Barakacayaasha iyo Qaxootiga Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho
(ERGO) – Wuxuu noqday guri-joog aan wax shaqo qaban tan iyo billowgii sanadkan Xasan Xuseen Noor, kaas oo cunno xumo ay wajahayaan qoyskiisa oo barakac ku ah Gaalkacyo.

Wuxuu ku dabari jiray howl samafal oo si madax-bannaan uu ugu qaban jiray hay’ad gargaar.

Waxaa la mid ah ku dhawaad 100 dhallinyaro, kuwaas oo kala shaqayn jiray dhinaca wacyi-galinta iyo faya-dhowrka hay’ado ay ka mid yihiin CARE, DRC iyo Kuwo kale oo gargaarka gaarsiin jiray kaamamka.

Waxay ka howl-gali jireen xeryaha ay ku nool yihiin iyagoo ku shaqayn jiray mushahar ay si bille ah u heli jireen.

Xasan oo ay ka istaagtay $200 oo ahayd isha dhaqaale ee qoyskiisa wuxuu la daalaadhacaya duruuf nolol xumo oo ka dhalatay xaaladdaas.

Toddobaadkii labo maalin oo ka mid ah ayay helaan cunno 2 waqti ay dabka saartan. Waxaa soo dhicisa xaaskiisa oo shaqo xoogsi ah qabata.

Bishii labaad ee sanadkan ayay ku qasbanaatay in ay ku wareegto gudaha iyo daafaha magaalada si ay u soo aruuriso biraha macdanka ah, kuwaas oo asbuucii labo mar oo ka mid ah ay ka iibsadaan raga biraha tuma.

Waxay ka heshaa lacag aan joogto ahayn oo u dhacaysa $3-5.

Dhaqaalahan oo aan ku filnayn ayaa ku riixay in ay dayn ku kaalmaystaan. Xasan wuxuu gocanayaan shaqadii uu ka helayay mushaharka joogtada ahaa.

“Xaga dab-shidka culay baa ka jiro. $200 ciyaalkayga waa ku filnaa jirtay. Saddexda waqti raashinkooda way ku filnayd. Hadda ma haysano wixii dhan. Rajo ayaa nagu jirta. Hay’ada markay soo laabayo daynta iska mag.”

Wuxuu tilmaamay in muddo Afar sano ah uu qoyskiisu ku tiirsanaa dhaqaalaha ay siinaysay hay’adda DRC oo uu u shaqayanayay.

Wuxuu u qaabilsanaa wacyi-galinta, ilaalinta nadaafadda iyo xog aruurinta la xariirta tacadiyada ka dhaca xeradiisa Samawade 1.

Wuxuu sheegay in uu ahaa adeeg bulsho oo marna uu ka faa’iideysanayay shaqada uu yahay, marna uu ugu shaqaynayay dadkiisa nugul, taas oo hadda meesha ka baxday, markii hay’addu ay fasaxday.

Waxaa lagu war-galiyay in shaqo joojintan ay la xariirto dhaqaale xumo.

Ka hor shaqadan wuxuu ahaa farsamo yaqaan qaabilsanaa dhismaha guryaha, balse fursad tababar oo uu ka helay hay’adda uu u shaqaynayay ayaa siisay in uu si madax-bannaan ugu biiro kooxaha ka howl-galayay xertaha.

Xasan ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa dib ugu laabashada xirfaddiisii hore, balse qiimayn uu ku sameeyay uu ogaaday in heliddeedu ay adag tahay xilligan.

“Farsamadii aan ku shaqayn jiray waanba ilaawayba. Macaamiishii aan la shaqaynayey dad kalaa u shaqaynaya. In aan doon doono nambarada aan wacdo mooyee dadkii niman kalaa u shaqeeya. Qof cusub baa magaalada ka noqday.

Hay’ada Ilaahay wax iigu soo dhiibi jiray meelba ma aadin shaqada, shaqadii horana waan iska illaaway oo faryaamo ayaan qandaraas ka qaadanayay. Hadda magaalada iyadaaba iska xiran. Wax laga shaqeeyo malahan.”

Wuxuu rajo xumo ka muujiyay saamaynta sii wiiqmaysa ee hay’adaha samafalka, kuwaas oo sidoo kale xeradiisa ka bixiya raashin, kaas oo hadda aan joogto ahayn. Wuxuu xusay in mararka qaar la helo, inta badana la waayo. Waa culays kale si guud looga cabanayo.

Duruufaha kale ee haysta Xasan waxaa ka mid ah dayn uu qaadanayay tan bishii Janaayo ee sanadkan oo dadka ku leh ay ku qasbanayaan in uu bixiyo.

Wuxuu sheegay in uusan awoodin lacagtaas oo ah $350 oo raashin uu ku qaatay.

Intaas wuxuu ku daray in sidoo kale lagu leeyahay $120 oo ah lacag ay waxbarashada ku dhiganayeen afar ilmood oo uu dhalay.

Wuxuu xusay in uu ku sii faro adaygayo si aysan waxbarashada iskuulkooda uga harin duruufta haysa awgeed.

Afartan iyo shan xero oo ku yaalla Gaalkacyo ayay ka howl-galayeen dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Xero kasta waxaa ka shaqaynayay 2 qof xirfad u leh iskudubbaridka arrimaha wacy-galinta bulshada, faya-dhowrka iyo qaar kale sida ay inoo sheegeen horjoogayaasha xerayaha.

Xirsi Jaamac Baadi oo ah guddoomiyaha xerada Danwadaag ayaa ka mid ah masuuliyiinta culays soo kordhay ku tilmaamay howlaha samafal ee meesha ka baxaya iyo dhallinyarada shaqo la’aanta noqday.

Wuxuu tilmaamay in kaalin wayn ay uga jireen baraarugga bulshada barakaca ah iyo xitaa dhaqaalaha ka soo galayay hay’adaha oo ku dhex-wareegi jiray xeryaha gaar ahaan ganacsiyada ay wax ka iibsanayeen.

Taakuladii gargaar iyo tii wacyi-galin ayuu xusay in ay waayeen dadka xeradiisa iyo kuwa la mid ka ah, taas oo rajadooda nololeed sii adkaysay.

“Dadkaas hoy ma haystaan, caafimaad ma haystaan iyo waxbarasho ma haystaan. Quutul duruurigii cuni lahaayeen ma haystaan. Wax Allaale oo aasaasi ah oo qofka bani’aadamka u baahan yahay bay u baahan yihiin. Raashin hadii nala siiyo waan qaadan lahayd waa na anfacaysaa. Wax aan diidayno ma jirto.”

Sacdiyo Cabdi Axmed oo ah hooyo kaligeed korisa sagaal carruur ah waxay ka soo kaban la’dahay shaqo la’aan ku dhacday. Waxay ahayd xariiriyaha hay’adaha, bulshada iyo maamulka xerada Danwadaag.

Waxay sheegtay in shaqadaasi ay ahayd isha keliya ee dhaqaale ee qoyskeeda ku tiirsana ilaa 2023, isla markaana ay ka dabooli jirtay baahiyaha cunto ee qoyskeeda iyo tan waxbarasho ee carruurteeda.

Waxay ka dayrisay xaaladda qoyskeeda ay ku jireen lixdii bil ee u danbeeyay. 24 ba mar ayay xustay in ay dabka saartaan cunno aan ku filnay. Waxay ka heshaa shaqo xoogsi ah oo aan joogto ahayn.

“Waxaan ku maareeyaa noloshayda inaan shaax kariyo iyo inaan meelo soo xaaqo. Meeshay noloshayda ku jirto ayaan wax ama bariiskayga aan kala soo baxaa, kaamkayaga wax yaala malahan waa xero cayr ah. Aniga oo mar $50 ama $100 isoo dhici jirtay ayaa ugu wacnaa.”

Sacdiyo Waxay Shaaxa ku karisaa gurigeeda iyadoo ka dibna ku wareejisa suuqyada iyo goobaha ganacsiga, Iyadoo koobka shaxaa ay ku iibiso $0.2.

Haweenaydan Waxay xustay in dhowr hay’adood in ay si madax-bannaan ay u la shaqayn jirtay, kuwaas oo ay ka mid yihiin. Waxay si bille ah ugu heli jirtay lacag cadad ahaan kala duwan.

Waxay ku xirnayd shaqooyinka ay qabato bilaha qaar ayay xustay in ay shaqaysan jirtay $150, taas oo ku filnayd nolol ahaan, balse la’aanteed waxay qoyskeedu galeen xaalado nolol xumo oo isbarkan.

Waxay sheegtay in daymihii ay heli jirtay in hadda ay gabaabi noqdeen sabab la xariirta lacag badan oo lagu yeeshay. $440 ayay ku leeyihiin ganacsato iyo xarumo waxbarasho oo 4 carruur ah u dhigtaan.

“Maalintay iga go’day lacagtaas nolo mugdi ah oo waxaan galay. Dhaqaale daro darteed caruurtayda dugsiga waa ka hareen, Iskuuladiina waa ka hareen.”

Sacdiyo iyo qoyskeeda waxay sanadkii 2018 ka soo barakaceen deegaanka Buursaalax ee gobolka Mudug, markii abaar ay dhaafisay xoolo ay dhaqanayeen oo ahaa ishooda dhaqaale.

Waxay isku martay dhowr xero, balse sadddexdii sano ee u danbeeyay waxay ku nagaatay xerada lagu barakacay ee Danwadaag, halkaas oo ay uga howl-galaysay hay’adaha gargaarka bixiya.

Dadka soo barakacay waa kuwa ugu badan ee saamaynta ay ku yeelatay hoos u dhaca dhaqaale ee ku dhacay hay’ado cunno iyo shaqo abuur siinayay dadka ku jira xeryaha.

The post Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar
(ERGO) – Boqollaal rag ah oo shaqadoodu ahayd qodidda godadka gaagaaban ee qashinka lagu uruuriyo oo ay maalinle uga heli jireen $5-10 ayaa la’ waxay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Waxaa saameeyay amar uu maamulka gobolka Banaadir ku joojiyay bishii Febraayo in guri kasta uu hortiisa ka sameysto god qashin. Waxaa arrimaha nadaafadda la wareegay shirkado qashinka ka qaada xaafadaha bishii illaa saddex mar.

Maamulka ayaa tilmaamay in qorshahan uu yahay mid badbaado u ah dadka, maaddaama godadka ay ku dhici karaan waayeelka iyo carruurta, sidoo kalana ay xumeynayaan bilicda iyo nadaafadda magaalada.

Ibraahim Maxamed Fanaay oo ka mid ah ragga uu saameeyay go’aankan, ayaa qoyskiisa 10 qof ah u la wax uu dabka ugu shido, markii amarkan oo uusan muhiim u arkin uu ka dhigay shaqo la’aan.

Wuxuu sheegay in dhaqaale yarida darteed uu ka fursan waayay inuu u dan-sheegto saaxiibadiis ama uu raadiyo dayn ku adag, si reerkiisa uu ugu helo hal waqti oo cunto ah maalinkii.

“Culaysyada na haysta cunno xummada ugu daran. Bariiskii aan dabka saaran lahayn ayaan la’ nahay. Saaka ugu danbaysay cido Alle bari qabo ayaan wax ka cunay aniga.”

“Ilmahana xaaska ayaan ku dhahay dayn u raadi. Cid na biisho malahan. Magaalada wixii aan ka soo helno ayaan ku noolayn, xirfad kale oo aan ku shaqaystana ma lihi.”

Ninkan oo 43 jir ah ayaa xusay in maalin kasta uu magaalada u kallaho isagoo raadinaya shaqo xamaal ah, hasa ahaatee uu dib guriga ugu soo laabto isagoo waxba soo helin.

Waxaa sidoo kale ka waxbarasho beelay Maarso afar carruur ah oo dhiganayay iskuul hoose iyo dhexe, markii uu awoodi waayay inuu bixiyo lacagta oo bishii ah $20.

“Shaqo la’aan ayaan noqonay. Dadkii aan u shaqayn jirnay waxay noo sheegeen in ay naga maarmeen. Bannaanka ayaan ku soo dhacay. Maanta waxbo uma awoodo qoyskayga.”

“Haddii xaalku sidaan sii ahaado meel aan u cararo ma naqaano, gaajo inaan iskugu dul-dhamaano ayay gaari doonta.”

Ninkan ayaa ah danyar ku nool xerada Sahan ee degmada Dayniile. Wuxuu tilmaamay inuusan gadan karin biyaha oo labaatankii liitar la gadayo $0.15 cent.

Waxbarashada, cuntada iyo biyaha oo hadda maareynteedu ku adag tahay ayuu sheegay inuu ka dabari jiray dhaqaale gaaraya $5 illaa $7 oo maalinkii ka soo gali jiray qodista godadka qashinka.

Wuxuu intaas ku daray in lagu leeyahay deyn $150 oo bilaha uu shaqo la’aanta yahay uu reerka ugu soo qaaday raashiin. Waxaa loo diiday inuu mid kale qaato.

Ibraahim ayaa ahaa beeraley soo maciin biday barakacnimada bishiii November 2025, markii uu colaad iyo roob yari tacab la’aan dhigtay uga soo barakacay deegaanka Daafeed ee gobolka Shabeellaha hoose. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer uu leeyahay oo saddex hektar ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sanooyinkan waday qorshayaal is bar-bar socda oo ah dhismaha waddooyin laami ah iyo kuwo la saarayo dhagaxa loo yaqaan marmarka (interlock), taas oo keentay in la mamnuuco in dadku ka sameystaan hareeraha waddooyinka ku beegan guryahooda godad iyo bullaacado u gaar ah.

Tani waa caado ay dadku la qabsadeen oo magaalada ka jirtay tan iyo burburkii 1991. Mashruuca dib u nadaaminta nadaafadda Muqdisho waa mid ay ku baxeyso malaayiin Doollar, balse ma gaarsiisna xerada Sahan ee uu ku nool yahay Ibraahim Dhugure Cabdisalaan oo qorshahan dartiis shaqo la’aan u noqday.

Waa aabbaha 11 carruur ah oo qoyskiisa ay ku adag tahay in hal waqti maalinkii ay dabka shitaan. Kaligiis ayuu reerku ku tiirsanaa, wuxuuna ka maareyn jiray qodista godadka qashinka oo uu ka heli jiray $8 illaa $10.

Waa shaqo uu sheegay inuu ku tiirsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay, wax u badalana ma helin. Wuxuu xusay in kedis uu ku noqday go’aanka maamulka, waligiina uusan waxba ka keydsan, maaddaama dhaqaalaha yar ee soo gali jiray uusan ka badneyn nolol maalmeedka.

“Marna waan helnaa marna waan waynaa. Dad reer miyi ah oo ay daruuf magaalada keentay ayaan nahay. Halkii shaqo oo aan nolosha ku maarayn jirnay waa joogsatay oo guri walbo albaabkiisa interlock ayaa la saaray. Dad xoogsado ayaan ahayn xoogeenii hadda wax waa ku waynay.”

Dhanka kale wuxuu xusay in qoyskiisa ay hoy xumo ku hayso xerada ay soo miciin bideen. Baco ay ka samaysteen buushash ay gabbaadsadan markii ay xerada yimaadeen ayuu tilmaamay in ay noqdeen kuwa dhamaad ah uusana hayn dhaqaale uu bac ugu soo iibiyo.

Arrintan darteed wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay bannaan yaal u yihiin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Waxaa culaysyaddan u dheer waxbarasho la’aan soo wajahday shan ka mid carruurtiisa oo dugsi Qur’aan u dhigan jiray, markii uu awoodi waayay $ 2.5 oo laga rabay.

“Dugsi ayaan geeyay markii aan magaalada imaanay. Haddana waa ka bixiyay markii aan u awoodi waayay lacagtii laga rabay. Saddex gabdhood iyo labo wiil ayaa dugsi Qur’aan ii dhigan jiray.

“Hadda dhamaantood guriga ayay ii joogaan. Waligood iskuul lama gayn haddana waxay waayeen tacliintii diiniga ahayd oo ay haysteen.”

Ibraahim oo 45 Jir ah ayaa sheegay in dhammaan noloshiisa uu ku soo qatay deeganka Tabiid oo hoos taga degmada Afgooye oo uu beeraley ku ahaa.

Sanadkii 2023 ayuu ka soo barakacay, markii beer afar hiktar ah oo uu beeran jiray ay saameeyeen duqaymaha dowllada iyo Shabaab.

Wuxuu deggan yahay xero dhulka ay ku taallo ay leeyihiin dad deegaan ah oo markii ay doonaan ka saari kara, sida horay ugu dhacday qoysas badan oo laga barakiciyay meelihii ay degganaayeen.

Maxamed Abukar Cali oo ah guddoomiyaha iskaashatada muruq-maalkan ayaa sheegay in shaqo la’aanta lagu xallin karo abuurista fursado shaqo, taasina aysan gacantooda ku jirin.

“Saamayn xooggan ayay wajahayan xoogstada. Baagamuudo guri jog ah ayay noqdeen. Wax ay qabtaan ayay la’yihiin.

Maamullada degmooyinka ayaa amray inaan godad laga qodin waddooyinka, meelaha qaarna waxaa la saaray interlocks iyo laami. Sidaas ayay shaqo la’aan ku noqdeen xoogsatadii ku tiirsanaa qodista godadka qashinka.”

Guddomiyaha ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo rag ah ay arriintan saamaysay. Baaqyo ay u direen maamullada degmooyinka gobolka Banaadir ayuu xusay in aysan ka helin wax jawaab ah.

The post Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
(Ergo) – Boqollal qoys oo ganacsato yar yar iyo xoola dhaqato is kugu jira ayaa nolol xumo ku wajahaya deegaanka Ari-cadeeye ee gobolka Sool tan iyo billlawgii bishaan.

Waxay colaad qabiil oo ay ku waayeen kaabayaashoodi dhaqaale uga soo barakaceen deegaanka Madax-lagu xoor oo Ari-cadeeye hoostaga.

Waxay sheegen in ay faro marnaan ku yimaadeen si ay waxyeelada dagaalka uga baxsadaan.

Sahra Faaax Cali oo ka mid ah waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in colaada looga gubay mehrad ay ku iibin jirtay cuntooyin bisil iyo bagaash.

Waxay xustay in ay hadda la’dahay wax ay ku dabarto nolosha 8 carruur oo ay ka masruufi jirtay, kuwaas oo kaligeed ku tiirsan.

Waxay xustay in ay noloshoodu ku soo aruurtay wax ay ka helaan dad ay ehel yihiin oo ay dul-saar ku noqdeen, taas oo aan joogta ahayn.

“Hal mar ayaan dabka shidanaa. Markaas xitaa mararka qaar waa wayna oo qatooyo ayaan ku joogna. baahiyaha aan qabnana aad ayay u badan yihiin, maaddama aan nahay dad faro maran oo aan waxbo awoodin.”

Sahro ayaa sheegtay in $300 oo u dhex yaallay mehrada oo ay markii hore ku billawday $100 oo ay dayn ku soo qaadatay ayay xustay inuusan waxbo uga badbadin oo colaada lagu gubay.

Dhinacyadii dagaalamayay oo wada gubay guriyihi iyo ganacsayadii deegaanka ayay sheegtay in keedina uu ka mid noqday.

Waxay xustay in ay meesha ka baxday $6 Illa $10 oo ay joogta uga heli jirtay ganacsigeeda.

Dhaqaalahan oo ay ku maaraynaysay cuntada, biyaha, waxbarashada iyo baahiyaha kale ee carruurteeda ayay tilmamtay in ay hadda ka faro maran tahay.

Haweeynaydan ayaa xustay in xaaladdan ay u dheertahay helitaanka biyaha oo ay ku dhibban yihiin.

Waxay sheegtay in ay awoodi la’ dahay $1 oo jirgaankii ay iibiyaan ceelal gaar loo leeyahay.

Qubeys iyo dhar-dhaqis ayay sheegtay in aysan tabar u hayn oo ay dirqi ku hesho maalinkii 20 liitar oo ay cabaan ama cuntada ku karsadaan,

Waxaa ka caawiya qoyska ay dul-saarka ku noqdeen oo aan waxbadan ku dhaamin.

Qoyskeeda ayaa ah bannaan yaal aan haysan hoy ka xajin kara qoraxda maalinkii iyo qabowga habeenkii.

“Hoy fiican ma lihin. Baco aan dayn ku soo qaadanay iyo ullo aan isku gaynay ayaan dhisanay. Waxaan dhiganay oo aan ku seexana sijaayado ay nagu caawiyeen dadka aan dul saarka ku nahaya. Naguma filna.”

“Carruurta ayaan seexina anaga banaanka ayaan seexana habeenkii, maalikiina geedaha hoostooda ayaan harsanaa.”

Sahra ayaa sheegtay in sidoo kale colaada looga gubay guri ka koobna labo qol oo jiingad ah, barsad, musqul iyo jiko ay ku noolaayeen reerkeeda.

Waxay arrintan ku sababaysa in aysan dib ugu noqon karin deegaankoodi haddii uu amni noqda, maaddama aysan wax hanti ah ku lahayn.

Waxay sidoo kale colaada darteed iskaga soo tageen lix neef oo ari oo ay dhaqan jireen.

Waxay sheegtay in qarkood ay irmaan ahaayeen oo ay carruurta u maali jirtay, balse ay soo wadan waysay maaddaama ay xabad dhacaysay darteed aysan awood u lahayn.

Haweeynaydaan oo 41 jir ayaa xustay in ay ku hungowday raadinta shaqooyin dhar dhaqis ah oo ay deeganka ka raadisay.

Arrintaan ayay xustay in ay rajo xumo ku beertay, aysanna u muuqan xal ay ku heli karto wax ay masruufka carruurta ka soo saarato.

Waxay sheegtay inaysan haysan cid garab u noqota xilligan adag. Ilmaheeda aabbahood ayay xustay in afar sano ka hor uu u dhintay cudur aysan aqoonsan.

Dhanka kale haweenaydaan ayaa xustay in xaaladda barakaca ay uga waxbarasho beelen saddex carruur ah oo u dhigan jiray dugsi Qur’aan, kuwaas oo ay bishii ka dhiibi jirtay $30.

Waxay tilmaamtay in aysan hadda u awoodin in ay waxbarasho ku darto, maaddama ay faro maran tahay.

Waxaa walwalka ku sii kordhinaya dayn lagu yeeshay tan iyo markii ay xaaladdan soo wajahday.

“$300 oo dayn ayaa la igu leeyahay. Gaarigii aan ku soo guurnay iyo bacaha aan guriga ka dhiganay ayay is kugu jiraan. Dhibaato ayay igu haysa dayntaas si aan ku bixiyana ma aqaan.”

Colaadaha kadiska ku billawda waxay cayrtoy iyo nolol xumo u horseeda sanadka kasto boqollal qoysas ah oo horray u haystay nolol nagaansho leh.

Waxay miciin bideen barakac aysan xal u helin sidii ay uga soo kaban la’haayeen.

Hinda faarax jamac waxay qoyskeeda oo toddobo qof ka kooban u awoodi la’dahay dhamaan baahiyaha aas-aasiga.

Xerada Ari-cadeeye oo ay soo miciin bideen ayay tilmaamtay in aysan wax kaalmo ah ku helin.

Qoyskeeda ayay horray masruufkooda uga soo saari jirtay dukaan bagaas ah oo ay ku lahayd deeganka Madax-lagu xoor, kaas oo hadda colaada looga gubay.

Waxay xustay in halkaas ay ku waayeen dhaqaale ay ku qiyaastay illaa s$3,000 oo ahaa waxa kali ah oo ay ku tiirsanayeen.

Raashin bisil oo aan joogta ahayn oo ay ku caawiyaan dadkii xerada uga soo horeeyay ayay ku tiirsan yihiin. Xaaladda ay muteen ayay quus ka muujisay.

“Dad badan ayaan nahay wax hal mar dabka la saaray naguma filna. Danta ayaase nagu qasbaysa.”

Hinda ayaa sheegtay in sidoo kale ay ku dhib qabaan helida biyaha. Xerada ay yimaadeen kama jiraan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah,

Dantu waxay ku qasabtay in ay jirgaan dhabarka uga soo qaado ceel u jira 1km oo ay u dan sheegteen.

Waxay xustay in biyihiisu dhanaan yihiin, balse aysan beddel kale heli karin, maaddaama aysan awoodin kuwa macaan oo jirgaankii la iibiyo $1.

Waxay sheegtay in qaaliyowga biyaha ay sabab u tahay colaadda jirta oo aysan dadku inta badan tagi karin ceelka.

“Carruurta wxaa waxbarasho la’aan iga noqday 4 ka mid ah. Hadda wxbarasho la’aanta waxaa ka dhigay waan soo barakacnay wax wax u dhiga waan u waynay. Halka aan joogno waa xeryo iskuullo malahan. Carruurta midkii $8 ayaan ku bixin jiray haddana lacagtaas ma awoodno.”

Waxay xustay in muddo dhawr iyo toban berri ah oo ay joogan xerada ay seexdaan meel banaan habeenkii halka maalintiina ay dulsaar ku yihiin qoys deggan buush aan wada qaadin.

Dadka ku soo barakacay xeryaha ee aadka u badan darteed waxaa adkaatay in ay caawiyaan dadkii horay u deganaa meelaha ay tageen sida uu sheegay Cabdisalaan Abshir Cabdiraxmaan oo ah guddoomiye xerada Ari-cadeeye.

Wuxuu tilmaamay in dadka soo barakacay oo ay tan iyo billawgii bishaan diwaangaliyeen ay gaarayaan 370 qoys.

Colaaddda ayuu xusay in ay ku soo beegantay xilli dadku ay ka soo kabanayeen saamayntii ka soo gaartay abaarihii daba dheeraaday ee deegaanka ka jiray muddo saddex sano ah, balse ay wajaheen saamayn tii hore ka culus.

“Waxay u baahan yihiin cunno, hoy, waxbarasho iyo caafimaad. Dhamaan baahiyaha aas-aasiga ayaa ka maqan. Dadku waxay qaar barakac ku noqdeen xerada Ari-cadeeye, qaarna dad ayay dul-saar ku noqdeen.”

Colaadaha soo laalabtay ee dalka ka jira ayaa noqday dhibaatada ugu wayn ee sanad kasta nolol xumo u horseeda kumanaan qoys.

Waxaa adkaata in ay ka soo kabtaan nolol xumada ay mutaan maddaama aysan halayn awood ay ku abuurtaan ilo kale oo dhaqale.

The post Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
(ERGO) – Xaalad nolol xumo ah ayaa soo wajahday ku dhawaad 150 habeen ah iyo qoysaskooda oo deggan magaalada Doollow ee gobolka Gedo.

Arrintan ayaa timid markii shaqadoodii oo ahayd dhar-dhaqid iyo nadaafadda guryaha ay meesha ka baxeen 6 bil ee la soo dhaafay.

Waxaa isku raacday dhaqaale la’aan ku dhacday qoysaskii ay ku shaqaynayeen iyo haween Itoobiyaan ah oo lacag yar ku qabta shaqooyinkii ay hayeen oo deegaanka ku soo batay.

Shugri Caraale Cabdi oo waxay cunno ku filan u la’dahay carruurteeda oo toddobo ah. Waxay xaaladdan galeen bishii Abriil ee sanadkan.

Qoysas ay shaqo nadaafad ah  maalinle ugu qaban jirtay ayaa u sheegay inay fasax tahay sabab la xiriirta inaysan aqoodin gunadeeda.

Haweeneydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay hadda haystaan culeysyo is-biirsay oo ay ugu horreysa quud u helidda carruurteeda oo keliyeed ku tiirsan.

Waxay ka fursan wayday inay dewersato si hal waqti dabka ugu shiddo.

“Cambuulo shamuureey ayaan saaka sida uu waaga u baryay dabka u saaray ciyaalkeyga. Wax kale oo la siiyo malaha. Hal waqti oo wax la siiyo hadii loo helo caawa sidaas lee ku seexanayaan.

“Dukaankii aan daynta ka qaadanaayay isagana waa la iga joojiyay oo wax kale laguguma daraayo ayaa la i dhahay. Hadda waan iska fadhiistay dhawaanahan banaan ma’aadin, shaqana malaha, sidaa ayaana xaafadda ku joogaa.”

Shugri oo 42 jir ah ayaa sheegay ka seexan waydo habeennada qaar carruurteeda oo gaajaysan, taas oo ku kordhisa fekerka iyo murugada.

Waxay intaas raacisay inay xaaladdooda sii adkaysay in wax gargaar ah aysan ku helin  xerada barakaca Kabaaso ee degmada Doollow oo ay soo miciin biddeen.

Shugri oo shaqooyinka muruq-maalka ku soo jirtay labo sano ayaa sheegtay inay maalinle u heli jirtay lacag u dhaxeeyso saddex ilaa shan doollar, taas oo kaga filnayd cunnada, biyaha iyo waxbarashada carruurteeda.

Waxaa ka istaagay bishii Jannaayo raashin ay ka helaysay hay’adaha samafalka. Waxaa u dheeraa daqligii ka soo gali jiray shaqooyinka xoogsiga balse maanta labadiiba ma hayso.

“Hadda wax dhaq dhaqaaq ah oo qof kuu wacanaayo maleh. Hadda magaaladi aan ka shaqeysaneynay oo dharka ka dhaqeynay Oromo ayaa la wareegtay. Shaqo la’aan ayaan hadda cidda iskala joognaa.”

Marka laga yimaado cunno xumada ay ka dhaxleen iyada carruurteed shaqo la’aanta. Waxaa u wehliya culeys ka haysta dhinaca biyaha markii uu meesha ka baxay dhaqaalihi ka soo gali jiray shaqada oo ay biyaha ka beeqaamin jirtay.

Xerada Kabaaso oo ay ku nooshahay biyuhu waa lacag. Fuustadii waxaa lagu shubtaa 300 birr oo u dhiganta $1.5.

Shugri ayaa sheegtay in markii ay awoodi weyday bixinta lacagta biyaha ay dantu ku qasabtay in carruurteeda ay wabiga jubba oo u jira hal km ay ka doonaan biyo aan nadiif ahayn.

“Hadda gabar tubbo ugu jirto oo walaal ah ayaa u tahay oo aan ku dhahay biyihi lacag ayaa la igu la haaday, lacagtina mahaayo ayaan dhahay ee biyo isii, iyadi ayaan hadda shantoo caag lacag la’aan kaga soo dhaansaday.

“Hadii aan weyno oo tubadiina lacagti nagu badatay wabiga oo wasaq ah ayaan iskaga soo dhaansanaa.”

Haweeneydan iyo carruurteeda ayaa ku sugan xaalad quus ah. Waxay xustay inay u baahan yihiin samata-bixin si ay uga soo kabtaan xaaladda ay ku jiraan oo aysan awoodin inay keligood ka baxaan.

Shugri iyo qoyskeeda ayaa sanadkii 2016 ka soo barakacay abaar ku dhufatay miyiga degmada Diinsoor, halkaas oo ay kaga dhinteen ari 70, xilligaan oo ay ku soo biireen nolosha barakaca.

Haweenka shaqo la’aanta ay soo foodsaartay ayaa ah kuwo ka soo jeeda qoysaska barakaca ku ah xeryaha magaalada Doollow.

Waana kuwo aan laheyn xirfaddo kale oo ay ku shaqeystaan sidoo kalana ay ka istaagtay deeqda hay’adaha samafalka oo noloshooda kabi jiray.

Xaaladdan waxaa haweenkan u raacday hakad ku yimid gargaarkii hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya gobolka dhaqaale xumo guud darteed iyo sicir barar ka jira magaalada.

Waxaa la diiday shillin Soomaaliga, taas oo keentay in la isticmaalo birta ee Itoobiya iyo kuwa danabaysan ee taleefannada gacanta.

Shiniyey Maxamed Cabdi waxay dabooli la’ dahaya baahiyaha nolosheed ee carruurteeda oo lix ah. Waxaa ka istgaatay shaqo nadaafad ah bishii Febraayo ee sanadkan.

Waxaa u wehelisay inuu ka go’day isla December 2025 raashin igusu jiray Min 25 kg oo bariis, baasto, bur, 5kg sonkor iyo sadexle saliid ah oo ay bille uga heleysay hay’adaha samafalka.

Waxay wajahayaan cunno xumo, daymo lagu yeeshay iyo carruurteeda oo waxbarashada kaga soo eryay.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in hadda carruurteeda ay ugu soo dawarsato qoysaska nolol ahaan dhaamo oo xerada iyo xaafadaha magaalada.

Shaqo la’aanta kahor waxa aheyd mid ku filan cuntada iyo maaraynta baahiyaha kale ee qoyskeeda.

“Awal hore saddexda doolar labada doolar waan iska heli jirnay, hadda wax aan haysano ma jirto. Ilmihi maanta hadii dabka loo shiddo bari looma shidaayo. Alle ayaa wax nasiiyo maalin waa la heli maalin waa kheyri. Marmar dabkooda lama shido. Ilmihi daris ayaa jiro in kastoo la is dhaamin.”

Shiniyey oo 36 jir ah, waxa ay shaqada nadaafadda ka heli jirtay lacag dhan afar doolar taas oo aheyd mid ay joogto kaga soo qaban jirtay xafadaha ay ku nool yihiin dadka ku jira dabaqada dhexe.

“Dugsigi waan ka reebay wax la’aanta awgeed. Hungurigooda ayaan u weysanahay oo aan haynin marka bil intee ka keenaa, iska jooga ayaan dhahay.”

Waxay sheegtay inaysan wax garab ah ka helin carruurteeda aabbahood oo ay kala tageen. Waxay xustay in xaaladdan hadda ay ku sugan yihiin ay tahay middii ugu adkayd ee soo marta.

Shiniyey iyo qoyskiisa ayaa sanadkii 2011 ku cayroobay abaar dhaafisay tiro ariga ah iyo 20 sac oo ay ku dhaqanayeen miyiga Doolow.

Waxay galeen xeryo ku yaalla deegaanka Soomaalida. Markii ay ku soo adkaatay waxay soo deggeen xerada Kabaaso 2018.

Haweenka qaar ayaa billaabay inay abuurtaan ganacsiyo, markii ay shaqo la’aanta ku dhacday si ay uga helaan quud maalmeedka reerahooda, balse macmiil la’aan ayaa ku dhacday.

Arrintan waxay keentay in lafihii dib u isticmaalaan. Waxaa kamid ah Nasro Axmed Nuur oo ah hooyada afar carruur.

Nasro ayaa waxaa isku biirsaday shaqo nadaafadeed oo ka joogsatay labadii Febraayo ee sanadkan iyo burbur kaga yimid miis yar.

Waxay ku iibinaysay macmacaanka sida nacnac, shukulaato iyo sisin loos ay dubto, kuwaas oo ay ku maalgashatay $200. Lacagtaas waxaa ku taageeray qof ay ehello yihiin.

“Nolol xumo iyo rafaad ayaan kaga noolnahay, miiskiina waan biilanay, taasina waxay dhashay in aan gacmihi is kor saarto.”

Nasro iyo qoyskeeda oo ka mid ahaa danyarta magaalada waxay xerada soo galeen 2020, markii saygeeda oo beeraha deegaanka shaqaale ka ahaa ay shaqo la’aan ka dhigtay fatahaad dhacday.

Shaqooyinka nadaafadda guryaha iyo dhardhaqista oo ah ilaha dhaqaale ee haweenka barakaca ku ah Doolow ayaa hadda ah kuwo Meesha ka soo baxaya iyadoo aysan helin beddel kale.

The post Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
(ERGO) – Kaltuumo Faarah Cusmaan, iyada iyo carruurteeda oo shan ah waxay duruufo is-biirsaday ku wajahayaan deegaanka Buufow-bacaad oo ay tageen 15 bishii May, iyagoo faro maran.

Qoyskeeda ayaa ka soo barakacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo salka ku haya muranka dhul beereed ku yaalla deegaanka Beder ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Haweenaydan ayaa tilmaamtay inay ka fursan wayday inay albaabada u garaacdo dadka tuulada ay soo miciin bidden oo danyar ah. iyada oo waydiisanaysa inay raashin bisil siiyaan.  Marka ay soo wayso ayay xustay inay ku qasbanaadaan inay qatooyo ku joogaan.

“Xaaladeena nololeed aad iyo aad ayay u liidataa. Waa iska rafaadsanahay wax la cunaayo meeshan ma yaalaan waala baahanyahay. 5 caruur agoon ah ayaan meeshaan ku heystaa. Wallaahii raashiin mar waala helaa mar waala waayaa. Hadda saan wax aan siiyo ma haayo inaan sidooda ku seexiyo ma ahane.”

Haweeneydan ayaa keli ku ah maaraynta nolosheeda iyo midda carruurteeda oo ah yaryar aan ku kabi soo dhicinta biilka reerka. Saygeedii ayay xustay inuu cudurka macaanka u dhintay 2024. Wixii intaas ka dambeyay waxay keli ku ahayd.

Kaltuumo ayaa intaas ku dartay inay xanuun ku hayso nolosha qoyska gaar ahaan xilligan oo ay ku jiraan xaalad hubanti la’aan ah. Gasiin xumada waxaa u dheer inaysan haysan gabbaad awood u leh inuu ka celiyo qorraxda iyo roobka xagaaga oo gobolka ka da’aya.

Hoy xumada ayay xustay inay si gaar ah u saamaysay carruurteeda oo la qabsan la’ xaaladdan oo cusub.

“Meel ay ku hoydaan ma heysti. Maryahan ayaa meeshaan ku xirxirtay hadda roob haduu yimaado meel aan dhaxanta uga ilaaliyo ma haayo. Wallaahi xanuun saa’id dareemaa. Habeenkii ma hurdo.  Ma harsado. Fekerfaceyga uma eki. Waan dhibbanahay.”

Kaltuumo ayaa sheegtay inay ka soo tageen guri ka kooban saddex qol, suuli iyo jiko oo ay ku lahaayeen tuulada Beder oo kaabiga ku heysa deegaanka Janaale.

Waxay xustay inaysan waxba ka soo qaadan balse ay naftooda kala soo baxsadeen, markii maleeshiyo ay ku amartay inay banneeyaan gurigooda oo saaran beeraha Garshiine ee la isku haysto lahaanshahooda.

Waxay sidoo kale ka soo tagtay 8 neef oo ari ah oo ay dheefsan jireen cadkooda iyo caanahooda. Qoyska kaltuumo ayaa la qabsan la’ nolosha barakaca maaddaama ay tahay markii ugu horreysay ee ay dibad joog ka noqdaan tuuladoodii.

Kaltuumo ayaa xustay inay isku dayday marar badan inay shaqo ka raadiso deegaanka Shalaambood iyo magaalada Marka balse ay weysay cid ay u shaqeyso sabab la xiriirra deegaanka oo aysan aqoon u lahayn iyo fursadaha ka jira oo yar.

Kaltuumo ayaa tilmaamtay inay ka waxbarasho beeleen saddex kamid ah carruurteeda oo dhiganayay dugsi Qur’aan. Waxay tilmaamtay in dugsigii tuuladoodii ay macalinka bishii siin jirtay hadba wixii ay u garato maaddaama uu yaqaannay.

Haweeneydan ayaa sheegtay in soo gaarida deegaanka Buufow-bacaad ay ku qaadatay socod 11 saacadood ah maaddaama ay wayday dhaqaale ay gaadiid ugu kirayso ubadkeeda.

Sida maamulka deegaanka aan ka soo xiganay tan horraantii May in ka badan kontan qoys ayaa barakac ku yimid kuwaas oo wajahaya xuno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan.

Waxaa ka mid ah qoyska Daahir Cabdi shakuur xuseen. Ninkan ayaa reerkiisa  oo 7 qof ah u awoodi la’yahay cunno, biyo iyo hoy ay gabaadsadaan. Xaaladan adag ayay wajahayaan tan iyo dhamaadkii bishii May oo uu ka soo barakacay tuulada Beder.

Noloshooda ayaa ku tiirsan dawarsi ay dantu bidday. Wuxuu aroor walba u lugeeyaa magaalada Marka oo deegaanka u jirta qiyaastii 5 km. Wuxuu sheegay inuu kilo bariis uu soo helo, taas oo ay labo maalin tashiishaan.

Wuxuu sheegay inay isku raacday gaajo iyo haraad ku haysta deegaankii ay u soo nolol doonteen. Ninkan ayaa sheegay in qiimaha biyaha deegaanka jirgaankii uu yahay $0.2, aysanna awoodin inay shubtaan dhaqaale xumada haysa awgeed.

“Mararka qaar waaba la qadaa. wax la haayo malahan, dadka iyagaa wax heysanba. Culeysada noogu daran waa hoy la’aan. Baco ma heysano roob haduu yimaado.  biyaha horta $.20 waaye anagana ma awoodno nadiif maaha ilmahana way ku xanuusadaan.”

Daahir ayaa xusay in noloshooda Beder ay ku tiirsanayd beeraha aseendooyinka oo uu caws ka fali jiray. Wuxuu tilmaamay in maalinkii uu ka helayay $4. Waxaa dugsi Qur’aan u dhiganayay 5 carruur ah, kuwaas oo uu bishii ka bixin jiray wadartooda $10.

Ninkan ayaa tilmaamay in aysan marna ku tashanaynin inay guryahooda dibad yaal ka noqdaan. Wuxuu intaas raaciyay in xilli habeen ah mid kamid ah dhinacyada is haya ay u sheegeen inay guuraan.

“Dagaal dhul beereed ka bilowday ayaan ka soo guurnay. Waxaa nalagu yiri meeshan ka taga noloshiina haDdii aad nabad u rabtaan. Annaga dad hubeysan manihi dad shacab ayaan iska ahayn meeshaasaa ka xamaalan jirnay guura ayaa nala dhahay sidii ayaana usoo qaxnay.”

Daahir ayaa sanadkan isku diyaarinayay inuu dalagyo kala duwan uu saaro beer 5 hektar ah dhaxal ah balse maanta wuxuu doorbidday barakac inuu noqdo. Ninkan ayaa nolosha ka jooga quus.

Dadka ay soo sal-kicisay colaadda ayaa ka siman hubanti la’aanta. Faadumo Cumar Xaaji oo ah hooyo lixdan jir ah iyada iyo qoyskeeda oo 6 ah waxay dulsaar ku yihiin qoys degan deegaanka Buufoo-bacaad.

Noloshooda ayaa ku tiirsan xaabo ay gabadheeda u doonto dhul kaymeed deegaanka ka baxsan. Waxay sheegtay in maalinkii ay ka soo hesho $0.5 oo aan ku goyn karin quud ku filan.

Saygeedii ayay tilmaamtay inay kala tageen isla markaana uusan ku daryeelin carruurta. Faadumo ayaa sheegtay in labo sanno ay madaxa ka xanuusaneyso. Waxay wayday dhaqaale ay dhakhtar ku tagto.

“Jirro ayaa sidaan iyeeshay. Madaxaaan ayaan ka jiranahay. Madaxeyga wuu lulanayaa. Carafadan  carafadeedii ayaan isku arkay. Madaxa waxaana ku dhacay ma dhihi karo. habeen iyo maalin dhegteyda waxaa ka qeylinayo waxa ay yihiin ma ogi.”

Inta aysan barakaca noqon noloshooda ayaa ku tiirsanayd caano ay ganacsato ugu iibin jirtay deegaanka Jannaale oo tuuladeedii u jira qiyaaskii 3 km. Waxaa maalinkii ka soo geli jiray saddex ilaa afar dollar oo ku filnayd.

Waxay sidoo kale ka soo tageen beer labo haktar ah oo ay la tacban wayda colaadda markii laga aasasay kannaaladii u waraabin jiray.

Qoysaskan  oo sanadkan isku diyaarinayay inay beerahooda tacbadaan si ay uga soo kabtaan biyo yari sanadihii la soo dhaafay saamaysay wax soo saarkooda ayaa hadda waxay galeen xaalad adag markii colaadda ay ceel ku riday hankoodii nolosha.

The post Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
(ERGO) – Markii labaad ayay sanadkan wajahayaan xaalad barakac in ka badan 400 qoys, kuwaas oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan ay ku haysto duleedka deegaan Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Fatahaada oo  burburisay xero ay daganaayeen 28 bishii May ee sanadkan ayaa sababtay in ay bannaanka ku soo dhacaan, noloshoodan aya maarayn waayaan, kaddib fatahaadda wabiga Jubba.

Caasho Cali Aadan iyo qoyskeeda oo 12 ah waxay maciin-bideen baadiyaha deegaanka, gaar ahaan meel u dhow wadada dhinaceeda. Waxay ku doorteen si ay cunno iyo maryo u waydiistaan dadka ku safraya.

Waxay sheegtay in ka daashay xaaladdaas oo ay ku jirto muddo ku dhow bil, maaddama cuno joogto ah aysan helin, sidoo kalana ay u suurto galiwaysay dhisidda aqal cooshad ka samaysan oo gabaad u noqda.

Toddobaadkii u danbeeyay ayay xustay in labo maalin oo ka mid ah ay cunno bisil, mid ciiriin ah iyo lacag ay u heshay qoyskeeda, halka inta kale aysan dabka shidan.

“Maanta dhan hadaad Joogto $0.5 ayaad ka soo helli. Hadii kale ilmahaaga ha baahdan oo ha jiiftaan ayey noqoni, qabowga ayaana u dheer yahay. Nus dollar maxay ii gooyni. Waa nus kiilo baasto ah. Intaas ayaa lagu nool yahay. Waad imaan kartiin waad arki kartaan.”

Caasho iyo carruurteeda waxay maalintii waqtigooda oo dhan ku qaataan waddada dhinaceeda iyagoo halkaas ku suga gaadiidka isticmaala waddada. Xaaladdan ayay tilmaamtay in duruuftu ay ku qasabtay.

Xeradeedii ay ka soo barakacday ayay sheegtay in fatahaaddu ay ka saramartay, halka inta badan jidadka gala deegaan Baar-sanguuni ay biyuhu xireen, taas oo ku kaliftay in ay u soo baxsato duleedka tuulada.

Dadka ugu badan ee caawiya ayaa ah ciidamada dowladda ee ku safra waddada oo isku xirta Kismaayo iyo Muqdisho, kuwaas oo raashin bisil ku taageera marmar. Waxay ka dayrisay xaaladda ay ku jiraan.

“Waxaan cunno askarta ayaa noo keenta. Raashinka ay karsadaan ayey wax nooga keenaan. Wax kale oo aan hayno malaha. Shaqo ma jirto. Meel walba biyo ayaa soo xidhay.”

Fatahaadda ka hor qoyskeeda wuxuu ku tiirsanaa cunno ay ku beddelan jirtay shaqo ay ka qaban jirtay beer ku taalla deegaanka Baar-sanguuni, taas oo ay fali jirtay, sidoo kalana ilaalin jirtay maalintii.

Waxaa la siin jiray raashin iyo khudaar maalinle ah oo qoyskeeda ay ku noolaayeen. Xaaladdaas waxay ku jireen bilihii Febraayo, Maarso iyo Abriil, balse fatahaadda ayaa saamaysay beerta iyo xeradeeda.

Waxay sheegtay in biyaha fatahaadda ay qaadeen guri ka samaysan baco iyo alwaax la isku dhisay oo ay ka caawisay mid ka mid ah hay’adaha maxaliga ah. Waxay rajo xuntahay sidii ay uga soo kaban lahayd.

“Meeshii la daganaa biyaha ayaa soo galay. Meel tag ah ayaa nala geeyey. Waxaa nageeyey ciidanka Dowlada. Bac ma haysano roob ayaa habeen iyo maalinba da’aya. Wax la’aanta iyo gaajada ayaa u sii dheer. Sidaas ayaan ku suganahay.”

Waxay tilmaamtay in saygeeda uusan xaaladda ay wajahayaan carruurtiisu uusan kala dabaalan karin. Wuxuu ka mid yahay dadka qaba baahiyaha gaarka ah, gaar ahaan indho la’aan muddo 10 sano ah.

Musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyaan ayaa isku biirsaday haweenaydan iyo qoyskeeda. Billowgii sanadkan ayay ka soo barakceen Jamaame, halkaas oo ay ku leeyihiin beer 12 hiktar ah.

Waxaa soo salkiciyay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Alshabaab, kaas oo ka galaaftay dalag iskugu jiray gallay, digir iyo sisin, kaas oo u saarnaa beerta iyo guri labo qol ah.

Waxaa la mid ah duruuf ahaan Abuukar Nuur Sabriye iyo qoyskiisa oo 13 ah, kuwaas oo galay lixdii bil ee u danbeeyay barakac iyo nolol xumo u raacday. Waxay cuuryaamiyeen horumar kasta oo uu naawilayay.

Tan bishii Febraayo wuxuu ku foogganaa sidii uu u la qabsan lahaa xero barakac oo uu ku biiray, taas oo ku taalla Baar-sanguuni, halkaas oo guri labo qol ah uu ka samaystay, balse nasiib daro ma sii waarin.

Waxaa ciidda ku daray fatahaad uu sameeyay webiga Jubba bishii May. Wuxuu sheegay in fatahaadda ay ku noqotay lama-filaan aysan ka sii tabaabushaysan. Wuxuu sharraxaya sida ay u saamaysay.

“Ismaynaan lahayn meesha ayey soo gaadhayaan biyaha. Waxaan Aragnay xili habeen ah biyaha webiga oo dhinac walba naga maray. Wixii alaab iyo Maacuun ah biyaha ayaa naga qaadday. Waxba biyaha nooma dhaafin. Laakiin carruurta waan ka soo badbaadsanay.”

Wuxuu sheegay in 48 saacba hal mar ay helaan wax ay cunaan. Waxaa si aan joogto ahayn ugu caawiya dadka beeraley iyo xoolo-dhaqato, kuwaas oo laftoodu la tacaalaya dhibaatada ay fatahaaddu sababtay.

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa uu ku nool yahay xaalad adag. Waxay bannaan-yaal u yihiin qobowga iyo dhibicda roobka. Waxay ku heleen dhul taag ah, halkaas oo tageen markii webigu ku fatahay.

“Meel bannaan bay taagan yihiin dadka. Wax hooy ah oo ay haystaan malaha. Meel ay uga gabanayaan malahan. Kaneecada dadka waa na dhamaysay oo marakaneeco maleh. Habeenkii marka roobka uu imaado waxaa lagu soo cararaa gidaarada guryaha tuulada oo jiingadaha hoostoda la iska fariistaa.”

Wuxuu intaas ku daray in dhibaatada ay fatahaaddu u horseedday ay qayb ka tahay shaqo la’aan. Biyaha fatahaadda ayaa meel walba xiray. Waxay ka hor istaageen shaqo beero falis ah oo uu qaban jiray.

Howshan ka istaagtay oo ahayd shaqo-cunno-ku beddelasho wuxuu ku helayay khudaar iyo raashin maalinle ah, balse biyo baxada oo hakad ku keentay tacabka beeraha ayaa saamayn ku yeelatay.

“Meel aan ka shaqayno malahan. Meel loo xoogsi tago ma jirto. Mar mar waxaa na caawiya ciidamada oo garaamkooda wax nooga keena si aan ilmaha u siisano. Waxaa wax noo keenaan hal waqti oo kaliya. Dadka deegaanka wax walba waa nala Jeclaanlahayeen. Laakiin waxba mahaystaan.”

Wuxuu ka soo barakacay tuulada Buulo-aji oo hoostagta dagmada Jamaame. Wuxuu halkaas ku lahaa beer 12 hiktar ah. Waxaa u saarnaa labo matoor oo uu ku waraabin jiray.

Wuxuu sheegay in dalag u saarnaa iyo agabka beerta lagu waraabiyo uu ka soo cararay, markii dagaal uu ka qarxay, kaas oo u dhaxeeya ciidmada dowladda iyo Alshabaab.

Saamaynta fatahaadda ayaa si guud u saamaysay dadka deegaanka Baar-sanguuni, kuwaas oo u badan beeraley ay fatahaaddu baabi’isay dalagyadooda sida uu sheegay guddoomiyaha deegaankan Maslax Saalim Cali.

Wuxuu xusay in dadka ugu nugul ay yihiin kuwa barakac ku ah, kuwaas oo ka soo kaban waayay hoy la’aanta iyo nolol xumada ay sababtay fatahaadda. Maamulka, ciidamada iyo dadka tuulada ayuu tilmaamay in ay wajir u caawiyaan, balse aysan ku filnaan taageeradaas.

“Dadkii waan soo rarnay oo waxaan dejinay meel bannaan oo ku dhow tuulada oo iskuulka banaankiisa ah. Caqabada ugu wayn  ee haysata dadka waa hooy la’aan. Ma haystaan Marakaneeco iyo meel ay ka galaan dhaxanta iyo dhibicda roobka. Dadka deegaanka tabar malahan ay walaalahood ku caawiyaan.”

Dhibaatooyinka fatahaadda, colaadaha qabiilaysan iyo kuwa kooxaysan ay ku hayaan dadka nugul ayaa sare u sii kacaya, waxaana gobollada dhaca koonfurta dalka ay yihiin kuwa ugu badan ee wajahaya musiibooyinkan isbiirsaday.

The post Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
(ERGO) – Xafsa Mursal Cabdi iyo boqollaal ganacsato ah oo deggan xerada qaxootiga Xagardheer ayaa ka saaray qoysaskooda dhibaato nolol xumo, markii ay ka soo kabteen dhaqaale yari ku dhacday meheradahooda.

Waxay qarka u fuuleen in ay burburaan ka hor inta aysan lacago dayna siin hay’adda Inkomoko. Xafsa oo heshay boqol kun oo lacagta Kenya ah bishii Febraayo ee sanadkan waxay ku badbaadisay ganacsigeeda.

Waxay iibisaa noocyada kala duwan ee raashinka. Waxay u sheegtay Raadiyow Ergo in bog-cuusb uu u furmay ganacsigeeda, kaas oo dhamaadkii sanadkii hore ku dhawaaday in xirmo dhaqaale yari awgeed.

Waxay awoodi waysay in ay hesho lacag ay ku dalbato badeecadaha ay iibiso, kaddib hal sano oo ay la soo daalaadhacaysay hoos u dhac, taas oo meesha ka baxday, markii ay camirtay dukaankeeda ganacsi.

Waxay joogto uga heshaa lacag faa’iido ah oo ay ku maarayso nolol-maalmeedka qoyskeeda oo toddobo ah, waxaana dhinaca kale ay ku fooggan tahay bixinta daynta lagu leeyahay oo ay iska-yaryarayso.

Waxay niyad wanaag ka muujisay xaaladda nolosha qoyskeeda iyo ganacsigeeda oo kobcaya.

“Lacagta aad iyo aad bay ii anfacday, markii la isiiyay boqolka kun wax bay I tartay. Sandaqad baan leeyahay. Sandaqaddii way iska beddeshay. Sida aan u dhisey kolay waa aragtaa. Dhaqaalaha iga soo gala ayaan ku noolahay aniga ciyaalkayga. Ilaahay baan mahadleh.”

Lacagta ka soo xaroota ayay tilmaamtay in ay u kala jabiso dhowr dhinac. Qayb ka mid ah waxay iskaga bixisaa amaahda laga rabo iyo nolosha qoyska, halka inta kale ay dib ugu celiso dukaankeeda ganacsi.

Waxay sheegtay in macaamiisha ku xiran iyo habsami u socodka ganacsigeeda uu galiyay yididiilo ah in ay si fudud ay u bixin karo daynta lagu leeyahay.

Waxay xustay in qoyskeeda ay gaarsiisay isku filnaansho dhaqaale, taas oo uu kaga dabaashay nolol cunno xumadii haysay ee hubanti la’aanta nololeed bidday.

“Nolosha aad bay u liidatay markii hore aanaan ganacsiga furan, aad ayay noloshu u liidatay waayo waxbaba ma haysanin habeena waa qadaynay, habeenna waa quudanaynay. Hadda qadayda, quraacdayda iyo cashadayda iyo xataa cabitankayga meel ayay ii saaran yihiin.”

Xafsa kuma cusba lacagta la amaahdo. Billowgii ganacsigeeda oo ahayd markii bishii Maarso ee sanadkii 2025 ayay ka daynsatay toban kun oo shilinka Kenya ah isla hay’adda Inkomoko, taas oo dib ay iskaga gudday.

Waxay sheegtay in xilligaas ay aad u adkayd lacagta la amaahdo sabab la xariirtay howla dayn bixinta oo billow ahaa darteed, balse waxay ku dhiirtay in ay lacagtaas qaadato si ganacsi ay leedahay u yagleesho.

Lacagta ganacsiga ay ku billowday xilligaas oo yarayd iyo macaamiil yari haysay ayay xustay in ay ka hor-istaagtay in guul ka gaarto ganacsigeeda. Blase waxay ka heshay khibrad iyo kororka macaamiisheeda.

“Lacagtaa aniga oo aan shilling haysanin ayaa la ii siiyay miis yar baan ku furtay. Lacagtaa markaas aan helay dhaqaale badan ayaa arkay, ganacsigii magaalada ayaan fahmay, ganacsigii baan hore usii galay.”

Waxay sheegtay in ganacsiga ay hirgalisay in uu wax ka beddelay hab-nololeedkooda oo markii hore ahaa sugidda gunnada raashinka gargaarka ah ee laga bixiyo xerada ay ku nooshahay ee Xagardheer.

Waxay saluug ka qabtay habka loo bixiyo iyo hoos u dhaca sanadba sanadka ka dabeeya ku imaanayay. Waxay garowsatay in la joogo waqtigii ay ka tashan lahayd ku tiirsanaanta gacan kale oo sii wiiqmaysa.

Inkasta oo ay weli hesho gunnada raashinka ah oo in ka badan boqolkiiba kontan la dhimay, haddana baahida ay u qabto maahan mid wayn sida ay sheegtay Xafsa, maaddama ay ka tashatay.

Xafsa oo 28 jir wuxuu qoyskeedu ka soo barakacay 2006 dagmada Jilib, markii xaalad amni xumo ay u saamixi wayday ku sii noolaanshaheeda. Aabbeheed oo muruq-maal ah ayaa u la soo qaxay Dadhaab.

Dadka fursadda soo kabasho ka helay daynta la siiyay waxaa ka mid ah Maano Maxamuud Gagaal oo dukaan lagu iibiyo bagaasha, Jalaatada, barafka, biyaha qabow ku leh xerada qaxootiga Xagardheer.

Waxay sheegtay in iyada iyo qoyskeeda oo shan ah ay ka soo kabanayaan nolol xumo iskugu jirta cunno xumo iyo arrad-tir la’aan, taas oo timid, markii ganacsigu u socon waayay dhaqaale la’aan darteed.

Lacag dhan 130, 000 ksho oo ay ka heshay hay’dda Inkomoko sida ay sheegtay ayay ku iibsatay soolar iyo qaboojiyaal. Agabkan ayay u isticmaashaa samaynta jalaatada iyo biyaha qabow oo suuq fiican leh.

“Baahidaydu waxay ahayd in aan shaqaysto. Baahi saa’id ah baan u qabay, maantana way iga daboolantay. Jalaato iyo baraf ayaan ku gadaa si fiican ayay iigu socdaan. Maalintii 500 waa helaa ama 600. Inkomoko xooleheedana waa u dhigaa, ana waa ka noolaadaa.”

Maano ayaa sheegtay in goobteeda ganacsi ka hor daynta ay xirtay. Waxay ku iibinaysay bagaash kooban oo isbixin waayay, markii dhaqaale yar oo ka soo xarooday ay biil ahaan u isticmaaleen.

Maano Maxamuud oo mid ka mid ah macaamiisheeda u adeegaysa/Axmed Cabdullaahi Jaamac/ Ergo

Kor u kaca ganacsigeeda ayaa Maano u horseeday nolol ku duwan tii ay ku noolayd ka hor inta aysan qaadan daynta ay ku dardar galisay goobteeda ganacsi sida ay sheegtay.

Waxay naawilaysaa in fursaddan ay heshay ay u horseeday horumarka ganacsigeeda iyo rajada ah in ay kobciso si ay uga sii gaashaamato fashil ku yimaada dadaalka ay ku hormarinayso nolosha qoyskeeda.

“Ilmahayga dharkooda cunadooda iyo caafimaadkooda ilaahay ka sokow aniga ayaa maareeya, waxaan u awoodaa sadexda waqti, aniga ayay igu tiirsan yihiin aabo iyo adeer toona kuma tiirsanaa, wax walba oo ay u baahdaana meeshan ayaan ka siiyaa.”

Qoyskeeda ayaa sanadkii 2008 ka soo qaxay magaalada Muqdisho , waxay ahayd muruq-maal jalaato ku wareejisa suuqyada muqdisho ka hor inta aanay amni daro ugu cararin, taas oo keentay Dhadhaab.

Lacagaha daynta ah ee la siiyo ganacstada xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa looga gol-leeyayay kor u qaadista nolosha qoysaska iyo in ay gaaraan iskufilnaan dhaqaale sida ay sheegtay hay’adda Inkomoko.

Lataliyaha hormarinta ganacsiga ee hay’addan Aadan Maxamed Xaaji ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in mudadii barnaamijkan uu socday ay ka faa’iideysteen kumanaan qoys oo ah qaxooti danyar ah.

“Ujeedada laga leeyahay waxa waaye dadka inta badan waxay ku tiirsanaayeen gargaarka ay hay’aduha, maaddama gargaarkii yaraaday waa in ay isku filnaansho gaaraan, kana maarmaan gargaarka iyadoo taas laga duulayo waxaan rabnaa in ay isku filnaadaan.”

Lacagaha daynta ah ee lagu maalgeliyay ganactada xeryaha Dhadhaab ayaa laga dareemay nolosha dadka ku nool qaxootiga oo badankoodu xiligan siyaabo badan ugu tiirsan suuqyada ganacsiga.

Lacagaha daynta ah ee la siiyay ganacstada yaryar ee xeryaha Dhadhaab ayaa laga dareemaya xeryaha Dhadhaab, halkaas oo qoysas badan ay ka faa’iideysteen ganacsiyada daymaha ay ku hirgaliyeen.

The post Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo
(ERGO) – Nolol xumo ayaa soo foodsaartay qoysaska boqolaal ganacsato yaryar ah oo ku nool xeryo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Arrintaas ayaa ka dhalatay, markii bishii Abriil ee sanadkaan dalka oo dhan laga diida isticmalka lacagta shilin Soomaaliga, waxaana ka dhashay in ay xirmaan dukaamo ay ku tiirsanaayeen.

Ganacsatada xeryaha ayaa horay wax ugu gadan jiray shillin soomaaliga, maaddama macaamiishooda ay yihiin dad barakac ah oo aan haysan doollar.

Xaaladdaas ayaa keentay qasaare xooggan. Kaydkooda oo ahaa shillin Soomaaliga ayaa lagu diiday in wax looga iibiyo iyaga oo haya.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo ka mid dadka ku ganacsada xerada Buur-shabeellow ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka xirmay dukaan uu ku iibin jiray raashin iyo bagaash.

Wuxuu awoodi waayay in uu badeeco ku soo qaato 500 milyan oo shilin Soomaali ah oo uu haysto. Qoyskiisa oo ka kooban 13 ah ayuu nolol u ahaa ganacsigan.

Wuxuu intaas ku daray in raashinkii ugu danbeeyay dukaanka oo ahaa min 20 kiilo oo bur bariis iyo sonkor ah uu u soo qaaday bishii hore reerka si ay uga sii noolaadan.

Wuxuu sheegay in raashinkaas in uu gabaabsi yahay, isla markaana rajada uu ka qabo helidda mid kale uu yaryahay.

“Xaaladdena waa adag tahay. Masruufka reerka ayaan awoodi la’ nahay. Ka hor inta uusan meesha ka bixin shillin Soomaaliga dhaqaale fiican ayaan ka heli jirnay ganacsigeena. Raashinka qoyska kama walwali jirin. Bil walbo waa u soo dhigi jiray wax ku filan.”

Cabdiqaadir ayaa sheegay in maalinle uu u heli jiray 264 kun illaa 330 kun oo shillin Soomaali ah, taas oo ugu filnayd baahiyaha qoyska iyo wax uu kayd ahaan u dhigto.

Lacagta uu awoodi la’yahay in uu wax ku iibsado ayuu xusay in uu kaydinayay afar bil. Ganacsiga ka xirmay 2 sano ka hor ayay hirgaliyay, wuxuuna ku billaabay $500 oo ay ku caawisay hay’adda NRC.

Ka hor fursaddan wuxuu tilmaamay inuu ahaa baagamuuddo shaxaad iyo dayn ku maareeya nolosha qoyskiisa.

In dukankiisa uu maran yahay lacagta uu haystana aysan waxbo u goyn ayuu xusay inuu walwal ayuu tilmaamay in ay walwal ku hayso.

Wuxuu sheegay inuusan horay ugu baraarugsanayn in adeegsiga shilin Soomaaliga uu mar uun meesha ka bixi doonna, taas oo keentay in uusan ka gaashaaman.

“Qof walbo aan u tago wuxuu i leeyahay waxbo kaagama gadi karo. Aad ayay saamayn noogu yeelatay in shillin soomaaliga ah laga guuray. Ganacsiyaddeenii meesha ayay ka baxeen.”

Cabdiqaadir ayaa sheegay in tan iyo bishii Abriil uu bixin la’yahay $20 oo ah kirada qol jingad ah oo ay qoyskiisa dagan yihiin, korontada iyo tuubo biyo ah oo ugu jirta. Wuxuu xusay in lagu wargaliyay in bishaan uu ka baxo haddii uu dhibi waayo.

Xaaladan darteed waxaa ka waxbarasho beelay 6 carruur oo u dhigan jiray iskuul hoose iyo dhaxe. Wuxuu xusay in laga soo cayriyay, markii uu bishii Abriil u awoodi waayay $60 oo laga rabay.

Ninkaan waxaa culayska ku sii kordhinaya dayn gaaraysa $1000 oo ay ku leeyihiin qaar ka mid ah ganacsatadii uu badeecada ka soo qaadan jiray.

Wuxuu qorshaynayay in uu ku gudo lacagta ku dhacday, balse nasiib xumo inta uusan gudin ayaa la diiday adeegsigeeda.

Wuxuu xusay inuusan hayn qaab uu ku buxiyo, maaddama aysan xaaladdiisa waxbo dhaamin qof faro maran oo qoyskiisa aan dabari karin.

Ninkaan oo 51 sano jir ah noloshiisi horana ku soo qaatay miyiga magaalada Baydhabo ayaa barakac ku yimid magaalada sanadkii 2023.

Waxaa soo salkicisay abaar nacfi la’aan ka dhigtay beertiisa oo saddex higtay ah.

Diidmada shillin Somaaliga ayaa timid, markii inta badan gansatada magaalada Muqdisho ay billaabeen in ay wax ku gadan waayaan, taaas oo wada gaartay gobollada.

Waxay u sababaeeyeen lacagta oo noqotay mid coosh ah ama jeexjeexan aysanna dawladd dayactir ku samaynayn, ayna qasaaro joogtaa kala kulmaan.

Cabdirashiid Cadow Cabdi oo ah aabbaha 6 carruur ayaa tilmaamay in uu awoodi la’yahay masruufkooda. Wuxuu badeeco la’aan darteed u xiray ganacsi u badnaa bagaash.

Ninkaan ayaa sheega in ay meesha ka baxday 297 kun illaa 396 kun oo shillin soomaali ah oo uu joogta uga heli jiray ganacsigiisa.

Dhaqaalahan ayaa ugu filna qoyskiisa cunnada, biyaha, waxbarashada iyo cafimaadka qoyska, kuwaas oo uu hadda kari la’yahay maarayntooda.

“Markii hore nolosheenna aad ayay u fiicnayd. In lacagta aan haysano aysan waxbo noo gayn waxaa noo dheer maciishadii oo qaali noqotay. Dhaqaalaha waan haysanaa, laakiin waxbo nooma gaayo.”

Cabdirashiid ayaa sheegay in ay ku tiirsan yihiin dayn ay ka qaataan dukaamo ay macaamiil u ahaayeen, taas oo aan joogta ahayn. Wuxuu haysta 70 milyan oo shilin Soomaali oo uusan waxbo ku iibsan karin.

Ninkaan ayaa xusaynin ganacsiga ka burburay uu markii hore ku billaabay $840 oo iskugu jirtay wax uu dayn ku qaatay iyo qaar uu ka kaydsaday $120 oo ahayd kaalmo uu ka heli jiray hay’ ada World vision.

Labo sano ayuu ganacsigiisu shaqaynayay ka hor inta uusan meesha ka bixin. Waxaa xaaladdan uga waxbarasho beelay saddex carruur ah oo wax uga dhigan jiray dugsi hoose iyo dhexe.

Dhamaadkii May ayaa la soo eryay markii uu awoodi wayay $60 oo isku gaartay labo bil.

“Hadda guriga ayay iska joogaan. Marxalad adag ayaa nala soo gudboonaatay. Isbeddelka ku yimid lacagtana si aad ah ayuu noo saameeyay.”

Wuxuu sheegay in dukaamadi uu ka soo adeegan jiray looga leeyahay 45 milyan oo shilin soomaali ah, taas oo uu qorshaynayay in uu ku bixiyo lacagta uu kaydsaday.

Hasa ahaate uusan hadda awoodin, maaddama la joojiyay isticmaalka lacagta u aruurtay. Lacagtaas oo uusan hayn si uu ku bixiyo ayuu tilmaamay in ay joogto u soo waydiiyay dadka ku leh.

Macaamiishiisi oo barakac u badna ayuu xusay in ay wax uga iibsan jireen shilinka dalka. Tani waxay ku keentay in dhaqaalaha uu haysta uusan ka dhax heli karin lacag doollar ah oo uu u baxsado xilligaan.

Ninkaan ayaa rajaynayay in uu horumar ka gaaro ganacsigiisa, balse nugaylka lacagta dalka ayaa rajo xumo biday.

Qoyska Cabdirashiid ayaa sanadkii 2022 ka soo barakacay deegaanka Goof gaduud- Buurey oo Baydhabo hoostaga. Beer 4 hiktar ah oo ay noloshooda ku tiirsanayd ayay ka qusteen biyo yari darteed.

Habacsanaan ka jirtay howlaha bangiga dhexe ee dalka ayaa loo aaneeyay in ay sabab u tahay mashaakilka haysta ganacstada ku kalsoonaada shilinka soomaaliga.

Dadka dhibaatadan ay quus-goosay ayaa ah danyarta iyo kuwa ku jira xaaladda barakaca sida uu aaminsan yahay Maxamuud Maxamed Nuur oo ah khabiir bartay cilmiga dhaqaalaha barena ka ah jaamacada Zamzam ee magaalada Baydhabo

“Way ku adkaanaysa in ay sii wadaan ganacsiyadooda, maaddama aysan heli karin alaab ay iibiyaan iyo wax ay iskaga bixiyaan daymaha lagu leeyahay, mararka qaarna shaqadooda waa joogsataa, maaddaama aysan haysan lacag ka duwan midda gacanta oo ay ku baxsadaan xaaladdan oo kale.”

Dib u cusboonaysiinta lacagta dalka iyo kalsoonideeda oo la abuuro ayuu sheegay in ay xal u noqon karto dhibaatada haysta ganacsatada iyo dadka kale ee soomaaliyeed.

The post Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah
(ERGO) – Danyar shaqo la’aan ahaa oo ku nool magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda waxay ka helayaan biraha la isticmaalay ama la tuuray.

Waxaa si joogto ah uga iibsada shirkado maxalli ah oo fadhigoodu yahay magaalada, una sii dhoofiya Muqdisho iyo dalka Ethiopia oo dib loogu warshadeeyo.

Danyartan oo rag iyo dumar iskugu jira ayaa maalin kasta ku wareega xaafadaha magaalada oo ay ka aruuriyaan biraha. Guryaha ayay sidoo kale booqdaan, iyagoo dadka ka codsanaya inay siiyaan wixii bir ah oo aysan u baahneyn.

Dad ku nool xeryaha lagu barakacay iyo danyar deegaan ah ayay u badan yihiin qoysaska sidan ku dabarra noloshooda. Dadkaas waxaa ka mid ah Aqbal Cadaawe Xaaji oo ku filnaatay maareynta nolosha qoys ka kooban toban qof.

Waxay sheegtay in toddobaadka oo dhan ay qabato howshan, ayna ka hesho maalinkii $4 illaa $6 oo ay ku dabarto cunnada, biyaha iyo waxbarashada carruurteeda oo kaligeed ay koriso.

Shaqadan oo ay bilowday bishii Jannaayo ayay xustay inay ka saartay cunno yari iyo nolol xumo ay wajahayeen. Waxay tilmaantay inay ku adkeyd helitaanka cunto hal waqti ah,

Waxay mid ku soo gali jirtay dawarsi ay sheegtay in duruuftu ku qasabtay, markii ay waayeen waxay dabka ku shitaan.

“Nolashayda hadda waxaan ahay qof bariiska ilmaha shaqaysanaysa, markii hore umadda ayaan dawarsanayay walaalow wax isii ayaan dhihi jiray. Qof baan albaabka ku garaaci jiray, mar la isiiyo iyo mar aan waayo ayay ahayd, horraantii waxaan ahaa qof barakac ah oo cid shaqso siisa waysay, waqtigaanna nolol baan helay oo waxaan ahay qof soo dhacsanaysa biilka qoyska.”

Aqbal ayaa sheegtay in shaqadan oo ay qabato subixii illaa shanta galabnimo ay tahay mid adag, maaddama ay dusheeda ku xambaarto biraha, ayna lug ku marto xaafadaha iyo daafaha magaalada oo ay ka raadiso.

Daruuf ayay tilmaantay inay ku qasabtay, balse ay ku faraxsantahay mar haddii aysan gaajo ku seexaneyn sagaal carruur ah oo lagu furay.

Afar ka mid ah carruurteeda ayay geysay iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan, waxayna bishii ka dhiibtaa $25.

Waxay sheegtay in tani ay tahay mid ka mid ah riyooyinkeeda ugu muhiimsan oo muddo ay ku taameysay.

“Carruurtayda oo markii hore wax ii dhigan jirin hadda waxbay ii bartaan. Bishaan ayaan geeyay iskuulka, nolashoodana waa haystaan iskuulkana waa aadan. Markii hore waxba ima dhigan jirin, maaddma aanan shaqo haysan oo aan rafaadsanaa. Hadase waxaan ku jiraa xaalad fiican.”

Qoyska Aqbal oo colaad uga soo barakacay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa tan iyo bishii Sebteember ee sanadkii hore deggan xerada Oog ee magaalada Dhuusamareeb.

Siddeed bil oo halkan ay ku nooshahay ayay tilmaantay inay tahay markii ugu horeysay oo ay hesho shaqo ay ku maareyso qoyskeeda. Biyaha oo markii hore ay dadka ka soo baryi jirtay ayay sheegtay in hadda ay bishii iska bixiso $5 oo looga qaato tobbo ugu jirta guriga.

Aqbal ayaa xustay in hadda ay leedahay keyd dhaqaale oo gaaraya $70. Uruurintan ayay sheegtay inay sii wadi doonto, si ay uga baaraan degto xaalad hubanti la’aan ah, maadaama aysan garaneyn xilli ay istaagi doonto shaqada ay ku tiirsantahay.

“Waxa aan ka shaqeynayo waxaa laga dhex raadinaya qashinka meelaha lagu tuuro iyadoo sidaas ay tahay ayaan hadane waxaan is leeyahay, maaddama ay noloshiina wax ka badashay oo ay kuu suurta gashay in ilmihii ay iskuul kuu aadaan ka sii shaqee. Muhiimadeydu waa inaan ku noolaano nolol fiican oo xayaato leh.”

Toddobo shirkadood oo magaalada deggan ayaa dadka ka gata biraha. Kiiladii ayay ka siiyaan qiime udhexeeya $0:15 illaa $0:20 sent.

Ma aha warshado, balse waa ganacsato u sii dhoofiya magaalada Muqdisho iyo dalka Ethiopia, halkaas oo ay ku yaalaan warshado ka sameeya qalabka dhismaha.

Qaar ka mid ah shirkadahan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dad ka badan 150 qof ay u keenaan walxaha biraha ka sameysan, kadibna ay lacagtooda siiyaan isla marka ay ka miisaamaan.

Tima-cadde Cabdi Kaabooy ayaa tilmaamay in tan iyo bishii Feberaayo oo uu ka shaqaynayo aruurinta biraha ay u suurta gashay in reerkiisa uu u helo cunto ku filan.

Wuxuu sheegay in bishii uu ka helo ugu yaraan $160 oo uu xusay inay ku filantahay qoyskiisa oo 14 qof ka kooban.

“Nin shaqaysto oo meel u baxayo oo shaqo meel ku og baan ahay oo wixii kasta oo gacantiisa qabata. Hadda ayay nolasheenu wanaagsan tahay, qurxuun tahayna, Inkastoo la dhahay ;soomaalidu waa samar taa ee ma dharagto. Marka annagu waan samarnaa.”

Howshan ka hor ayuu tilmaamay inuu ahaa nin shaqo la’aan ah oo carruutiisa oo 11 ah ay gaajo ku seexdaan. Xerada Shabeelle oo 15 daqiiqo oo socod ah u jirta magaalada Dhuusamareeb ayuu maalin kasta uga soo kallahaa shaqadan.

Waa isha kaliya dhaqaale ee uu maanta ku tiirsan yahay, balse dadka qaar ayuu sheegay inay u arkaan qof dhimirka ka xanuunsan, marka ay arkaan isagoo xambaarsan jawaan ay ku jiraan biro daxaleystay.

“Bulshada waa ku dhibaataynayaan. Kuwa ayaa ku tuur-yaynaya. Kuwa kale waa kugu qaylinayaan. Mid baa ku xumanaya gurigiisa markaad ag-maraysid. Kii naxumeeyana lama hadalno Alxamdullilaah baan dhahnaa, kii na fiicneeyana Rabilcaallamiim ayaan dhahnaa.”

Ninkan ayaa xusay in dhaqaalaha uu ka helo shaqadan uu qeyb ka mid ah uu bil kasta u diro saddex kamid ah carruurtiisa, kuwaas oo duruuf dhaqaale awgeed uu uga soo tagay qoys deggan miyiga gobolka Mudug.

Wuxuu intaas ku daray in bisha May uu qorsheynayo in iskuul uu geeyo afar carruur ah oo waxbarasho gaaray, balse markii hore ay dhaqaale la’aantu hor taagneyd.

Qoyska Timacadde ayaa lix bil ka hor soo deggay xerada Shabeelle, markii abaar ay uga dhinteen xoolo uu ku dhaqanayay gobolka Mudug.

Shirkadaha ka macaasha birta ayaa ah kuwo ogolaasho ka haysta maamulka Galmudug.

Cabdullaahi Axmed Baraale oo ah maamulaha shirkadda Bir-libaax oo saddex xarumood ku leh magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa sheegay in ku dhowaad sanad ay shaqeynayaan ay shaqo u abuureen danyar u keena walxa la tuuray oo aan lacag ugu fadhin, balse ay ka gataan iyagu.

Wuxuu intaas ku daray in shirkadoodu ay shaqeeleysiisay labaatan dhallinyaro ah. Cabdullaahi ayaa tilmaamay in sharkaddu ay la timid hal-abuur ay dhaqaale uga hesho biro duugoobay oo caqabad mooyee aan manfac deegaanka u laheyn.

“Anagu waxa aan ka helno ma fiirino nadaafaddii ayay ka qayb qaateen, dadka danyarta ahna shaqo abuur ayay u noqotay. Annagu intaas ayay ahayd ujeedadeenu. Cid nagu dhiirigaliso ama nagu taakulayso malahan maamul.”

Xaaladda nololeed ee dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ayaa sii adkaatay markii uu yaraaday gargaarka hay’adaha samafalka. Waa tiro yar inta hesha shaqooyin joogta ah ah oo ay ku maareeyaan noloshooda.

The post Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
(ERGO) – Boqollaal qoys oo ah xoolodhaqato hore oo ku cayroobay abaaro ayaa ka soo kabtay nolol xumo ay muddo wajahayeen, markii raggoodu ay billaabeen in ay ka kalluumaystaan badda deegaanka Gunbax ee gobolka Bari.

Raggan ayaa badda galay ka dib muddo dhawr bil ah oo ay kalluumeysto horay u joogay ka baranayeen qaabka loo kalluumaysto. Siciid Muuse Yuusuf iyo 6 kale waxay subax kasta badda la galaan saxiimad yar oo ay kiraystaan.

Kalluunka ay helaan oo ay kala qaybsadaan ayuu sheegay in ay kaga soo aadddo ugu yaraan $5 maalintii . Ninkaan oo ah 50 jir markii ugu horraysay kalluumaysiga billaaabay bishii Janaayo ee  sanadkan ayaa sheegay in hadda uu si wanaagsan u la qabsaday.

Wuxuu ku filnaaday maaraysnta nolosha qoyskiisa oo 10 qof ah.

“Shabaag ayaan iska dhiganaa xooggayga ayaan dadka kula shaqaystaan. Haddda baadiye laguma carari karo oo ninkii saddex tiro lahaa sodon caato ah oo aan nacfi lahayn ayaa u hartay. Hadda habeen iyo maalin baddaas ayaan ku jirnaa oo aan jillaabaynaaa.”

Siciid ayaa sheegay in ka hor inta uusan shaqadan ku dhiiran ay qoyskiisu ku jireen nolol xumo aad u liidata. Waxay hal waqti karsan jireen raashin ay ka dawarsadaan dadka horay u deganaa deegaanka Gunbux oo ay soo gaareen Janaayo.

Tan iyo markii uu ku biiray kalluumaysatada ayuu sheegay in qoyskiisu ay ka baxeen xaaladadihii nololeed oo ay xalka u la’aayeen. Fikradda ayuu xusay in  uu ku la taliyay nin ay saaxiibo yihiin oo kalluumeysiga uga horreeyay.

Wuxuu in ka hor inta uusan badda gelin uu qaatay tababar socday 2 bil oo ay siiyeen iskaashatada kalluumaysatada. Waxa ugu wayn ee la barayay ayaa ahaa sida loo xiro shabaagta iyo tababar naf badbaadin ah haddii uu qatar la kulmo.

Arrintaas waa mid uu kala sinnaa boqoollaal la mid ah oo badda ku cusbaa. Iskaashatada ayaa u arkay in ay lagama maarmaan tahay in dadkaan la siiyo tababar kooban si ay badda ugu shaqaystaan, maaddaama ay qabeen baahi xooggan oo cilmigaas ah.

Siciid inkasta oo uu hadda dareemayo soo kabasho dhanka nolosha ah oo ay reerkiisu galeen haddana waxaa culays ku haya daymo isku gaaray saddexdii sano ee la soo dhaafay oo xoolihiisu ay daaq xumada darteed la nacfi beeleen.

Waxaa ku leh ganacsato ku nool deegaanka Murcanyo oo uu raashin uga qaaday dadka iyo xoolaha. Inkasta oo ay hadda waydiinta dayntaas ku cadaadiyaan haddana wuxuu naawilayaa in uu iska gudo, markuu si fiican ula qabsado kalluumaysiga.

“Haddii shaqadaan ii fiicnaato waxaan rajaynayaa in aan iska bixiyo, awalna xoogayga ayaan ku galay haddana waxaan illaahay ka rajaynayaa in aanan dayntaas ku dhiman oo aan Illaahay qaan bini’aadan igu dilin.”

Siciid oo noloshiisa oo dhan ku soo qaatay xoolo dhaqatonimo ayaa sheegay in kalluumaysigu uu kaga nacfi badan yahay xoolihiisii taas oo uu xusay in ay ku dhalisay in uu sii xoojiyo shaqadiisa cusub.

Wuxuu tilmamay in hadda uu la tacaalayo qalab la’aan, balse haddii uu helo uu aaminsan yahay in daqligiisu si wayn u kordhayo. Waxaa aad u dhiiragelinaysa faham buuxa oo uu ka helay badda.

Dhamaan xoola-dhaqatada u weecday kalluumaysiga ayaa kala siman Siciid faa’iidada ay mahdiyeen. Waxay si isku mid ah badda u wada galaan subax walba iyaga oo wata gaadiid kala duwan oo ay kiraystaan. Waxay kula heshiiyaan ganacsatada leh boqolkiiba labaatan hadba waxa ay soo jilaabtaan.

Maxamuud Axmed Naasir wuxuu tan iyo bishii saddexaad ee sanadkaan uu badda la galaa maalin kasta saxiimad yar oo uu leeyahay nin ganacsato ah. Wuxuu siiyaa maalinkii shan doollar oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa oo lix qof ka kooban.

Ninkan ayaa sheegay in shaqadaan, markii uu bilaabay ay reerkiisu ka soo kabteen nolol xumo badday in ay asaaggood dawarsadaan.

Ninkan oo horay miyiga deeegaanka Gunbux ugu dhaqanayay 50 ari ah ayaa sheegay in in reerkiisa uu magaalada u soo raray markii ay dhaafeen xoolahoodii.

“Dadkii waxaan keenay magaalada meel u dhaw oo kaam ah. kalluunka aan soo helno ayaan habeenkii u gaynaa oo aan ku cashaysiinnaa, iyo wixii kale ee illaahay na siiyo. Sidaaan miyga ku ahayn markaan aan xebta nimid ayaan ka roonnahay.”

Dhanka kale Maxamuud wuxuu sheegay in kalluumaysatadooda cusub ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin maraakiib jariif ah oo badda ka soo saara maalmaha qaar iyo qalab ay ku shaqaystaan oo aysan haysan. Xaaladdaahaas ayaau qasba in ay u shaqeeyaan dadka shamaagaha leh.

“Baahiyaha aan qabno waxaa weeye waxaanan haysan wax aan xebtaas kaga kalluumaysanno Saxiibad ama matoor ah ma haysanno. Marka dhibaatada koobaad ee na haysata kaas weeye.”

Maxamuud sidoo kale wuxuu sheegay in muddada uu shaqaynayo uu iska guday dayn gaaraysa $300 oo uu raashin ugu qaaday reerkiisa intii uusan shaqadaan billaabin. Wuxuu xusay in uu ka nastay culays ay ku saarayeen bixibteeda ganacsato ku nool Gunbux oo ku lahaa.

Xoolo-dhaqatada hore ee billaaabay kalluumaysiga in ay la qabsadaan badda waxaa kaalin wayn ku leh kalluumaysatadii hore badda ugu jiray oo u fidiyay taageero buuxda sida uu sheegay Faarax guuleed oo ah guddiga iskaashatada Gunbux.

Wuxuu sheegay in ay si is xilqaan ah ku siiyaan tababarro kala duwan oo u sahlay in ay muddo kooban iskood u shaqaystaan.

Waxaa la baray xirista shabaagaha, quusidda badda iyo wadista doomaha Inkasta oo ay ka dhigeen xirfadlayaal haddana waxaa jira cillado aysan xalkooda hayn. Waxaa ugu wayn qalab la’aanta.

“Dadkaan waxaa la rabay in hay’ado samafal ah ay caawiyaan oo ay ka caawiyaan waxyaabo badan sida qaboojiyaasha iyo wixii kale oo ay qalab u baahan yihiin laakiin ma aysanhelin. Haddaba sidii ay isku xalin karaan ayay isku caliyaan laakiin in la caawiyo ayy aad ugu baahan yihiin.”

Dhibaatooyinka ay keeneen isbeddelka cimilada ayaa si wayn u saameeya sanad kasta kumanaan qoys oo soomaali ah. Roob yarida soo laalaabata ayaa ka mid ah waxyaabaha saamaynta ugu xooggan ku yeesha xoolo-dhaqatada iyo beeralayda.

The post Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.