaantooda.”

Aadan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa xusay in dagaalku qabsaday xilli uu ku howlanaa gurista dalagyo u soo go’ay oo kala ah masago, digir iyo khudaar.

Wuxuu sheegay in reerku ku tiirsanaa dalagyadaas oo hadba qeyb ay guranayeen, isagoo ku fakarayay inuu keydsado raashiin badan si xilliyada adag ee jiilaalka iyo abaaraha oo beeruhu aysan wax soo saar laheyn ay isticmaalaan.

Wax ka duwan filashadiisii ayaa dhacay shantii bishan, markii si lama filaan ah uu ku qarxay dagaal qabiil oo ka dhashay isku qabsiga dhul daaqsimeed.

Beertii rajada u aheyd ayuu tilmaamay in si ku talo gal ah loogu fasaxay xoolo daaqa. Waa shan hektar oo uu aaminay in dalagga uga baxay uu uga badbaaday musiibooyin ragaadiyay oo ahaa roob yari iyo cayayaan.

Xaaladdaas waxaa u raacday dhibaato xasilooni darro.

“Dameer xaafadda ii joogey oo gaadiid ahaa naftirkiisa xabad wiifto ah ayaa ku dhacday oo u dhintay. Beerta badar fiican ayaa noogu yaaley, badarkii waa laga soo kala orday, meeshii xoolo ayaa daaqay, sida ay tahay xitaa lama sheegi karo inay wax ka hareen iyo in kale.”

Aadan oo 38 jir ah ayaa tilmaamay in gaajada ay wajahayaan ay u dheertahay in laga sugayo bixinta $300 oo ah deyn uu ku qarash gareeyay beerta.

Wuxuu intaas ku daray in afar carruur ah ay ka xanuunsan yihiin muddo toddobaad ah, islamarkaana woodin inuu geeyo goobaha caafimaadka ee lacagta ah.

Xerada ayuu sheegay inaysan ku haysan hu’ iyo hoy ka xajiya qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii.

Wuxuu tilmaamay inay u sii dheertahay warwar dhanka ammaanka ah, maadaama dhaca tuugada iyo hadal heyntoodu ay tahay xaalad mar kasta taagan.

Xeradan oo ay u soo lugeynayeen muddo 6 saac ah ayuu sheegay in nolosheedu adag tahay oo aysan ka jirin wax adeegyo bulsho ah, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Carruurtiisa oo baran jiray Qur’aanka ayuu xusay inuu u waayay Dugsi uu geeyo. Helitaanka biyaha ayaa ah mid adag.

Wuxuu tilmaamay in caagado dushooda ay ku qaadan uga soo dhaansadaan ceel biyood bilaash ah oo u jira masaafo loo lugeeyo soddon daqiiqo.

Dagaalka qabiilka ayaa ah mid sababay dhimasho iyo dhaawac. Xal lagama gaarin wali, taasina waa mid uga sii dareysa nolosha qoysaska soo barakacay oo aan u adkeysan karin cunto yarida iyo dhaqaale la’aanta ay colaaddu biday.

Ekow Isxaaq Maxamed oo ka mid ah dadka uu saameeyay ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in deegaanka Qoriile ay uga soo carartay raashiin u keydsanaa oo ahaa boqol kiilo oo ah masago iyo galley, hoygii ay degganaayeen iyo agabkii yiilay.

Waxay sheegtay in raashiinka u keydsanaa oo iskugu jiray mesego iyo digir uga baxayay beerteeda oo 4 hektar ah oo ay guran laheyd bishan ay ahaayeen waxa kaliya ee noloshoodu ku tiirsaneyd.

Xerada ay tagtay oo lagu magacaabo Afar-waab dhoobey oo ku taalla magaalada Baydhabo ayay sheegtay in ay ka dawarsato, xaaladdaas hoy xumo ayaa u wehlisa.

“Jiifka aad iyo aad ayuu u xun yahay, qof derin isiiyay iyo jeex yar aan hore u soo qaatay oo aan la soo orday, qof dhabarkiisa wax ku soo qaaday oo gaari aan ku soo guurin oo silac ku yimi ayaan nahay. Dhulka caadiga ayaan seexanaa oo derinta dhiganaa, wax joodari ah mahaysano.”

Ekow ayaa xustay in 11 carruur ah oo ay dhashay aysan jirin hooyo iyo aabbo u shaqo taga, maadaama aysan helin wax u badala beertii isha dhaqaale u aheyd.

Waa 45 jir, seygeedu yahahay waayeel aan xamaal tagi karin, kana soo fogaaday deegaankii ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano, sida ay xustay.

Waxay intaas ku dartay in helitaanka cuntada oo kaliya aysan ku adkeyn oo biyuhuna ay yihiin kuwo lacag ah oo u jira masaafo dhan 2 km.

Waxay xustay in aysan gadan karin. Waxay dantu ku qasabtaa inay weydiisato 20 liitar oo ay cabaan maalinkii ama cuntada ay ku karsadaan kuwa awooda inay soo gataan.

Halkan oo ay labo maalin u soo socdeen ayay sheegtay in tan iyo horraantii bishan ay ku wajahayaan caqabad aysan laheyn tabar ay ku maareyso.

“Barakac dhibato badan ayaa na galay. Aniga, carruurteyda iyo aabbahooda intan cararnay ayaa qoysas xoolo dhaqato ah megan ugu tagnay, labo maalin camal ku soo silacnay anagoo gagabaneyna, anagoo rafaadan ayaa Baydhabo sidaas ku soo gaarney.”

Nolol xumada iyo qasaaraha dhaqaale ee gaaray waxaa u dheer waxbarasho la’aanta carruurteeda iyo in laga sugayo bixinta $500 oo ay sheegtay inay tahay deyn ay galisay beerta oo ah abuur, falid, buufin iyo shaqaale.

“Carruurteyda dugsi ayey dhiganayeen, shan ayaa dugsi ii dhiganeysay. dugsi iska dhaafe hadda ayagaaba qalqal maskaceed ka soo qaaday degaalka oo in dhahooda taagan yihiin oo gidaarada deriska aan la fadhiyaa.”

Maxamed Ibraahim Maxamed oo ah guddoomiyaha xeryaha Faanoole iyo Afar-waab dhoobey ayaa sheegay in qoysaska cusub ee yimid xerada ay ku sugan yihiin xaalad aad u liita.

Wuxuu sheegay in ay soo dul dageen dadkii xerada horray u joogay oo noloshooda maareyn la’aa.

Wuxuu tilmaamay in qoysaskan ay si joogto ah u soo gaarayaan xeryaha ayagoo ah dad faro maran oo aan dabari karin noloshooda maalin laha ah.

“Dadka xaaladooda wey culus tahay wax aan u hayno malahan guri mahaystaan, biyo malahan xerada, baad kale mahaystaan. Dadkan illaa afar maalin ayay kala yimaadeen.”

“Maamulka iyo hay’adaha samafalka waxaan ka codsaneynaa dadkan iney soo caawiyaan wixii tabar tooda ah inay ka caawiyaan.”

Xeryahan ay dadku soo maciin bidiyaan ayuu tilmaamay inay horey ugu noolaayeen 350 qoys oo sanooyin ay joogaan aysan jirin hay’ado ama dowlado ka caawiyay adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Isku dhacyada hubeysan oo soo noqnoqday waa caqabad aan wali xal loo helin, ayna dhibane u noqdeen kummanaan qoys oo noloshoodu burburtay.

The post Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo ah beeraleyda tuulada Baar-sanguuni ayaa wajahaya xaalad cunno xumo tan iyo bishii Juun ee sanadkan, markii dalag u saarnaa beerahooda ay ka qaadday fatahaadda webiga Jubba.

Waxay si lama filaan ah u la kulmeen biyaha webiga iyaga oo ku foogan guridda dalagga. Faysal Daahir Muuse oo leh beer 5 hiktar ah ayaa ka mid ah. Qoyskiisa oo 12 ah ayaa la dhibaatoonaya cunno yari.

Wuxuu ku qasbanaaday in webiga uu ka jillaabto kalluun qabashadiisa uusan xirfad u lahayn. 48 saacba mar ayuu sheegay in uu helo hal xabbo oo qoyskiisa uu dabka u saaro, marar qaarna uu ku hungoobo.

Wuxuu xusay in uusan haysan qalab uu ku soo dabto, caqabado badana uu ku qabo qabashadiisa. Wuxuu rajo xumo ka muujiyay hubanti la’aanta cunno ee haysa qoyskiisa oo aan haysan il-dhaqaale.

“Malayga markaad soo wayso Lulubo ayaad raadinaysaa. Labadaas middaad soo hesho ilmahaa lagu maareeyaa. Wax kale oo loo helayo malahan. Hal waqti weeye meel kale oo aad u dhaafayso ma jirto.”

“Haddii la waayo ilmaha Caleen baa loo karinaa. Caleentaas bay cabayaan. Shaax xitaa maahan. Caleenta oo qaraar ah ayaa la siiyaa.”

Wuxuu tilmaamay in uusan ku sii tiirsanaan karin kalluunka uu ka jillaabto webiga, kaas oo la wayn karo haddii heerka biyaha webiga uu hoos u dhaco, maaddama uusan haysan agab uu ku galo webiga.

Qoysaska ku nool deegaankiisa oo beeraley ah ayuu xusay in ay isku duruuf yihiin haddii ay is caawin lahaayeen, taas oo xaaladda ku sii adkaysay qoyskiisa iyo kuwa la midka ah oo kaalmo kale aan haysan.

In ka badan 300 oo geed oo moos ah ayay biyuhu ka jareen, halka ay qaadeen dalag u badnaa galley, digir, sisin iyo noocyo kala duwan oo khudaar ah, kuwaas oo bishii Abriil ee sanadkan oo uu dayn ku helay abuurkooda.

Wuxuu qorshaynayay in uu iskaga gudo $2,000 oo qayb ka ahayd lacagtii uu galiyay beertiisa, taas oo uu ku bixiyay falidda, abuurka iyo shaqaalaha beerta oo 3 ah, kuwaas oo shaqo la’aan noqday.

Hase ahaate, beddekeed wuxuu la kulmay qasaare uu ka soo kaban la’yahay. Biyaha galay beertiisa waxaa fududeeyay kanaallo fatahaad horay u dhacday ay furtay, kuwaas dhulka la simay beertiisa.

“Fatahaadda aad ayey noo halaagtay. Faraha qaar fataahaddii hore ee waynayd (2023) ayaa toddobbo far jaray. Toddobada far waxaa ugu daran 4 far oo biyo yar haddii ay yimaadaan beeraha ayay shab soo siinayaan. Farahaas awood aan iskaga xirno mahayno.”

Fatahaadaha ku soo laalaabta deegaankiisa ayuu sheegay in nolosha qoyskiisa ay cuuryaamiyeen. Dabayaaqadii sanadkii 2023 waxay ka dumiyeen guri ka koobnaa 4 qol oo hoy u ahaa.

Wuxuu awood u waayay dib u dhiska guriga, waxaana dhulkii uu ku yaallay uu ka dhistay aqal cooshad ah oo gabaad u noqda, balse fatahaaddii u danbeysay ayaa dumisay, inkasta oo uu dib u yagleelay.

Beeraleyda Baar-sanguuni waxay cabayanaan kanaallo waawayn oo beerahooda ku xira webiga. Waxay nugulyihiin beerahooda fatahaadda oo dhacda xilli kasta oo webigu uu biyo keeno.

Kanaallada waxaa la sameeyay xilligii dowladdii dhexe ee dalka, balse dayac ku yimid burburkii dalka kadib, waxay isku beddeleen halka saldhigga u ah qasaaraha gaara beeraha tuulada Baar-sanguuni.

Timiro Cabdullaahi Maxamed oo 70 jir ah waa waayo arag u soo joogtay isbeddeladii ku yimid kanaalladan, kuwaas oo beeraleydii hore ay ku tiirsanaayeen waraabkooda.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in hadda ay noqdeen musiibo sida joogta ah u burburisa beeraha iyo guryaha, taas oo awood dowladeed oo xakamaysa aysan jirin.

Nolosheeda oo dhan waxay ku qaadatay beero falashada. Hadda se waxay quus ka joogtaa ku tiirsanaanta beerta. Waxay xustay in sanad walba mar ama labo uu ku fataho webiga Jubba.

Arrinta waxay ku qasabtay in ay hoos u dhigto dhaqaalihii badnaa ee ay galin jirtay beerta si ay uga fogaato qasaare wayn oo soo gaaray. Fathaaddii u danbeeyay waxay saamaysay bishii hore.

“Beerta $150 ayaa iga gashay. Waxii kale walaal ayaan tuugay. Waa la iigu kaalmeeyay. Waxaa la igu caawiyey xoog. Dhalinyaro ayaan tuugtuugay way ii imaadeen. Beerta qashin bay lahayd. Way iga qaadeen.”

“Waxna lacagtii aan gashaday bay ahayd, waxna iyaga (dhallinyarada) igu kaalmeeyay. Hadda waxba gacan kuma hayo. Dalaggii wuu iga go’ay. Waan iska fadhiyaa.”

Beerteeda oo 2 hiktar ah waxaa ku beernaa dalag iskugu jira raashin iyo khudaar, kuwaas oo u badnaa kuwa ku baxa dhowrka bil, sida qaraha, digirta, galleyda, basbaaska, banbanooniga iyo qaar kale.

Dalagga ka qaasaray wuxuu ka hor istaagay raashin dayn ah oo ay dukaamada uga qaadi jirtay qoyskeeda oo shan qof ah, maaddama dalaggii ay ku tashanaysay si ay daynta u gudo uu qasaray.

Waxay dantu bidday in ay ka jillaabato webiga, halkaas oo ay kala soo baxdo kalluun aan joogto ahayn. Waxay xustay ay fariisto webiga jiinkiisa iyadoo sugta kalluunka u soo baxay qararka webiga.

“Maalintii oo dhan ayaan biyaha ku jirnaa annaga oo raadinaynayna malaay ama Dhoomaal. Hadii aad hesho nasiibkaa haddii aad waydo nasiibkaa. Waxii aan soo helno Dhoomaalkii xoogaa ayaa laga cunaa, waxana waa la reebanaa.”

Fatahaadda waxay sidoo kale ku waysay guri saddex qol ka koobnaa oo ku agyaallay beerteeda. Qoyskeeda waxaa hoy u ah geedaha hoostooda inkastoo dhibaato ay ku hayso biyo baxada.

Guddoomiyaha deegaanka Baar-sanguuni Maslax Cali Saalax ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaadda joogtada noqotay ay niyad jabisay beeraleyda ku tiirsanaa dalagga ay tacbadaan.

Wuxuu tilmaamay in wax ka qabashada kanaallada biyaha ku sii daayay beeraha ay awooddooda ka wayn tahay, isla markaana Jubbaland ay la wadaageen howlaha hortabinta leh ee lagu xiro karo.

Wuxuu intaas ku daray wajiga koobaad ee xiridda kanaallada ay ku qiimeeyeen lacagta ku bixi karta $3500 iyo qalab gaar ah oo loo adeegsado duugista faraha biyaha soo daaya xilliga roobka.

Wuxuu xusay in beeraleyda qaar ay ka tageen beerahooda si ay u samaystaan ilo kale oo dhaqaale, maaddama ay ka soo kaban waayeen fatahaadda joogtada ah.

“Qoysas badan waxaa ay go’aansadeen in ay ka tagaan beerahooda oo ay galaan magaalooyinka waawayn oo ay meelaha ka xamaashan, maaddama fatahada soo noq noqday la maarayn waayey oo beeraha tacabka ay galiyaanba ay ka baabi’inaysa. Waxay goosteen in magaalooyinka galaan iska xamaashan oo gaadhi gacankooda iska qaatan.”

Beeraley badan ayaa aaminsan in haddii ay helaan gacan ka taageerta xiridda kanaallada ay soo maraan biyaha ku fataha in ay ka soo kaban karaan caqabadaha dib u dhigay, kuwaas oo u nugleeyay duruufta.

The post Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo
(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari, hoy la’aan iyo adeeg caafimaad oo aan jirin ayay wajahayaan ku dhawaad 200 oo qoys oo tan iyo bishii June gaaray xerada Siinka-dheer ee degmada Garasbaalley.

Colaad qabiil ayay uga soo barakaceen deegaanka Jalalaqsi oo qiyaaastii 60 km waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Qaarkood waxay dulsaar ku yihiin reero uga soo horeeyay, halka kuwo kalena ay isla cariirsadaan aqallo ka samaysan baco, maryo iyo geedo la isku geeyay oo lagu caawiyay oo aan deeqin.

Sahra Xasan Aadan ayaa sheegtay inay ka maqan yihiin dhamaan adeegyada aas-aasiga ah oo biyaha iyo cunnadu ay ugu horeeyaan. Dadkii ay meesha ugu yimaadeen ayay la wadaagaan waxa yar ee ay helaan.

“Hal mar ayaa si dhiba loogu kariyaa carruurta ama waa waynaa. Cunnada iyo biyaha sida aan ku helnaa waa adag tahay. Dad soo qaxay oo dhulkoodii ka yimid ayaa nahay. Meel biyo la’aan ah ayaan nimid, hal jirigaan ayaa lana siiyaa martina waa nahay.”

Carruurteeda oo kan ugu yar hal sano jiro ayaa ayay sheegtay in ay biyo ku aamusiyo marka ay ooyaan, maaddaama aysan wax kale u helayn, taas oo murug iyo niyad jab ku abuurta.

Waxay joogto u raadisaa shaqooyin nadaafad ah si ay cunno ugu hesho, balse waxba ma helin. Saddex carruurteeda ah ayay tan iyo 19 June ku aragtay shuban iyo qandho badan.

Xeradu ma lahan xarun caafimaad umana awoodo qarash ay isbitaal ku gayso. Joogto uma helaan biyaha iyo musqulo ku filan, taas oo ku sababtay inay xanuunsadaan.

“Meeshan waxaa nagu haysato nadaafad xumo, carruurtii waxaa ku dhacay cudurro aysan horay u qabin. Xaaladooda ayaa noogu culus. Gaajada ayaa uga sii daraysa, silic ayaan ku jirnaa. Jirrada ilmaha ayaa walwal kale ah.”

Barakacan oo ku cusub ayay la qabsan la’yihiin carruurteeda oo 7 ah oo uu ugu weyn yahay 16 jir. Maarayntooda ayay kali ku tahay, maaddaama saygeedii uu jiro deegaankii ay ka yimaadeen. Waxay uga soo tageen 9 neef oo ari ah oo xoolo ay ka leeyihiin.

Waxau xustay in arigooda oo ku dhawaad boqol neef intii badnayd ay ku dhinteen diraacdii hore iyo roob mahiigaan ah oo tuulada ka da’ay dhamaadkii bishii May.

Waxay soo barakaceen, markii kufsi iyo jir dil loo gaystay gabadheeda oo 15 jir ah horraantii June. Saddex nin ayay sheegtay inay farxumeeyeen xilli ay bannaanka xaabo uga diratay.

“Gabadh ayaa kufsi wadareed nalooga gaystay. Arinta inanta si weyn ayay noo saamaysay, iyadana qalbi ahaan iyo jir ahaanba waa u saamaysay.

Waxaa laga gubay beer 2 hektar ah oo abuur cusub ugu jiray, aqal Soomaali ay duleedka tuulada ku lahaayeen iyo agabkii u yaallay, sida gogoshii, maacuunkii iyo raashinkii. Dagaalka dad ugama dhiman balse waxay xustay inay ku dhaawacmeen labo wiil oo ay eedo u tahay.

Safar qaatay 3 maalin oo lug ah ayay ku soo gaareen magaalada Muqdisho, markii ay waayeen nooliga gaariga. Roobab da’ay ayaa waddada dhiiqo ka dhigay, taas oo socodka adkaysay. Waxay tilmaamtay in ay colaada ka hor ku jireen nolol middaan u dhaantay.

Dhanka kale, Hodan Cabdi Cali oo qoyskeeda oo lix ah ay yimaadeen 22 June ayaa sheegtay in colaada iyo barakacu ka saameeyay dhankasta. Waxay carruurteeda la soo raadsatay amni, balse waxay u la’dahay cunno, biyo iyo hoy ay gabaadsadaan.

“Labo mar oo isku xigta dabka lama heli karo, halkii mar ayaa nagu adag oo aan joogto ahayn. Wallaahi waxaan ku jirnaa xaalad aan laga sheekayn karin. Cid aan waxba nagu dhaamin ayaan dulsaar ku nahay, ilmo ayaan wadanaa wax nagu filana ma helno.”

Hodan ayaa sheegtay in 20 liitar oo biyo ah uu maalinkii ku caawiyo guddoomiyaha xerada oo aan wax kale u awoodin. Way dhaqaalaystaan si ay maalinka xiga ugu gaaraan. Labo qol oo jiingad ah iyo agabkii u yaallay ayaysan waxba ka soo qaadan.

Waxay hal buush oo cariiri ah la wadaagaan qoys ay qaraabo yihiin oo uga soo horeeyay xerada. Gaari ehelkeeda ka bixiyeen qarashkiisa ayay xustay inay carruurta ku keentay Muqdisho. Ninkeeda wuxuu ku haray deegaankii,sababo amni dartood ayuu jidka u soo mari waayay.

Hodan ayaa sheegtay inaysan lahayn xirfad ay ku shaqaysato. Waxaay tilmaamtay inay raadisay shaqooyin nadaafad ah, balse aysan waxba helin. Deegaankoodii nolol wanaagsan ayay ku haysteen oo dhaqashada xoolaha iyo beeraha ku tiirsanayd, balse colaada ayay waxkasta ku waayeen.

“Cabsida ugu weyn ee na keentay waa haweenka iyo gabadha oo la kufsanayay. Nafteena kali ah ayaan la soo baxsanay, maba laga gaarin waqti wax la soo qaato. Markii hore xaaladeena waa iska fiicnayd, balse nabadgalyo la’aanta ayay hantideenii ku burburtay.”

Hodan ayaa xustay inaysan haysan gogol fiican. Hal sijaayad oo ay dariska ka heleen ayay dhigtaan. Markii ay deegaankoodii joogeen dalaga beeraha iyo nacfiga xoolaha ayay ku noolaayeen. Waxay sheegtay inay u adkaysan la’ yihiin culaysyada haysta.

Saddex carruurteeda ah oo dugsi quraan u dhigan jiray ayaa colaada uga waxbarasho beelay. Waxay ka bixin jirtay min $4, balse hadda waxba uma heli karta oo quud-maalmeedkoodii ayay u la’dahay.

Dhanka kale guddoomiyaha xerada Siinka Dheer oo qoysaskaan ay soo maciinsadeen Axmed Xuseen Maxamuud ayaa Raadiyaha Ergo sheegay in dadka cusub ay soo dul dageen kuwii hore oo la halgamayay daruufo nololeed.

Wuxuu sheegay inay u dhex galeen dadka oo ay uga soo aruuriyaan raashin bisil si ay hal mar u cunaan. Wuxuu xusay inay yihiin dad nugul oo caawin u baahan.

“Dadkaan waxaa haysta caqabado badan, ma haystaan nolol-maalmeedkii. Qofku cunno la’aan ma noolaan karo. Waxay isugu jiraan ilmo yaryar, umulo iyo dad xanuunsan. Hoy, raashin iyo caafimaad la’aan waaye. Meeshaan adeeg caafimaad iyo waxbarasho midna ma leh.”

Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyay xaaladda qoysaskan haddii aysan helin gargaar degdeg ah. Wuxuu hay’adaha samafalka, maamulkaa gobolka iyo dowlada dhexe ka codsaday inay kaalmo la soo gaaraan.

Colaadaha ku soo lalaabanaya qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ku soo kordhay dhacdooyin cusub.

Maleeshiyaadka qabiilka ee dagaalamaya waxay dab qabadsiiyeen guryo, beero iyo hanti kale sannadihii ugu danbeeyay, taas oo dad badan u horseeday xaalad soo kabsan-waa ah.

The post Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay
(ERGO) – Faarax Cali Kalayr wuxuu ku wajahayaa Baladwayne dhul iyo hoy la’aan tan iyo bishan July, markii laga saaray sanadkan xeradii labaad, taas oo saamayn nolol xumo ku yeelatay qoyskiisa oo barakac ah.

Wuxuu ka mid yahay boqollaal danyar iyo barakac iskugu jira, kuwaas oo maaro u waayay deegaan la’aanta ku haysa magaalada. Dadka leh dhulka laga raray ayaa amray in ay guuraan si ay u iibsadaan.

Faarax ayaa si kumeel-gaar ah u dagay xerada Kaxare oo ku taalla duleedka Baladwayne. Waxaa hoy u ah geed hoostiis oo dusha maryo uu ka saarray, halkaas oo cunno xumo iyo biyo yari ay ku hayso.

Wuxuu sheegay in xerada aysan lahayn il-biyood, taas oo ku qasabta in ay magaalada oo ka durugsan ay dusha uga soo arooraan. Xaaladda qoyskiisa ayuu ka cabsi qabaa in ay ka sii darto bisha Ogoosto.

Wuxuu sheegay in dhulka ay ku taallo xeradiisa cusub dadka daggan ay heleen war-galin ay uga guurayaan bil gudaheed. Geedigii tobnaad ayuu isku diyaarinayaa tan iyo markii barakac uu noqday.

“Sagaal goobood oo dagnay ayaa nalaga barakiciyay. Kow meeshii aan ku aas-aasnay waxaa ay aheeyd Buulo Xuubey. Nin ayaa dhul nasiiyay. Dhulkii markii aan sanad Joognay oo musqulo nalooga dhisay oo hay’aduhu ay nagu barteen wuxuu na yiri hulkeyga waa u baahanahay ama iga guura ama iga kireeysta. Waan ka soo guurnay.

“Midda kale laamigaas wadda Heli-kilmo ayaan dagnay. Qolo hay’addo ah ayaa guryo noo dhisay, maacuuna way nasiiyeen, haddana waa nalaga soo raray. Meeshii sagaal oo hadda aan daganahay bil baa noo dhiman.”

Wuxuu tilmaamay in xeradii hore ee laga barakaciyay uu ku haystay qoyskiisa hoy, biyo galin iyo waxbarasho. Waxaa iskuulka u dhiganayay 2 gabar iyo 4 wiil, kuwaas duruuftu ay ka reebtay.

Waxay ka soo fogaadeen iskuulkooda, taasi oo keentay in ay socod ku gaari waayaan carruurta oo kan ugu wayn uu jiro 15 sano, kaas oo dhiganayay dugsiga dhexe, halka inta kale ay ku jireen kan hoose.

Ka hor xaaladda barakaca wuxuu Faarax ku filnaa nolosha qoyskiisa. Wuxuu ku dabbari jiray shaqo muruq-maal ah oo maalinle uu u qaban jiray. Waa farsama yaqaan bartay dhismaha guryaha.

Wuxuu maalintii heli jiray lacag celcelis ahaan u dhaxaysa $10 ilaa 15, taas oo uu u qaybin jiray cunnada, biyaha iyo waxbarashada. Hadda se shaqadaas joogto maahan, maaddama uusna haysan macamiil.

“Nolosha qoyskayga aad bay u adagtahay. Waayo baladka baagamuuddo badan baa ka dhacday. Shaqo malahan. Annaga awalba xoogsato baan iska ahayn duudkeena baan iskaga xamaalanaynay.

“Aniga xitaa nolol-maalmeedkayga maanta markan magaalada galo waxaa laga yaabaa si aan u dhextaaganahay $1.5 in aan ka soo helo, noloshaydana aanan waxba uga soo cuni karin, habeenna waan helaa oo ilmaha ayaan dabka u shitaa, habeenna waan soo waayaa. Waan iska seexanaa. Biyahaas cadna waa iska cabnaa.”

Wuxuu xusay in barakicinta lagu hayo ay beddeshay hab-nololeedka qoyskiisa. Wuxuu isku keeni la’yahay shaqo raadinta iyo ilaalinta qoyskiisa oo xilli kasta la kulmi kara barakicinta ku socota.

Wuxuu intaas ku daray in uu ka quustay helidda boos uu dajiyo qoyskiisa, kaas oo laga heli karo xeryaha ku yaalla dhul dadka barakacay ay leeyihiin, maaddama ay la ciirciirayaan dad aad u badan oo ku biiray.

Wuxuu gocanayaa noloshii uu haystay ka hor inta aysan billaaban barakicinta qasabka ah. Ka sokow dhaqaalaha uu ka heli jiray shaqadiisa waxaa u dheerayd taageerada hay’adaha gargaarka.

Xeradii u danbaysay ee laga raray wuxuu ku haysta guri labo qol ah, kaas oo ay u dhistay hay’ad samafal. Sidoo kale wuxuu bilaha qaar uu helayay raashin ama lacag gunno ah oo aan cadad go’an lahayn.

“Musqulo waa nalo dhisay, ceelal baa naloo dhisay, guryana waa nalo dhisay, balse ma calfan. Waayo dhulkii haddii aad adigu leedahay way kaaga dhisnaan karaan, annaguna ma awoodno dhulka in aan gadano. Ceelashii nalo qoday meeshii ayaan uga soo tagnay. Meel noo dhisan oo aan ku wajahanay oo aan isleenahay qofkaas boos idin siiyay malahan.”

Wuxuu tilmaamay in xerada ay dageen aysan ku haysan taageero, isla markaana aysan u diiwaan-gashanayn hay’adaha, taas oo saamayn ku haysa qoyskiisa iyo boqollaal la mid ah.

Faarax wuxuu siddeed sano ka hor ka soo barakacay miyiga deegaanka Mustaxiil, halkaas oo uu ku leeyahay beer 5 hiktar ah. Abaar saamaysay dalagga beerta ayaa soo salkiciyay qoyskiisa.

Dadka ay saamaysay barakicinta waxaa u badan dad nugul oo u badan carruur, haween, waayeel iyo dad naafo ah, kuwaas oo aan haysan cunno ku filan iyo hoy xilli ay ku dul hoorayso dhibicda roobka.

Waxaa ka mid ah Faadumo ibraahin Raaxow oo korinaysaa 8 carruur ah oo ay ka dhinteen wiil iyo gabar ay dhashay. Waxay sheegtay in ay la daalaadhacayso helidda cunno biyo ay ku noolaan lahaayeen.

Waxay ku nool xerada Kaxare, halkaas oo ay tageen billowgii bishan July. Waxay sheegtay in ay hayso hoy la’aan. 48 mar ayay xustay in iyada iyo carruurta ay helaan raashin iyo dhowr liitar oo biyo ah.

Waxaa ku taageera carruurta oo 9 ah dad xerada uga horreeyay, nolol ahaana aan waxbadan dhaamin. Faadumo ayaa xustay nolol xumada haysa iyo hubanti la’aanta deegaan ee haysa ay quus-bideen.

“Hadda waa nalagu soo maqan yahay in nalaga bixiyo ayaa la rabaa, annaguna malihin. Waxaan wax ku gadanana mahaysano. Ilmo rajooyin ah oo gabadhaydu ay dhashay ayaan hayaa, awalna ilmo agoon ah ayaan haystay.”

Nolosha qoyskeeda markii hore wuxuu ku tiirsanaa wiil kabo-caseeye ah, kaas oo nolol-maalmeedka u soo dhicin jiray, balse hadda shaqo la’aan, markii ay ka soo fogaadeen magaalada Baladwayne.

Wuxuu shaqadaas ka heli jiray lacag u dhaxaysa $1 ilaa $2. Sidoo kale waxay heli jireen caawinta dad daris iyo qaraabo lahaa, kuwaas oo kala irdhoobay, markii laga barakiciyay xeradoodii hore.

Faadumo oo 62 jir ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in tabar darro haysa awgeed aysan shaqo tagi karin, sidaas darteedna ay walaac ku haysa badbaadada carruurteeda oo waalid kale haysan.

“Marbaan casho karsanaa oo aanan qado karsanin. Marba si ayaan ku nool nahay. Wax ku joogno meeshan maleh. Ilaahey xaggiis baan ku joognaa maahane. Wax aan wax ku gadano mahaysano.”

Dhul la’aanta ayay xustay in saamaynta ugu daran ay ku hayso, maaddama aysan awood u lahayn iibsashada dhul ay leedahay, taas oo ku qasbaysa in ay dib ugu laabato halkii ay ka soo barakacday.

Sanadkii 2018 ayay ka soo barakcday dagmada Qalaafe oo beer lix hiktar ah ay ku tabcan jirtay. Colaad saamaysay ayaa sababtay in ay u soo wareegto Baladwayne, halkaas oo nolol cusub ay ka billowday.

Kororka qiimaha dhululka Baladwayne ayaa loo sababeeyay barakicinta lagu hayo dadka dantu ay biday xeryaha sida uu sheegay Cabdifitaax Xaashi Cismaan oo ah madaxa xafiis ururka qareennada Tolwaaye.

Wuxuu xusay in dadka soo barakacay aysan helin deegaamayn ama aan la dajin dhul dowladdu ay ku ogtahay, taas oo u nuglaysay dadka iskaleh dhulalka ama xoogga kula wareega milkiyaddiisa.

Wuxuu intaas ku daray in ay billaabeen u dooditaanka dadkan oo hanti kulahaa dhulka laga kiciyay sida guryo iyo ilo biyaha laga helo, kuwaas oo la burburiyay ama lala wareegay.

Wuxuu tilmaamay in ururkooda oo kaliya aysan xal u heli karin ka hortagga barakicinta qasabka ah haddii aysan garab ka helin maamulka iyo maxkamada, si dhibaatada looga yareeyo dadkan.

Wuxuu soo jeediyay in dadka laga saaray gurayoodaha xal degdeg ah loo helo dhibaatada haysata.

“Inta duruufahoodu ka xalismayaan waa in dowladdu meel gaar ah u calaamadayso oo ay ku hayso. Waxyaabaha horumarka ahna halkaas ugu gayso. Sharciga dhulka iyo nidaamkiina iyada oo la marinayo si halkaas aysan u noqon meel qof iska qaato oo xilligii uu doonana uusan ka burburin. Meeshaas dowladda ayaa maamulaysa ama hay’ado dowladdu ku ogtahay oo ku koontarooshay.”

Labadii sano ee u danbeeyay waxaa kordhay tirada dadka hoy la’aanta noqday, markii dowladda Soomaaliya iyo shaqsiyaad ay ka saareen dhulal ay muddo dheer ku noolaayeen dad soo barakacay.

The post Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho
(ERGO) – Wuxuu noqday guri-joog aan wax shaqo qaban tan iyo billowgii sanadkan Xasan Xuseen Noor, kaas oo cunno xumo ay wajahayaan qoyskiisa oo barakac ku ah Gaalkacyo.

Wuxuu ku dabari jiray howl samafal oo si madax-bannaan uu ugu qaban jiray hay’ad gargaar.

Waxaa la mid ah ku dhawaad 100 dhallinyaro, kuwaas oo kala shaqayn jiray dhinaca wacyi-galinta iyo faya-dhowrka hay’ado ay ka mid yihiin CARE, DRC iyo Kuwo kale oo gargaarka gaarsiin jiray kaamamka.

Waxay ka howl-gali jireen xeryaha ay ku nool yihiin iyagoo ku shaqayn jiray mushahar ay si bille ah u heli jireen.

Xasan oo ay ka istaagtay $200 oo ahayd isha dhaqaale ee qoyskiisa wuxuu la daalaadhacaya duruuf nolol xumo oo ka dhalatay xaaladdaas.

Toddobaadkii labo maalin oo ka mid ah ayay helaan cunno 2 waqti ay dabka saartan. Waxaa soo dhicisa xaaskiisa oo shaqo xoogsi ah qabata.

Bishii labaad ee sanadkan ayay ku qasbanaatay in ay ku wareegto gudaha iyo daafaha magaalada si ay u soo aruuriso biraha macdanka ah, kuwaas oo asbuucii labo mar oo ka mid ah ay ka iibsadaan raga biraha tuma.

Waxay ka heshaa lacag aan joogto ahayn oo u dhacaysa $3-5.

Dhaqaalahan oo aan ku filnayn ayaa ku riixay in ay dayn ku kaalmaystaan. Xasan wuxuu gocanayaan shaqadii uu ka helayay mushaharka joogtada ahaa.

“Xaga dab-shidka culay baa ka jiro. $200 ciyaalkayga waa ku filnaa jirtay. Saddexda waqti raashinkooda way ku filnayd. Hadda ma haysano wixii dhan. Rajo ayaa nagu jirta. Hay’ada markay soo laabayo daynta iska mag.”

Wuxuu tilmaamay in muddo Afar sano ah uu qoyskiisu ku tiirsanaa dhaqaalaha ay siinaysay hay’adda DRC oo uu u shaqayanayay.

Wuxuu u qaabilsanaa wacyi-galinta, ilaalinta nadaafadda iyo xog aruurinta la xariirta tacadiyada ka dhaca xeradiisa Samawade 1.

Wuxuu sheegay in uu ahaa adeeg bulsho oo marna uu ka faa’iideysanayay shaqada uu yahay, marna uu ugu shaqaynayay dadkiisa nugul, taas oo hadda meesha ka baxday, markii hay’addu ay fasaxday.

Waxaa lagu war-galiyay in shaqo joojintan ay la xariirto dhaqaale xumo.

Ka hor shaqadan wuxuu ahaa farsamo yaqaan qaabilsanaa dhismaha guryaha, balse fursad tababar oo uu ka helay hay’adda uu u shaqaynayay ayaa siisay in uu si madax-bannaan ugu biiro kooxaha ka howl-galayay xertaha.

Xasan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa dib ugu laabashada xirfaddiisii hore, balse qiimayn uu ku sameeyay uu ogaaday in heliddeedu ay adag tahay xilligan.

“Farsamadii aan ku shaqayn jiray waanba ilaawayba. Macaamiishii aan la shaqaynayey dad kalaa u shaqaynaya. In aan doon doono nambarada aan wacdo mooyee dadkii niman kalaa u shaqeeya. Qof cusub baa magaalada ka noqday.

Hay’ada Ilaahay wax iigu soo dhiibi jiray meelba ma aadin shaqada, shaqadii horana waan iska illaaway oo faryaamo ayaan qandaraas ka qaadanayay. Hadda magaalada iyadaaba iska xiran. Wax laga shaqeeyo malahan.”

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay saamaynta sii wiiqmaysa ee hay’adaha samafalka, kuwaas oo sidoo kale xeradiisa ka bixiya raashin, kaas oo hadda aan joogto ahayn. Wuxuu xusay in mararka qaar la helo, inta badana la waayo. Waa culays kale si guud looga cabanayo.

Duruufaha kale ee haysta Xasan waxaa ka mid ah dayn uu qaadanayay tan bishii Janaayo ee sanadkan oo dadka ku leh ay ku qasbanayaan in uu bixiyo.

Wuxuu sheegay in uusan awoodin lacagtaas oo ah $350 oo raashin uu ku qaatay.

Intaas wuxuu ku daray in sidoo kale lagu leeyahay $120 oo ah lacag ay waxbarashada ku dhiganayeen afar ilmood oo uu dhalay.

Wuxuu xusay in uu ku sii faro adaygayo si aysan waxbarashada iskuulkooda uga harin duruufta haysa awgeed.

Afartan iyo shan xero oo ku yaalla Gaalkacyo ayay ka howl-galayeen dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Xero kasta waxaa ka shaqaynayay 2 qof xirfad u leh iskudubbaridka arrimaha wacy-galinta bulshada, faya-dhowrka iyo qaar kale sida ay inoo sheegeen horjoogayaasha xerayaha.

Xirsi Jaamac Baadi oo ah guddoomiyaha xerada Danwadaag ayaa ka mid ah masuuliyiinta culays soo kordhay ku tilmaamay howlaha samafal ee meesha ka baxaya iyo dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Wuxuu tilmaamay in kaalin wayn ay uga jireen baraarugga bulshada barakaca ah iyo xitaa dhaqaalaha ka soo galayay hay’adaha oo ku dhex-wareegi jiray xeryaha gaar ahaan ganacsiyada ay wax ka iibsanayeen.

Taakuladii gargaar iyo tii wacyi-galin ayuu xusay in ay waayeen dadka xeradiisa iyo kuwa la mid ka ah, taas oo rajadooda nololeed sii adkaysay.

“Dadkaas hoy ma haystaan, caafimaad ma haystaan iyo waxbarasho ma haystaan. Quutul duruurigii cuni lahaayeen ma haystaan. Wax Allaale oo aasaasi ah oo qofka bani’aadamka u baahan yahay bay u baahan yihiin. Raashin hadii nala siiyo waan qaadan lahayd waa na anfacaysaa. Wax aan diidayno ma jirto.”

Sacdiyo Cabdi Axmed oo ah hooyo kaligeed korisa sagaal carruur ah waxay ka soo kaban la’dahay shaqo la’aan ku dhacday. Waxay ahayd xariiriyaha hay’adaha, bulshada iyo maamulka xerada Danwadaag.

Waxay sheegtay in shaqadaasi ay ahayd isha keliya ee dhaqaale ee qoyskeeda ku tiirsana ilaa 2023, isla markaana ay ka dabooli jirtay baahiyaha cunto ee qoyskeeda iyo tan waxbarasho ee carruurteeda.

Waxay ka dayrisay xaaladda qoyskeeda ay ku jireen lixdii bil ee u danbeeyay. 24 ba mar ayay xustay in ay dabka saartaan cunno aan ku filnay. Waxay ka heshaa shaqo xoogsi ah oo aan joogto ahayn.

“Waxaan ku maareeyaa noloshayda inaan shaax kariyo iyo inaan meelo soo xaaqo. Meeshay noloshayda ku jirto ayaan wax ama bariiskayga aan kala soo baxaa, kaamkayaga wax yaala malahan waa xero cayr ah. Aniga oo mar $50 ama $100 isoo dhici jirtay ayaa ugu wacnaa.”

Sacdiyo Waxay Shaaxa ku karisaa gurigeeda iyadoo ka dibna ku wareejisa suuqyada iyo goobaha ganacsiga, Iyadoo koobka shaxaa ay ku iibiso $0.2.

Haweenaydan Waxay xustay in dhowr hay’adood in ay si madax-bannaan ay u la shaqayn jirtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin. Waxay si bille ah ugu heli jirtay lacag cadad ahaan kala duwan.

Waxay ku xirnayd shaqooyinka ay qabato bilaha qaar ayay xustay in ay shaqaysan jirtay $150, taas oo ku filnayd nolol ahaan, balse la’aanteed waxay qoyskeedu galeen xaalado nolol xumo oo isbarkan.

Waxay sheegtay in daymihii ay heli jirtay in hadda ay gabaabi noqdeen sabab la xariirta lacag badan oo lagu yeeshay. $440 ayay ku leeyihiin ganacsato iyo xarumo waxbarasho oo 4 carruur ah u dhigtaan.

“Maalintay iga go’day lacagtaas nolo mugdi ah oo waxaan galay. Dhaqaale daro darteed caruurtayda dugsiga waa ka hareen, Iskuuladiina waa ka hareen.”

Sacdiyo iyo qoyskeeda waxay sanadkii 2018 ka soo barakaceen deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug, markii abaar ay dhaafisay xoolo ay dhaqanayeen oo ahaa ishooda dhaqaale.

Waxay isku martay dhowr xero, balse sadddexdii sano ee u danbeeyay waxay ku nagaatay xerada lagu barakacay ee Danwadaag, halkaas oo ay uga howl-galaysay hay’adaha gargaarka bixiya.

Dadka soo barakacay waa kuwa ugu badan ee saamaynta ay ku yeelatay hoos u dhaca dhaqaale ee ku dhacay hay’ado cunno iyo shaqo abuur siinayay dadka ku jira xeryaha.

The post Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.