Radio Ergo – Somali Humanitarian News and Information

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
(ERGO) – In ka badan laba boqol qoys oo ahaa xoolo dhaqato hore kana soo barakacay dhamaadkii bishii hore deegaanka Buula–haaji oo hoos taga degmada Kismaayo, ayaa xaalad cunno yari iyo hoy la’aan ku wajahaya deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada hoose.

Waxaa ka soo sal-kiciyay roob yari xoolihii ay ku tiirsanaaayeen ka dhigtay wax baaba’ay iyo in nacfi beeshay iyo ilihii ay ka cabbi jireen biyaha oo qallalay.  Waxay xeryaha deegaanka soo galeen iyaga oo fara-maran.

Farxiya Daa’uud Cumar waa haweeney umul ah oo iyada iyo qoyskeeda oo toban ah ay hubanti la’aan ku haysato deegaankii ay u yimaadeen sidii ay ku heli la hayeen gargaar bani’adannimo, balse kuma haystaan noloshii ay soo raadiyeen.

Haweeneydan ayaa xustay inay u dheer tahay gaajada hoy la’aan. Waxay deegaankan ku soo aadeen iyada oo ay curteen roobabka guga.

“Roob ayaa nagu imaaday. Meel waxaan degnay biyo mareen ah. Biyihii ayaa raashinka naga qaaday. Cunugta meel aan roobka kala galo ayaan waayey. Markaa  meeshii waan ka guurnay. Meel aan biyo mareen ahayn oo banaan ayaan u soo guurnay”.

Farxiya ayaa sheegtay in kasta oo dadka deegaanka ay u sameeyeen gurmad yar oo raashin iyo biyo haddana wixii lagu taageray ay ka hallaabeen markii ay ka qoyeen maaddaama aysan gabaad haysan.

Hadda waxaa maskaxdeeda culeys ku haya calool marnaan ilmaheeda ka ugu yar uu dhallan wax ka yar bil kuna soo dhashay jidka intii ay ku soo jireen, inay dibad-yaal u yihiin kaneecada, qabow iyo fallaaraha cadceeda.

Saadaasha SWALIM ayay sheegaysa in gobolka Jubada la filayo inay ka da’aan roobab xooggan, dadka deegaanka ayaa isku diyaarinaya, balse farxiyo iyo inta la mid ah waxay ka welwelsan yihiin inuu saamayn ku yeesho.

Haweeneydan sidoo kale, ma haysato maacuun iyo dhar ay huwadaan, maaddaama ay ka soo tageen markii ay waayeen lacag ay gaari ku soo kiraystaan.

“Sijaayad ayaan ku seexanaa ma garatay. Joodari iyo waxaas ma jiraan oo dhul la dhiganaayo. Dhulka ayaan seexanaa. Goshayada sidaas weeye”.

Farxiya ayaa sheegtay in ay geedi soo ahaayeen 25 maalmood oo ay raadinaayeen meel nolol iyo biyo ay ka helaan oo ku negaan karaan. Waxaa socdaalkooda sii dheereeyay inay dhashay intii lugta ay ku soo jireen. Waxay xustay in jidka meel cidlo ah iyada, ilaheeda iyo haweenay kale looga soo tagay, halka ninkeeda carruurta kale uu soo qaaday.

Saddex maalin kaddib waxaa jidka uga hor tagay dhakhaatiir ka shaqeeya xarunta cafimaadka  deegaanka Kulbiyow, kuwaas lagu wargeliyay in wadada looga soo tagay. Waxay tilmaamtay in iyada iyo ilmaheeda ay siiyeen dawooyin fuuq celin ah, iyo gaari tuulada ku keenay.

Waxay sheegtay inay ku soo beegmeen xilli xaaladeeda ay halis ku sugnayd.

“Markaas waan xanuusanaa aniga. Waxaan lahaa wadno xanuun. Korka aan ka bararay. Dhiiga ayaa la iga cabbiray. Dhiig la’aan ayaa ku haysa ayaa la i dhahay. Sharoobooyin iyo fiinto ayey i siiyeen. Bararkii wuu iga dhacay. Waan fiicnaaday.”

Qoyska Farxiya waxaa dhaafay 35 lo’ ah oo qaar ay waddada kaga imaadeen markii ay socon waayeen iyo 25 neef oo ari. Hadda waxaa u jooga 3 neef oo aysan ku qabin wax dheef ah. Iyadda iyo dadka la midka ah waxay rajaynayaan in ay helaan caawinaad maaddaama ilahoodii dhaqaale ay meesha ka baxaan.

Qoysaskan oo deegaansaday meel u jirta 3 km deegaanka Kulbiyow ayaa hadda roobka awgiis uga guuray meeshii ay ku furteen markii ay noqotay meel biyo mareen. Hadda waxaa ay dagan yihiin meel 2 km jirta.

Qoyska Xasan Salaad Nuur oo ka mid ah qoysas soo barakacay, ayaa wajahaya duruufo is-biirsaday oo aysan filayn. Waxay dantu bidday iny dadka deegaanka u dan sheegtaan, kuwaas oo aan wax badan dhaamin.

Ninka ayaa sheegay inuu cunno ku filan u la’ yahay qoyskiisa oo ka kooban 17 qof oo ay toban carruur yihiin. Waxaa u raaca in dhibicda roobka aysan haysan meel ay ka galaan.

“Laba habeen ayaan waynay meel aan roobka ka galno oo uu nagu da’ayey. Baco xun-xun oo googo’aya ayaan waddanay. Xitaa dhowr neef oo xoolo ah oo aan waddanay waa naga dilay roobka. Lix neef oo adhiya ayuu iga dilay.”

Qoyska Xassan ayaa ka soo barakacay baadiyaha deegaanka Santaaro oo hoos taga Buulo-xaaji halkaas oo ilihii biyaha ay ku tiirsanaayeen ay la qalaleen roob la’aan, halka xoolihii ay ku tiirsanaayeen oo ahaa 40 neef oo lo’ ah iyo 30 ari ah ay ku waayeen baad iyo biyo la’aan.

Ninkan ayaa sheegay inay galeen xaalad hubanti la’aan ah markii xoolihii ay dhaafeen. Xassan ayaa sheegay in deegaanka Kulbiyow uusan ku oolin dukaan uu raashin, sonkor iyo caano dayn ah uu uga soo qaadi karo maaddaama uusan cidka ka aqoon.

Wuxuu intaas ku daray in inta weji garaneysa aysan wax u ogalayn maaddaama ay og yihiin in uu yahay nin barakaca oo xoolihii ay ka le’deen.

“Xoolaha abaar ayaa nag ka dhigtay. Wixii joogay wax ay cunaan waa waayeen, Biyo waa Waayeen. Santaaro warihii waa abaar. Abaaloley waa abaar. Baqdaad waa abaar. Xoolaha wax ay cunaan waa la waayey. Biyo dadka ay cabaan waa la waaye.”

Ninkan ayaa sheegay in sanadkii hore xilligan oo ay nolosha qoyskiisa ay sidan ka wanaagsanayd balse maanta ay joogaan xaalad oo uusan garanayn si uu u maareeyo xilligan.

Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka mid ah dadka deegaanka Kulbiyow ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka deegaanka iyo maamulkooda ay si iskaashi ah raashin ugu aruuriyeen dadka soo dul dagay.

Wuxuu xusay inaysan wax ka qaban Karin baahida jirta, wuxuu intaas ku daray in hadda dadkan ay ku sugan yihiin xaalad bani’aadannim oo halis ah.

“Waxaan awoodnay in aan adhiga aan haysanayn iyaga u gadno oo ku caawino. Hay’adda iyo cid kale waxba uma’aanan waydiinin. Ninka deegaanka ah waxaan ka qaadaynay neef adhiya oo buuran aan gadno. Ganacsatada iyo dukaamada lacag. Maamulka aan dib u galno. Sidaas ayaan dadkaas ku caawinay.”

Ninkan ayaa sheegay in ay isaga oo tarayaan dadka weli deegaanka imaanaya iyaga oo aan wadan wax sahay ah. Dadka deegaanka ayuu xusay inay wax badan dhaamin maaddaama ay roob yaridu wada saamaysay gobolka.

The post Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool
(ERGO) – Xaalad biyo yari ah oo saamayn ku yeelatay ayay wajahayaan in ka badan 15,000 oo qoys oo ku nool degmada Taleex ee gobolka Sool. Culayskan ayaa haystay tan iyo bishii Fabraayo, markaas oo ay ka qallaleen 2 ceel-gacmeed ka cabbi jireen dadka deegaanku.

Qoysaskan oo danyar ah waxaa ku adkaatay inay iibsadaan biyo qaali ah oo booyado looga keeno deegaanka Sool oo qiyastii 80 km u jira magaalada Taleex. Waxay sheegeen in halkii fuusto ay gaartay lacag u dhexaysa $12-$15 oo awoodooda ka baxsan.

Yaasiin Axmed Ciise oo ka mid ah dadka ay dhibaatadan haysato ayaa sheegay in qoyskiisu ay ku tiirsan yihiin dhowr liitar oo ay ka soo baryaan dadka dhaama. Maalinkii aysan ka helin ayuu xusay in ay oon ku joogaan, maaddaama aysan doorasho kale haysan.

“Qoyskayga xaaladiisu meel khatar ah ayay maraysaa, caqabadda noogu weyn ee na haysatana waa biyo la’aan. Carruuurtu in y oon iiga dhintaan ayaan ka cabsi qabaa. Si aan la xisaabi karin ayay noo saamaysay, waxaana arintaan keenay shilin aan ku iibsano ayaan weynay.”

Yaasiin ayaa sheegay in biyo yarida ay qoyskiisa u wehliso cunno xumo. Wuxuu xusay in afartii bil ee ugu danbaysay uu shaqo la’aan ahaa, markii ay meesha ka baxeen shaqooyin dhismaha guryaha ah oo nolol-maalmeedka uu ka soo saaran jiray.

Wuxuu u sababeeyay saamaynta jilaalka oo keentay in shirkadihii dhismaha iyo dadkii wax loo dhisi jiray ay dhaqaale xumo darteed u joojiyeen. Ninkan ayaa tilmaamay inuu subax walba magaalada u baxo si uu u soo raadiyo qof shaqo u dirsada, balse galabkii uu dib u soo noqdo isagoo faro maran.

Qoyskiisa oo 10 qof ah ma heli karaan cunno hal mar ku filan. Dadka dariska la ah ayaa marmar waxyar isugu dara, markii aysan kaalmadaas helin waxay ku qasbanaadaan inay gaajo ku joogaan.

“Cunto la’aan ayaa aad noo saamaysay, xaaladduna waa nagu adag tahay. Reerka qadada hal waqti waxaa u kariya dadka dariska ah, marna hal kiilo oo bariis ah ayaan soo daynsanaa. Xilli kalena waxba lama cuno, meel adag ayay nala maraysaa.”

Yaasiin oo 45 jir ah ayaa sheegay in xaaladan oo kale uusan horay ula soo kulmin. Waxaa isku raacday shaqo la’aanta iyo ceelashii deegaanka oo biyo la’aan noqday. Wuxuu tilmaamay in dukaamo ay daymo ka qaadan jireen ay ka joojiyeen, markii ay ku badatay.

Ninkaan ayaa sheegay in loo haysto $1,580 oo ah dayn isugu jirta qaar horay loogu lahaa iyo qayb shantii bil ee ugu danbaysay ku gashay biyaha, raashinka iyo baahiyaha kale ee reerka. Dadkii uu ka qaatay ayaa joogto u soo waca, balse ma hayo xal uu ku bixiyo.

Qoyskiisa waxaa cunno xumada iyo biyo yarida u wehliya hoy la’aan. Waxaa bishii hore laga soo saaray saddex qol oo ay ku noolaayeen, markii uu afar bil bixin waayayn min $40 oo kiro ah. Arrintaas ayaa u horseeday in ay bannaan yaal u noqdaan qorraxda iyo dhaxanta.

“Hoy nagu filan ma haysanno. Carruurta banaan cidlo ah ayay jiifsadaan. Waxaa ku jira gabadho aan u cabsanayo in habeenkii loo soo dhaco. Hal qol oo nalagu caawiyay oo aan wada qaadin ayay joogaan. waxaana keentay awood la’aanta dhaqaale.”

Yaasiin ayaa sheegay inay waxbarasho la’aan ka yihiin 6 carruur ah oo u dhigan jiray iskuul hoose iyo dhexe. Wuxuu awoodi waayay $60 oo isku darkooda bishii laga qaadi jiray. Ninkaan oo weligiis ka mid ahaa muruq-maalka magaalada Taleex wuxuu xusay in xaaladdaan ay walwal galisay.

Dhanka kale, Qoyska Laki Saleebaan Cabdi oo 9 qof ah waxay bishan iyo tii ka horraysay awoodi la’yihiin biyo ay joogto u isticmaalaan.

Waxay sheegtay in ceel-gacmeed u dhow gurigooda oo ay bilaash uga cabi jireen uu gabi ahaanba guray horraantii Fabraayo. Waxay iibsan la’yihiin biyaha ay booyaduhu keenaan oo lacag badan ah.

Laki ayaa sheegtay in qoyskeeda ay intaas u dheer tahay cunno xumo. Ninkeeda oo horay uga tirsanaa ciidanka Puntland ayaa u soo wareegay dhanka maamulka Waqooyi bari welina wax mushaar ah looma billaabin, taas oo keentay in uu shaqo la’aan noqday lix bil. Ma jirto meel kale oo dhaqaale ay ka helaan.

Haweenaydaan oo xaamilo ah ayaa xustay in ay magaalada Taleex marar badan ka raadisay shaqooyin dhar dhaqid ah si ay cunno ugu hesho carruurteeda, balse ay ku hungowday.

Laki ayaa sheegtay in maalmaha qaar ay dabka ku shitaan ugu badnaan $2 oo ay ka helaan dad ay qaraabo yihiin oo degan Buuhoodle. Markii aysan waxba u soo dirin qatooyo ayay ku joogaan carruurteeda oo yar yar ah.

“Hal waqti ayaan wax karsanaa oo dab shidku naguma badna, meel ay wax naga soo galaana ma jirto. Xoolo, beero iyo ganacsi midna ma lihin. Qof meel uu hanti ku ogyahay oo ay ka soo galayso aysan jirin waa dareemi kartaa waa cayr faro maran.”

Laki ayaa sheegtay in labo carruurteeda ah oo 3 iyo 5 sano kala jira ay toddobaadkii ugu danbeeyay ku aragtay matag iyo qandho aan ka damayn. Waxay xustay in aysan hayn qarash ay isbitaalka ku gayso magaaladana uusan ku oolin mid bilaash ah.

Haweenaydan ayaa xustay in xilligaan oo ay soo dhawaatay dhalmedeeda aysan hayn lacag ay ku soo ogaato xaaladeeda caafimaad iyo tan cunuga. Habeennada qaar ayay tilmaamtay in ay ka seexan wayso dhabar xanuun daran oo aysan ogayn waxa ku sababay.

Laki waxaa dhanka kale walwal ku hayo labo carruur ah oo horay Qur’aan ugu dhigan jiray, balse lix bil oo aabbahood uu shaqo la’aan ahaa aan wax daruus ah qaadan. Waxay sheegtay in ay hilmaameen intii ay soo barteen, taas oo saamayn ku yeellanaysa mustaqbalkooda.

Intaas waxaa u dheer dayn $600 ah oo looga leeyahay bakhaarada raashinka oo mar kasta la soo waydiiyo aysana bixin karin.

Dhanka kale guddoomiyaha Taleex Axmed Cabdulaahi Cabdi ayaa sheegay in ceelasha qallalay ay ku tiirsanaayeen in ka badan 15,000 oo qoys oo isugu jira qaar magaalada degan iyo kuwo duleedkeeda ka soo aroori jiray. Roob yari 4 sano soo jirtay iyo dadka oo sii kordhaya ayuu u sababeeyay xaaladdaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ugu liita ay u sameeyeen biyo dhaamin kooban ayna meelaha qaar ka bixiyeen raashin gargaar ah. Baahida jirta oo badan iyo dadka ay xaaladaan saamaysay oo kumannaan qoys ah ayuu xusay in aysan wax badan u tarin kaalmadaas yar.

Maamulka Waqooyi bari iyo hay’adaha samafalka ayuu ka codsaday in ay gacan ka gaystaan biyo yarida ka jirta degmada Taleex. Wuxuu xustay in haddii aan xal la helin ay ka sii dari karto heerka ay hadda joogto.

The post Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys
Jirigaanka biyaha oo bilihii la soo dhaafay ahaa 2,000 oo shillin Soomaali ah ayaa hadda gaaray 6,000 oo shillin, arrintaas oo culays dhaqaale oo lama filaan ah ku noqotay qoysas horeyba u nuglaa.

Maamulka degmada Kaxda ayaa xaqiijiyay in sicir-bararkaan uu yimid kadib markii boqolaal qoys oo cusub ay ku soo barakaceen xeryaha.

Qoysaskan ayaa ka soo cararay abaaraha ka jira gobollada dalka, taas oo keentay in baahida biyuhu ay ka badato awooddii lagu dabooli karay.

Khadro Maxamed Xasan, oo ah hooyadda  shan carruur ah oo ku nool xerada Maqsuud, ayaa u sheegtay Radio Ergo in qiimaha biyuhu maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhayo, isla markaana uu hadda gaaray heer aysan awoodin inay iibsato.

“Haddii xanuunsato, biyo ma heli kartid. Carruurta waxay ka keenayaan bannaanka wasakh, kadibna cuntada ayay la galayaan maadaama aysan jirin biyo ay ku nadiifiyaan. Maalmaha qaarkood xitaa biyo aan gadan karno ma helno, waxaana ku qasbanaannaa inaan dadka xafadaha dhow deggan ka baryo hal jirigaan.”

Khadro waxay sheegtay in aysan helin shaqo joogto ah, balse marka ay hesho shaqo dhar-dhaqis ah ay ka kasbato inta u dhaxaysa saddex ilaa afar doollar maalintii.

Waxay intaas ku dartay in inta badan lacagta ay hesho ay ku baxdo iibsashada biyaha, taas oo sii adkaynaysa nolosha qoyskeeda.

Waxay sheegtay inay mararka qaar helaan hal waqti oo keliya cunto karsan, taas oo ay ugu deeqaan samafalayaal gargaar u fidiya dadka soo barakacay.

“Waxaa laga yabaa ilaa xoosh in aan kasoo helno hal jirigaan oo biyo ah. Haddii Albaabkaan lagaga diido mid kale ayaad aadeynaa, dadka qaarna way na siiyaan kuwana waa noo diidaan, dadka xerada nala degan badankood way baahan yihiin waxba ma heli karaan.”

Khadro dharka carruurteeda ayay horay bac ugu qaaddaa maalinwalba si qoysaska ay dharka u dhaqeyso ay uga hesho biyo ay laba joog kusoo dhaqdo ka dibna guriga dib ugu soo celiso.

“Maalmaha qaarkood guriga waxaan ku soo laabtaa anigoo aan waxba soo helin biyo aan gadan Karin, Nus dollar qofkii aan heysan biyo ma heli karo haddii uusan deysan. Maryo wasakh ah ayaan horay u sii qaadanaa dhar-dhaqow markan aadayno, kaddibna waan soo ceshanaa.”

Haweeynadan oo ka soo barakacday deegaanka Ukunji ee Shabeellaha Hoose, markii ay ka dhammaadeen 60 neef oo ari ah oo ay dhaqan jirtay.

Xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan xeryaha dadka soo barakacay ee Soomaaliya ayaa gaartay heer aad u liita, iyadoo biyo-yaraantu ay noqotay caqabadda ugu weyn ee haysata qoysaska danyarta ah.

Sahro Maxamuud, oo ka mid ah dadka barakacay ee ku nool xerada Maqsuud ee degmada Kaxda, isla markaana korsata lix carruur ah oo agoon ah ayaa ka mid ah kumanaanka qoys ee la daalaa dhacaya biyo-yaraan baahsan oo ka dhalatay kororka qiimaha biyaha.

Waxay sheegtay in noloshoodu ay qarka u saaran tahay xaalad aad u adag, maaddama aysan awoodin qiimaha biyaha oo saddex laab kor u kacay.

Dhibaatada ugu weyn ee haysata Sahro ayaa ah in biyuhu ay isu beddeleen ganacsi oo lagu helo keliya lacag caddaan ah, taas oo ka hor istaagtay qoysaska danyarta ah inay helaan xitaa hal jirigaan oo ay baahidooda ku daboolaan.

Sahro waxa ay tilmaamtay in aysan awoodin in ay iibsataa taasi ay ku qasabtay in iyadda iyo Carruurteeda ay dhex wareegaan xaafaddaha Kaxda si ay u helaan biyo ay cabaan.

Waxa ay sheegtay in aysan heyn wax shaqo ah ,islamarkaana ay ku tiirsan tahay cuntada bisha ramadaan laga bixiyo xerada.

“Qofka haddii uu maalinkii soo waayo hal dollar biyo ma ihi karo, Biyaha qof shaqsi ah oo gadanaya ayaa iska leh. Hal jirigaan isii haddii aad dhahdo cid ku siinaysa ma jirto ama kaa yeelaysaa; lacagta waa horumaris. Dhibaato ayaa na heysta, oon badan ayaan dareemeynaa.”

Sahro ayaa ku nool xerada Maqsuud muddo saddex bilood ah,markii ay ka soo barakacday roob la’aan ka jirta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku weysay 100 neef oo ari ah oo ay dhaqan jirtay.

Sahro waxay intaas ku dartay in xaaladdu ay gaartay meel aan la is caawin karin, maaddama qof kasta oo xerada deggan uu la dhibsanayo isla baahidaas.

Waxay sheegtay in nadaafaddarada ka dhalatay biyo la’aanta ay sidoo kale saamayn ku hayso.

“Ilmihii baa cudurkaas ku dhacay. Shuban iyo matag ayaa socda. Biyaha guriga, ma ilmaha dharka loogu dhaqaa mise cabitaan. Dadku sidoo kale isma dhaamaan, waxbana iskuma tari karaan.”

Iyadoo culayska biyo-yaraantu uu si siman u saameeyay kumanaanka qoys ee ku nool xeryaha barakaca, maamulka degmada Kaxda ayaa si dhow u la socda xaaladda taagan, iyagoo muujiyay walaac ku aadan masiibo bini’aadanimo oo dillaacda.

Yuusuf Cabdi Cusmaan agaasimaha Arrimaha Samafalka ee degmada Kaxda, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda bini’aadanimo ee sii xumaanaysa ee ka taagan xeryaha barakaca ee degmadaas.

Yuusuf waxa uu xaqiijiyay in sicir-bararka biyaha ee dhacay uu yahay mid ka baxsan awoodda qoysaska danyarta ah ee horayba ugu tabaalaysnaa xeryaha.

Waxaa uu tilmaamay in kororka dadka ku soo barakacaya degmada, kuwaas oo ka soo cararaya abaaraha dalka ka jira, ay keentay in baahida biyuhu ay si xawli ah u kororto, halka ilahii biyaha ee jiray ay aad u yaraadeen.

Maamulka degmada Kaxda ayaa xaqiijiyay in culayska dhaqaale ee ku yimid biyaha uu yahay mid lama filaan ah oo aysan waxba ka qaban Karin.

“Haddii xaaladda ay sidaan kusii socoto Musiibo ayaan ka cabsi qabnaa. Biyaha waxay qayb ka yihiin jiritaanka caafimaadka iyo nolosha intaba, Cid kasta oo ka kaalmayn karta dhibaatada biyaha ama ceel ku caawin karta ka maamul ahaan waan soo dhawaynayna. Waayo awood kale oo aan ku xallino dhibaatadan ma hayno.”

Xaaladda biyo-yaraaneed ee ka jirta xeryaha barakaca ee degmada Kaxda ayaa muujisay heerka adag ee ay marayso xaaladda bini’aadanimo ee qoysaska danyarta ah.

Kororka qiimaha biyaha, yaraanta ilaha biyaha, iyo tirada sii kordhaysa ee dadka soo barakacay ayaa si wadajir ah u sii xumeynaya nolosha dadkaas.

The post Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta
(ERGO) – In ka badan boqol rag ah oo danyar iyo barakac ah, kuna nool Dhuusamareeb ayaa ku filnaaday nololsha reerahooda, markii ay billaabeen in ay ku shaqaystaan mooyooyinka feekoonta oo ay daymo ku qaateen.

Raggan oo shaqadan ku soo badanayay muddo afar bil ah ayaa si isku mid ah uga hela dhaqaale ay uga soo kabteen xaaladdo adag.

Xasan Yaasiin Cabdullaahi oo ka mid ah wuxuu si buuxda u maareeyay nolosha reerkiisa oo barakac ku ah deegaanka Xananley oo dhuusamareeb hoos tagta.

Wuxuu maalinle u shaqaystaa lacag u dhexeeya $10 illaa $15 oo faa’iiddo ah. Dhaqaalahaas ayaa u sahlay in uu arrad-tir, biyo iyo cunno ku filan uu u awoodo qoyskiisa oo shan qof ah.

Waxay ka soo kabteen nolol xumo badday in ay hal waqti dabka shidan waayaan.

“Markii hore waqtiyadda qaar waxaa laga yaabay in hal toddobaad guriga iska jooga oo aniga iyo carruurta isku kor baahanno, laakiin hadda mootadaas baan wataa. Gu’ iyo jiilaal ayay kala tahay nolashii hore iyo tan maanta.”

Qoyska Xasan ayaa hadda si buuxda uga soo kabtay nolol-xumo ay muddo wajahayeen, markii roob la’aan soo jirtay labo sano uu kaga dhamaaday 80 ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneed.

Wuxuu xusay in ku shaqaysiga moodata uu kula taliyay in ay daris yihiin oo kaga horreeyay. Wxuuu sidoo kale baray wadisteeda taas oo dhiiragelin u noqotay.

Wuxuu ku iibsday $800 oo uu dayn kaga qaatay dad ay qaraabo yihiin oo ku nool dhuusamareeb.

Ninkaan ayaa tilmamay in uu maalintii saddex illaa afar jeer u baxo deegaanada Laas-xaadow, Bohol, Gal-xamur, Faragooy oo dhamaan uu ku leeyahay macaamiil uu u geeyo adeegyada ay u baahan yihiin sida raashinka iyo biyaha.

Shaqadaan muddada uu waddo darteed waxaa u suuroobay in uu iska bixiyo dayntii uu ku qaatay muudata wuxuuna tilmamay in hadda uu leeyahay qorshayaal cusub oo uu doonayo in uu kordhiyo gaadiidkiisa maaddaama uu ka arko fursad fiican.

“Bishiiyoo kale waxa kusoo gallo ayay ku xiran tahay, anigu bishii Kontan doolar ayaan meel dhigtaa.”

Xasan in uu maareeyay nolosha qoyska waxaa u dheer in sidoo kale uu markiii ugu horraysay waxbarasho ku daray saddex ka mid ah carruurtiisa.

Wuxuuu geeyay iskuul ku yaalla deegaankiisa oo horay dhaqaale xumo uu ugu dari waayay isaga oo bille uga dhiiba $20 isku darkooda.

Ninkaan ayaa tilmaamay in sidoo kale uu qorshaynayo in reerkiisa uu u soo raro magaalada Dhuusamareeb oo uu rabo in uu uga dhiso labo qol oo jiingad ah.

Si uu u dhiso gurigaas wuxuu bil kasta meel dhigaa $50 isaga oo hadda kaydiyay lacag dhan $400.  Wuxuu aaminsan yahay in uu ka bixi karo nolosha magaalada maaddaama dhaqaala soo gala uu ku filan yahay.

Dhamaan ragga ku shaqaysta mootooyinkaan ayaa si isku mid ah u hela dhaqaalaha beddelay hab nololeedka qoysskooda. Cabdimahad Maxamud Xasan muddo afar bil ah oo uu shqaynayo wuxuu kasbatay boqolaal macaamiil ah oo uu joogto ugu shaqeeyo.

Ninkaan oo horay u ahaa xoogsade dhismaha guryaha kaga shaqaynayay magaalada Dhuusamareeb aana heli jirin wax ku filan nolosha qoyskiisa ayaa arrintan u noqotay fursad uu mahdiyay.

Wuxuu sheegay in ay kaga dhib yar tahay kana dhaqaale badan tahay.

“Waxaad qof gacantiisa ka sugta iyo waxaad adigu nolashaada ku maarayso farqi wayn baa u dhaxeeya. Bini’aadanka baryihiisa dhibaato ayay leedhaay wanaag malahan.”

Cabdimahad ayaa sheegay in qoyskiisa oo ka kooban todobo qof ay hadda si joogto ah u helaan cunno ku filan. Sidoo kale wuxuu ka soo raray duleedka magaalada oo ay barakac ku ahaayeen muddo sanad ah isaga oo guri labo qol ah uga kireeyay gudaha magaalada, kaas oo bishii uu ka dhiibo $30.

Wuxuu sheegay in  ay ka soo kabsadeen nolol xumo ay wahayeen labaddii sano ee la soo dhaafay oo si tartiibtartiib ah ay u sii dhamaanayeen tiro arri ah oo noloshoodu ku tiirsaneed. Waxaa isku raacay cudurro aysan aqoon iyo daaq la’aan.

Ninkaan oo maalintii shaqaysta ugu yaraan $10 ayaa xusay in uu u kala qaybiyo masruufka reerka iyo in uu iskaga gudo daymo lagu lahaa.

Waxa ugu wayn ee uu bixinteeda ku hawlan yahay ayaa ah kun dollar oo uu mootada ganacsato uga daynsaday iyo $800 oo uu horay raashin ugu qaatay intuusan shaqadaan billaabin.

“Dayman badan ayay iska bixiyay bakhaaro aan raashin ka qaatay oo kale, wuxuu iskugu jiray raashin xoola iyo mid dad ba la siiyay ayaan ku qaatay oo waraaqa badan iga qornaayeen lacag dhan $1,000.”

Cabdimahad ayaa sheegay in shaqadiisa uusan ka maarayn qoyskiisa oo kaliya ee sidoo kale uu caawin joogto ah siiyo shan reer oo ay qaraabo yihiin kuwaas oo miyiga ay ka soo wada xaroodeen.

Ninkaan oo ah 30 jir noloshiisa oo dhan ku soo qaatay miyiga ayaa xusay in shaqadaan ay u herseeday noloshii ugu wacneed ee abid soo marta. Wuxuu tilmaamay in markii hore ay ku dhalatay ka dib markuu arkay dad badan oo ku shaqaysanaya.

Reer guuraaga oo fahmay adeegeeda ayaa si joogto ah ugu xirmaya mootada. Maxamuud Xaashi Culusow oo ku nool deeganka Bali-hogol oo Dhuusamareeb dhanka barri kaga beegan 20km wuxuu kamid yahay dadka reer miyiga ah ee macaamiisha joogtadda ah u ah raggan.

Wuxuu tilmaamay in uu ku xushay adeegga ay degdegga ugu keenayso iyo qiimaha yar ee uu awoodo oo ay ka qadayso. ka hor wuxuu tilmamay in uu lahaa awr uu rarka ku soo qaato balse hadda ay noqdeen caato aan rar galin taas oo ku qasabtay in uu mootada adeegsado.

Roob yarida daba dheeraaday ee soo jirtay sanooyinkiii ugu dhanbeeyay ayaa sababtay u weecdaan dhinaca ku shaqaynta mootooyinka loo yaqaano Faakoon.

The post Qoysas ku nool Galgaduud oo cunno xumo uga baxay adeegsiga mooto Faykoonta appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan
(ERGO) – In ka badan shan kun oo qoys ayaa tan iyo bishii Diseembar biyo yari, cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahaya magaalada Bardheere oo ay soo miciin bideen.

Waxay deegaannadoodii ugu soo barakaceen roob yari afar xilli ka jirtay oo nacfi tirtay kabayaashoodi dhaqaale. Waxaa ka mid ah Saynab Jamaad Cali oo ka mid ah.

Waxay Radio Ergo u sheegtay in qoyskiisa oo 9 ah ay wajahayaan nolol xumo daran, markii ay ku adkaatay helitaanka dhamaan waxyabaha nolosha aas-aasiga u ah.

Qoysas kula nool xerada Iftiin oo ehelkoodu ay caawiyaan ayay maalmaha qaar ka helaan kaalmo raashin aan ku filnayn reerkeeda oo badan darteed.

Waxay tilmaamtay in aysan jirin meel kale oo dhaqaale uu ka soo galo.

“Nolol adag ayaan ku jirnaa. Wax aan gacan ku hayno malahan. Wax dad laga baryay ayaan ku tiirsanahay. Dhibaato wayn ayaan qabna.”

Waxay xustay in ay ku hungowday raadinta shaqooyin xoogsi ah. Waxay u sababaysay dhaqaale xumo ka jirta iyo haweenka shaqada raadinaya oo badan.

Haweeyneydan ayaa xustay in ilmaheeda aabbaahood uu yahay wayeel aragga la’ a oo aan kaalin ka qaadan karin masruufka reerka, carruurtuna ay yaryar yihiin oo aysan shaqayn karin.

Culaysyada isku biirsaday oo ay kali ku tahay ayay xustay in ay walwal ku hayaan. Waxaa intaas u dheer in aysan haysan hoy ay gabaadsadan.

Waxay ku nool yihiin geedo aan har fiican lahayn oo ay dul saarteen calaalo dhamaad ah. Waxay xustay in xerada ay horay u deganaayeen dad danyar ah oo aan waxba ku dhaamin.

Arrintaas waxay keentay in aysan xitaa ka helin wax ay cooshado ku dhistaan. Qabowga iyo qoraxda ayay banaanka u joogaan.

“Baco aan dulsaarano waan awoodi waynay inaan soo iibsano. Wax hoy ah oo illa hadda nala siiyay malahan.”

Saynab ayaa sheegtay in ay waxbarasho la’aan ka yihiin labo carruur ah oo dugsi Qur’aan uga dhigan jiray deegaanka Faa-fax dhuun oo ay ka yimaadeen, taas oo Baardheere hoos tagta. $10 oo ay bishii ka bixin jirtay ayaysan hadda u awoodin.

Haweeynaydan culaysyada kale ee haysta waxaa ka mid ah in si joogta ah loo soo waydiyo 10 milyan oo shilin Soomaali ah oo looga leeyahay dukaamada raashinka iyo ceelasha biyaha ee deegaankoodi.

Waxay tilmaamtay in ay murug badan ku hayso dayntaasi, balse aysan awoodin in ay dib u bixiso. Qoyska Saynab oo waligood xoola dhaqato ahaa ayaa roob yari soo jirtay tan iyo sanadkii 2024 ku waayay 70 neef oo ari iyo lo’ iskugu jiray oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Waxay xustay in qoysas ay qarabo yihiin oo ku nool miyiga degmada Bardheere ay u gaysay 10 u hartay.  Waxay rajo xumo ka muujisay in ay u sii nagaan doonnan, maaddaama aysan haysan bad iyo biyo toona.

Dhamaan qoysaska soo miciin biday magaalada Bardheere ayaa ka siman nolol xumada. Xuseen Xasan Mooge waxay qoyskiisa oo 10 qof ah ku sugan yihiin xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Wuxuu sheegay in aysan haysan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah, taas oo rajo tirtay.

Ninkaan ayaa xusay in maalin walbo uu magaalada u kallaho si uu qoyskiisa dabka ugu shido. Kaalmo uu soo helo ganacsato ay ehel-yihiin iyo qaraabo magaalada u jooga ayuu sheegay in ay hal mar dabka ku shitaan, halka malmaha qaarna ay waayan.

“Markii aan wayo wax ay dabka ku shitaan habeenkii carruurta lagama seexdo. Biyaha laftooda waa ku dhib qabna jirgaamo ayay webiga Jubba uga soo dhaansanaa.”

Xuseen ayaa sheegay in uusan awoodin $0.3 oo 20 liitar ay iibiyaan baraago gaar loo leeyahay oo xerada u dhow. Intaas wuxuu ku daray in xerada aysan ka jirin adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Labo carruur ah oo u dhalay ayuu xusay in uu ku arkayay qandho iyo qunfac ku soo noqnoqday labadii toddobaad ee u danbayay, balse uusan u heli karin daryeel caafimaad.

Ninkan oo 66 jir ah waligiisa xoola dhaqato ahaa ayaa tilmaamay inuusan lahayn xirfad uu kaga shaqaysto magaalada.

Wuxuu in badan raadiyay shaqooyinka xamaal ah, kuwaas oo uusan helin. Waxaa xaalada Xuseen sii murjiyay daymo lagu leeyahay oo waydiin joogta ah uu kala kulmo.

“Xoola ayaan ku tiirsanayn oo aan ka heli jirin cad, caano iyo iib. Intii badnayd waa naga dhamaadeen. Kuwa noo harayna wax nacfi ah maleh.”

Ninkan oo waqtigiisa ugu badan ku soo qaatay miyiga ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo ay barakacaan, taas oo xaalad adag galisay.

Waxay roob yarida ku waayeen 287 neef oo geel, ari iyo lo’a iskugu jira. Toban iyo kow ari ah oo u jooga ayuu xusay in aysan lahayn cad, caano iyo iib toona.

Maxamed Xuseen Boyow oo ah madaxa wacyigalinta ee hay’adda barakacayaasha Jubbaland ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaskaan ay wajahayan daruufo nololeed oo adag.

Wuxuu sheegay in masuliyiinta hay’ adda ay dadka magaalada u dhax mareen, balse kaalmadii la helay oo ay gaarsiyeen aysan waxbo ka beddelin xaalada dadka oo uu sheegay in ay aad u badan yihiin.

“Dad badan ayaa yimid magaalada. Dhibaatooyinka ugu daran waxaa ka mid ah hoy la’ aan, cunno xumo daran oo hal mar xita qarkood dabka ma shidaan karaan, biyo yari, iyo cafimaad darro ba’ aan ayaa haysa.”

Dadka ay soo dul dageen oo barakac hore ah ayuu xusay in aysan waxbo ku dhaamin. Wuxuu sheegay in tan iyo bishii Diseembar ay diiwangaliyeen 5,733 oo qoys oo roob yaridu ugu soo barakacay deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Gedo.

Isbidelka cimilada ee soo laalabtay ayaa caqabad ku noqotay reer guuraga iyo beerolayda dalka. Waxay xaaladan darteed waayaan ilihii ay ku tiirsanaayeen, taas oo galisa hubanti la’aan noolaleed.

The post Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari
(ERGO) – Qoyska Axmed Maxamed Nuur waxay ka baxeen xaalad cunno xumo iyo biyo yari ah oo haystay tan iyo horaantii bishii Janaayo.

Waxaa u suuragaliyay raashin iyo biyo ay bartamihii Fabraayo ku caawiyeen dhalinyaro wax ka dhigata dugsiyada sare iyo Jaamacaddaha degmada Qardho oo isxilqaamay.

Taageeradan waxaa ka faa’iidaystay 103 qoys oo markii ay abaaraha ku xoolo beeleen soo maciin biday duleedka tuulada Tibcarro oo 22 km dhanka bari kaga beegan Qardho.

Axmed ayaa sheegay in reerkiisa oo lix qof ah ay heleen min 25 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah, 4 liitar oo saliid ah iyo kartoon timir ah.

Kaalmadaan oo fursad mar la arag ah u noqotay ayuu xusay in ay isticmaali karaan muddo labo bilood ah.

“Waa ku liibaanay oo wax kale maba aanan haysan xoolihiina waa xumaadeen. Waaa nagu filan yahay, haddii wax naloo kordhinayana waa rabnaa. Dhalinyaradu waa tashadeen sidaas ayayna wax noogu keeneen.”

Axmed ayaa sheegay in ay 3 waqti maalinkii karsadaan raashinka lagu caawiyay. Ilamihiisa ayuu xusay in ay soo kabanayaan, markii ay cunno ku filan heleen. Wuxuu sheegay in markii hore aysan hal marna dabka shidan karin, maaddaama ay abaarta ku cayroobeen.

Kaalmadaan ka hor waxay ku tiirsanaayeen wax yar oo dadka deegaanku maalmaha qaar u keeni jireen. Markii aysan ka helina way qadi jireen, maaddaama aysan beddel kale haysan.

Ninkaan ayaa tilmaamay in ay si bilaash ah ku cabaan biyo baco loogu shubay, kuwaas oo ka dhexeeya dhamaan dadka ay isku xaalada yihiin ee la caawiyay.

Qoyskiisu waxay tuulada yimaadeen billowgii Janaayo, markii 90 neef oo geel iyo ari isugu jira oo ay ku dhaqanayeen miyiga deegaanka Baraagaha-qol ee gobolka Sanaag ay ka dhamaadeen.

Wuxuu xusay in ay sababsadeen daaq la’aan, biyo yari iyo cudurro uusan garayn oo isku raacay. Dhaqaale xumada darteed wuxuu u iibin waayay xoolihiisa daawo, biyo iyo calaf midna.

“Aniga lixdii bilood ee ugu danbaysay hal neef suuq kama gaysan, taas waxay keentay in la igu leeyahay dayn $1,000 gaaraysa oo isku kay gaartay illaa gugii hore iyo dayrtii wixii ay reerku cunayeen.”

Axmed ayaa sheegay in meesha ay dagan yihiin aysan ka jirin adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, balse ay wax weyn uga dhigan tahay in ay xilligaan adag ay haystaan cunno.

Wuxuu tilmaamay in uu magaalada Qardho ka raadiyay shaqooyin xamaal ah, balse uusan ka helin. Saddex carruurtiisa ah oo waxbarashada gaartay ayuu ka walwalsan yahay daruus la’aantooda.

Deegaanka Baraagaha-qol oo ay ka yimaadeen kuma haysan iskuul ama dugsi, balse hadda oo magaalada ay yimaadeen wuxuu naawilayaa in ay waxbarasho u helaan.

Qoyskiisa waxay ku nool yihiin cooshad ay saarteen bac cusub oo ay dhalinyaradu ku caawiyeen.

Wuxuu qorshaynayaa in magaalooyinka kale ee Puntland uu ka raadsado shaqooyin xamaal ah, si marka raashinkan uu ka dhamaado uu u helo fursad kale oo nolosha qoyska uu ku dabaro.

Roob la’aanta dhowr xilli ka jirta gobollada wadanka waxay saamayn ku reebtay dadka reer guuraaga ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd xoolaha. Daaq xumada, biyo yarida iyo cudurro ugu darsamay ayaa galaaftay kumannaan neef, taas oo xaalad adag ay ka dhalatay.

Qoyska Saynab Maxamed Cabdullaahi waxay ka mid yihiin dadka cayroobay ee dhawaan la caawiyay. Waxay sheegtay in 6 Febraayo loo keenay 75 kiilo oo raashin ah, 5 liitar oo saliid ah iyo kartoon timir ah. Arintaas ayaa qoyskeeda oo 8 ah u horseeday isbeddel aysan horay u haysan.

“Wax badan ayaa iska kaaya beddelay sidii aan u helnay oo awal waxaan ka walwalayay yaa dayn ku siin doona, balse hadda hanti la igu sadaqaystay ayaan haystaa fakarna iguma jiro wixii ka danbeeyana Illaahay ayaa keenaya.”

Saynab ayaa sheegtay in markii hore ay dul-saar ku ahaayeen qoys degan deegaanka Tibcarro oo ay yimaadeen dhamaadkii December. Waxay hal mar la cuni jireen raashinka yar ee ay karsadaan ama way la qadi jireen markii aysan waxba helin.

Waxay xustay in saygeeda uu yahay waayeel qabo cudurrada macaanka iyo dhiigkarka oo isagoo xanuunsan ay ehelkiisu ku hayaan magaalda Dhahar. Carruurta ayay ka soo kaxaysatay miyiga deegaanka Bocolaha oo gobolka Sanaag ka tirsan, markii ay xoolihii ka dhamaadeen.

Saynab ayaa sheegtay in labadii sano ee ugu danbaysay ay ka dhinteen 136 neef oo ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. 15 ugu danbaysay waxay dhamadkii December u dhinteen cudur ay sambab u malaysay, markaas oo xaalada barakaca ay maciinsadeen.

Carruurteedu waxay wajahayeen dabar darro markii ay imaanayeen, balse hadda isbeddel ayay ku aragtaa.

“Hadda waa ogtahay oo hay’adihii ma jiraan wax caawinayay. Awal waxaan ahaa waalid ilmo ka qatan yihiin oo walwalsan, haddase Alxamdullilaah farqi weyn ayaa u dhexeeya.”

Saynab ayaa sheegtay in bakhaaro ku yaalla deegaanka Bocolaha looga leeyayahay $600, kuwaas oo markasta ka dalbanaya lacagtooda, balse aysan awoodi karin in ay bixiso.

Qoyska haweenaydaan waxay waligood xoolo dhaqato ku ahaayeen miyiga deegaanka Bocollaha ee gobolka Sanaag. Xoolihii oo ka dhamaaday ayaa ku qasbay in ay yimaadeen tuulada Tibcarro.

Waxay dareemaysaa walwal ku saabsan sida uu xaalkoodu noqon doono, haddii kaalmada la siiyay ay ka dhamaato aysanna helin shaqo ay nolosha qoyskeeda ku maarayso.

Gargaarka raashinka, biyaha iyo agabka guryaha loo isticmaalo isugu jira ee qoysaskaan nolol xumada ka saaray waxaa u soo ururiyay dhalinyaro dugsiyada sare iyo jaamacaddo ka dhigta magaalada Qardho oo iskood isku xilqaamay.

Maxamed Khayre Axmed oo guddoomiye u ah ayaa sheegay in ay soo aruuriyeen in ka badan $4,000 oo lacag cadaan ah, agabka guryaha loo isticmaalo, raashin iyo baco ay qofkasta ka qaadeen wixii uu awooday.

“Wuxuu noqday barnaamij isku tashi bulsha ah oo dhiiraglin noo noqday suuqyada, xaafadaha iyo meel kasta ayaan wareegnay, waxan ka qaadaynay $0.3, $0.5 iyo wixii ka badan.”

“Waxay sababtay in aan raashin iyo biyo u gayno in ka badan 100 qoys anagoo garab weyn aan haysan, balse fariinteena ayaan meelo fog gaarsiinay.”

Maxamed ayaa Raadiyow Eego u sheegay in ay weli sii caawinayaan dad kale oo abaaraha ku soo xoolo beelay oo soo galaya magaalada Qardho iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Cid kasta oo awooda ayay waxyar uga qaadaan, taas oo isku darkeedu wax u taro qoysas badan oo ku sugnaa hubanti la’aan.

The post Arday raashin iyo biyo ku taageeray qoysas roob la’aan ay ku hayso miyiga Bari appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab
(ERGO) –  Boqol iyo kontan qoys oo qaxooti cusub ah kana yimid Soomaaliya tan iyo bishii koowaad ee sanadkan ayaa nolol xumo ku wajahaya xerada Ifo-2 ee qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Qoysaskan oo colaad iyo roob yari saamaysay xoolahoodii iyo beerahoodii uga soo tagay deegaannadoodii weli ma helin wax qaabilaad ah. Waxay ku soo aaddeen xilli aysan shaqo wadin xafiisyadii diiwaan gelinta.

Waxaa ka mid ah qoyska Faadumo Cabdiraxmaan Cali oo ay isku raacday cunno xumo iyo biyo yari. Waxay awoodi la’ dahay inay hal waqti dabka u shiddo carruurrteeda oo xammi la’ gaajada iyo oonka.

“Caawimaad ma helin soo dhoweyn ma helin, wax noo imaaday ba malaha. Hlkan ayaan fadhinaa. Biyo ma haysano, gogol ma haysano, waxaan haysano malaha. Wax raarshin ah oo gurigayga ku jira ma jiro xataa caawadan waxaan ku afuro ma haysti.”

Waxay xustay inuu ka dhamaaday raashin kiilooyin ah oo ay u soo aruuriyeen qaar ka mid ah dadkii horay u degganaa xerada. Waxay joogaan xaalad quus ah.

Faadumo ayaa sheegtay inay halkan  usoo raadsadeen nolol balse ay la kulantay nolol ka adag tii ay ka soo barakacday.

Haweeneydan ayaa tilmaantay inay carruurrteeda ay baahi la ooyaan lana seexan waayaan habeenkii, taas oo ku kordhisa murugada. Xaaladda qoyskeeda ee xilligan ayay xustay aysan sawiri karin.

“Gaajada haysa wejigooda ayay ka muuqataa, hadaad aragto waa yaabaysaa rafaadkooda. waa baahan yihiin maxaa la siinayaa anigu waxba ma hayee, hooyoy hunguri nasii, hooyoy shah baan rabaa, caano ayaan rabaa, hooyoy bariis baan rabaa, saasay i dhahayaan anigiina ma hayo.”

Qoyska Faadumo iyo qoysaska kale ee ay isku marka yimaadeen ayaa deegaansaday meel bannaan oo xerada ka baxsan. Haweeneydan ayaa ka dhisatay buul yar oo ka samaysan geedka garan-waaga iyo maryo dhamaad ah oo isku kakaban.

Waa meel yar oo aan ku filnayn qoyskeeda kana celin karin cadceeda kulul oo maalmaha qaar gaartaa 40 digree.

Faadumo waa carmal keligeed korisa sagaal carruur ah oo lix ka mid ah ay agoon yihiin, halka saddexda kale ay aabbahood kala tageen. Waxaa intaas u dheer inaysan wadan, maacuun, gobol midna.

“Anigu waxaan haysto oo guri baan ku dhisanayaa aan ku dhahaayo ma jirto, kharash aan ku dhisanayo ma haysto, ilmihii waa yaryar yihiin, halka ayaa iska hargal naa, qaarkeen banaanka ayaan barinaa.”

Haweeneydan inkasta oo aanay weli caawin helin haddana waxay qabtaa rajo ah in ay gargaar mar uun helayso. Waxay bishii Janaayo kasoo qaxday deegaanka Neebsay oo hoos taga degmadda Saakow ee gobolka Jubada dhexe.

Waxay ahaayeen beeralay ay noloshoodu ku tiirsanayd dalaga beer sadex higtar oo ay nacfi tirtay roob yari saddex xilli ah. Waxay dantu ku qasabtay inay soo miciin biddo xeryaha qaxootiga.

Qoysaska ku biiray xerada Ifo-2 oo markii hore deegaano kala duwan kasoo qaxay ayaa duruuf adag oo isku mid ah ku wajahaya, waxay ka siman yihiin xaaladaha nolol xumo iyo gargaarka la’aanta.

Waxaa ka mid ah Aadan Iidow Xasan oo dhibaatooyin is-biirsaday ku wajahaya xeradii uu u soo nolol doontay. Wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisu ay tahay mid adag oo samata-bixin dhibaato ba’nidaanimo u baahan.

Aadan waxaa uu tilaamay inaysan haysan cuno, hoy iyo biyo ku filan. Wuxuu intaas ku daray in qoyskiisu ay hadda ku tiirsan yihiim kiilooyin raashin ah oo ay xaaskiisu dadka soo weydiisato, kuwaasi oo aan ku filnayn.

“Ciyaalku waa gaajaysan yihiin, waa arradan yihiin, si kasta bay u baahan yihiin,  xaaskayga baa baxaday oo magaalada aaday,  xoogaa  kiilooyin bariis iyo sonkor ah ayay soo heshay, muslimiinta ayaa la dhex gala.”

Qoyska Aadan iyo kan wiilkiisa oo isu gayn ka kooban 16 qof waxaa ku adag helidda biyaha, ceel biyood ku dhow ayay ka helaan 80-litir 24-saac ba mar ah. Ma haystaan musqulo, hoygu na waa labo buush oo aan ku filnayn qoysaska.

Ninkan ayaa sheegay in caruurtiisa uu ku arkay xanuuno uu u sababeeyay cimilada ku kulul iyo duruufta adag ee dhinaca nolosha ah.

“Caruurta daawo ma haysato oo laba dalool wax la yiraahdo ayaa galay, xanuun waaye, hagab, qufac iyo kolba-aariyo ayaa galay carruurtii, sharoobooyin ayay rabaan, dhakhtar ma gaynin ba , meesha dhakhtar uma dhowa dhaqaalihii gaari lagu saari lahaanaana ma haaysano.”

Aadan wuxuu niyadda ku dhistaa in loo sheegay in hay’adaha qaabilsan qaabilaadda  iyo caawinta qaxootiga ay imaan doontaan balse waqtiga sugidda ayaa ku dheer.

Ninkan iyo qoyskiisa ayaa bishii Janaayo ee sanadkan abaar uga barakacay deegaanka Jawaarey oo ka tirsan degmadda Baardheere ee gobolka Gedo. Waxay ahaayeen beeray ay roob yari ka saamaysay beer 4-hihtar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Boqollaal qoys oo ay soo sal-kiciyeen colaad iyo abaar saameeyay gobolada koofurta Soomaaliya ayaa soo beegsanaya xeryaha qaxootiga kuwaasi oo badankood aan ka helin gargaar bani’aadanimo sida uu Radio Ergo u sheegay maamulka xeryaha qaxootigu.

Khayro Cali Sooyaan guddoomiyaha xerada Ifo-2 ayaa ka darisay qoyaska xerada ku biiray tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, kuwaa oo ku soo aaday xilli kala guur ah oo hay’adaha samafalku aan weli bilaabin shaqada qaabilaada qaxootiga ee sanadka 2026. Waxay xustay in duruuf adag oo nololeed ay dadkaas ku haysato xerada.

“Geedo Cali-garooba ah baa dadkii la iska dejiyay,  maddaama ay xerada oo shaqo ka socon, geedo hoostood bay dadkii iska waabteen waxba ma haystaan. Kuwa waxaan la kulmay ay caruurtii ku ooyayaan oo leeyihiin hooyo cunta na sii wax hoy ah oo ay haystaana ma jirto.”

Tirada qaxootiga imaanaya xeryaha ayaa aad u korodhay tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2025, xilli uu sii yaraanayo gargaarka la siiyo qaxootiga ku jira xetyaha Dhadhaab, taas oo keentay inay qoysas xitaa aysan caawin ka helin karin dadkii horey u degganaa.

The post Qaxooti cusub oo nolol xumo iyo diiwaan galin la’aan ku wajaha Dhadhaab appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas iska iibiyay xoolo u haray oo fursado ganacsi ka hirgaliyay Baydhabo
(ERGO) – Qoysas xoolo dhaqato ahaa oo miyiga uga soo guuray dhaqaale xumo ayaa magaalada Baydhabo ka billaabay ganacsiyo yaryar oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Waxay go’aan sadeen inay baddalaan hab nololeyd koodii ahaa ku tiirsanaanta xoolaha, markii ay arkeen in xooluhu u dhimanayaan daaq la’aan iyo biyo yari jiilaalka dartiis.

Waxay gateen intii ugu dambeysay xoolaha oo dhimasho uga badbaaday. Miyiga ayay ka door-bideen xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka samaysteen fursado ganacsi.

Liibaan Deerow Xasan oo dadkaas ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ganacsigiisa oo ah bagaash uu ka caawiyay inay helaan cunto ku filan iyo waxbarasho bilaash ah.

Ganacsigan oo uu furtay bishii Janaayo ayuu xusay in maalinkii uu ka helo $5 illaa $7. Wuxuu ku billaabay $800 oo uu ka helay labo neef oo lo’ ah oo uu gatay.

Waxay ahaayeen kuwii ugu danbeeyay xoolihiisa oo ahaa 22 lo’ ah iyo 11 ari ah oo calaf iyo biyo la’aan uga dhintay.

“Ganacsiga markii ugu horeysay waxaan ku billaabay jiirkaan yaanyo ah, markii uu gadmay oo aan arkay inay faa’ido leedahay waxaan ku daray kabo, dhar iyo bagaash ayaan ku daray, wixii ayaan ku nool nahay aniga iyo ciyaalka.”

Liibaan ayaa sheegay in billaabista ganacsigan ay ku dhalatay markii uu arkay xoolo dhaqato magaalada uga soo horeeyay oo sidan sameeyay, nolol fiicanna ku jira, kuwaas oo isagana ku dhiiri galiyay.

Ka hor ganacsigan ayuu xusay inay ku jireen nolol adag. Dabka ayay ku shidan jireen wuxuu ku soo helo shaxaad iyo kaalmada dadka la deggan xerada Albaraka oo raashiin bisil iyo mid ceyriin wixii ay awoodaan ku caawin jiray.

Ninkan oo 70 jir ah ayaa intaas ku daray inay ku jiraan hadda nolol walwal la’aan ah. Wuxuu tilmaamay in carruurtiisa oo toddobo ah ay wax u baranayaan tan iyo bishii Feberaayo.

Wuxuu ka dhiibaa $50 oo markii hore uusan awoodin inuu helo.

“Noloshii hore waxay aheyd dhibaato iyo cariiri. Ciyaalka dhar maleh, nolol maleh, cunto iyo wax la siiyo maleh, hadda intaasba waan helnay, dhar iyo cunto.”

Liibaan ayaa sheegay in is bedelka dhaqaale ee bilaha kooban ku yimid uu galiyay rajo ah sidii uu qoyskiisa uga saari lahaa xerada, uguna heli lahaa boos iyo guri ay deegaan ku noqdaan.

Taas darteed ayuu xusay in xoogga uu saaray in bil kasta uu keydsado dhaqaale uu uga dhabeeyo riyadaas. Hadda wuxuu leeyahay dhigaal gaaraya $70 oo ka soo galay ganacsiga oo ugu furan wajahadda aqal cooshad ah oo ay ku nool yihiin qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof.

“Qorshaheyga hadda ma ahan inaan miyi ku noqdo. Magaalada inaan joogo ayaan go’aansaday oo ganacsiga aan sii wado, carruurtana ay wax ii bartaan.”

Qoyska Liibaan ayaa bishii December ka soo barakacay deegaanka Xabaal Bar-baare oo 45km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Lug ayay ku soo gaareen magaalada, xilli ay ku jireen xaalad quus ah.

Tiro koob rasmi ah lagama hayo xoolo dhaqatada ganacsiga ku billaabay xoolihii ugu dambeeyay, balse Liibaan ayaa sheegay inta uu og yahay inay ka badan yihiin 70 qoys oo iskugu jira dad ay isku deegaan yihiin iyo kuwo uu ku bartay xeryaha.

Cabdi Maxamed Nuur ayaa isna ka mid ah danyarta ay noloshoodu soo hagaageyso, markii uu $700 ku billaabay ganacsi uu furtay bishii Janaayo.

Tan iyo xilligaas ayuu xusay in qoyskiisu ay helaan cunto ku filan, ayna ka soo kabteen xaalad hubanti la’aan ah.

“Hadad seddexda wakhti waxbaa loo kariyaa carruurta. Hadda way noo toosan tahay noloshu. Habeenkii si fiican ayaan u hurdaa oo walwal ma qabo, maaddama aniga, xaaska iyo ciyaalka aan ka baxnay baahidii badneyd.”

Cabdi ayaa dukaan yar oo uga furan xerada uu deggan yahay ee Buula toosi wuxuu ku gadaa cuntooyinka daruuriga ah. wuxuu tilmaamay in maalinkii uu ka helo $5, illaa $7.

Wuxuu ahaa nin faro maran oo ari uu dhaqanayay oo ahaa 100 ay abaar uga dhinteen sanadkii 2025. Xaaladaas waxay dhaxalsiisay inuu ka soo barakaco deegaanka uu ku noolaa ee Xabaal Bar-baare.

Hal waqti oo cunto ah si uu u ugu helo carruurtiisa oo 11 ah ayuu sheegay inuu ka dawarsan jiray magaalada Baydhabo.

Bishii December ayay ku dhalatay in ganacsigan uu billaabo markii uu arkay dad la duruuf ahaa oo ka baxay caqabadihii haystay.

Wuxuu gatay labo hektar oo ka mid ah beer uu ku leeyahay deegaanka uu nolol xumada uga soo guuray, taas oo aysan waxba ka soo go’in tan iyo bilowga sanadkii 2025, roob yari awgeed.

Isbedelkii halkaas ka bilowday ayuu xusay inuu u horseeday inuu ku filnaado maareynta nolosha qoyskiisa, inuu yeesho keyd dhaqaale oo gaaraya $90 iyo inay waxbarasho bilaabaan bishii Feberaayo carruurtiisa oo dhaqaale la’aan darteed ka caaganaa markii hore.

“Wixii aan ganacsigeyga aan ka helo ayaan ku bixiyaa waxbarashada, qaarna ayuuto ahaan ayaan meel uga dhigtaa si mustaqbalka aan wax ugu qabsado.”

Qoysaska ganacsiyadan samaystay ayaa ka siman is beddelka dhaqaale ee ay uga baxeen noloshii adkeyd.

Faadumo Maxamed Yuusuf oo ku nool xerada Al-baraka ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in 7 carruur ah oo agoon ah oo kaligeed ay koriso ay ka maareyso noloshooda dukaan ay ku gaddo qudaar iyo raashiin, kaas oo ay tilmaantay in maalinkii ay ka hesho $4 illaa $6.

Ganacsigan ayay ku bilowday bishii November $600, markii ay gadatay seddex neef oo lo’ ah.

“Carruurtii oo agoon ahaa maareyn tooda hadda ayaan ku filanahay noloshooda. Noloshii hore adeyg ayey igu aheyd, armaa cunug uusan kuu noolaaneyn ayaan is lahaa. Duruufta I haysay awgeed.”

Faadumo ayaa sheegtay in xerada ay deggan tahay aysan laheyn wax adeeg ah oo bilaash ah, sidaas darteedna ay adagtahay inuu ku noolaado qof aan haysan dhaqaale uu ku dabaro nolosha qoyskiisa.

Biyaha ayay xustay in fuustadii ay ku iibsadaan $2. Afar carruur ah oo ay awooday inay waxbarashada ka bixiso markii ay bilowday ganacsigan ayay sidoo kale tilmaantay inay u dhigtaan iskuul hoose oo xerada u dhow, waxayna ka dhiibtaa bishii $20.

Intaasba iyadoo dabarta, hadane waxay sameysey dhigaal lacageed oo gaaraya $120 oo ay shegtay inay uga sii baraan degeyso xaaladaha adag.

“Aniga iyo carruurta waxaan udoonan jirnay biyaha meel 1 km ah oo jidka laga talaabayo. Waan soo gadanaa biyaha, ganacsiga aan sameystay darteed. Ganacsigan mid ka weyn ayaan rabaa inaan sameeyo.”

Qoyska Faadumo ayaa sanadkii 2025 ka soo barakacay deegaanka Gurbaan ee gobolka Baay, markii ay ka la’ deen 18 neef oo lo’ ah iyo ari boqol ah, waxay u dhinteen daaq la’aan ah iyo biyo yari ay wajaheen.

The post Qoysas iska iibiyay xoolo u haray oo fursado ganacsi ka hirgaliyay Baydhabo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Kalluumaysatada Mudug oo ka cabanaya maraakiib shisheeye oo weerar ku haya
(ERGO) – Muuse Cali Guuleed wuxuu qoyskiisa u awoodi la’yahay cunno, biyo iyo baahiyadooda kale ee nolosha tan iyo bishii December ee sanadkii hore. Waxay xaaladan galeen, markii doomo jiriif ah ay ka burburiyeen agabkii uu badda uga shaqaysanayay.

Arrintan waxay shaqo la’aan ka dhigtay boqollaal kalluumeysato ka soo jeeda qoysas danayar ah oo ku nool deegaannada Ceel-huur, Qosol-tira, Labad iyo Gaan ee gobolka Mudug, kuwaas oo maarayn la’ masruufka reerahooda.

Ninkan iyo saddex saaxiibadiisa ah oo ay isla shaqaysanayeen waxaa laga burburiyay 3 doomood, matooradoodii, 6 shabaagadood, soollaro iyo agab kale. Wuxuu sheegay in uu qasaaray in ka badan $6,000, uusanna hayn dhaqaale uu dib ugu iibsado qalabkaas.

“Maraakiib iyo doomo ayay wataan kumannaan ajaanib ah ayaa meeshaan jooga. Waa ka shaqaysan la’nahay. Meeshii ilmaha aan ka biilan jirnay waa ka soo cararnay wax aan samayno ma hayno.”

Muuse ayaa sheegay in markii uu meesha ka baxay wax-soo-saarkiisii badda ay xaalad nolol xumo ah galeen qoyskiisa oo 9 qof ah. Wuxuu xusay inaysan jirin meel kale oo dhaqaale uu ka soo galo oo isagu ahaa qofka keli ah ee reerka u shaqaynayay, taas oo keentay inuu dabku ka damo.

Wuxuu tilmaamay inuusan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqaysto, maaddaama waligiis uu kalluumayste ahaa. Qoyskiisa waxay hal mar oo ciriiri ah dabka ku shitaan kaalmo aan joogto ahayn oo ay waydiistaan ehelkood degan Gaalkacyo iyo Hobyo.

Muuse ayaa xusay in maalinka ugu roon ay helaan $1.5 aan waxba ka goyn baahidooda. Carruurtiisa oo kan ugu yar uu hal sano jir yahay ayuu sheegay in ay u adkaysan la’yihiin daruufta adag ee ay wajahayaan.

“Qalab haddaan badda dhigano waa jarayaan oo wax aan samayno ayaan waynay. Haddaan iska dhicin damacno waa burcad badeed ayaa nala leeyahay.”

Muuse ayaa sheegay in xaaladan ka hor uu maalinkii heli jiray $15 illaa $20 oo faa’iido ah. Waxay ugu filnayd cunnada, raashinka, biyaha, waxbarashada, arrad-tirka iyo kirada.

Dhamaan baahiyahaas ayaa ku soo banaanaaday hadda mana yaqaan qaab uu ku xalliyo. Ninkan ayaa xusay in joogto loo soo waydiiyo dayn $380 oo dhowrkii bil ee uu shaqo la’aanta ahaa uu qoyska ugu qaaday raashin, biyo iyo waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen.

Dhanka kale ninkaan ayaa sheegay in qoyskiisa ay dhibaato kala kulmayaan helitaanka biyaha. Ceelka deegaanka Gaan oo u jira 20 km mar kasta cilladooba ayaa sababay in foostada biyaha ah ay noqoto $10 oo awoodooda ka baxsan.

Muuse oo weligiis ka mid ahaa kalluumaysatada gobolka Mudug ayaa sheegay inaysan horay ula kulmin culaysyada dhaqaale ee hadda haysta. Deegaanno kale oo ay isku dayeen inay ka kalluumastaan waxaa uga daba yimid doomaha Jiriifka, taas oo rajo beel ka dhigtay.

Ninkaan ayaa sheegay inuu 3 bil bixin waayay min $10 oo labo carruur ah ay iskuul hoose ugu dhigan jireen magaalada Hobyo. Walaashii ayay la noolaayeen isna wuxuu ka bixin jiray qarashka iskuulka, balse markii la soo eryay waxay hadda la joogaan deegaanka Gaan iyagoo daruus la’aan ah.

Maraakiibta shisheeye ee jariifka ka wada xeebaha Soomaaliya waxay dhibaato dhaqaale u horseedeen kalluumaysato danyar ah oo dakhliga ay badda ka helaan ku dabari jiray nolosha qoysaskooda.

Cabdi Abshir Geelle oo ka mid ah ragga ay arrintan saamaysay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay ka quusteen shaqadii ay sanooyinka badan ku tiirsanaayeen, markii agabkii laga jajabiyay, hanjabaad iyo rasaas lagu soo ridana loogu daray. Xaaladahan isbiirsaday ayaa u horseeday inuu maarayn waayo qoyskiisa oo 10 qof ah.

Cabdi ayaa sheegay in maalinkii uu ugu yaraan 15 kiilo oo malay ah la soo bixi jiray intii aysan ciriiriga galin doomaha shisheeye. Wuxuu ka faa’iidi jiray $75 illaa $100 oo uu u qaybin jiray nolosha qoyska iyo shidaalka uu ku shaqo tagayo.

Ninkaan waxaa laga burburiyay 6 shabaagadood, 3 matoor, 7 xabo oo soolar ah iyo labo doomood. Wuxuu sheegay in aysan u badbaadin wax qalab ah oo uu ku shaqaysan karo.

Arrintan ayaa ku qasabtay in uu raadiyo shaqooyin xamaal ah oo helitaankoodu adag yahay. Toddobaadka dhan wuxuu xusay inuu helo $3 illaa $4 oo aan waxba u goyn qoyskiisa oo badan. Wuxuu sheegay in noloshiisu ay sidaan ka wanaagsanayd markii hore.

“Waa dareemi kartaa culayska ay leedahay nin shaqo tagay oo carruur yaryar u joogaan oo waxba soo waayay. Agabkii uu ku shaqaysan jiray aan haysan oo badar laga sugayo iyo nin shaqo tagay oo wax keensaday farqiga u dhexeeya waa garanaysaa.”

Cabdi ayaa sheegay in dhaqaale xumada ay u dheer tahay ku dhawaad $7,000 oo loo haysto. Waxay isugu jirtaa qaar muddo dheer lagu lahaa, shidaalkii ugu danbeeyay ee doomihiisa iyo qayb uu reerka raashin iyo biyo ugu qaatay intii uu baaga-muudada ahaa.

Shaqada ka joogsatay wuxuu ku tiirsanayd muddo 10 sano. Ninkaan ayaa ka walwalsan in carruurta banaanka loo soo dhigo, markii uu tan iyo bishii Janaayo bixin waayay $20 oo ah kirada labo qol oo reerkiisu ay degan yahay. Mulkiilaha ayaa u qabtay bisha socota inuu ku wada bixiyo ama uu guriga banneeyo.

Dhanka kale Abshir Maxamed Faarax oo ah guddoomiyaha iskaatadaan Bad-maal oo ka howlgasha deegaannada Ceel-huur, Labad, Gaan iyo Qosol-tira ayaa sheegay in qiyaastii 500 kalluumasato ah ay baaga-muudo yihiin, markii jiriifku saameeyay.

Xeebaha Bari ee gobolka Mudug ayuu sheegay inay isaga soo baxeen kalluumaysatadii agabkooda la burburiyay. Qoysaskii raggan ayuu xusay inay wajahaan daruufo adag oo nololeed.

“Doomo ka yimid Yaman iyo Cummaan ayaa dhibaato nagu haya. Badda dhan xaaluf ayay ka dhigeen ilamaha biilkoodii waa laga waayay meeshii aan tagno waa nooga daba imaanayaan.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay og yihiin dhibaatada lagu hayo, balse aysan waxba ka qaban. Wuxuu xusay in xabbado lagu soo rido kalluumaysatada Soomaaliyeed, taas oo keentay inay badda ka baxaan.

Doomaha iyo maraakiibta sida sharci darrada ah uga jilaabta xeebaha dalka waxay caqabad weyn oo aan weli xal loo helin ku yihiin kalluumaysatada deegaanka oo markii ay iskudayaan inay iska caabiyaan dhibaato kale ay uga timaado maraakiibta burcad badeeda la dagaalama ee badda ku jira.

The post Kalluumaysatada Mudug oo ka cabanaya maraakiib shisheeye oo weerar ku haya appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan
(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’an ayaa isku raacday in ka badan 300 oo qoys oo 2 bil ee ugu danbaysay dagaalka ciidanka dowlada iyo Shabaab uga soo barakac tuulooyin hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Salaado Cabdi Cismaan oo ka mid ah ayaa sheegtay inaysan carruurteeda oo 11 ah u heli karin raashin hal mar ku filan. Xerada Teedaan oo ay joogaan ayay xustay inay faro-marnaan ku yimaadeen aysanna jirin wax gargaar ah oo ay ku heleen.

Waxay ku tiirsan-yihiin raashin yar oo ay u soo aruuriyaan qoysaska nolol dhaama ee dariska la ah. Marka ay ka waayaan waxay ku qasbanaadaan iyada iyo carruurteedu in ay gaajo ku joogaan saacado badan.

“Wax la cunno waa waynay oo waa iska aamusnay. Meel laga shaqaysto iyo wax la qabto ma leh. Habeenkii aan afur helno ayaan nasiib leenahay saaxuurna maba cunno. Dhaqaale meelna nagama soo galo rafaad aad u wayn ayaa na haysta. Raashin la’aanta ayaa noogu daran.”

Salaado ayaa sheegtay in shaqooyin nadaafad ah oo magaalada Beledweyne ay ka raadisay ay ka waysay, maaddaama aysan cidna ka aqoon ayna yar yihiin fursaduhu.

Saygeeda oo dhismaha ka shaqayn jiray markii ay deegaankoodii joogeen ayay sheegtay in uu hadda baaga-muudo yahay. Goobaha dhismaha oo shaqooyin xamaal ah uu waydiistay ayaa looga soo diiday, maaddaama loo dhiibto dadka la garanayo.

Salaado ayaa sheegtay in sidoo kale qoyskeedu ay biyo yari hayso. Dariska ayay ku dhex wareegtaa si ay uga soo barido wax ay cabaan.

“Tuubo nooguma jirto awood aan ku gashanana waa weynay. Biyo macaan oo dhan ma aragno, lacag aan booyad uga shubano ma haysano. Reeraha qaar waa kuu soo diidayaan anna ma heli karo $3 oo halkii fuusto la iibiyo.”

Salaado ayaa sheegay inay isaga soo tageen guri labo qol, jiko iyo musqul ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Goobo. Howlgalo shabaab ka dhan ah oo dhamaadkii December illaa hadda ka socda ayaa ku qasbay inay carruurta kala soo baxsato.

Barakaca oo ku cusub ayay la qabsan la’yihiin. Waxay tilmaamtay in lix carruur ah oo iskuul hoose iyo dugsi Qu’aan uga dhigan jiray deegaankoodii ay hadda daruus la’aan xaafada u joogaan, markii ay u awoodi waysay. Iskuullada Beledweyne oo qaali ah waxaa qofkiiba laga doonayaa $12 oo aysan heli karin.

Salaado ayaa sheegtay in deegaanka Goobo oo Maxaas hoos taga ay lug uga soo baxeen, markii ay waayeen nooliga gaariga. Waxay ku qaadatay shan maalin iyo habeenadooda si ay u soo gaaran Beledweyne oo qiyaastii 70 km u jirtay. Iyada iyo ninkeeda ayaa dusha ku soo qaaday mataano 3 jir ah oo ugu yar, halka inta kale ay si dhib ah ku soo socdeen.

Sodon ari ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd waxaa uga haray shan neef oo wayd ah, kuwaas oo ay deegaankii uga soo tageen, markii ay u socon waayeen.

Dhanka kale, Carabo Guure Sabriye waxay cunno, biyo iyo hoy ay gabaadsadaan u la’dahay 7 carruur agoon ah oo gabadheedu ay dhashay. Xaaladan adag waxay ku sugan yihiin tan iyo horaantii bishii Janaayo oo ay ka soo barakaceen deegaanka Waab-weyne ee duleedka Maxaas.

Waxay ku tiirsan yihiin hal dollar oo maalmaaha qaar ay u soo diraan ehelkeeda oo Beledweyne degan oo ay u dan sheegato, markii aysan waxba ka helina dawarsi ayay dantu biddaa. Xerada Teedaan oo ay soo maciin bideen ayay xustay in gaajo iyo haraad ku haystaan.

“Wax lagu afuro iyo wax lagu saxuurto midna gacan iiguma jiraan xilligan soonka ah. Sidii ramadaanku u dhashay iyo ka horba xaaladaan waa ku jirnay. Midigtayda waxba iiguma jiraan.”

Carabo ayaa sheegtay inaysan qaban karin shaqooyinka xoogsiga ah, maaddaama ay tahay waayeel 67 jir. Carruurteeda ay hayso hooyadood waxay ku hartay 11 ari ah oo ay xoolo ka lahaayeen, kuwaas oo ahaa doon ay uga soo tageen deegaanka Waab-weyne.

Waxay dulsaar ku yihiin qoys xerada uga soo horeeyay oo ku caawiyay buul aan wada qaadin iyada iyo carruurta. Waxay xustay inaysan haysan maacuun ama gogol ay dhulka dhigtaan. Darin duug ah oo darisku u keeneen ayay cariirsadaan.

Haweenaydaan ayaa sheegtay inaysan u rumoobin filashadeedii ahayd in ay xerada ka heli doonaan caawin iyo garab istaag. Waxay xustay in ay gashay xaalad ka sii adag middii ay ka soo barakaceen.

‘’Beleweyne sidaan u imid wax gurmad ah ma helin. Hal mar ayaan biyo la qaybinayay wax ka cabay. Col iyo abaar ayaa na soo kaxeeyay meel aan ku laabanana ma jirto oo ehel aan u laabto iigama danbeeyo.”

Carabo ayaa sheegtay in sidoo kale ay wajahayaan biyo yari saamayn ku haysa qoyskeeda. Ma heli karaan caagadaha biyaha lagu dhaansado, taas oo ku qasabtay in ay qoysaska dariska ah ka soo amaahato tobanle si ay biyo ugu soo barido.

Qofka leh marka uu u baahdo ayay sheegtay in uu ka ceshado oo maalinkaas ay oon ku joogaan ama ay qoysaska ka soo cabaan wax yar. Carabo ayaa xustay in labo carruurteeda ah ay qandho badan ku aragtay tan iyo toddobaadkii la soo dhaafay. Ma awoodo dhaqaale ay isbitaalka ku gayso xeradana kama jirto xarun caafimaad.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in qol iyo balbalo y ka soo barakaceen loo soo sheegay in ay madaafiic ku dhacday oo ay gubteen, taas oo meesha ka saartay rajo kasta oo ay dib ugu laaban lahayd. Qoyskeeda waxaay noloshooda oo dhan ku soo qaateen miyiga degmada Maxaas, balse colaada iyo roob yari ayaa xaaladaan galiyay.

Isku duwaha wasaarada gargaarka ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaman Cabdullaahi Geesdiir ayaa sheegay in dadkan ay wajahayaan daruufo isbiirsaday. Qaarkood waxay dul-saar ku yihiin qoysas aan wax ku dhaamin, halka kuwo kalena ay bannaaan yaal yihiin. Wuxuu intaasi raaciyay in aysan heli karin dhamaan adeegyada nolosha aas-aasiga ah u ah.

“Dadkaan waxyaabaha ugu daran ee haysta waa hoy la’aan, xaalad biyo yari iyo cunno xumo ah oo ay wajahayaan, maaddaama lagu jiro xaaladihii ugu darnaaa ee abaarta ayna ramadaan ku soo aaday. Caafimaad xumo ayaa haysa oo xarumihii deegaannadooda waa xirmeen, kuw magaaladuna ma qaadi karaan, iyagun qarash ma heli karaanm, waana arin culus.”

Isu duwaha ayaa sheegay in dadka ugu liita ay gargaar kooban gaarsiiyeen, balse baahida jirta ay ka baaxad weyn tahay. Hay’adaha deegaanka ka howlgala ayuu xusay in ay la wadaageen caqabadaha dadkan haysta oo jawaab ay ka sugayaan.

The post Qoysas nolol-maalmeedkooda ay galaafatay colaad ka jirta Hiiraan appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.