Waxbarashada Archives - Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
(ERGO) – Waxbarasho la’aan ayaa soo wajahday 3,300 oo arday ka soo jeeda qoysas reer guuraa ah oo ku nool deegaanno hoostaga Mudug iyo Galgaduud 4 bil ee ugu danbaysay sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Galmudug.

Waxaa xirmay 33 iskuullo hoose iyo dhexe ah oo ku yaallay deeegaannada Hog-dugaag, Haad-fuul, Balli-howd, Garas-wene iyo kuwo kale oo hoos taga degmooyinka, Cadaado, Gaalkacyo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Cabudwaaq.

Qoysaskii carruurtan ayaa u hayaamay deegaaanno aysan waxbarasho ka jirin si ay daaq iyo biyo ugu helaan xoolahooda, halka kuwo kalena ay ku hareen tuulooyinka laga guuray oo aysan daruus ka socon.

Maxamed Cabdi Axmed ayaa sheegay in 4 carruur ah oo u dhiganayay iskuulka hoose ee Haad-fuul ay waxbarasho la’aan ka yihiin tan iyo bishii December ee sanadkii hore, markii inta badan dadkii deegaanka ay isaga hayaameen.

“Abaarta na saamaysay darteed ayay ilmihii waxbarashadu uga xirantay. Reer miyigii iskuulka dhiganayay qaar badan deegaanno kale ayay u hayaameen. Murug weyn ayay igu haysaa oo waxaan ahay waalid ubadkiisii waxbarasho la’aan ay noqdeen, hantina aan u hayn.”

Maxamed ayaa sheegay in uusan awoodin $10 oo halkii qof wax lagu baro iskuullada gaarka ah ee magaalada Dhuusamareeb. Sideed bil oo ay waxbaranayeen ayuu xusay in uu isbeddel weyn ku arkay.

Wuxuu naawilayay in ay heer wanaagsan ka gaaraan tacliinta, maaddaama uusan isagu horay wax u baran. Qoyska Maxamed oo 10 qof ah waxay cunno xumo ku haysataa deegaanka Haad-fuul oo inta badan ay ka hayaameen dadkii ku noolaa.

Waxaa ku haray isaga iyo toban qoys oo kale oo awoodi waayay qarash iyo gaadiid ay ku guuraan. Waxay ku tiirsan yihiin 37 kiilo oo bur, Sonkor, iyo bariis ah oo 20 bishii March ay ku caawiyeen gudiga abaaraha Dhuusamareeb. Si uu muddo dheer u gaarsiiyo hal mar ayay maalinkii karsadaan.

Carruurtiisa oo yar yar ayuu xusay in ay xamili la’yihiin gaajada.

“Qoyka xaaladiisu waa adag tahay, halka waqti ayaan si dhib ah ku karsanaa. Mar waa la helaa, marna waa la waayaa. Xoolo nacfi ma lahan wax kalena kuma tiirsanin, ma xamaali karo oo lug ayaan la’ahay.”

Maxamed ayaa sheegay in lug mar hore ay xabad uga dhacday ay xanuun joogto ah ku hayso, taas oo uusan ka qaban karin shaqooyinka xoogsiga. Wuxuu tilmaamay in xaaskiisa ay umul tahay carruurtiisuna aysan weli hogaamin. Wuxuu xusay in 3 bil ee ugu danbaysay ay muteen nolol adag.

Saamaynta abaarta iyo cudurro isku raacay ayay uga dhinteen 60 ari ah iyo 5 geel ah oo noloshoodu ay ku tiirsanayd. Labaatan neef oo u hartay ayuu sheegay in aysan wax nacfi ah lahayn, kuwaas oo oonka iyo gaajada la dhimanaya.

Dhanka kale waxaa ku adag helitaanka biyaha. Deegaanku ma lahan ceel-biyood, bacaad badan oo ku soo rogmadayna wuxuu sababay in aysan booyaduhu soo gali Karin. Halka Fuusta waxaa la iibiyaa $5 oo aysan awoodin. Waxay ku tiirsan yihiin 20 liitar oo dadka dhaama ay ku caawiyaan.

“Qofkii awooda xitaa waa ku qaali. Booyadaha ayaa laga baryaa oo nin baa mar ku dayminayo oo is leh roob baa la heli doonaa midna wuuba kuu diidayaa. Biyah dhibaato weyn ayaan ku qabnaa.”

Maxamed ayaa sheegay in uu waydiin joogto ah kala kulmayo ganacsato Dhuusamareeb jooga oo ku leh $2,700 oo ah dayn dhowr sano isku gaartay oo uusan bixin karin xilligan adag.

Deegankan Haad-fuul oo Dhuusamareeb dhanka bari ka xiga 26 km waxay Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iskuulka ka hirgalisay bishii April 2024. Waxaa dhiganayay 136 arday oo hadda dhamaantood daruus la’aan noqday.

Reer guuraaga ku nool miyiga fog ee Galmudug waxay ka siman yihiin tacliin la’aanta carruurtooda haysa. Jilaalka ayaa ku qasbay in ay xoolaha calaf iyo biyo uga raadiyaan deegaano kale.

Saynab Maxamed Cabdi waxaa tan bishii Janaayo waxbarasho la’aan ka ah saddex carruur ah oo dugsiga hoose ee Hog-dugaag uga dhiganayay fasallada 1, 2, iyo 3. Waxay sheegtay in iskuulka ugu dhow uu ku yaallo magaalada Cadaado uu u jirta 40 km, taas oo aysan hayn qarash ay ku gayso.

“Waxbarasho la’aantoodu aad ayay ii dhibaysaa, sababtoo ah magaaladii ma gayn karo oo lacagta  iskuulka kama bixin karo. Anigii magaalada ma dagi karo oo guri kuma lihi kirana ma awoodo.”

Saynab ayaa sheegtay in in tuullada ay ku hareen iyaga iyo shan qoys oo kale. Dadkii la deganaa oo xoolo dhaqato ahaa abaarta darteed ayay isaga guureen. Waxay xustay in ay duruuf dhaqaale oo haysata ay la guuri waayeen xoolana aysan u joogin.

Qoyskeeda oo 9 qof ah ma heli karaan cunno iyo biyo ku filan, taas oo culayska ku sii badisay. Waxay hal mar karsadaan kaalmo aan joogto ahayn oo ay ka helaan ehelkooda degan Cadaado ama gaajo ayay ku seexdaan haddii ay waayaan.

Waxaa ka xirantay dhamaadkii Janaayo maqaayad ay cunnooyinka bisil ku iibin jirtay oo ay noloshoodu ku tiirsanayd, taas oo maalinkii ay ka helaysay $10 illaa $15 oo u ay ku dabooli jirtay baahiyah reerka. Geediga xoolo dhaqatada oo macaamiil u ahayd ayaa saameeyey ganacsigeedii.

“Markii hore shaah iyo qado ayaan iibin jiray oo meherad ayaa xaafada iigu taallay. Hadda waa xirantay oo dadkii waa guureen kuwa harayna waxba ma haystaan. Ganacsi shaqaynaya ma jiro haddii aysan dad joogin.”

Qoyska Saynab ma heli karaan biyo ku filan. Ceelka deegaanka wuxuu cilladoobay 2 bil ka hor, taas oo sababtay in booyaduhu ay halkii fuusto iibiyaan $4 oo awoodeeda ka baxsan. Arintaas in ay maalinkii isku celceliyaan hal caag oo ay waydiistaan dariska.

Waxay xustay in aysan ku filnayn reerkeeda oo badan, balse aysan doorasho kale haysan. Saamaynta abaarta iyo cudurro aysan garanayn oo isku raacay ayay sanadkii hore ku waayeen 50 ari ah oo ay xoolo ka lahaayeen. Shaqooyin xamaal ah oo ninkeedu marar badan ka raadiyay Cadaado ayay sheegtay in uusan ka helin.

Dhanka kale Baashi Ducaale oo ah agaasimaha qorshaynta ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in carruurta ka soo jeeda qoysaska reer guuraaga iyo danyarta ah ee waxbarashadu ka joogsatay ay caqabad weyn noqotay.

Wuxuu tilmaamay in iskuulladii bilaashka ahaa ay saamaynta jilaalka darteed u xirmeen. Arimahan ayuu xusay in ay curyaamiyeen dadaalkii wasaaraddu deegaannada durugsan uga hirgalisay tacliinta lacag la’aanta ah.

“Ardaydii waxay iskuulkii u imaan waayeen in dadku ay xoolaha baad iyo biyo u raadinayaan oo carruurtii ay la guureen iskuulladii oo furan iyo magacalimiintii oo jooga ilama ma imaanayaan.”

Baashi ayaa sheegay in xaalada abaarta oo daran darteed aysan ku guulaysan talaabooyin ay qaadeen si iskuulladaan aysan u xirmin.

Wuxuu tilmaamay in hadda ay dowladu awoodda isugu gaysay sidii dadka noloshooda loo badbaadin lahaa, maaddama ay waayeen ilihii ay ku tiirsanaayeen.

Abaaraha soo laalaabta waxay saamayn xoogan ku yeesheen waxbarashada iyo nolosha kale dadka reer guuraaga ah. Waxayna sidoo kale yareeyeen fursadihii ay heli kareen qoysaska deegaannada durugsan ku nool.

The post Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
(ERGO) – In ka badan 170 carruur ah oo gaartay da’da waxbashada ayaan tegin Iskuulka deegaanka Maleelay1 oo hoostaga degmada Dhadhaab ee ismaamulka Gaarisa.

Waxbarasho la’aanta ay wajahayaan waxaa sabab u ah macallimiin yari iyo iskuulka oo ku eg fasalka 6-aad ee dugsiga hoose.

Waalidiinta iyo guddiga iskuulka ayaa tilmaamay in tirada kor ku xusan ay soo codsadeen waxbarasho, balse loo waayay, macallimiinta oo ah saddex kaliya awgeed, dowladda Kenya oo mushaarkooda bixisana aysan kordhin tirada oo marar badan laga codsaday.

Deegaankan waxaa ku nool qoysas ka soo barakacay miyiga abaar saameysay awgeed.

Waalidiinta ayaa xusay in macallin yaridu ay ka hor taagan tahay in ubadkooda ay geeyaan iskuulka keliya ee deegaanku leeyahay, kaas oo ka kooban hoose iyo dhexe, deegaankana ay ka hir-galisay dowladda Kenya sanadkii 2011.

Waxay xuseen inay niyad jab ka qaadeen xaaladan oo ay u sii dheertahay in ardayda ka baxda dugsiga dhexe aysan haysan fursad ay ku sii wataan waxbarashada.

Daa’uud Ismaaciil Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Raadiyow Ergo u sheegay inay awoodi waayeen inay bixiyaan mushaarka macallimiin dheeraad ah oo ay u baahan yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in baahida waxbarashadu ay sii kordhayso sanad kasta, maaddaama qoysas hor leh ay soo maciin bidayaan deegaanka, waxbarashadiina ay taagan tahay halkeedii oo aysan horumar sameyneynin.

Daa’uud ayaa sheegay in labo caruur ah oo uu dhalay oo gaaray da’da waxbarshada aanay iskuulka tegin oo ay guriga joogaan. Caruurtiisa ayuu xusay inuu la jecelyahay waxbarasho, laakiin ay duruuftu ka hor taagan tahay.

“Xaalad adag ayaa na haysata, si aan caadi ahay ayay ii dhibaysaa, waxaan qaban karo iyo meel aan gayn karo carruurta malaha. Weli kama aanan samrin dhinaca dowladda. Waxaa ugu weynna waa Macalin yaraan baa aad iyo aad noo bahdilaysa, meesha haddii aan macalin joogin waxbarasho mataallo”.

Ninkan ayaa sheegay in saddex ka mid ah caruurtiisa ay dhigtaan fasallada seddexaad, afraad iyo shanaad, laakiin labo kale oo sanadkii hore ugudbay fasalka 6-aad ay waxbarashadu ka istaagtay markii uu u waayay dugsi dhexe.

Daa’uud ayaa intaas ku daray in kuwa hadda wax u barta ay halis ugu jiraan in aanay dhaafin fasalka lixaad haddii aanu imaan xal kale oo horseeda isbedel, inta aysan gaarin dugsi dhexe.

“Macalin ka joogaa wuxuu dhahay aniga keligay 6-fasal ma awoodi karo, isaga keligii ayaa dhex taagan, kuwii hore ayaanba waxba aqoonin, waxbarashadoodii baa gab iska noqotay dhaqaale kale oo maanta aan ku raro oo aan meel kale ku dejino ma hayo.”

Daa’uud ayaa sheegay in wel-welka waxbarasho la’aanta ay u dheertahay nolol xumo ay wajahayaan hadda qoyskiisa oo ka kooban 14 qof.

Wuxuu xusay in beer 8 higter ah oo uu ku tiirsanaa aysan waxba uga soo go’in tan iyo gugii hore, biyo yari darteed.

Qoyska ayuu sheegay in hadda uu ku tiirsan yahay dayn uu qaato iyo dukaan yar oo uu ku iibiyo biyaha la cabo, kaas oo uu xusay inuusan ku filneyn maareynta reerka.

Qarashka beerta ka galay iyo deynta uu reerku ku kabo ayuu tilmaamay inuu gaarayo in ka badan $1,900 oo uusan awoodin inuu iska bixiyo.

“Aabahay oo sagaashan jir ah baa ila jira, xaalad adag ayaan ku noolnahay, meel aan ka shaqeeyo ma jirto, meel magaalo ah oo suuq leh aan ka xamaalan karo ma joogo, meel hay’adda inta ay noo timaado wax na siinayso ma joogno.”

Qoyska Daa’uud ayaa yimid deegaanka Maleelay1 sanadkii 2011-kii. Wuxuu ahaa xoola dhaqato ay noloshoodu ku tiirsanayd nacfiga xoolaha ka hor inta aan abaartu dhaafin 300 oo ari ah.

Deegaanka Maleelay-1 oo ku asaasmay dhowr qof, waxaa hadda ku nool 200 oo qoys. Carruurta waxbarashada u baahan waa kuwo sii kordhaya, walina ma jiro qorshe xal u noqon kara baahida jirta oo aysan dadku awoodin inay isku tashi ku xalliyaan.

Ijaabo Axmed Aadan oo ah hooyada 7 carruur ah oo intooda badan gaaary da’da waxbarashada midkood na iskuul uma dhigto, sababtu waa saluug ay ka qabto iskuulka iyo khibrad ay ka dhaxashay sadex ay horay iskuulka uga diiwaangelisey. Waxay xustay sadexdeeda caruur ah in uu midkood waxbarashada uga haray markii uu waayday dugsi dhexe , halka labada kalena ay uga saartay tayo xumo ay dareentay.

“Kuwii horaa ku luggo’ay oo intii ay yaqaanneen ka dhuntay iskuulna aanay haynin, intii ay meesha lugooyo u tegi lahaayeen xaafadda ha joogeen, meesha iskuulba kama jiro, wiil iyo gabar buu yuunifoomkoodii xaafadda yaallaa oo gabadhu ay sagaal jirto wiilkuna uu 7 jiro oo labaduba Qur’aanka dhamaynaya.”

Ijaabo waxay sheegtay xaaladdeeda dhaqaale oo liitada darteed in aanay meelna uga guuri karin Maleelay, Waxay xustay in ay ka mid ahayd deegaanka raashinka deeqda la qaata qaxootiga xeryaha laakiin raashinkii laga gooyay siddeed bilood ka hor, wixii markaa ka dambeeyay ayay tilmaantay in xaaladda nololeed ee qoyskeedu ay aad u liidato.

Hadda ayey ugu darantahay sida ay sheegtay maaddaama ay deegaanka ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada kaalmana aysan helin.

Ijaabo ninkeeda waa qof ka niyad jabay shaqo la’aanta ka jirta deegaanka isaga oo subax weliba u kallaha raadinta shaqooyin xoogsi ah, balse uu kusoo hungoobo.

“In badan ayaan qaadanayay deeqda, waxaana kaarkii aan ku noolaana waxay la i yiri Kenyan baa tahaye khadka ka bax. Xoolo ma qabo dabcan kibaandhaha lama cunayo. 30 kiilo oo isku jir ah iyo shan litir oo saliid ah ayaan qaadanayay dhaqaale badan ayaan ku qabay, Haddee ciriiri weyn baa dhacay, waa iska rafaad sanahay.”

Qoyska Ijaabo ayaa degay deegaankan 15-sano ka hor iyaga oo dhulka miyiga ah uga yimi abaar ku dhufatay oo galaafatay xoolihii ay dhaqan jireen oo ahaa 200 oo ari ah iyo afar geel ah.

Axmed Maxamed Aadan guddoomiyaha gudiga waalidiinta ayaa tilmaamay in caqabadaha ay qayb ka tahay tirada dadka ku biiraya deegaanka oo sii kordhaysa. Wuxuu xusay in abaaraha soo noqnoqday ay sabab u yihiin in qoysas badan ay soo miciin bidaan halkan.

“Carruurta inta dhigaynaysa iskuulka waxaa ka badan inta aan dhigaynin, waxaa sababay labo arimood, macallimiin yaraan iyo xarumaha waxbarashada oo deegaanka ku yar. Waxaan ka niyad jabnay caruurta meelaha kale loo wadayo.”

Dadka deegaanka Maleelay 1 ayaa sheegay in caqabadaha jira ay la wadaageen Masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha waxbarashada ilaa hadana aysan helin wax jawaab ah.

Marka lagasoo tago caqabadda waxbarasho ee deegaanka kajirta sidoo kale waxaa xusid mudan in saameyn abaareed uu deegaanku la kulmayo iyada oo aysan jirin wax gurmad ah oo ay horay u heleen dadka deegaanku.

The post Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida
(ERGO) – In ka badan 300 oo arday ah oo dhiganayay dugsiga hoose iyo dhexe ayaa waxbarasho la’aan noqday tan iyo bishii December ee sanadkii hore. Waxaa saameeyay roob yari ka jirta gobolka Bay oo ku qasabtay in ay barakaaan.

Arrintan darteed waxaa irdaha loo laabay in ka badan 20 goobo waxbarasho oo ay dhiganayeen sida uu inoo sheegay Xuseen Aaadan oo ah guddomiyaha deeganka Goof-gudud iyo deegaannada hoostaga.

Qoysaska ay carruurtaan ka soo jeedaan oo ah xoolo-dhaqato iyo beeraley ayaa kabayaashoodi dhaqaale ku waayay roob la’aan. Xasan Isxaaq Sabri ayaa ka mid ah.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in 4 carruurtiisa ah aya waxbarasho la’aan yihiin. Wuxuu kala soo barakacay dugsi hoose iyo dhexe oo ku yaalla deegaanka Oflow roob la’aanta darteed.

Wuxuu xusay inuusan u awoodin $10 oo qofkiiba wax lagu baro iskuullada gaar loo leeyahay ee magaalada Baydhabo.

“Iskuulkii ay dhigan jireena waa xirmay dhaqaale xumo waalidinta carruurta haysa darteed. Waa soo barakacnay xero barakac ayaan joogna hadda. Waxaan ka cabsi qaba in ay mandooriye iga bartaan carruurta.”

Xasan ayaa sheegay inuu naawilayay in ay tacliinta heer wanaagsan ka garaan carruurtiisa, balse ay taasi meesha ka baxday. Wuxuu tilmaamay in ay si joogto ah u waydiiyaan inuu waxbarashada uu sii wado, hasa ahaate uusan awoodin.

Ninkaan ayaa tilmaamay in waligiis uu reer miyi ahaa, horrayna uusan u soo helin fursad waxbarasho, balse uu raja ka qabay in ilmihiisa ay waxbartaan.

Shaqooyin xamaal ah oo uu marar kala duwan ka raadiyay magaalada si uu reerka ugu dabaro, carruurtana waxbarasho ugu helo ayuu ku hungoobay.

Wuxuu u sababeeyay dhaqaale xumo magaalada ka jirta oo yaraysay shaqooyinkii xamaalka ahaa. Wuxuu xusay in waxbarasho la’aanta carruurta ay qoyskiisa 13 ah ay u dheer tahay cunno xumo.

Waxay ku tiirsanyihiin kaalmo ay ka helaan dadkii xerada uga soo horeeyay oo ay hal mar dabka ku shitaan maalinkii.

“Markii hore saddex waqti ayaa carruurta cuntada loo karin jiray oo waa ladnayn, laakiin hadda waxbo ma heli karno.”

Xasan ayaa tilmaamay in reerkiisa ay sidoo kale culays kala kulmayan helitaanka biyaha. Waxay ku tiirsanyihiin 20 liitar oo ay ka soo dawarsadan dadka kaga soo horreyay xerada.

Waxaa intaas u dheer hoy la’aan. Wuxuu tilmaamay in carruurta ay habeenkii u geeyaan qoysas ay buushash u dhisan yihiin si ay ula seexdaan, halka dadka waaweyn ay darmo dhigtan meelo banaan.

Maalinkii ayay gabadsadan geedo aan har lahayn roob la’aanta darteed. Ninkaan oo ah 55 waqtigiisana ku soo qaatay deegaanka Oflow oo uu ku lahaa beer roobaad 4 hiktar ah ayaa sheegay in xilligaan ay wajahayaan noloshii ugu adkeed ee ay abid mutaan.

Wuxuuu xusay in labo xilli oo xiriir ah uu ku qasaaray dalaggii uu beertay roob la’aan darteed. wuxuu halkaas ku wayay $350 oo uu abuurka ku soo iibiyay.

Dhanka kale waxaa daaq xumo iyo cudurro uusan aqoon oo isku biirsaday ku dhaafay 32 neef oo arri ah oo uu dhaqanayay.

Wuxuu tilmamay in uu aad uga rajo xun yahay in uu ka soo kabto saamaynta gaartay qoyskiisa, maaddaama dhamaan ilahoodii dhaqaale ay meesha ka bexeen.

Roob yarida soo laalaabatay ayaa dhinac kasta ka saaamaysay nolosha dadka reer miyiga ah iyo kuwo tuulooyinka degan oo xoolaha iyo beeraha ku tiirsanaa.

Hanti beelka ku dhacay ayaa keenay in aysan dib u soo kabsan karin. Cali Macalin Xasan waxaa waxbarasho la’aan guriga u jooga tan iyo bishii December ee sanadkii na dhaafay shan carruur ah oo deegaanka Aarag uga dhigan jireen fasallada 2, 4 iyo 5.

Isku darkooda wuxuu bishii ka bixin jiray $30 oo hadda uusan heli karin. Tacliinta la’aanta soo wajahday carruurtiisa ayuu xusay in ay ku beertay walwal uu ka qabo mustaqbalkooda.

“Lacag aan waxbarashada ugu sii wado ma heli karo, waxbarasho la’antoodana murug tiro badan ayay igu haysa.”

Cali ayaa sheegay inuusan hayn $50 oo laga doonayo iskuullada lacagta ah ee magaalada Baydhabo. Xerada Ceel-bay 1 oo ay hadda joogaan ayuu tilmaamay in aysan iskuul lahayn kuwa u dhowna ay qaali yihiin.

Wuxuu sheegay in carruurtiisa oo faham fiican ka haystay waxbarashada uu ka cabsi qabo in ay ka lumaan waxyabahii ay soo barteen. Wuxuu tilmamay in ay ka niyad jaban marka ay arkaan carruurta da’dooda ah ee waxbaranaya.

Cali ayaa sheegay in daruus la’aanta ay carruurtiisa u dheertahay nolol xumo ku haysata xerada ay soo miciin bideen. Qoyskiisa oo 12 ah waxay hal mar maalinkii cunaan ugu badnaan killo raashin ah oo ay xaaskiisa ka soo tuugsato xaafadaha magaalada.

Mararka qaar oo aysan soo helin ayuu tilmaamay in ay gaajo ku seexdan. Biyaha ayuu xusay in ay yihiin waxaa ugu adag ee haysta.

“Ceelal gaar loo leeyahay ayaa ugu badnaan toban tallaabo noo jira, dadkii hore ee xerada qaar dayn ayay uga soo qaatan qaarna waa ka soo iibsadan, balse anaga intaba ma awoodno. Dayn noolama ogolo oo meesha waa ku cusub nahay. Biyaha aad ayaan ugu dhib qabna helidooda.”

Cali ayaa sheegay in reerkiisa ay ku tiirsanyihiin 10 liitir oo ay marba qoys waydiistaan dadka dhaama ee biyaha iibsan kara. Wuxuu tilmaamay inuusan ku filnayeen, balse aysan beddel kale haysan, maaddama aysan awoodin $0.2 oo halkii jirgaan ay iibiyaan ceelasha.

Qoyska Cali ayaa xaaladaan ku qasbanaaday, markii ay ka nacfi beeshay beer 3 hektar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd. Dallagyo iskugu jiray Galley, digir, masago, qare, yaanyo iyo bacor oo uu galiyay bishii Abriil ee sanadkii hore ayaa biyo yari iyo cayaayaan ka galay darteed uga qalalay.

Wuxuu xusay in ay kaga baxday $400. Lacagtaas oo dhamaan dayn ahayd ayuu tilmaamay in hadda si joogta ah loo soo waydiiyo, balse uusan aqoon qaab uu ku bixiyo.

Qoyska ninkaan ayaa barakaca ku qasbanaday bishii Diseembar ee sanadkii tagay markaas oo uu ka dhamaaday kayd raashin ah oo iskugu jiray galley iyo digir oo u soo go’ay dabayaaqaddii sanadkii 2024.

Waxay filayeen in xeryaha ay ka helayaan nolol dhaanta toodii walow ay ku hungoobeen damacooda.

Maxamed Aadan Ibraahim oo ah godoomiyaha xerada Ceel-bay 3 ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaska soo gaaray xerada ay ku sugan yihiin xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Wuxuu xusay in aysan helin karin dhamaan adeegyada nolosha aas-aasiga u ah.

Dhaqaale yari haysa iyo tirada dadka oo badan darteed ayuu sheegay in aysan waxbo ku caawin karin.

“Tabar aan wax uga beddelno xaaladooda mailihin. Hay’adaha iyo cid walbo waxaan ugu baaqayna in loo soo gurmado.”

Guudoomiyaha ayaa sheegay in ku dhawaad 500 oo qoys oo wata carruur ku jira da’da waxbarashada ay diiwaangaliyeen tan iyo bishii December ee aan ka soo gudubnay.

Daruufaha kala duwan ee soo wajahaya qoysaskooda ayaa sanad walbo waxbarasho la’aan dhiga boqollal carruur ah oo horray tacliin u haystay. Arintaas waxay dhibaato ku tahay mustaqbalkooda, sidoo kale waxay meesha saartay mid ka mid ah xaquuqaha aas-aasiga ah ee carruutu leeyihiin.

The post Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb
(ERGO) – Cunno-xumo, biyo yari iyo carruurtooda oo waxbarashada laga soo eryay ayaa isku raacday in ka badan 100 qoys oo barakac ah oo ku nool xerada Shabeelle ee duleedka Dhuusamareeb. Arintan waxay ka dhalatay, markii uu bishii Nofeember ka go’ay gargaar ay ka qaadan jireen hay’adda Save the Children

Faadumo Axmed Cabdi, waxay qoyskeeda sagaal qof ah u la’dahay raashin hal waqti, markii ay waayeen $110 oo bil kasta u soo dhici jirtay. Waxay ku dabari jirtay cunno labo mar ah, biyaha iyo waxbarashada saddex carruurteeda ah oo hadda guri joog ah.

Faro marnaanta ay galeen ayaa ku qasabtay in dabku ka damo. Wax ay dariska waydiistaan ayay mar cunaan maalinkii, haddii aysan helinna qatooyo ayay ku joogaan carruurteeda oo yaryar u badan.

“Gaajo aad u daran ayaa na haysa. Dhibaato ayaa jirta oo carruurtayda nolol-malmeedkooda aad ayuu u xun yahay, baahi ayaan qabnaa gargaar waa u baahanahay. Hadda wax aan ku tiirsan nahay ma jiraan.”

Faadumo ayaa sheegtay in caarruurteeda ay habeennada qaar ku seexiso biyo iyo sonkor ay soo dawarsatay oo ay isugu qasto, maaddaama aysan wax kale u heli karin. Waxay ku hungowday shaqooyin xoogsi ah oo ay ka raadisay magaalada Dhuusamareeb.

In aysan macaamiil badan ku lahayn iyo dadka oo inta badan isticmaala mishiinada casriga ah oo looga maarmay dharkii gacanta lagu dhaqi jiray ayay u sababaysay.

Saygeeda ayay xustay inuu baaga-muudo yahay. Dhowr jeer oo uu raadiyay shaqoyooyin xamaal ah ayuu waayay, maaddaama waji garasho la isku siiyo isna uusan deegaanka cidna ka aqoon.

Qoyskeeda waxaa intaas u dheer biyo yari saamayn ku yeelatay. Bartamihii December ayaa laga jartay tuubbo guriga ugu jirtay, markii ay labo bil bixin waayeen min $5 oo laga qaadi jiray. Dariska ayay hal caag ka soo baryaan si ay maalinkaas ugu joogaan.

“Qarashka bisha haddii aannan bixin waa la goostay saacaduna wax badan ayay soo qortaa. Shan ama labo dollar haddii ay soo sheegto oo aadan dhiibin laguuma ogolaanayo in aad sii cabto.”

Qoyska Faadumo waxay ka mid yihiin 30 reer oo bishii December ay dabaylo deegaanka ka dhacayay ka dumiyeen guryahoodii, kuwaas oo dhibaatooyinka nolosha ay u dheer tahay hoy xumo ku sababtay in ay bannaan-yaal u noqdaan qorraxda iyo dhaxanta.

Labo buul oo ay deganaayeen ayaa ka burburay awood dhaqaale oo ay dib ugu dhistaana tahli waayeen. Waxay dul-saar ku noqdeen qoys ay ehel yihiin oo gurigu u badbaaday. Hal buul oo lagu caawiyay aanna deeqin ayay xustay in ay carruurta ku hayso.

“Cariiri ayaan ku jirnaa inlee hoy aadan lahayn oo labo qoys oo xaas ah ay iskula nooshahay waa dareemi kartaa. Culays ayaa nagu haysta ilmihii rafaad ayay ku seexdaan habeenkii. Tabar la’aan ayaan u dhisan waynay, taas ayaa nagu kaliftay xaaladaan.”

Faadumo ayaa sheegtay inay ka waxbarasho beeleen saddex carruur ah oo iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan u dhigan jiray. Saddex bil oo ay bixin waysay $66 oo isku gaartay kadib bishii hore ayaa la soo eryay ilmaheed.

Qoyskeeda ayaa sanadkii 2021 ka soo barakacay miyiga gobolka Shabeelaha dhexe, markii abaartu nacfi tirtay beer 2 hektar ah oo raashin ay ku abuuran jireen xilli roobaadka, sidoo kalena ay ka wada dhinteen 30 ari ah oo ay dhaqanayeen.

Gargaarka la dhimay, saamaynta abaaraha iyo dhaqaale xumada wadanka ka jirta waxay xaalad adag u horseeday qoysas badan oo waayay dhamaan ilihii ay ku tiirsanaayeen.

Sahro Xasan Muxiyadiin waxay qoyskeeda oo 8 qof ah u awoodi la’dahay cunno hal mar ah iyo biyo ay cabaan. Waxay sheegtay in kaarka ka go’ay uu u ahaa isha kali ah ee dhaqaale uu ka soo gali jiray labadii sano ee ugu danbaysay.

Haweenaydan ayaa xustay in si qoyskeeda ay cunno ugu hesho ay iyadoo xaamilo ah ay raadiso shaqo nadaafad ah oo helitaankeedu adag yahay. Toddobaadka dhan hal maalin ayay ka heshaa, waxaana ka soo gala ugu badnaan $2 oo ay mar dabka ku shitaan.

Sahro ayaa sheegtay in hadda ay cuslaatay oo uurkeedu uu sagaal bil gaaray. Dadka ayaa markay ogaadeen in ay xaamilo tahay u sheega in aysan shaqo u dirsan karin, taas oo xaaladooda sii adkaysay. Waxay haysaa aabbaheed oo ah 70 jir sonkor qaba oo aan cuni karin raashinka yar ee ay dhibka ku helaan.

Uma awoodo caano ama cunto ku habboon, taas oo murug kale ku ah. Xaaladaan adag ayay kali ku tahay maaraynta nolosha qoyskeeda. Carruurteeda aabbahood wuxuu muddo 5 sano ah dhul-yaal la yahay jug madaxa ka gaartay xilli uu gaari ka dhacay.

Xerada ay degan yihiin kama jirto xarun caafimaad. Waxay tilmaamtay in qofka ka xanuunsada aysan daryeel u heli karin, maaddaama aysan awoodin qarash ay ku gayso isbitaallada kale ee lacagta ah. Waxay sidoo kale culays kala kulmayaan helitaanka biyaha.

“Waxaan ku joognaa biyo la’aan aniga iyo ilmahayga. Dariska ayaan soo tuugnaa oo qofkii bixin waaya in laga jarto waa amar, dhibaatadaas ayaa na haysa. Waa xaalad aad u xanuun badan.”

Sahro ayaa sheegtay in tan iyo markii ay waayeen $110 oo ay kaar ku qaadan jireen ay galeen xaalad hubaanti la’aan nololeed ah oo markasta ka sii daraysay. Arintan darteed labo ka mid ah  carruurteeda oo dhiganayay fasalka labaad iyo dugsi Qur’aan ayaa laga soo eryay bishii December. Waxay bixin waysay $17 oo isku darkooda laga qaadi jiray bil kasta.

Sahro ayaa sheegtay in sanadkii 2018 ay fatahaad uga soo barakaceen Degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Waxay billowgii soo degeen magaalada Dhuusamareeb, balse kirada iyo nolosha kale oo ay isku keeni waayeen ayaa ku qasabtay in ay xeryaha u guuraan 3 sano ka hor.

Guddoomiye ku xigeenka xeradda Shabeelle Saynab Faarax Maxamed ayaa Radiyow Ergo u sheegtay in qoysaskaan ay wajahayaan dhibaatooyin isbiirsaday. Shaqooyinkii xoogsiga oo meesha ka baxay, gargaarka istaagay iyo saamaynta abaaraha ayaa keenay in ay isku mid noqdaan.

Waxay xustay in haddii aysan gurmad deg deg ah helin ay xaaladoodu sii xumaan karto, iyadoo bishii Ramadaanku soo dhowdahay.

“Qof hadda aan dabka shidan karin, xaamilo aan haysan wax ay isbitaal ku tagto, carruur dhiig la’aan la bararay ayaa ka jirta. Waxbarasho la’aan, hoy xumo iyo caafimaad darro ayaa jirta. Nolol xun ayay ku sugan yihiin dadkaan.”

Saynab ayaa sheegtay in baahida ka jirta xeradda aysan waxba ka qaban karin oo ay awoodooda ka badatay. Hay’adaha samafalka ee deegaanka ka howlgala ayay xustay in ay dhowr mar u gudbiyeen dhibaatooyinka dadkan haysta, balse aysan talaabo rasmi ah wali ka arkin.

The post Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
(ERGO) – In ka badan 400 oo ah carruur ka soo jeeda qoysas barakac iyo danyar iskugu jira ayaa waxbarasho la’aan ku wajahaya magaalada Baydhabo tan iyo bishii 11aa ee 2025. Arrintan ayaa ka dhalatay markii uu gabi ahaanba gubtay iskuulka hoose iyo dhexe ee Elej oo ay ardaydan wax ka baran jireen.

Ibraahim Maxamed Nuur oo ay carruurtiisu shan sano wax u baranayeen ayaa ka mid ah waalidiinta ay hadda waxbarasho la’aanta ka noqdeen ilmahooda. Wuxuu sheegay in afar carruur ah oo u kala dhiganayay fasallada 4, 6 iyo 7 ay hadda daruus la’aan guriga u joogaan.

Wuxuu xusay inuusan u awoodin $10 oo qofkiiba wax lagu baro iskuullada gaar loo leeyahay ee magaalada.  Ninkan oo barakac ku ah xerada Iraroog ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu la daala-dhacayo masruufka kale ee qoyskiisa uusana xal u hayn arrintan oo ku noqotay caqabad culus.

“Carruurteyda si wanaagsan ayey wax u baranayeen. Waxbarasho la’aantooda hadda murugo ayay igu haysa. Ma awoodo inaan geeyo iskuullada lacagta ah, maaddaama aan u hayn lacagta laga rabo. Arrintan waxay igu noqotay mid walaac badan igu abuurtay oo aan waxbo ka qaban kari.”

Wuxuu naawilayay in ay tacliinta heer wanaagsan ka garaan maaddaana isaga uusan horey wax u soo baran, balse ay taasi hadda u muuqato mid meesha ka baxday. Carruurtiisa ayuu tilmaamay inay si joogta ah u waydiiyaan inuu waxbarashada uu sii wado.

Dhanka kale waxaa waxbarashada la’aanta carrurta u dheer cunno xumo. Waxay qoyskiisa oo 10 qof ka kooban ku tiirsanyihiin kaalmo ay ka helaan dadka dariska kula ah xerada oo nolol ahaan dhaama.

“Cuntada helideeda culays weyn ayaa naga haysto. Waxaan nahay dad aan waxbo haysan oo xitaa hal mar ah maalinkii dabka shidan karin. Qureecda ayaa lagu gaara illaa qureecda kale. Anigu waxan ahayn qof aan shaqeyn oo baagamuuddo iska ah. Shaqooyin waan raadiyay lakiin ma helin.”

Ibraahim ayaa sheegay in bishii sagaalaad ee sanadkii hore uu waayay shaqo falida beeraha ah oo uu maalinkii ka heli jiray $4 illaa $5 celcelis ahaan. Roob la’aan sababtay in ay qalalan beerihi uu ka shaqeeyn jaray oo ku yaalla duleedka magaalada ayaa galaaftay shaqadiisi.

Wuxuu sheegay in sidoo kale qoyskiisa ay ku adagtahay helida biyaha. 6 kun oo Shillin Soomaali ah oo halkii jirgaan laga iibiyo ceel riig gaar loo leeyahay oo xerada u jira 3 km oo socod ah ayuusan awoodin.  Waxay ku tiirsanyihiin hal 20-litar oo ay xaaskiisa dhabarka uga soo qaado ceelka oo ay dadka leh u dan-sheegteen.

Dhanka kale waxay xerada ku wajahayaan hoy la’aan. Wuxuu sheegay in qoyskiisa oo badan ay ku noolyihiin buul u nugul qorraxda iyo qabowga, sidoo kalana aan ku filneyn. Qoyska Ibraahim ayaa sanadkii 2018 ka soo barakacay deegaanka Doy-gaab oo hoostaga magaalada Baydhabo,  markii roob la’aan jirtay ay nacfi tirtay beer saddex hiktar ah oo ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Iskuulkan oo ay gacanta ku hayeen Wasaarada Waxbarashada maamulka Koonfur-galbeed iyo hay’adda Save The Childreen ayaa la hirgaliyay sanadkii 2016. Carruurta wax ka dhigan jiray ayaana u badnaa kuwo ka soo jeeda qoysas uu dhaqaalahoodu hooseeyo.

Xabiibo Xuseen Xasan oo waalidiinta ka mid ah waxaa guriga u jooga saddex carruur ah oo tacliin la’aan ka noqday. Sidoo kalana aysan u hayn xal ay waxbarashada ugu sii wado.

“Carruurta waxbarasho la’aan ayay iga yihiin, anigana waxbo uma awoodo. Waxaa la iska rabaa kharashka iskuulka, dharka, bugaagtii iyo qallimadi ay wax ku dhigan lahaayeen wx  lacag ahna uma hayo. Waxbarasho bilaash ah ayay ii haysteen si fiican ayayna wax igu baranayeen. Xaaladooda hadda murug ayay igu haysa.”

Xabiibo ayaa sheegtay in carruurteeda ay u dhigan jireen fasallada sadexaad iyo afaraad  ee dugsiga hoose. Waxay tilmamtay in sidoo kale ay meesha ka baxday quudin bilaash ah oo ay carruurteeda iskuulka ka heli jireen.

Waxay ka walwal la’ayd qadada iyo quracda saddex carruur ah oo wax u baran jiray.  Waxay tilmaamtay in sidoo kale ay si bilaash ah ku heli jireen agabyada waxbarasho ee ay u baahan yihiin sida bugaagta, qallimada iyo dharka iskuulka lagu dhigto.

Haweeneydan oo keligeed u xoogsatada qoyskeeda ayaa xustay inay ku tiirsanyihiin $1 illa $2 oo ay toddobaadkii mar ama labo ka soo hesho shaqooyin nadaafad ah oo ay magaalada u raadiso maalin walbo. Lacagtaas ayay sheegtay in ay hal mar ah dabka ku shitaan reerkeed oo 7 qof ah.

Carruurteeda oo kan ugu weyn uu 12 jir yahay ayay xustay inaysan u adkaysan karin qatooyada waqtiga dheer, balse aysan doorasho kale laheeyn. Dayn $70 oo ay u gashay si ay dabka ugu shido ayay sheegtay inay walwal kala kulmeyso.

“Lacagta la igu leeyahay waxay igu gashay raashin iyo dhar aan carruurta u soo qaaday marar kala duwan. Dayntaas walwal badan ayay igu haysa mana awoodo inaan iska bixiyo. Illahey ayaa xal keeni doonna.”

Xabiibo ayaa sheegtay in afar sano oo ay degan tahay xerada Iraroog aysan waligeed helin kaalmo ka badan waxbarashada bilaashka ah ee ay carruurtu u haysteen. Ilmaheeda aabbahood ayay tilmamtay inuu yahay wayeel aan nolosha qoyska waxbo ku soo kordhin karin.

Qoyska xabiibo ayaa Sanadkii 2021 ka soo barakacay deegaanka Eel-dhuun oo Baydhabo u jira qiyaastii 60km, markii ay roob yarida darteed ay ka quusteen beer 2 hiktar oo ay tacban jireen.

Sahra Aadan Cabdi oo ah maamulaha iskuulka Elej ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in gabi ahaan ay dabka ku basbeelen lix qol oo jingad ah oo uu iskuulka ka koobana. Waxay xustay in dabku uu markii hore ka billowday xero barakac oo iskuulka ku dhow, balse uu si degdeg ah ugu fiday dhismaha.

Waxay sheegtay in maamul ahaan aysan u hayn dhaqaale ay dib ugu dayactiraan, balse ay muhiim tahay, maaddaama ay boqollal arday wax ka dhiganayeen.

“Dadka meeshan wax ku baranayay waa dad danyar ah xitaa kabo iyo dhar uma iibin karaan carruurtooda, dabkana xilli aan lagu tashaneyn ayuu na gaaray oo aan wax laga qaban Karin. Hadda wax qorshe ah ma jiro,  kaliya wasaaradda iyo ha’adda ayan caawimaad ka sugeynaa”

Waalidinta barakaca ah oo intooda badan aan horray wax u soo baran ayaa dadaal ugu jira sidii ay waxbarasho uga heli lahaayeen caaruurtooda, wallow aysan taasi u suuragali dhaqaale xumo awgeed.

The post Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
(ERGO) – In ka badan 150 carruur ah oo ka soo jeeda qoysas barakac ku ah xeryaha Alla- Aamin, Doonyaale, Buulo-agoon iyo kuwa kale oo magaalada Gaalkacyo ku yaalla ayaa waxbarasho la’aan ah tan iyo bishii sagaalad ee sanadkan.

Carruurtan oo dugsiga hoose iyo dhexe dhameeyay sanad dugsiyeedkan ayay waalidiintooda u awoodi waayeen inay ku daraan dugsiga sare dhaqaale la’aan haysa darteed, taas oo keentay inay gabi ahaan iskaga haraan.

Hindiya Nuux Caalin waxaa duruus la’aan ka noqday labo carruur oo sanadkan u gudbi laha fasaalka koowaad ee dugsiga sare. Waxay ku noqotay caqabad culus, maaddaama aysan hayn xal ay waxbarashada ku sii wataan. Waxay la daalaa-dhacaysaa nolosha kale ee reer oo ay keligeed ku tahay.

“Markii hore carruurteeda wax ayay ii baranayeen, waan ku faraxsana. Hadda markii ay meel sare waxbarashadii ka gaareen wax la’aanta i haysa darteed ayaa waxbarasho la’aan dhigtay. Arriintaas aad ayay qalbi jab igu tahay xitaa carruurta si joogta ayay ii waydiyaan innaan iskuul geeyo, balse ma awoodi karo.”

Hindiya ayaa sheegtay in xerada Alla-aamin oo ay ku nool yihiin aysan ka jirin dugsiyo sare. Waxay xustay in kuwa ugu dhaw oo ku yaalla gudaha magaalada Gaalkacyo qofkiiba laga rabo $20 bishii, taas oo aysan awoodin iyo $3 oo ah gaari raaca maaalinlaha ah.

Xerada ay degan yihiin ayaa magaalada u jirta dhawaad hal saac ah oo socod ah, taas oo sababtay in aysan lug ku gaarin. Waxay xustay in dugsi hoose iyo dhexe oo xerada ay ka hirgalisay wasaaradda waxbarashada Puntland ay carruurteeda bilaash ku dhameeyeen.

Haweenaydan ayaa ka cabsi qabta in faro-marnaanteeda darteed ay carruurteeda seegan waxbarashada dugsiga sare. Nolosha qoyskeeda ayaa ku tiirsan biro ay soo aruuriso kaddibna iib-geyso, taas oo aan u qaybsami karin cunno iyo waxbarasho.

“Mararka qaar waxaa laga yaaba inaan saddex bari arruuriyo markii aan suuqa geeyo kiilooyin dhowr ah oo aan ka soo helo $2 illa $4, intaas habeenkii ayaan hal mar dabka ku shidana. Ilmaha labada waqti ee kale shaah, mushaari ama wixii habeenkii hara ayaa la siiya, maaddaama aysan lacagtaas noogu filnayn saddex mar.”

Hindiya ayaa sheegtay in labadii sano ee la soo dhaafay ay meesha ka baxeen shaqooyin dhar-dhaqid ah oo ay maalinkii ka heli jirtay $3 oo joogta ah, taas oo ugu filnayd cunno labo mar ah. Dadkii ay u shaqeyn jirtay ayaa soo iibsaday mashiino looga maarmay.

Waxaa sidoo kale qoyskeeda ku adag helida biyaha. Waxay xustay in tubbooyin biyo dhanaan ah oo xerada ku yaalla halka jirigaan la iibiyo $0.5. Deyn ayay uga soo qaataan, maaddaama aysan helin karin lacagtaas. Saddex dollar oo la iibiyo halka fuusto ee biyaha macaanka aysan heli Karin.

Haweeynaydan ayaa tilmaamtay inay walwal ku haysa $400 oo ah deyn looga leeyahay raashin iyo biyo ay qoyskeeda dhowr mar u qaaday. Waxay sheegtay in joogto loo waydiyo, hasa ahaate aysan awoodin bixinteeda.

Waxay xustay in maareeynta nolosha reerka ay kali ku tahay oo carruurteeda aabbahood ay kala tageen 7 sano ka hor. Qoyska Hindiya ayaa 2012 dagaallo qabiil uga soo barakacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, halkaas oo beeralay ay ku ahaayeen.

Waalidiinta awoodi la’ inay carruurtooda waxbarashada sare ku daraan dhaqaale xumada awgeed waxaa ka mid ah Mulki Maxamuud Cali. Wiil iyo gabadh ka soo gudbay dugsiga hoose iyo dhexe ayaa hadda guriga u jooga iyagoo tacliin la’aan ah.

Waxaa meesha ka baxday rajadeedi ahayd inay waxbarashada heer wanaagsan ka gaaraan, maaddaama aysan heyn dhaqaalaha dugsiyada sare lagu dhigto.

“Baabuur raaca, lacagta wax lagu barayo, buugii, qalinkii iyo dharka iskuulka oo dhamaan isku gaaraya $100 ayaanan haynin, sidaas ayay carruurtayda waxbarasho la’ aan ku yihiin. Waxaan waayay doorasho aan ka aheyn in ilmihii ay guriga ii fadhiyaan.”

Mulki ayaa sheegtay in dadaalkii ay 8 sanno ku soo bixisay carruurteeda uu hadda qasaaro noqday. Waxay xustay inaysan jirin cid kale oo ka caawin karta arrintaas, taas oo rajo-beel galisay iyada iyo ilmaheeda.

Haweenaydan ayaa sheegtay in sidoo kale ay sanadkan dugsiga hoose iyo dhexe ee xerada Buulo-agoon oo bilaash ah ay uga soo qalin jabinayaan wiil iyo gabar kale, kuwaas oo aysan u hayn xalkii ay waxbarashada ku sii wadan lahaayeen.

Waxay tilmamtay inay tahay qofka kaliya ee u dhaqdhaqaaqa reerkeeda. Odaygeeda ayay xustay in uu yahay wayeel aan waxbo ku soo kordhin noloshooda. Qoyskeeda oo 11 qof ah ayaa ku tiirsan shaqooyin nadaafad ah oo aan joogta aheyn.

“Waxaan dabka ku shidana wixii aan ka soo helo shaqooyin dhar dhaqaal ah. Waxaan ugu badnaan ka hela $4 oo aan wax badan noo goyn. Waa maalin aan helno iyo maalin aan wayno. Hadda aan kula hadlayo hal toddobaad wax shaqo ah ma helin. Marka ay xaalada nagu adkaato dukaamada ayaan iska barinaa oo aan dhahna deyn nogu caawiya.”

Mulki ayaa sheegtay in culeysyadaas ay u dheertahay biyo yari. Waxay maalinkii tashiishaan hal jirgaan oo ay dhabarka uga soo qaado tubbooyin bilaash ah oo ku yaalla xerada Hala-bookhad oo u jirta masaafo dhan 1 km. Waxaa u dheer dayn gaaraysa $350, Waxay u sheegeen in aan deyn kale la siin doonin illaa ay ka bixiso tii hore, taas oo quus galisay.

Qoyska Mulki ayaa 10 sano ka hor ka soo barakacay magaalada Boosaaso, markii ay awoodi waayeen noolasha magaalada oo qaali ku noqotay.

Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ah maamulaha dugsiga hoose iyo dhexe ee Alla-aamin ayaa sheegay inay sanad dugsiyeedkan ka baxeen ku dhawaad 20 carruur ah oo illaa hadda aan u gudbin dugsi sare dhaqaale xumo darteed.

“Waxbarasho la’aanta carruurta waxaa xal u noqon kara in iskuullo sare in looga dhiso xeryaha ay joogan. Waxay arrintan sidoo kale fursad u noqon lahayd dhalinyaro jamacado soo dhameeyay oo macalimiin noqon kara oo iyagana fursado shaqo ka heli lahaa ama waalidintan in laga garab siiyo kharashka iskuulka iyo lacagta gaari raaca.”

Maamulaha ayaa sheegay in wasaarada waxbarashada ee Putland ay u gudbiyeen, hasa ahaatee aysan wax jawaab ah wali ka helin. Qoysaska barakacay oo halgan maalinle ah kula jira sidii ay dabka ku shidan lahaayeen ayaan awoodi karin in carruurtooda ay ka bixiyaan lacagta waxbarashada, taas oo mustaqbal la’aan ku hoggaammisa carruur badan.

The post Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
(ERGO) – Afar boqol iyo konton carruur ah oo ka soo jeeda qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaannada Gellinsoor, Wadgelinsoor, Far-janno iyo Qurdhubaanle oo hoos taga Cadaado yaa waxbarasho la’aan noqday tan iyo bishii hore.

Arrintaas ayaa simid markiii iskuulada degaanka oo ay bilaash ku dhiganayeen ay sanad dugsiyeedkaan u furmi waayeen dhaqaale xumo darteed. Maamulka galmudug oo kaashanayay hay’ado samafal ah ayaa awoodi waayay in uu bixiyo mushaarka macalimiinta, markii ay istaagtay deeqda hay’adda.

Cabdi Maxamuud Xassan oo ku nool deeganka Qurdhubaanle waxaa waxbarasho la’aan ka noqday lix ka mid ah carruurtiisa oo dhinayay dugsiga hoose iyo dhexe. Wuxuu sheegay in in ay arrintaas meesha ka saartay rajo uu ka lahaa waxbarashadooda isaga oo u diyaarinayay in ay sanadkaan u gudbaan fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe looga baxo.

“Hadda waa bur bureen wax kasta. Awalna meel u gooni ah oo gaar ahoo lagu dhigto oo u dhisneed iskuulka ma jirin  qurac hoostiis ayaa lagu dhigan jiray, haddana ka tageen ddakuna ilmaha kama maarmaan boqolkiiba sagaashan oo ma fogayn karaan.”

Cabdi wuxuu sheegay in waxbarashada carruurtiisa ee hakadka gashay ay culays xooggan ku hayso, balse uusan hayn qaab ay daruusta ku sii wadan karaan. Wuxuu tilmaamay in ay ahayd rajo soo noolaysay hamigooda waxbarasho balse sii ahaanwaysay.

Wuxuu tilmamay in waalidiinta ardayda ay isku dayeen in si aan waxbarashadu u joogsan ay iska aruuriyaan mushaarka macalimiinta balse ay awoodi waayeen in ay bixiyaan qarashka ku baxaya. Waxaa u sabab ah in ay arrintaan ku soo aaday iyada oo deegaan ay ay ka jirto daaq yari nacfi tartay xoolo ay ku tiirsanaayeen.

Wuxuu tilmammay in sidoo kale uu kari wayay in uu geeyo iskuulada Cadaado oo u jirta 25 km. Wuxuu tilmamay in uu san karin qarashka ay magaalada kula noolaanlahaayeen 40 ari ah oo u joogta ayuu tilmaamay in ay yihiin caato aan suuq gelin.

Nacfi la’aanta xoolihiisa darteeed wuxuu sheegay in qoyskiisa ay ku tiirsan yihiin cunnno hal waqti ah oo ay ku caawiyaan dad ay qaraabo yihiin oo degan Cadaado.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in in dukaamo ay dayn ka qaadan jireen ay ka jarteen, markii ay isku gaartay dayn uu qadanayay muddo sanad ah.

“Bakhaaradii aan daynta ka qaadan jirnay waa iiga dhaartay. Dad iyo duunyo wax xoolo badar la siiyo waa iiga dhaartay. Hadda waxaa weeye meel aan u dhaqaqaba ma aqaan magaaladii dhameed waa idhibsatay.”

Cabdi wuxuu sheegay in xaaladda nololeed ee qoyskiisa ay xilligaan marayso meel aad u liidata. Wuxuu tilmaamay in dhawr mar uu isku hawlay in uu shaqooyin xamaal ah u raadsado magaalada Caadaado, balse uu ku guul daraystay markii uu waayay cid uu u shaqeeyo.

Waalidiinta ay saamaynta ku yeeshay carruurtooda xiritaanka iskuuka waxaa ka mid ah Faadumo Cilmi Cabdi oo ay waxbarasho la’aan ku dhacday sadex ka mid ah carruurteeda, oo dhiganayay fasalada hoose iyo dhexe ee deeganka Qurdhubaanle oo ay degan yihiin.

Waxay sheegtay in carruurteeda muddo labo sanao ah oo ay dhiganayeen iskuulka ay waxbadan ka faa’iidaysteen, balse ay hadda noqdeen guri joog. Waxay intaas ku dartay in aysan awoodin in ay gayso wxbarasho kale. Waxa u sabab ah in aysan ciidan ahaan kaga maarmin aysanna bixin karin qarashka ku baxaya.

Arrintaas aya timid markii si la mid ah dadka deeganadaas ku nool ay daaq xumado nacfi tirtay 30 ari ah oo ay dhaqanayeen. Waxay xustay in xaaladahaas is biirsaday ay qoyskeeda u horseedeen saamayno dhawr weji leh.

“Booyada biyaha ah mida ugu yar $50 ayay ku timaadaa meeshaan hadda aan joogno, qaarna ka badan ayay ku yimaadaan, matoorna ma lihin oo haddaan meeshu biyaha haysanno nolosheedu aaday u sareyn la heed oo biyuhu waa nolosha koobaad.’’

Waxay tilmaantay in ay ka rajo xun tahay xoalaha yar ee u jooga oo aan daaq haysan, raashinna aysan u gadi karin haddii aysan roob helin todobadyada soo socda.

Waxay sheegtay in qoyskeeda lagu leeyahay dayn gaaraysa illaa $800 oo ay horay ugu qaateen biyo iyo raashin ayna gudi waayeen. dadkii ku laha lacagtaas ayay xustay in ay u qabteen muddo bil ah, taas oo ku haysa welwel joogto ah.

Saamaynta ka dhalatay xirnaanshaha iskuuladan ayaa ah mid wada taabatay dadka ay carruurtooda wax uga baran jireen. Xuseen Cali Sahal oo ah isku duwaha waxbarashada degmada Cadaado ayaa sheegay in   ay wadaan dedaal ay dib ugu hawl gelinayaan walow aysan illa hadda hayn dhaqaale ku filan.

Hay’adaha Cera international, Josbo iyo Save somali children oo ka taageerayay qarashka macalimiinta ayuu sheegay in ay maalgelintaas ka goosteen sanad dugsiyeedkan.

Wuxuu xusay in ay u dheegeen 9in uu dhamaaday mashruucaas. Dhanka kale ayuu xusay in aysan marna ka daalayn sidii ay waxbarashada ugu sii wadi lahaayeen carruurta xitaa haddii ay sanado ku qaadato.

Iskuulada oo furnaa muddo 3 sano ah ayuu tilmaamay in ujeedka loo aasaasay uu ahaa in carruurta ka soo jeeda qoysaska reer miyiga ag ay heleen waxbarasho la mid ah kuwa ay asaagood helaan.

The post Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada
(ERGO) – Dhibaato nolol xumo oo ka dhalatay kala tagga waalidkeeda ayaa ku riixay Laki Cabdiraxmaan Maxamed oo 23 jir ah korinta 8 carruur ah oo curad ay u tahay, kuwaas oo ku nool Hargaysa.

Noloshooda waxay ku maaraysaa shaqada nadaafadda oo ay u qabato qoysaska magaalada, taas oo ay billowday bishii saddexaad ee sanadkan.

Kaalintan ay ku samatabixinayso nolosha walaalaheed wuxuu billowday, markii dhaqaale la’aan ay uga hartay fasalka labaad ee dugsiga sare.

Waxaa la mid ah in ka badan 20 gabdhood oo ka taageera qoysaskooda dhinaca cunnada, kuwaas oo ku guuldaraystay in ay sii wataan waxbarashada.

Waxay ku dhiiradeen qabashada shaqooyin kala duwan oo dhaqaalaha ka soo gala uusan soo dhaafin cunnada ay dabka saartaan iyo kirada guryahooda.

Laki mushaharka ay ka hesho shaqadeeda oo bishii ah $110 ayay kala qoondaysaa. $45 ka mid ah waxay ku bixisaa kirada guriga ay deggan yihiin labo qol ah iyo biyaha ay isticmaalaan,

Waxay sheegtay in qaybta soo hartay ay ku dabbarto cunnada iyo arrad-tirka carruurta gaar ahaan dharka ay xirtaan.

“Waxaa igu kallifay in aan qoyskayga caawiyo. Waan ku eegan waayay dhibaatadii ay ku jireen. Ugu horayntii waxaan ku bilaabay xaafad aan konton ka qaadan jiray haddana waxaan helay mid kale oo lixdan aan ka qaato.’’

Laki oo si joogta ah u shaqaysa maalin kasta oo ka mid ah toddobaadkii ayaa tilmaamtay in xilliyada qaar ay quutaan cunno aan iidaan lahayn marka mushaharka uu ku filnaan waayo, balse ay dadaal ku bixiso in aysan gaajo ku seexan carruurta.

Waxay jeclaan lahayd in ay hesho shaqo ka dhaqaale badan midda ay hayso si baahiyaha qoyskeeda ay dheeli-tirto, hase ahaate waxay xustay in iskuday kasta oo ay ku raadiso shuruud looga dhigo shahaado, taas oo aysan heli karin xilligan.

Waxay sharaxaysaa culaysyada ay kala kulanto shaqada nadaafadda oo maalintii 10 saac oo ka mid ah qay qabato.

‘’Caqabadaha ugu weyn ee aan kala kulmo waxaa ka mid ah in aan ahay qofka kalli ah ee wax laga sugayo oo xaafadu ay ku tiirsan tahay. In aan u soo shaqaynayo dad aanan garayn, waligayna aanan arak. In aaan mararka qaar tago shaqada aniga oo xanuunsanaya oo aan ka baaqan karin si aan u garab istaago hooyada iyo walaalahay.’’

Waxay sheegtay Laki in culayskan shaqo iyo masuuliyadda reerkeeda ay dusha saaratay, markii bishii Febraayo ee sanadkan ay isfureen labadeeda waalid. Xaaladdaas oo baylah ka dhigtay carruurta la dhashay iyo hooyadeed oo guri-joog ah.

Dhibaatadan qoyskeedu dhexda ka galay wuxuu sababay in ay wayso $15 oo ay ku dhigan jirtay iskuulka sare ee Gacan-libaax. Aabbeheed oo dabbari jiray lacagtaas iyo tan nolol-maalmeedka qoyskeeda ayay sheegtay in uu ka goostay biilkii uu siin jiray.

Intaas waxay ku dartay in ay ku rajo waynayd dhamaynta dugsiga sare si ay ugu biirto kulliyadda injineerinka oo ay jeceshahay in ay ku taqasusto. Inkastoo aysan duruuftu u saamixin, haddana kama aysan rajo dhigin.

Nimco Cali Xassan waxay iskuulka ka hartay bishii sagaalaad ee 2024. Gabadhaan oo 17 jir ah waxay lix bil, kaddib shaqo ka billowday Meherad weyn oo ganacsi oo magaalada Hargaysa ku taalla.

Waxay sheegtay in lacag $140 oo bishii ay ka qaadato ay ku maarayso cunnada iyo waxbarashada afar walaalaheed. Ujeedkeeda ugu weyn ayaa ah in dhaqaale la’aantii ay waxbarashada uga hartay aysan ku dhicin kuwa ka yar yar.

“Awood la’aan ayaa waxbarashada iga reebtay iyo wax lagu sii wado in la heli waayay. Markii fasalka tooddobaad aan ka baxayay oo sideedaad galayay ayaan ka tagay. Haddii aan awoodo waa ku noqon doonaa, laakiin maadi iyo diini dhexda ayaan uga haray.’’

Nimco oo ah qofka kalli ah ee qoyskooda u shaqaysa ayaa sheegtay in aabbaheed uu geeriyooday, iyadoo yar, hooyadeedna ay agoonimo ku soo korisay.

Waxay xustay in markii hore ay hooyadood ku biili jirtay lacag yar oo ay ka heli jirtay miis yar oo ay dhigan jirtay waddada dhinaceeda, kaas oo ay saaran jirtay khudaar, balse uu ka baaba’ay ganacsigaasi.

Inkastoo aysan wada dabooli karin baahiyaha reerka sida ay sheegtay, haddana waxay tilmaamtay in qaybta ay dabarto ay qoyska caawisay.

‘’Maaraynta qoyskayga waxay iiga dhigan tahay wax aad u weyn. Ma wada buuxin haddana wax ayaan ku taraa. Sanadkaan aan joogo waad arkaysaa waxkasta waa qaali, haddana waxaan awoodo ayaan isku gaarsiiyaa. Wax walba aniga ayay i sugayaan meeshii banaan waa in aan buuxiyaa. Bar waan daboolay inta dhimanna Allah ayaa daboolaya.’’

Nimco ayaa sheegtay in helitaanka shaqadaan ay ku bixisay $20. Dhowr meel oo ay tagtay, markii damiin lagu xiray waxay ku qasbanaatay in ay raadiso haween lacag ku qaata si ay qofka shaqo u geeyaan, kuwaas oo ku xariiriyay dadka leh ganacsiga ay ka shaqayso.

Dhallinyarada waxbarashada ka haray waxay joogto uga cawdaan shaqo la’aanta iyo daruufo nololeed ee ku gadaaman mustaqbalkooda iyo tan reerahooda.

Shukri Maxamed oo markii ay dugsiga dhexe ka baxday awoodi waysay in ay u gudubta kan sare ayaa sheegtay in dantu ay ku riixday in ay farmashiye ka qabato shaqo nadaafadeed.

Afarta aruurnimo ilaa tobanka habeenimo ayay shaqaysaa maaalin kasta. Boqol dollar oo ka soo gasha waxay kala gaari la’dahay baahiyaha qoyskooda oo 7 qof ah.

Shukri ayaa sheegtay in ay degan yihiin guri ay leeyihiin oo magaalada ka durugsan, taas oo sababtay in ay helitaanka biyaha dhibaato kala kulmaan.

‘’Biyuhu waa shayga ugu adag oo aan helno, waxaan deganahay magaalada bannaankeeda. Malahan toobooyin, booyadana waa in aan saddex cishe ka hor ka dalbataa. Wax lacag ka sugis ah ama deyn bixin ahna maba lahan.”

“Haddaan ka amaahan lahayn maba kuu keenayaan bisha ama asbuuca danbe. Markaan helo shan fuusto ayaan shubaa, maaddama wax kasta loo isticmaalaya sida nadaafada iyo cunnada.’’

Waxaa qoyskeeda lagu leeyahay $1,200 oo ku gashay labo qol oo jiingad ah iyo musqul ay bilowgii sanadkaan ka dhisteen dhul ay horay u lahaayeen.

Waxay sheegtay in mulkiilaha dukaan qalabka dhismaha lagu iibiyo uu joogto u waydiisto lacagtiisa, maaddama ay markii hore u sheegeen in ay si yar yar u bixin doonaan walina aysan bilaabin.

Haweenka waxay markasta laf-dhabar u yihiin nolosha qoysaskooda. Waxay qabtaan shaqooyin culus oo qaarkood ay kula kulmaan caqabado waa weyn, balse ay ugu dulqaataan daruufaha dhaqaale ee ku gadaaman qoysaskooda awgeed.

The post Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada
(ERGO) – Boqollaal dhallinyaro ah oo ku nool xeryaha barakaca Muqdisho ayaa wajahaya shaqo la’aan sababtay in qoysaskooda ay noloshu ku adkaato. Waxay sheegeen in dhaqaale xumada haysa ay u horseeday inay awoodi waayaan barashada xirfado ay quud maalmeedka kala soo baxaan.

Axmed Cali Xasan oo ka mid ah, wuxuu sheegay in shan bil gudahood uu tagay lix meelood oo shaqooyin uu ka raadiyay, kuwaas oo looga soo wada diiday. Axmed oo 19 sano jir ah waa qofka kali ah ee u dhaqdhaqaaq qoyskiisa oo ka kooban hooyadiis, afar walaalihiis ah iyo isaga.

Wuxuu sheegay inaysan maalinkii joogto u heli karin hal mar oo cunno ah. Habeenada qaar, wuxuu la seexan waayaa carruurta ka yaryar oo gaajo la oynaya, isaguna uusan hayn meel uu wax uga keeno. Waxaa burburay rajo kasta oo uu ka qabay inuu ka gudbo culayskan.

‘’Rajadii aan barakac uga bixi lahayn waa soo dhamaatay oo korontadii waan baran waayay. Inaan xaafado biilo oon waxbarto oon rafaadkaan ka saaro iima suuragalin. Iskuulka markasta oo aan tago lacagta la igu xiro ee ugu yar oo $35 aniga ma awoodo. Arrintaas saamayn weyn ayay igu yeelatay hamigaygii ayaana ku baabaa’ay.’’

Qoyska Axmed oo tan iyo 2021 ku noolaa xerada barakac Daryeel ee degmada Kaxda waxaa xaaladooda sii adkeeyay, markii dhamaadkii isla sanadkaas ay dhaqaatiirtu hooyadiis ka soo sheegeen cudurka sonkorta oo sababay inay qaban wayso shaqooyin nadaafad ah oo ay nolol maalmeedka uga raadin jirtay.

Wuxuu sheegay in alaabo yaryar oo habeenkii uu wadooyinka ku wareejiyo uu ugu badnaan 40 kun oo shilin Somali ah ka helo. Wuxuu u aruuriyaa $20 hooyadiis bishii daawo ugu iibiyo hooyadii, taas oo ay laqdo markii ay sonkortu ku kacdo. Waxa u soo hara ayuu sheegay in aysan kaafin karin cuntada iyo biyaha.

Axmed ayaa sheegay in ilaa markii uu 15 sano jiray uu kaligiis la daalaa-dhacayo nolosha reerkooda, maaddaama uu curud u yahay agoonimana uu ku soo koray. Hadda walwalka ugu weyn ee haya waa sidii uu cunno ugu heli lahaa, hooyadiis iyo walaalihiis ka yar.

‘’Cuntada yar ayaanba dhib ku helaan oo hadda qutul daruuriga ayaa nagu yar rafaad ayaan ku jirnaa, in xitaa hal galin aan wax cunno ayaa dhacda maalinta dhan. Lows ayaan wareejiyaa mustaqbalkaygii wuu baaba’ay. Mararka qaar xaafada ayaan iska joogaa, markaan waayo lacag aan lows ku soo qaato deyntana la ii diido.’’

Axmed ayaa sheegay in shaqooyinka magaalada ay la wareegeen shirkado shaqo doonka ku xiraya shahaado iyo qof masuul ah oo damiin ka noqda, kuwaas oo midna uusan heli karin. Wuxuu xusay in xalaadan barakac ka hor uu jeclaa inuu noqdo injineer korontada ku takhasusay.

Hamigaas wuxuu dhamaaday, markii afar sano ka hor fatahaad uu wabiga Shabeele ka sameeyay magaalada Jowhar ay baabi’isay labo qol oo jiingad ah, musuq iyo beer hal hektar ah oo ay hanti ka lahaayeen. Waxay ku qasbanaadeen inay galaan xeryaha barakaca Muqdisho oo aysan ka helin nolol dhaanta tii ay ka yimaadeen.

Dhallinyarada barakacay waxay markasta isku dayaan inay bartaan xirfadaha gacanta sida korontada, farsamada taleefannada, kombiyuutarada ama tolista dharka, taas oo ay u arkaan qaabka kali ah ee ay qoysaskooda daruufaha nolosha uga saari karaan.

Cabdiqaadir Ibraahim Yuusuf waa 20 jir ku nool xerada Ceel-Qalow duleedka Muqdisho. Ninkaan ayaa sheegay in xaalada barakaca oo ay ku jireen shantii sano ee ugu danbaysay ay xirtay alaab kasta oo fursad hormarineed uu naftiisa iyo qoyskiisa ugu raadin lahaa. Wuxuu ku qasbanaaday nolol maalin la qado maalina wax yar la cuno.

“Waxaa iga hor taagan waa dhaqaalle yari qoyskaayga aniga ayay igu tiirsan yihiin hadda, markii horena waa ii awoodi waayeen in ay iga bixiyaan iskuulka, haddana farsamada gacanta ma awoodaan, waxaan nahay dad barakac ah, waxaa laga yaabaa in maalinkii hal mar aan dabka shidano mar marna aan shidan weyno oo aan sidaasi ku qadno.”

Cabdulqaadir ayaa sheegay in cunno xumada ay qoyskiisa u wehliso biyo yari. Waxay maalinkii isticmaalaan 20 liitar oo ay ka soo baryaan dad dhaama oo ka soo iibsada ceel gaar loo leeyahay oo xerada u jira 2 km. Wuxuu sheegay inaysan iyagu awoodin saddex kun oo halka labaatanle la gado. Maalmaha qaar ayaysan helin oo ay oon ku joogaan.

Wuxuu doonayaa inuu barto samaynta qalabka guryaha sida kuraasta, sariiraha, miisaska iyo armaajooyinka. Arintaan oo ilaa yaraantiisa uu ku hamin jiray ayuu sheegay in haddii uu fursad u heli lahaa uu ka mira dhallin lahaa, maaddaama uu aaminsan yahay inuu si fiican u naqshadayn karo alaabahaas.

Cabdulqaadir ayaa sheegay inuu joogto u raadiyo fursad uu ku baran karo farsamada gacanta, balse uusan helin. Labo bil ka hor ayaa ugu danbaysay oo uu booqday xarun lagu sameeyo kuraasta alwaaxa ah. Tijaabo laga qaadday kadib maalinkii xigay, markii uu yimid si loo diiwaangaliyo wxaa laga dalbaday $25 oo ah ku dhawaad lacagta bisha dhan soo gasha qoyskiisa.

“Aniga arintaas waxay igu sababtay murugo aad weyn, xaafadda ayaan iska jooggaa hadda, waa dhibaato aad u weyn oo I hortaagan si aan u barto farsamada gacanta ma aqaaan, haddii aan isku dayo in aan ku laabto deegaankii aan ka soo barakacay wali dhibaatadii way taagan tahay oo kuma noqon karo, magaalada aan joogana wax xirfad ah kuma haysto.”

Cabdulqaadir ayaa sheegay in goobo ganacsi oo shaqooyin uu ka raadiyay looga diiday. Waxaa loo sheegay inuu barakac yahay oo aan la aamini karin. Ninkaan oo ah qofka kali ah ee ay ku tiirsan yihiin qoyskiisa oo 4 qof ka kooban. Wuxuu xusay in uu nolol-maalmeedka uga soo saaro miis cabitaanka lagu iibiyo oo shaqaale uu ka yahay. Wuxuu ka qaataa maalinkii $1, taas oo cunno hal mar aan ugu filnayn.

Dhanka kale qoyskiisu waxay wajahayaan hoy xumo u horseeday inay gabaadsadaan cooshad ka samaysan teendho duug iyo maryo ay isku geyeene. Roobka xagaaga oo Muqdisho ka da’aya ayuu sheegay inaysan ka celin karin oo biyaha iyo dhaxantu ka soo gudbayaan.

Dagaallo degmada Qoryoooley ka dhacay 2020 ayuu sheegay in aabbahood lagu dilay. Saamaynta colaado iyo abaaro isku biirsaday ayay sidoo kale kaga dhinteen 80 ari ah ayna ku nacfi beeshay beertooda 3 hektar ahayd. Markaas ayay galeen nolosha barakaca oo noqotay mid aysan mahdin.

Masiibooyinka dabiiciga ah iyo dagaallada ka dhaca qaybo waddanka ka mid ah waxay da’yarta u horseedaan mustaqbal la’aan iyo inay ka tanaasulaan qorshe kasta oo nolosha ay ka lahaayeen.

Ururka Bar oo ka shaqeeya waxbarashada dadka danyarta ah ayaa sheegay in sahan ay bishii Juun sameeyeen ku ogaadeen in 400 oo waalidiin ah oo ka soo barakacay gobollo kala duwan haddana ku jira xeryaha Muqdisho ay carruurtooda u awoodi waayeen waxbarasho xirfadeed. Maxamuud Guuleed Cabsiiye oo ah gudoomiye ku xigeenka Bar ayaa sheegay inay sameeyeen dadaallo intooda badan aysan natiijo fiican ka soo bixin.

‘’Dhallinyarada dadka soo barakacay waxaa haysta caqabado badan, shaqooyinka xogsiga ah waa loo diidaa, iyadoo lagu takoorayo in ay barakac yihiin. Waxaan u tagnay shirkado kala duwan si aan ugu qancino inay qof barakaca baraan farsamo ama shaqo siiyaan, way naga diideen. Hadda waxaa la joogaa xilligii dhallinyaradaan loo kici lahaa si ay qoysaskooda uga saaraan barakaca.’’

Xeryaha barakaca waxaa jira dugsiyo hoose oo fursado ay ka heli kraan ilmaha ka ayr 10 sano. Kuwa da’daas ka weyn inta badan ma helaan goobo ay ku sii wataan waxbarashadi dhexda u joogtay ama ay ka bilaabaan mid xirfad ah.

The post Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.

Baydhabo: Dhaqaale la’aan waxbarashada ka reebtay boqollaal arday
(ERGO) – In ka badan 550 carruur ah oo ku nool sagaal xero oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxbarasho la’aan wajahaya tan iyo bishii afraad ee sanadkaan, markii UNICEF ay bishii Abriil joojisay maalgalin ay siin jirtay hay’adda maxaliga ah ee Barak oo iskuulka dhistay gacantana ku haysay.

Yuusuf Aadan Axmed waxa daruus la’aan ka ah lix carruurtiisa ah oo bilaash ugu dhiganayay fasallada 1-2aad ee dugsiga hoose. Wuxuu sheegay inuu ka murugsan yahay waxbarasho la’aantooda uusanna awoodin qarash uu ku geeyo iskuullada kale ee lacagta ah oo calaa arday laga doonayo shan dollar.

‘’Ciyaalkii duurka ayay naga galeen waxbarasho ma leh. Guriga ayay noo fadhiyaan, iskuulkii waa la xiray, dhibaato weyn ayayna nagu tahay qof cuniiisii uusan waxbarasho haysan oo duurka uu galay meel uu geeyana uusan aqoon waa dareemaysa. In iskuulka naloo soo celiyo ayaan rabnaa.’’

Yuusuf ayaa sheegay in muddadii uu iskuullku xirnaa ay carruurtu hilmaameen wixii ay barteen, taas oo khasaare iyo mustaqbal seeg ku ah. Wuxuu xusay in markii hore ay isaga sii bari jireen far-soomaaliga iyo xisaabta, maaddaama uusan horay waxba u baran.

Ninkan ayaa tilmaamay inuu ka dareemay isbadal weyn labo sano iyo bar ay waxbarashada wadeen. Wuxuu rajo ka qabay inay heer wanaagsan ka gaaraan iskuulka. Maadooyinka Soomaaliga, Xisaabta, Carabiga, Tarbiyada iyo Ingiriiska ayay si maalinle ah u qaadan jireen carruurtiisu, waxayn ahayd markii ugu horraysay oo ay wax bartaan.

Qoyska Yusuf oo 12 qof ka kooban waxbarasho la’aanta carruurta waxaa u dheer cunno xumo ay ku wajahayaan xerada Rakaale oo ay degan yihiin. Wuxuu sheegay in uusan joogto ugu awoodin raashin hal mar maalinkii.

‘’Nolosheena aad iyo aad ayay u liidataa, wax la cuno ma leh wax aan haysanana ma leh tabar iyo awoodna ma haayo. Haddii caawa wax la karsado maanta wax lama karsanayo. Nolol Ilaahay ogyahay oo qaab daran ayaa lagu nool yahay. Aad iyo aad ayaan dhib u dareemaynaa.’’

Yusuf ayaa sheegay in reerkiisa uu ku maareeyo shaqo beero falid ah oo aan markasta la helin. Maalinkii ay ugu badan tahay waxaa ka soo gasha hal dollar oo qoyskiisa oo ballaaran aan ugu filnayn cunno. Markii uu soo waayo calool marnaan ayuu xusay inuu carruurtiisa ku seexiyo.

Qoyska ninkaan waxaa sidoo kale ku adag helida biyaha. Ceel gaar loo leeyahay oo u jira 5 km ayay xaaskiisu maalinkii dusha uga soo qaadaa hal labaatanle oo labo kun laga siiyo. Markii ay lacagtaas yar waayaan ayuu xusay in dariska ay dhowr liitar ka soo baryaan si ay carruurtu ugu cabto.

Yusuf ayaa sheegay inay ku nool yihiin hal buush oo cariiri ku ah, oo ay qorraxdu ka dhamaysay bacihii u saarnaa, taas oo keentay inay qabowga iyo dabaysha xagaaga ee dhacaysa ay bannaan-yaal u noqdaan.

Reerkiisa ayaa 2022 ka soo barakacay miyiga degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, markii saamaynta abaarta ay kaga dhinteen 25 ari ah oo ay dhaqanayeen, sidoo kalena ay nacfi beeshay beer shan hektar ah oo xilli roobaadka uu raashin ku abuuran jiray.

Xirnaanshaha iskuulkan dadka kale ee ay saamaysay waxaa ka mid ah qoyska Isniino Cali Maxamed. Labo gabdhood iyo labo wiil ayaa u kala dhigan jiray fasallada 1, 2 iyo 3 ee dugsiga hoose. Fursaddii waxbarasho ee meesha ka baxday ayay sheegtay inay niyad jab ku reebtay iyada iyo ilmaheeda.

“Culayska i haayo waxa weeyaan carruurtii ayaa waxbarsho la’aan iga ah, dugsigii labadii dollar ee lagu bixinayay ayaan awoodi waynay, dugsi iyo iskuul midna ma dhiganayaan guriga ayay joogaan. Carruurtii oo waxbarsho la’aan ah meeshii aan gayn lahaana lacag aanan u hayn ayaa murugteedu igu taagan.’’

Isniino ayaa sheegtay in dhaqaale xumada haysa darteed aysan carruurteeda u awoodin in ay ku darto iskuul lacagta ah oo u jira ku dhawaad 15km, kaas oo afartooda loo sheegay inay ka bixiso $20. Waxay xustay inay markasta waydiiyeen iskuul kale inay gayso, balse ay daruuftu ka hor taagan tahay.

Haweenaydan ayaa sheegtay in waxnarasho la’aanta carruurta ay qoyska u wehliso cunno xumo. Waxay dabooli la’dahay baahiyaha aas-aasiga sida biyaha iyo raashinka. Waxay ku tiirsan yihiin caws ay duurka ka soo gurto iyo maalmaha qaar oo ay dhar soo dhaqdo ama odaygeedu uu dhagax jabin ka soo shaqeeyo.

Shaqooyinkaas waxay ka heleen ugu badnaan $2 ilaa $3 oo hal mar ay dabka saartaan, haddii ay soo wayaana qatooyo ayay ku qasbanaadaan in ay ku joogaan.

‘’Qoyska noloshiisa subax wax ayaa loo karsadaa subax waa la waayaa, habeen waa la qadaa haddana duhurkii ayaa la karsadaa haddii la helo sidaas ayaan ku nool-nahay. Ciyaal yar yar oo caano raba waa la wayayn aan aqoon ayaa nala xiriira. Caqabada i haysata waa wax la cunno iyo biyo ayaan u baahanahay.’’

Isniino ayaa sheegtay in loo haysto deyn $100 ah oo in ka badan lix bil lagu leeyahay. Dad ay raashin iyo biyo dhowr mar ka qaadatay ayay xusay inay waydiimo joogo ah kala kulmayso, balse aysan hayn qaab ay ku bixiso, maaddaama ay la daalaa dhacayso quud-maalmeedka reerka.

Haweenaydaan ayaa sheegtay in xerada ay degan yihiin ee War-miiraale aysan lahayn wax ceel biyood ah. Waxay ka soo dhaan sadaan meel u jirta 40 ilaa 45 daqiiqo oo socod ah, taas oo culays iyo daal badan ay kala kulmaan iyada iyo ninkeeda.

Isniino ayaa sheegtay in labo sano oo ay deganayd xerada aysan wax gargaar ah helin. 2023 ayay ka soo barakacday deegaanka Ceel-barde, markii roob la’aantu nacfi tirtay beer 2 hektar ah oo masago, galey iyo digir ay ku beeran jirtay.

Hay’ado caalami iyo maxalli isugu jira oo dadka barakaca ka taageeri jiray adeegyada waxbarashaada, caafimaadka iyo biyaha oo joojiyay maalgalintii ayaa dhalisay in qoysas markii hore daruufo adag oo nololeed ku jiray ay xaaladoodu sii adkaato.

Maxamed Nuur Aadan oo ah maamulaha iskuulka xirmay ayaa sheegay in muddo ka badan labo sano oo uu shaqaynayay kadib si kadis ah albaabada loogu laabay iyadoo aan wax ogaysiis hore ha la siin. Wuxuu xusay inuu faa’iido weyn u lahaa waalidiin danyar ah iyo carruurtooda. Ardayda dhigan jiray waxay isaga imaan jireen xeryo kala durugsan si ay daruusta u qaataan, maaddaama uu ahaa halka iskuul ee ku yaallay aagaas.

‘’Xerada waxbarasho la’aan ayaa ka jirta, dadkina aad ayay u niyad jabeen. Wasaarada waxbarashada, dowlada Koonfur-galbeed iyo hay’adaha samafalka waxaan ka codsanaynaa in carruurtaan waxbarashadii loo soo celiyo.’’

Maamulaha ayaa xusay inay dadaal badan ku bixinayaan sidii loo xalin lahaa caqabadan waxbarasho la’aaneed ee soo wajahday boqollaalka carruurta barakaca ah oo aysan waalidkood ka bixin Karin qarashka iskuulka.

Iskuulka Qaydar-cade wuxuu ahaa kan ugu weyn ee xeryaha ku yaalla. Waxaa ka howlgalayay afar macalin oo bishii ka qadan jiray min $150 mushaar ah, wuxuuna ka koobnaa saddex qol iyo xafiiska maamulka.

The post Baydhabo: Dhaqaale la’aan waxbarashada ka reebtay boqollaal arday appeared first on Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information.